SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
"ISBAHAYSIGA  - ARGAGGIXISADA"


Warar Deg Deg ah

Yaa Gacanta ku haya Garoonka Dayniile

Maxamed Dheere: “Maxamed Qanyare ayaa sabab u ah dagaalka waayo wuxuu fara fashadey Awood ka weyn..."

Mudane Furux: ” waa isbahaysi Ceebeed waana la dagaalameynaa..."

Dagaalkii ka socday Kuliyaddii Jaalle Siyaad oo u dhexeeyey Ciidammada Maxkamadaha iyo Isbahaysigii dhowaan looga dhawaaqay Magaallada Muqdisho ee “la dagaallanka argagixisada” ayaa mar kale cirka isku shareeray saakay, Isniin Feb 20, waxaana dagaalkan uu saameyn ku yeeshay deegaannada ku dhow-dhow halka uu dagaalku ka dhacayo iyadoo la xaqiijiyey in ay ku dhinteen 30-qof oo la sheegay in ay ahaayeen maleeshiyooyinka labada dhinac ee dagaallamaya iyo dad kale oo rayid ah oo rasaas habow ah ay goobahooda ugu tagtay.

Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa waxa uu sheegay in 3-gaari oo uu leeyahay Maxamed Qanyare Afrax ay gacanta ku dhigeen, labana ay ka gubeen, isla markaana la wareegeen guud ahaan garoonka Diyaaradaha Dayniile, inkastoo aanan hayn cid kale oo warkaasi si dhab ah u xaqiijisay.

Dhinaca kale Max’ed Qanyare Afrax ayaa weli wax war ah ka soo saarin hadalkan, iyadoo welina qax uu ka socdo deegaannada u dhow-dhow halka uu dagaalku ka socdo, adigoo arkeysid haween iyo carruur fara badan oo lug uga baxaya goobaha dirirtu ka socoto, waxaana dagaalkan uu ku soo beegmay xilli dadweynaha Magaallada Muqdisho ay kaalmo u ururinayaan walaallahooda abaarta ay ku heyso Gobollada Koonfrta Soomaaliya.

Max’ed Dheere oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa eedda dagaalkan dusha uga tuuray Max’ed Qanyare Afrax, wuxuuna yiri “Awood ayuu dulmiyay, awooddii ayaana maanta heysata, wuxuu ka helo ayuuna leeyahay” oo uu ula jeeday Awoodda Islaamka. Max’ed Dheere wuxuu sheegay in wixii dhibaato ah ee ka yimaada dagaalkaasi uu dusha u ridan doono Max’ed Qanyare.

Wasiiru dowlaha Badda iyo Dekedaha Max’ed Jaamac Furux ayaa isagoo ku sugan Gaalkacyo, una warramayay Warbaahinta ayaa waxa uu ku tilmaamay Isbahaysiga Muqdisho looga dhawaaqay mid Ceebeed oo loogu gefay Diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed “iyagoo Wasiirro ah ma ahayn in ay maanta Madaafiic la dhacaan shacabka Soomaaliyeed oo ka daalay dagaallada sokeeye”, waxaana uu intaa raaciyey “Gacmaha ayaa na cun-cunaya ee culumadu ha nagu simeen intaan ka soo gaareyno”, waxaana uu sheegay in ay dagaal la geli doonaan Isbahaysiga looga dhawaaqay Muqdisho.

Dhinaca Kale Maxkamadaha Islaamiga ayaa cagta mariyey halkii fariisinka u ahayd ninkii uu dagaalka ka billowday ee Cabdi Waal, iyagoo halkaasi ku qabsaday laba Tikniko ah iyo dhowr maleeshiyo ah, isagana lama garanayo halkii uu ku dambeeyey.

Xildhibaan Seeraar ayaa sheegay in isbahaysiga muqdisho looga dhawaaqay ay ka danbeeyaan dowlada shisheeye waxana uu intaas ku daray in hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ee isbahaysigaas ku dhawaaqay ay jebinayaan axdi qarameedkii dowladda federaalka ku meel gaarka ah isla markaasna ay doonayaan in ay baajiyaan amaba ka baaqdaan shirka golaha baarlamaanku ku yeelan doono magaalada Baydhabo 26ka bishan... Akhri hadalkii Seeraar... Guji...

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Wararka dagaalkii deegaanka Kuliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho...
iyo Dowladda Itoobiya oo soo dhaweysey Isbahaysiga looga dhawaaqey Muqdisho... Guji.... Feb 20


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2006


 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARARKA SAWIR GACMEEDYADA
:::MAGACA ARGAGGIXISADA:::

Qaybtii 2aad: Soomaaliya iyo Gabbaad Ka Dhigashada Magaca Argaggixisada!!
Qaybtan waxay ku saabsan tahay: Yaa gabbaad ka dhiganaya Magaca Argaggixisada? Guji..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD