SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
"ISBAHAYSIGA  - ARGAGGIXISADA"


  • Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka socday deegaanka Kuliyada...

  • Isbahaysi loogu Magacdarey La dagaalanka Argagixisada oo looga dhawaaqy Muqdisho ..

  • Golaha midnimada iyo badbaada oo si kulul u cambaareeyey Isbahaysiga..

  • Maxkamadaha Islaamkiga ah oo iska fogeeyay Eedeyno ka yimid..

  • Dowladda Itoobiya oo soo dhaweysey Isbahaysiga looga dhawaaqey


Xildhibaan Seeraar: isbahaysiga muqdisho looga dhawaaqay waa mid dano gaar ah laga leeyahay ayna ka danbeeyaan dowlada shisheeye...

Dagaalkii shalay ka dhacay kulliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay ciidammada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo isbahaysi shalay uun looga dhawaaqay gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga Dooxada Jubba Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar) oo ku tilmaamay in ay nimanka ku dhawaaqay Isbahaysiga Soo Celinta ammaanka iyo la dagaallanka argagixisada ay yihiin niman dano kale leh una adeegaya fikrado kale, isla markaasna ay doonayaan in ay dalka dagaallo dib ugu celiyaan.

Xildhibaan Seeraar ayaa waxa uu sheegay in hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ee isbahaysigaas ku dhawaaqay ay jebinayaan axdi qarameedkii dowladda federaalka ku meel gaarka ah isla markaasna ay doonayaan in ay baajiyaan amaba ka baaqdaan shirka golaha baarlamaanku ku yeelan doono magaalada Baydhabo 26ka bishan.

Waxa uu Mr. Seeraar intaas ku daray isaga oo sheegay in nimankaas ku dhawaaqay isbahaysigani ay qaarkood ahaayeen kuwii duullaanka u qorsheystay in ay ku soo qaadaan Isbahaysiga Dooxada Jubba xilli uu xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Waxa uu ku tilmaamay hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ee ku bahoobay isbahaysigan cusub in ay doonayaan in ay boobaan hantida shacabka, isla markaasna ay yihiin kuwo aan ka xishooneynin dhibaatada ay gaarsiinayaan dadka ay ku dul dagaallamayaan.

Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay in ay ka waantoobaan ku dagaallanka aragtida gurracan ee laga dambeeyo, isla markaasna ay ka dhabeeyaan Axdi Qarameedkii iyo ballantii ay shacbiga Soomaaliyeed u soo qaadeen.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
cabdiqadar84@hotmail.com


Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka socday deegaanka Kuliyada Jaalle Siyaad..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Feb 20, 2006

Maalintii doraad ayay ahayd markii Ciidamo ka socday Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysi la magacabaxay la dagaalanka argagixisada uu dagaal ku dhex maray agagaarka kulyadii hore ee Jaale Siyaad, waxaana dagaalkaas la isku adeegsaday huka culus iyo midka fudud, waxa uuna saameyn ku yeeshay dhamaan deegaanadii ku dhawaa halka uu dagaalku ka dhacay. Shalay oo laga cabsi qabay in dagaalku uu mar kale qarxo ayaa waxaa la dareemay jawi deganaasho ah, kaddib markii Odaal iyo waxgarad ay isku dayeen in ay u kala dabqaadaan labada dhinac, hase yeeshee markii lagu dhawaaqay isbahaysiga ayaa waxaa mar qura carro qaaday dadweynihii Magalada Muqdisho waxaana la xiray jid walba oo galayay deegaanka Deyniile, iyagoo kooxihii isbahaysiga sameytay loo diiday in xitaa ay isku gurmadaan. Iyadoo dagaalkii uu saameyn ku yeeshay garoonka diyaaradaha Diyaaradaha ee Deyniile oo ahaa garoon ay si weyn u isticmaali jireen ganacsatada qaadka arrimo la xiriira dhinaca amaanka, iyadoo diyaaradihii qaadka ay shalay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Nambar 50. Nin magaciisa diiday ayaa waxa uu sheegay in odayaal iyo waxgarad ka socday Beesha Murusade ay kulan la yeesheen Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan beesha Ceyr ayaa waxaa loo soo jeediyay in Maxamed Qanyare uu soo dhiibo Cabdi Waal, maadaama ay sheegeen in iyaga oo uu ka dhashay, Odoyashaas  dib ayay uga laabteen Max’ed Qanyare ilaa iyo haddana lama oga waxa la soo yiri. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in kooxihii dhistay isbahaysiga loo soo jeediyay in ay dib uga laabtaan isbahaysigii ay ku dhawaaqeen. Waxaa dhinacyada dagaalamaya soo gaaraya baaqyo lagala dalbanayo in dagaalka ay ku bedelaan wada hadal iyo is afgarad. Dhinaca kale labada dhinac ayaa isku hub uruusanaya iyadoo deeganadii uu dagaalku ka dhacay dadkii ku noolaa ay bilaabeen in ay ka qaxaan si ay uga badbaadaan rasaasta iyo madaafiicda la is weydaarsanayo, waxa uuna dagaalkaan ku soo beegmay xili ay dalka ka jirto abaar aad u daran iyadoo dad badana ay ku soo qulqulayaan Magaalada Muqdisho oo raadinaya wax ay afka geliyaan oo qaarkood ay ka muuqato diif iyo darxumo.

Golaha midnimada iyo badbaada oo si kulul u cambaareeyey Isbahaysiga..

Golaha Midnimada iyo Badbaada Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyay isbahaysigii shalay looga dhawaaqay Magaalad Muqdisho oo loogu magaca daray isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxayna ku tilmaameen mid la doonayo in lagula dagaalayo Diinta Islaamka.

Xuseen Siyaad Qoor Gaab oo ah xoghayaha golahaasi oo shalay u waramay warbaahinta ayaa waxa uu u soo jeediyay kooxihii ku dhawaaqay isbahaysigaasi waayo waqtigaan looma baahna in Ummadda Soomaaliyeed loo abaabulo dagaal iyadoo la og yahay in dalka ay haatan ka jirito abaar.

Guddoomiyaha Golaha Midnimada iyo Badbaada Shiikh Xasan ayaa isna waxa uu sheegay in isbahaysigaani uu yahay mid la doonayo in lagu ugaarsado culumada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay ka dambeeyaan shisheeye.

“Culumada Soomaaliyeed gaar ahaan Suufiyadda waa kuwii dalkaan u horseeday in diintu ay ku fido isla markaana shacabka Soomaaliyeed uu noqdo 100% muslim marka culumo kala qaybsan ma jirto, waxayna Soomaalidu tiraahdaa Duud culumo waa wada xariiraa” ayuu yiri Shiikh Xasan Dheere oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka feejignaadaan kooxahaasi oo uu sheegay in mudo 15 sano ah ay ku hayeen dhibaato maanta ay caddeysteen in ay la dagaalamayaan Diinta Islaamka iyo Culumada Soomaaliyeed.

Dowladda Itoobiya oo soo dhaweysey Isbahaysiga looga dhawaaqey

Dowladda Itoobiya oo inta badna gacansaar la leh hogaamiyaasha kooxaha ayaa war ka soo baxay Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Itoobiya waxaa si weyn looga soo dhaweeyay isbahaysigii looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho oo loogu magacdaray la dagaalanka argagixisada.

Dowladda Itoobiya waxa ay sheegtay in isbahaysigani uu wax ka tarayo in uu ka hortago waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada ah ee ku sii fidaya geeska Afirka. Dowladda Itoobiya la dagaalanka argagixisada Soomaaliya waxay sanadkii ku qaataa lacag gaareysa 17-Milyan oo Dolar iyadoo lacagta qaarkeed hub loogu soo iibiyo hogaamiyaasha kooxaha ee sida weyn iyada u taageersan gaar ahaan kuwa ku jira dowladda.

Maxkamadaha Islaamkiga ah oo iska fogeeyay Eedeyno ka yimid..

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iska fogeeyay eedeemo ay u soo jeediyeen kooxihii shalay ku dhawaaqay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada kaasoo ahaa in Maxkamadaha Islaamiga ah ay ka dambeeyaan dilalka loo gaysanayo aqoonyahanada, Saraakiisha iyo dadka kale ee muhiimka u ah bulshada, waxayna maxkamaduhu ay sheegeen in dilalkaasi ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan kooxihii shalay ku dhawaaqay isbahaysigaasi.

“Ummadda Soomaaliyeed 100% waa Muslim nin muslim ahna kama suuragasho in uu dilo walaalkii oo Muslim, sidaa darteed bulshada ayaa taqaana cidda ka dambeysa dilalkaasi” ayuu yiri Shiikh Shariif oo intaa raaciyay “Bulshadu haatan waxay diyaar u tahay in ay iska dhiciyaan kuwii 15-kii sano hor taagnaa oo ku hayay dhibaatada isla markaana la saftay Gaalada.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in Maxkamadaha Islaamiga ah ay bulshada Soomaliyeed ay og tahay waxyaabihii ay u qabteen mudadii yareyd oo ay dhisnaayeen, isagoo sheegay in cid kasta oo ka hor timaada Diinta Islaamka ay la dagaalami doonaan.

Masjidka Shiikh Cali Suufi oo ay ka bilaabatayis qorista Dadka doonaya in ay Jihaadka

Masjidka Shiikh Cali Suufi oo ka mid ah Masaajidda ugu waaweyn Magaalada Muqdisho ayaa markii ay maqleen kooxo sheegay in ay la dagaalamayaan Muslimiinta Mintidka ah isla markaana sameystay isbahaysi la magac baxay la dagaalanka Argagixisada, ayaa Culuma’u-diinka masjidkaa waxay iclaamiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay u diyaar garoobaan jihaad ay la galayaan kooxaha caddeysay in ay la safteen Gaalada, waxayna ugu magacdareen (Kooxda Ashaahado la dirirka).

Masjidka oo haatan ka bilaabatay Is diiwaangelinta dadka loo qorayo Jihaadka ayaa waxaa haddana barbar socday banaanbaxyo ka dhan ah isbahaysigaasi waxayna ku dhawaaqayeen dadkii Banaanbaxayay “Dooni meyno kuwaa l saftay Gaalada” “dooni meyno kuwa taageeray ninkii Nabigeena Subaanahaa Caayay” iyo ereyo kale oo la mid ah.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa si weyn ula yaabay isbahaysigii doraad looga dhawaaqay deegaana Deyniile oo la magacabaxay Isbahaysiga la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Isbahaysigaan oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka iyo rag ganacsato ah oo caan ka ah Magaalada Muqdisho ayaa la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.

Isbahaysi loogu Magacdarey La dagaalanka Argagixisada oo looga dhawaaqy Muqdisho ..

Feb 19, 2006

Kulan shalay ay ku yeesheen deegaanka dayniile ee duleedka galbeed ee magaalada muqdisho rag isugu jira hogaamiye kooxeedyo iyo ganacsato ayaa looga dhawaaqay isbahaysi dagaal oo ay sheegeen inuu la dagaalamayo waxa ay ugu yeereen kooxaha xag jirka ee ajnabiga ku daaban.

::CODSI GARGAAR DEGDEG AH::
Calasey “Ninkaygii oo Kawaanle ahaa baa sidaan ii galay oo aan ku waayey labadeydii Gacmood” Guji...

Ragaan ku dhawaaqay ishahasiga oo ay ugu cad cad yihiin hogamiye kooxeedyada wasiirada ka noqday dowladda FKMG ah ayaa waxaa ka mid Muuse Suudi Yalaxow oo ah Wasiirka ganacsiga, Maxamed Qanyare Afrax oo ah Wasiirka Amniga, Bootaan Ciise Caalin oo ah Wasiirka hub ka dhigista maleeshi yooyinka, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumaar Finish) oo ah Wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta, Ganacsade Bashiir Raage Shiraar, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), Cabdi Shukri Cali Xirsi, Cabdi Ciise iyo rag kale ayaa shalay ku dhawaaqista ay ku dhawaaqeen isbahaysigaan waxay ku soo beegan tahay uu dagaal u dhexeeya kooxo maleeshiyo ah oo ka amar qaata Max’ed Qanyare Afrax iyo maleeshiyo taabacsan Maxkamadaha Islaamka.

Max’ed Qanyare, Muuse Suudi, Bootaan Ciise, Cumar Finish iyo Il-Qeyte oo kulanka Deyniile kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ujeedada loo aasaasay isbahaysigaan uu yahay siday ula dagaalami lahaayeen waxa ay ugu yeereen kooxaha xakjirka ah ee dhibaatada ka wada dalka gaar ahaan Magaaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in ay la gali doonaan meel kasta oo ay galaan.

Waxa soo dedejiyay isbahaysigaan ayaa ilaa iyo haatan la garaneyn, hase yeeshee dadka Siyaasadda odorosa ayaa waxay leeyihiin waa boor isku qaris ay ku doonayaan in ay caqabad ku noqdaan shirka 26-ka bishan ka furamaya Magaalada Baydhabo oo ay isugu imaanayaan xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2006


 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARARKA SAWIR GACMEEDYADA
:::MAGACA ARGAGGIXISADA:::

Qaybtii 2aad: Soomaaliya iyo Gabbaad Ka Dhigashada Magaca Argaggixisada!!
Qaybtan waxay ku saabsan tahay: Yaa gabbaad ka dhiganaya Magaca Argaggixisada? Guji..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD