Asalamu Aleykum. Kanni waa casharkii 14aad ee Dhismaha Qoyska Muslimkaa.
WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
TARBIYADA CARUURTA
Islaamku wuxuu dadaal xoog leh ka geystay inteysan
caruurta adduunka imaaninba, wuuna u sii gogol xaaray. Waxaana ka mid ah
tusaale ahaan qaabka caruurta loogu dadaaley inuu Ilaahey SW jideeyay
jidkii ilmuhu ay ku imaan lahaayeen. Guurka oo dhex maraaya bini'aadamka,
guriga la dhisaayo, ee labada ruux aabaha iyo hooyada dhex maraaya, ku
ligood u jeedada laga leeyahay waxa weeyaan ee ugu muhiimsan sidii ilmo
meeshaa uga imaan lahaayeen, waa u jeedada ugu weyn ee guurka laga
leeyahay. U jeedooyin kale guurku waa leeyahay waxaana ka mid ah: (1) In
labada ruux oo is guursaneysa ay guri wada dhistaan oo ay ku xasilaan, oo
midba midka kale wahelsado, oo nolosha ay qeybsadaan. (2) In shahwadii iyo
baahidii labada ruux isku qabeen ay isku gutaan. Waxaas oo dhan waa u
jeedooyinka guurka laga leeyahay, laakiin waxaa kuli isku fuuq fuuqsaday
oo ugu muhiimsan in meesha ilmo laga raadiyo. Beerta la tabcaayo, oo
miraha laga goosanaayo waa ilmaha.
Sidaa daraadeed ayaa Ilaahey SW ka dhigay ilmaha
bini'aadamka la siinaayo in ay nimco weyn tahay, ee Ilaahey SW uu dadka
siiyey. Rabbi wuxuu quraankiisa ku leeyahay: "Ilaahey wuxuu idinka yeelay
naftiinna haween wuxuuna idinka yeelay Haweenkiinna caruur iyo farac
idinkuna arsaaqay wanaag"
Sidaa daraadeed buu Ilaahey SW wuxuu inoogu sheegay
adoomadiisa wan wanaagsan markuu tilmaamaayey baryadey Ilaahey ku baryaan,
Ilaahey wuxuu yiri: "Ilaahayow nagasii (naga tusi) Haweenkanaga iyo
Caruurtanada wax ishu ku qabowsato, noogana yeel kuwa dhawrsada imaam"
Caruurta marka guurka dhan iyo guriga la dhisaayo u
jeedada ugu weyn oo laga leeyahay waaye. Saas daraadeed ayuu Nebigeena SCW
wuxuu yiri: "Waxaa guursataan Haweenka kuwooda dhalmada badan, oo haddana
ragooda isjecleysiinta badan aadn u dhala." Ku waas guursada ayuu yiri
Nebiga SCW. Sababta loo guursanaayo waa iney caruur badan idiin dhalaan,
caruurta badan u jeedada ka danbeysana waa in barito ummada Nebi Muxamed
SCW aad badisaan. Waayo markey Nebiyadu Aakhiro isku yimaadaan, oo Nabi
walba ummada raacsan iyo dadkiisa uu tirsanaayo oo ku xisaabtamaayo inaa
ummada Nebiga SCW badisaan. Sidaa darteen haweenka aad u dhala ee dhalmada
badan guursada Nabiga SCW yiri.
Mar haddii sidaas layiraahdey, oo ilmaha u jeedada ugu
weyn ee guurka iyo guriga la dhisaayo ay yihiin, waxaa lagama maarmaan ah
ilmaas in marka lagu dadaalo. Sidee loogu dadaalaayaa? Waxaa loogu
dadaalaayaa marka horaba badintiisa halagu dadaalo ayaa layiri.
Barnaamijkaas oo Islaamku qabo oo ilmaha hala badiyo ah wuxuu ka hor
imaanaayaa waxey ay yiraahdaan reer galbeedku "qorsheyta qoyska." Yacni
famile-ka oo ilmihiisa la yareeyo. Ama cirbad hala isticmaalo ama qorsheyn
kale hala isticmaalo.
Mucjisooyinka ayaamahaan danbe la arko waxaa ka mid ah:
reer dhan oo 25 sano is qabay oo labo ilmood kaliya haysta. Qorshahaasna
waa qorshe gaalo ka danbeyso, falkaasna sharciga Islaamka ma waafaqsana ee
hala iska ilaaliyo. Marka waxaa la rabaa in caruurta la badiyo waayo
risqigooda Allaah ayaa ka faalo qaaday adiga kuma saarna.
Waxaa kaloo ayaduna uu sharciga Islaamka la dagaalamey
jid walba oo keeni karaya qaabka caruurta ku imaanayaan iney xumaadaan.
Tusaale ahaan waxaa ka mid ah jidadkaas in Zino la iskugu tago. Sababta
Zinada uu sharciga Islaamka ku diidayna waxa weeyan waxey keeneysaa iney
dadka dhalmadoodii iyo caruurtii iney baaba’do. Sidee ku baaba’eysaa?
Waxey ku baaba’eysaa labada ruux markey guri yeeshaan, oo ay isguursadaan,
ilmihii dhex dhasha waa ilmo hooyadiisna naxariis u hayso, aabihiina
xanaanadiis iyo ka war heyntiisii iyo cuntadiisii u diyaar yahay. Laakiin
labo intey meeshaa iskugu tagtay ilmo ka dhexyimid, ilmihii banaankaa ayaa
lagu tuuray, markaasna ilmihii way dayacmayaan. Kabacdiina ilmo badan oo
aabo la’aan ayaa dhalan, dabadeedna waxaa soo baxaaya caruur ama mujtamac
dhan oo xanaano la’aan ah, oo wax daryeelaya iyo wax ka war haaya aysan
jirin. Marka dadka noocaas oo kale sideyna u imaanin ayuu sharciga
Islaamka wuu ku dadaaley ineysan imaanin ilmo aan sharci ku dhalan.
Waxaa kaloo ka mid ah dadaalka uu Islaamku uu ku bixiyay
ilmaha intuusan imaanin oo uusan dhalanin ayaa waxaa la yiri: Ha loo sii
diyaariyo meeshii wanaagsaneyd oo uu imaan lahaa. Yacni hooyo wanaagsan
hala guursado, yaana hooyo walba lagu dhicine. Hooyo diin leh oo akhlaaq
leh waa inuu ruuxu guursado. Nebigu SCW wuxuu oranaayaa: “Haweeneyda waxaa
loo guursadaa afar ka mid ah: (1) Inay haweeney quruxsan tahay, (2) Inay
haweeney qoys fiican ka dhalatay tahay, (3) Inay haweeney dhaqaalo haysata
tahay, iyo (4) Inay diin & akhlaaq leedahay.” Laakiin intaa oo dhan waxaa
isku fuuqsanaay waa diinta, ee mida diinta leh gacanta ku dhig. Waayo
ilmahaada imaan doona dhabtii uu ku barbaari lahaa iyo cidii gacanta ka
qaban lahayd waa hooyadii.
Marka haddii hooyadii hala hagaajiyo la yiri oo diin
halagu doorto, meeshaas waxay ku tuseysaa Islaamku ilmaha intuusan
dhalinin inuu gogosha u sii xaaqay, oo u sii diyaariyey. Aabe iyo hooyo
wanaagsan markii ilmihii loo xulo, intuusan ilmaha uurka galinba aabaha
waxaa laga doonaayaa intuusan hooyada u galmoon inuu shaydaanka ilmaha ka
naaro. Nebiga SCW wuxuu yiri: “Ilamaha shaydaanka ha looga xirsi xiro” oo
ha dhaho: Ilaahow shaydaan naga fagee, waxa aad nasiineysano oo ilma ahee
dhexdeena ka abuureysana shaydaan ka fagee.
Inta uu ilmaha uurka hooyo ku jiro, aabaha waxaa
mas’uuliyad saaran inuu hooyada nafaqeeyo, oo uu bil-keeda bixiyo,
marashadeeda bixiyo, iyo wax alaale wixii hooyadaas uurka ilmaha ku wada u
baahantahay aabaha ayaa laga doonaayaa. Ayadiina waxaa laga doonaayaa
culeyskii ayey wadaa, waayo mar waa walac, mar waa xanuusaneysaa, mar waa
umuleysaa, mar way nuujineysaa, mar ilmaha dheebarka ayey ka badaleysaa,
iwm. Aabihiina wuxuu ku maqan yahay iyada nolosheeda iyo isaga noloshiisa.
Waxaas oo dhan waxa la doonaayo, oo laga shaqeynaayo waa ilmaha
tarbiyadiisa.
Sidaa daraadeed markuu ilmaha uurka galo, oo uu uurka ku
abuurmo, sharciga Islaamka waxaa banaaney in ilmahaas la dilo. Ilmahaas in
uurka laga soo tuuro marnaba ma banaana. Sababta aan loo dili karina waxa
weeyaan mar hadduu ilaahey meeshaa ku abuuray xaq sidii ruux bani’aadam oo
kaluu leeyahay. Ruuxii xataa markaas dila sharciga tilaabuu ka qaaday.
Waayo Nebiga SCW waxaa la weydiiyey: Danbi la galo keebaa ugu weyn?
Markaas Nebiga SCW wuxuu yiri: “Inaa Ilaahey SW cid garab dhigto isagoo ku
abuuray.” Maxaa ku xigaa la yiri Nebigii Ilaahow? Nebigu SCW wuxuu yiri:
“Inaa ilmahaada disho adigoo ka cabsanaaya inuu garabkaaga wax ka quuto.”
Yacni, inuu intuu dhasho, uu gurigii wax ka cuno, oo Ilaahey risqigii
halkaa ku siiyo adigoo ka cararaaya inaa ilmahaada disho waa danbiga
labaad ee danbi la galo ugu weyn ilaahey. Sidii carabtii hore ay sameen
jireen oo kale.
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|