Xaqa uu ninku haweentu ku leeyahay waxaa kamid ah:
1) Haweentu waa inay ninkeeda ku adeecdaa wax walba oon macsiyo ahayn.
2) Waa inay nafteeda iyo maalkiisa ilaalisaa.
3) Waa inay ka reebtoonaataa wax kasta oo ninkeeda ciriiri galinaaya naftiisa,
waa inaysan wajigiisa wax uu kahanaayo ku samayn. Suurad uu kahanaayo waa
inaysan islasoo hortaagin. Waxyaalo u soo urana waa inaysan soo xiranin. Waxa
ladoonayaa si walba oo uu ninkeeda raali ku yahay inay ku dadaashaa.
Hadday haweentu ninkeeda raali garayso, ayadoo xuquuqda Rabbi ku leeyahay
gudanaysa wuxuu Rasuulka Alle u balan qaaday inay janno galayso. Xadiis Ibnu
Xabaan iyo kheyrkii ku sugan Nebigu wuxuu ku yiri:
?Haweentu hadday shanta salaadood sida aytahay u ilaaliso, bisha ramadaankana
sida loogu tala galay u soonto oo xaaraanta ka soonto, oo jirkeeda zinada ka
xifdiso aratirka loogu tala galayna ay ku qariso jirkeeda, ninkeedana ayku
adeecdo wax kasta oo wanaag oo cara Alle ku jirin, albaabada jannada mid Alle
midkay doontey ka galeysaa.?
Dumarka hadday dhihi lahaayeen: ?Manala adoon sanaayaa, waxaas masameyneyno iyo
waasidaas,? Bal xadiiskaan ha aqirsadaan. Gabartii janno doonaysa, Rabbiga
khalqay waajibkiisa ha ilaaliso, hana raali garayso ninkeeda. Haddaa ninka ku
qaba raali garayn wayso camalkaaguna meel uu ka baxay la arki maayo janna Allana
ku tashan maysid, ku talagal sidaas. Marka, dumarka nimankooda latirsanaaya, oo
qaylada badanle, oo aanan laga karin xaga iiga sii jeeso oo iga aamus, Rabigood
haka baqeen.
Mana taqaanid mararka qaarkood guryaha soomaaliyeed wax nin ah iyo wax naag ah,
isuma taliyaan, oo qof laqabo mataqaanid, waayo halkaan ayadana awaamir
bixinaysaa, asna halkaanuu awaamir bixinayaa. Rabina wuxuu quraankiisa ku yiri:
?Raggaa u taagan (maamulka) haweenka, ka fadilida Eebe qaarkood qaar iyo ku
nafaqaynta xoolahooda darteed?
Ragu waa qawaamiin maamulka dumarka isutaagid badanyihiin, sikastaba ayagaa
maamulka iskaleh. Marka waa inay wax ka maqlaan dumarka raga. Ilaahey ku fadilay
caqliga iyo awooda, iwm, xoolahana ayagaa bixiya lagu yiri.
Gabarta wanaagsan Alle muxuu yiri: ?Dumarka suusuuban, ee Alle agtiisa raali
looga yahay waa dumar Allaah adeeca, oo nimanka qaba adeeca, oo jirkooda xumaan
oo dhan ka ilaaliya iyo wixii ilaaliya lagu yiri.?
Dumarka muslimaadkaa saas ayaa laga doonayaa inay gartaan. Dumarka soomaaliyeed
inbadanoo kamid ah waalayaabeysaa ilaa loo talin kari la?yahay. Ninbaa yiri:
?Geelii igu tuntay midaa majabto iraahdo kuma jirin,? Ragii ku cajib galin
maayaan, dumarkiina way ka siidaran yihiinba. Waxaa arkaysaa inay furiinka ay u
dagdageyso, oo ay leedahay: ?maxaa kamacnaa ma midbaan waynayaa haddii
la?ifuro.? War isku xishooda dumaroow, oo Rabigaa kabaq. Sagaal cunug inay kuu
joogaan oo midba nin kaa dhalo kuguma fiicnee, ee Rabigaa ka xishood oo
sharaftaada ilaali.
Rasuulku SCW wuxuu yiri markuu ka sheekaynayey dumarku inay raga adeecaan inay
qasab tahay: ?Labo qofood salaadooda madaxa madhaafto, (1) addoon ka dhuuntay
dadkii sayidka u ahaa ilaa u soo laabanayo, iyo haweeney ninkeeda caasiday ilaa
ay ninkeeda u soo laabanayso raali garaynayso,?.
Rasuulka SCW adilo saxiixa ku sugan wuxuu ku yiri: ?Hadduu ninka haweentiisa
firaashka ugu yeero, oo aysan utagi wayso, isagoo u caraysan uu baryo,
malaa?igta ayaa nacladaysa ilaa ay ninkeeda karaali garayneyso.? Rabbi ayaa u
caroonaya. Dumarku ha is ilaaliyeen, ha raali gareeyaan nimanka qaba, oo ha
wanaajiyeen.
4) Xaqa haweenta lagu leeyahay waxaa ka mid ah haweenta muslimadaa aqalka kama
bixi karto idanka ninka la?aantii.
5) Aqalka qof sooma galin karto idanka ninka la?aantii.
6) Aqalka xoolaha yaala ma bixin karto idanka ninka la?aantii, hadduu xoolaha
isagu iska lahaa. ?Aqalka waanaga dhexeeyaa iyo, ma?asagaa iska leh iyo.? Waxaa
maya. Aqalka haddaa ninka ku soo guursatay oo adigu dhisatay, ama hooyadaa ku
siisay, taasi waa gaar. Laakiin, hadduu isagu kirada bixiyo, oo isagu aqalkaan
ku keensaday, saas waaye qofbaadan soo galin karin, waxbaadan ka bixin karin,
asagoo ku idmin baadan banaanka aadi karin. Wax kasta idan bay ku xirantahay.
Haweentii ka tilaabsataana caasiyad ayey noqonaysaa.
Wuxuu Rasuulku SCW yiri: ?Ninka xaqa uu haweentu ku leeyahay ninku hadday boogu
ku taalo, oo boogta iyo nabarka ku yaala ay haweenta carabkeeda ku leefto,
haweentu ninka xaqiisa magudi karto,? Xadiiskaasu waa saxiix, waxaana soo saaray
Xaakim Ibnu Xibaan, Daaru Qudni, iyo Bayhaqi intaba.
Hadday xataa boog jirkiisa ku taalo ay maanta kaleefto baysan xaqiisa kudan
karin lagu leeyahay. Halkaasey intay istaagaanbay ku leeyihiin: ?Ilmahaa
dhalashadoodaa ku wataaye ma awalbuu kani nin ii ahaa aniga, ma awalbaa wax ku
falaayey.? ilmahaan way iska dhiman karaan ama waala heli karaa, laakiin waxaa
ladoonayaa labadaan qofood noloshay isla noolyihiin inay diinta Alle isku
kaalmaystaan, oo janno Alle inay galaan sabab isugu noqdaan, oo qofba qofka kale
oo wanaajiyo.
Wuxuu Rasuulku SCW yiri: ?Low aan amraayo axad inuu Alle qeyrkii u sujuudo,
haweenta ayaan amri lahaa inay ninkeeda u sujuudo.? Wuxuu Rasuulku ku daray:
?Alle ayaan ku dhaartaye nafta Nebi Muxammed ay kacantiisa ku jirtee, haweentu
magudan karto xaqa uu rabi ku leeyahay ilaa ay xaqa ninkeeda ka gudato.?
Wuxuu Rasuulka SCW yiri: ?Hadduu su?aasho nafteeda ayadoo saaran qatab waa inay
isku ogolaataa.?Qatabka culumada waxay yiraahdeen: ?Waa dumarku markay
foolanayaan meel lagu fariisiyo.? Xadiiskaa waa xasan Ahmed iyo Ibnu Maajix iyo
Xaakim ayaa soo saaray.
Gabarta muslimadaa Rabi haka baqato oo xaqa ha ilaaliso, waayo Rasuulku wuxuu
aad u adkeeyey xaqa haweenta ninku ku leeyahay, wax aad u wayn baa laga dhigay.
In xaqaa aad u waynyahayna waxaa ka garaneysaa, wuxuu Allaah quraanka ku yiri:
?Waxay ragu leeyihiin waxyaalo dheeraad ah, darajo dheeraad ah.?
Rasuulka SCW wuxuu ku yiri ?Haweenta xalaal uma ahan inay soon sunnaa soonto
ninkeeda oo jooga ilaa inuu u ogol yahay maahane.? Hadduu ninka joogo waaye,
hadduu maqan yahayse way iska soomi kartaa. Soonka lasheegaayaana waa kan
sunnadaa waaye.
Rasuulku muxuu ku yiri gabar uu lahadlaayey: ?Ninkaada meeshaa ka joogtid
fiirso, maxaa yeelay ninkaadu waa jannadaada, waana naartaada.? Xadiiskaasu waa
xasan, Dabaraani ayaa qoray. Wanaajinta aad asaga wanaajiso waad ku janno
tagaysaa, xumaanta aad asaga xumaysana waad ku naar tagaysaa, saas ula soco
marka.
Rasuulka SCW wuxuu oranayaa: ?Dumarka waxaa ugu kheyr badan, mida ninkeeda
farax galinaysa markuu eego.? Cibaadadii, wanaagii, kheyrkii, ayuu ku arkayaa,
markuu eego. Gabarta muslimadaa ninka dhagihiisa waa inay ka ilaalisaa hadal
xun, marka uu amrana waa inay addeecdaa, waana inaysan ku samayn nafteeda iyo
maalkiisa wuxuu asagu kahanaayo.
Dumarkow Rabigiin ka cabsada oo adinka raali gareeya raga idin qaba, wanaajiya
oo aad iyo aad ugu dulqaata, wax kamaqla oo adeeca oo kadanbeeya. Wax kastoo ay
idiin diraan yeela, naftiina xataa haday ku dhib badanyihiin ilaa wax Alle ka
caroonayo maahane. Macsiyo Ilaahey waxaan ahayn ku adeeca nimankiina. Haddii
kale: ?Ma isagaa isoo korsaday iyo, anoo intaan le?eg ayuu I arkay iyo,
ma?asagaa adoon u ahay iyo,? Sheekooyinkaas iska daaya, oo ninka addoon u noqo,
addoonbuu kuu noqonayaaye, maro u noqo maruu kuu noqonayaaye, saas ayaa laga
doonayaa ragga iyo dumarka.
WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com