SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 BUGGA GUURKA ISLAAMKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

 Dhismaga Qoyska Islaamka

WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Waa buug kusaabsan guurka iyo dhismaha qoyska Islaamka, akhristayaasha SomaliTalk waxaan halkan ugu soo gudbin doona gebi ahaan buugaas oo qayb qayb ah, insha Allah, waana kan hordhicii buuga:

HORDHAC

Ammaan iyo mahad idilkeed waxaa mudan Allaah, ka nabad ahaansho xumaan oo idil iyo Naxariis Allena korkiisa ha ahaato imaamkii Anbiyada iyo Rususha Nebigeennii Muxammad iyo ehelkiisii iyo asxaabtii dhammaantood.

Intaa kadib: Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam (SCW) wuxuu yiri: "Qofkii Alle Subxaanahuu Watacaalaa (SW) uu la doono khayr wuxuu fahamsiiyaa diinta"

Marka diinta lafaham siiyana waxaa u suura galaysa inuu guto oo sifiican ula yimaado muhiimaddii loo abuuray, ee ahayd caabudidda Alle SW iyo kudayashada Xabiibkeenii iyo Rasuulkeenii Muxammed SCW.

Allaah S.W. Wuxuu kitaabkiisa Qur'aankaa noogu cadeeyey wax walba ee Rasuulka noola yimid in aan qaadano, sida uu Nebiga SCW ula yimidna aan u fulino, wax kasta ee Rasuulka naga reebayna aan ka harno, sidii uu nooga reebayna aan uga harno. Waxay liibaanteena iyo maslaxadeena ay ku jirtana waa inaa arimaha noocaas fulino, oo aan ku dayano Nebiga, oo awaamirtiisa qaadano, wax yaabaha uu naga reebay dhamaantoodna aan ka tagno. Allaah hadduu qadaro SW waxaan ka hadli doonaa masaa'il ku saabsan jaanibka guurka. Masaa'ilkaas oo ay dad badan oo muslimiin ah ay doonayaan bal inay wax ka ogaadaan. In kastoo runtii ay jirto dadka muslimiintaa in laga kari layahay waxaa martaan dariiqa Alle mara la'idin ku yiri, oo Nebiga raaca SCW, oo mas’alo walba oo maanta nasuusteeda lagu sheego ama siday tahay loo bayaaniyo dadka inta qaadanaysa, oo ku qancaysa aad ayey u yaryihiin. Taasna waxay noqotay arin dhibaato badan keentay, waxayna dadka maalin walba doonayaan bal in laraadiyo qiil iyo waxaan diinta shaqo kulaheyn. Arinkaas asagaa arin loo baahan yahay ma'ahan.

Waxay dadkii garan la yihiin sida loo guursado. Waxay garan la yihiin habka gabadha guriga loo geeyo. Waxay garan la yihiin sida loola dhaqmo marka inanta guriga la geeyo. Waxaas oo idil waxay ka dhasheen in ay dadka ka fagaadeen mabdi'ii Rabbi ugu tala galey in ay ku socdaan. Xuquuqda zowjeeynka ay isku leeyihiin raga iyo dumarka in badan marka laga waramo dadka waxay u qaadanayaan wax adag, oo aan la sameyn karin, diintiinta islaamkana lagu atkeeyey. Waxa la sheegayanna waa nasuus kaliyah.

Marka laga waramo waqtiga guurka la doonayo, sida inanta reerkeeda looga doonayo, iwm, ama habka curuuska loo dhigaayo waxaa arkaysaa dadkii inay aad uga dhago la’yihiin, oo ay diidayaan. Marka bacdamaa ay dadku halkaas taaganyihiin, waxaa nafsadayda iyo muslimiinta kalaba ugu nasteexey nayaa dhowrkaan arimood:

1. Waa inaa Rabbi kabaqanaa marka ugu horeysa.

2. Waana inaa nafsadeena ku qasabno wax walba oo Alle noodiray in aan nala ka weyn haba karaahiyeysato nafsadeenee.

3. Wax kastoo Alle naga reebayna aan nala ku arkin.Waana inaa nafsadeena ku qancino sunadda Nebiga mooyaane wax kaloo maslaxo noogu jirto in aan la arag.

WAXA IGU KALIFAY INAA KITAABKAAN QORO

Waxaa igu kalifay inaan kitaabkaan qoro dhowr qodob, oo kamid ah:

1) Waxaan Alle SW karajaynayaa inuu ka dhigo qayb muhiim ah, oo ka mid ah meelaha aan ajarka ka helayo, waa haddii aan noolahay iyo haddii aan dhintaba. Waqtigaas oo ah marka sida wayn loogu baahan yahay meel wax khayr ahi kaasoo galaan, siduu Xabiibkeenii SCW yiriba: "Qofkii dadka cilmi bara wuxuu leeyahay ajarka qofka ku camal fala oo kale, iyadoo aan qofka camalka falay ajarkiisa waxbana laga nusqaaminayn"

Waxaana aan rajaynaa in Alle uu igu daro oo aan ka mid noqdo dadka soo hoos galaya xadiiskii Rasuulku SCW uu ku yiri: "Qofka dadka khayrka bara waxaa Alle dambi dhaaf u waydiiya wax kasta, xataa kalluunka badda ku jira"

2) Aniga oo indhahayga waxbadan ku arkay sida ay ummaddii Soomaaliyeed u guursadaan, ama kolkay guursadaan sida ay gabadha ula dhaqmaan taasoo ah wax kaduwan ama aan shaqo ku lahayd diinta Islaamka.

3) Maanta dhalin yaro badan gabdho iyo wiilalba dhamaantood waxay doonayaan inay guursadaan, laakiinse aan fooda galin karin waayo waxaa guurkii laga dhigay wax adag isagoon adkayn, sababtoo ah waalidkii inanta dhaliy ama inantii ayaa doonaysa in curuuskeeda loodhigo si aan caadi ahayn, ayagoo fikradaa kaga dayanaya gaalada ay dhex daganyihiin ama kuwa dariska la ah.

2) Sidoo kale, dad badan oo waxaa jira doonaya inay guursadaan, oo masruufkii inanta diyaar la ah, laakiinse aan arkin qof qanciya xaga diinta, iyo xaqa aqlaaqda. Amase aan aqoon dariiqa saxda ah oo loomaro sida looguursado, oo ku dhahaaya markaa waydiisid wuxuu ama waxay u guursan waayeen: “I’m looking for the right person!” oo micnaheedu ay tahay: “waxaan raadinayaa qof I ganciya.” Laakiinse qofkii uu raadinayey uu ag joogo, balse uma jeedo oo waa ka indho maranyahay, taasna waxaa ugu wacan meesha loomaro ayuuna aqoon, iyo sida qofka wanaagsan loo raadsado.

Gallada iyo towfiiqda Allaha ummada soomaaliyeed waafajiyo..aamiin. Waxaan ku raja waynahay in ay ummada soomaaliyeed aad uga faa’ideysan doonaan kitaabkaan (insha’allah). Waxaan ka codsanayaa walaalkeygii ka helaa wax uun faa’ido kitaabkan, inuu ii soo duceeyo aniga, oo u duceeyo waalidkey, qaraabadeyda, macallimiinteyda, saaxiibbadey, iyo dhammaan Muslimiinta.

La soco casharka danbe insha'allah!

Talo iyo tusaale kusoo hagaaji: 
  Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2003


XUSUUS:
Dhammaan goobaha uu qoraagu kasoo xigtey macluudaaka iyo xigmadaha qoraalkan taxanaha ah ee Qoyska & Guriga Islaamka waxaan ku daabaci doonaa casharka ugu dambeeya ee qoraaladan,  waa marka ay dhamaadaan, markaas ayaan si waadax ah u xusi doonaa meelaha xigashada, insha Allah.


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.