HADDII WALI LAWAAYO MAXEY GABADHU
SAMEYNEYSAA?
Qaybta 3aad ee Qoyska & Guriga
Islaamka.
WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Asalamu aleykum,
Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Haween alle
haweentii guursata waligeeda oo idmin nikaaxeedu waa baadil, nixaakeedu
waa baadil, nikaaxeedu waa baadil.”
Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Ninku
haduu dhuunto oo uu haweenta jameec ugu tago, meherbey ku leedahay maxaa
yeelay farjigeeduu xalishay, laakiin meher ma jiro.” Sidoo kale Rasuulka
SCW wuxuu yiri: “Hadday reerkii gabadhu ka dhalatay ay ka reebtoonaadaan
inay gabadha bixiyaan, oo ninka soo doonaya, oo diinta leh ku mehrin
waayaan, waxaa gabadha mehrinaaya ninka qaaligaa ama xaakimka ee makaanka
jooga.” Laakiin hala masaafeysta iyo halala cararo ma’ahan waayo
Rasuulka SCW amarbuu ku bixiyey. Nin diin leh, aqlaaq iyo dabci fiican leh,
haduu gabadha soo doono, oo ayada raali ku noqoto waan in la siiyo, waa
waajib mana ladiidi karo. Haddii la diidana gabadha hortiisaa lagu
meherinayaa.
Waxaa diinta islaamka noo cadeysey inaan
la ogoley guurka hadii aan wali jirin. Gabadha haddaan wali bixinin inaa
nikaaxeedu aan ansaxeynin waxaa ku tagey dadka ahlu cilmigaa badankooda,
asaxaabta Nebiga. Waxaa ka midah raga arintaas aad uga waramay: Cumar Ibnu
Khadhaab, Ali Ibnu Abii Dhaalib, Cabdulaahi Ibnu Cabaas, Abuu Hureyra Ibnu
Cumar Ibnu Mascuud, iyo Caa’isha. Waxayna asaxaabta kuligood qabeen
sidaa. Waxaa ku tagey arintaas oo taabiciyiin ka mid ah ayaguna aad u
cadeeyey: Saciid ibnu Mutayar, Hassanul bidri, Shureec, Ibraahiimu naqaci,
Cumar Ibnu C/casiis iyo rag kale. Raga fuqradaa waxaa sidaa ku dhawaaqay,
oo ku taagtaagsadey iyaguna raga layiraahdo Sufyaanu Zowri ow saaci, C/laahi
Ibnu Mubaarak, Shaafici, Ibnu Shukruma, Ahmed buni Xambal, Isxaaq, Ibnu
Xamzi Ibnu Abii Leyla, Dhabari, Dowci, iyo rag kalaba. Waxay dadkaa
muslimiintaa isku daba galeen in gabadha wali inuu bixiyo loo baahanyahay.
Sidoo kale waxaa u baahan in ayadana la
ogaado in ayna gabadha baaliqada oo qaan gaartay nafsadeeda bixin karin,
naf kalena ma bixin karto, ee walaayada waxaa qaadaya nin.
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|