MARKA CURUUSKU DHACAAYO WAXYAABAHA
LOO BAAHANYAHAY Qaybtii
8aad ee Qoyska iyo Guriga Islaamka
WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Asalamu aleykum,
Waliinimada laguu sheegayo waxa weeyaan ninka iyo
haweenta marka la’isku guri geynaayo ama la’isku mehriyo waxaa layiraahdaa
"Waliimatu Curfi". Culumda Islaamku badankoodu waxay leeyihiin waa sunno,
waxayna u daliilsadeen Nebiga C/raxman bin cowf wuxuu ku yiri: "Waliimo
keen ri’ba Allaha kadhigee" waa xadiis saxiix ah. Laakiin culumdu
waxay yiraahdeen qaarkood waajib waaye Nebigu amarbuu ku bixiyey waligiina
kama tagin. Waxaa la moodaa haddaa shan ari laqalin oo aan sagaal fanaan
loo soo yeerin, oo aan meesha ciyaal suuq oo dhan iskugu imaanin inaan
gabadha la’aroosin. Walaalayaal arintu saas ma’ahan, ee curuusyadda
qaarkood in timir laga bixiyo, curuusyada qaarkood in muufo iyo maraq laga
bixiyo, gabalna waa in ari laga qalo, gabalna waa in laga bixiyo xalwo iyo
buskut. Saas ayaa ladoonayaa israafka waa in la’iska ilaaliyo.
Waxaa kaloo ladoonayaa waxa waaye siduu Nebigu sheegay
SCW: "Hala saaxiibin ilaa qof aan mu’min ahayn, cuntadiina yuusan cunin
qof aan taqi aheyn".
Sharciga Islaamka saas ayuu oranayaa waayo cuntadu
waxay u qaybsantaa sida tan: mid waxaa layiraahdaa "Dhacaamul Xaaja", waa
qofka dhibaataysan in wax lasiiyo. Ammaa cuntada "Fadhiiladaa" iyo wanaaga
loogu talagalay iyo farxada, dadka Rabbi ka cabsaday maahane dad kale in
loogu yeeraa looma baahna. Wixii iyagu iskayimaada yaan lacayrinin,
laakiin dadka loo yeeraayo dadka Alle ka cabsada ee masaakiinta ah, ee
muslimiinta ah waa inay noqdaan, iyo dadka ayagu guriga leh. Waxay
culumadu sheegayaan gabarta reerkeeda iyo wiilka reerkiisa wax ka mida
meesha way imaan karaan, laakiin waxaa ladoonayaa dadka Alle yaqaan oo
munkarka ka dheer inay yihiin.
Maanta arrintaas waa la la’yahay, dadkii adduunbaa ka
qaalib noqday, oo diin gacanta kuma hayaan say u badan yihiin. Bal haddaa
tiraahdo arrintaa yaana lasameynin, waa mid adag oo lamasameyn karo ayaa
dadkii maanta ka soo horeysa. Haddii maanta arrimahaas la’isku dayi lahaa
wax walba Alle wuu noo fududeyn lahaa.
Rasuulka SCW ruwaayad Bukhaari iyo Muslim ku sugan
haweenkiisa mida ugu badneyd oo walinimada loo sameeyey Zeynaba ayey aheyd,
hal ri ayaana laqa qalay. Saas ayeyna aheyd ee Rabbi ka cabsada oo waxyar
walinimda ka dhiga hana ku israafinina. Waxaa ka dhigtaan wax dadka meesha
jooga kala gaara oo aan ladaadin, oo aan xadgudub ku jirinin ka dhiga.
Gabartu gaari halagu qaado way fiicantahay iyo gabdho
kale waana lasamayn karaa, laakiin waxaa fiican gabadha muslimadaa in
guriga lagu aroosinaayo loo lugaysiiyo (waa haddii ay tahay meel loo
lugeyn karo), si halkaa loogu muujiyo tawaadica iyo wanaaga, aanna u
noqonin dadka adduunka caabudaya.
Ayaamahaan danbe ninka waxaa lagu soo qaadi shan gaari,
gabadhana labaatan, dad waxaa soo raacaya faasiqiin ah. Walaalayaal waxaan
diin ma’ahan ee Alle ka cabsada. Dadka walaalaha ah oo muslimiinta ah
hadday gawaari haystaan oo lagu saacido lacag la’aan wax dhib ah malahan,
laakiin lacagtaan takaasida ama lamaziinada lagu soo kireynaayo diinta
idiima dirin, ee idinkuna ha isku kalifina. Walaalayaal ha umaleynin inaan
idinku adkeynaayo ee xaqaa saasa oranaya "Ilaahey dadka musrifiintaa
majecla". Muslimiin walaalihiina ayaa jeelal ku jira, Ilmo ogoona ayaa
jira, gabal ayaa arradan, ku bixiya ee haku ciyaarina xoolaha waa haddaa
kheyr doonaysaan.
WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|