QOFKA BIXIN WAAYO MEHERKA WAA MAXAY
XAALADIISU?
Qaybtii
12aad ee Dhismaha Qoyska Muslimka ah... WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Asalamu aleykum,
Qofka bixin waayo meherka fiiriya cuquubada ku soo
aroortay iyo wuxuu Nebiga SCW yiri. Wuxu Rasuulka SCW yiri: “Alle
agtiisa maqluuqa kuwa ugu danbiga wayn waxa waaye waa nin gabar guursaday,
xaajadiisa markuu ka gutey oo uu ku raaxaystey, wuu furay maherkeediina
wuu kala tagay.”
War ma nimanka aan gareneynee Soomaalida miyaa meher
bixisa? Caamo iyo Culumo waalagu xeertamaa meherka odayaashaa meherka
gudoomiya. Oday shaqo kuma lehan meherka waa xaq ay gabartu leedahay.
Qabiilbaa shaqo ku laheyn, oo oday baa shaqo ku laheyn, oo shiikhbaa shaqo
ku laheyn. Gabadha aad guursaneysid waa ku dhihi kartaa: “Walaaley meherka
naga yaree” waala oran karaa waayo ayadaa iska leh, laakiin madhici karto
in lagu xeertamo, meherna xeer magalo.
Nikaaxii oo dhan shiqaar ayuu iskugu yimid. Nikaaxa
Shiqaarka waxaa layiraahdaa waa oday gabadhiisa gabar kale ku badashay.
Waxay leeyihiin odayaasha Soomaaliyeed: “Gabadhaas guurso, taada adna
iiguuri.” Rasuulku wuxuu sheegay nikaaxaas inuu baadil yahay oo aan waxba
ka jirin. Maxaa yeealay waa labo oday, waa dhaceen, marka odaygu dhaco
wuxuu rabaa inuu gabar yar helo siduu xoogaa jirkiisu u soo laabto,
markaasuu gabar uu dhalay oo shan iyo toban jir ah oday kaloo dhacay
siinayaa, oo midba mida kale ayaa farjigeeda meher looga dhigayaa.
Waan ugadigayaa dadka muslimiinta ah, waliba dadka
gabdhaha dhalay….odayaasha dhacay, oo ulaha kutukubaaya hasiinina gabdhaha,
oo da’da yar, waayo ma lanoolaan karaan, taasna waa qayaanimo. Hadday
ayadu doorato, oo inta lakhiyaar galiyo ay tiraahdo: “Waan lanoolaan karaa,”
Laakiin odayaasha gabdhaha lagu qasbaayo, ama laleeyahay: “Waan ku
inkaarayaa haddaadan odayga guursan,” War guurka waa mawado iyo naxariis
loogu talagalay, gabadhaan nin ay laciyaartey rabtaa, waana gabar yar,
markaasaa mid ay aan laciyaari aqoon baa lagu dari. Markaasaa lagu ulayn
oo lagu garaacin hadday diidana waa loogayn. Dadkayagana waxaa qaabdarada
u keenay naagta haddaysan ninka rabin guurka maqaban karo, sidaa darteed
ilmaha ka dhashaa meeshaas waxay noqonayaan lama oga.
Hadday isku kaa diido gabadhaan inta meherka siin waydo,
waxay culumada oranayaan qaar kamid ah sida fuqahada oo kale waxay
oranayaan: “Ninku hadduu meherka gabadha bixin kari waayo, oo ay ku
tiraahdo iskuma kaa ogoli, ma ku danbaabeyso,”. Sidaa culumada badankooda
ayaa qaba. Waa inuu meherka bixin karaa, hadduu awood u yeelan kari waayo,
oo gabadhu tiraahdo: “Kaayeeli maayo, ee adoo gacanta iigalin aniga
imataaban kartid,” waa arin Qatar ah ee bal iska maslaxeeya.
Waxaa kaloo waajib ku ah ninka inuu gabadha nafaqeeyo.
Xadiis Muslim ku sugan wuxuu ku yir Rasuulka SCW:
“Dumarku waxay dushiina ku leeyihiin risqigooda, aratirkooda si wanaaga.”
Risqi marka lagu leeyahay, wax alle waxa lagu noolaado
ayaa layiraahdaa. Aratirka waxaa loola jeedaa ceebteeda qari, dharka
laxiran lahaana waa loola jeedaa. Gabarta ceebteeda banaanka haku sheeg
sheegin, waayo Rasuulka SCW adilo saxiixa ayaa ku sugan:
“Ninka zowjadiisa jameec ugu tagey, ee meelaha uga sheekeeya, dameer
dameer suuqa ku booday ayuu lamidyahay.”
Rag waaweynbaa arkaysaa oo kugu oranaya: “Saasbaa
yeelnay,” oo ka sheekaynaya marka dumarka iyo raga isutagaan waxa
lasameeyo. War isku xishooda, oo Alle kabaqa. Waxaa Rasuulka SCW wuu
kadigay. Ogaadana waana dadka kuwa ugu aqlaaqda xun dadka noocaas ah.
Aratirkeeday kamid tahay inaa asturtid haweentaada, wax badanna waa inaa
ugu dulqaadataa maxaa yeelay waxay kaa haysaa dab badan, waxaana ka mid
ah: (1) shahwadaadu dab waaye ayadaana kaa haysa, (2) ilmahaada dab weeya
ayadaana kaa haysa, iyo (3) aqalka kashaqayntiisu iyo wax qabashadiisu waa
dab ayadaana kaa heysa haysa. Marka, intaa ayadoo kaahaysa ayaa hadalkeeda
u dulqaadan la’dahay inyar.
Mida kale ogaada dumarka shido wayn baa ku furan, oo
Ilaahey ugu talagalay, sidaa darteedbaa wasiirnimada, maamulka dawlada,
jihaadka, iyo shaqooyin badan Ilaahey ka reebay. Waayo qof caloosheeda
ilmo lagu sameynayo, 24 saac ilmo ku oynayaan, dhiiga xaydka isbadalka ku
dhacaaya dhibka uu leeyahay waa dhib khatar ah ilaa ay culumadu Islaamku
yiraahdaan: “Maskaxdeed caadi ma’ahan marka dhiiga xaydka qabto gabadhu.”
Waxaa jirta haddal ay ogtahay inuu qaldanyahay oo ayna iska reebi karin oo
kugu dhahayso, ama si xanaaqsan bay kuula hadlaysaa, waxaa isleedahay “War
maanta qoftii maxaa ka samaysay!” Laakiin waxba kamaada bi’ine ayadaa
mashiin kale ku shidanyahay. Markaasaa adna midkale ugu siidaraysaa.
Marka, lawada caytamo oo la isku qayliyo maxaa ka yimid:
“Nin iyo naag isqabaa col iyo nabad midna ma’ahan,” ayaad maqlaysaa. Marka,
waa layaabee haddaan col iyo nabad midna ahayn maxay iskula jiiftaan?
Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Haweentu ninka xaqa ay ku
leedahay waxa weeye, waa inuu quudiyaa markuu wax cunaayo, aratir waa inuu
u labisaa markuu labisanayo.” Waxaa laga wadaa waa inuusan toban
shaati isku badalan, ayaduna baati lagaday 1978 ay haysataa, isagana
maalin walba suud iyo qamiis cusub buu xirtaa.
Niman badanbaa jira oo naagahooda dhar u gadi karin,
xooluhuna ka bateen ama ay dhihi karin: “hoo lacagtaan oo wax ku soo gado.”
Allow aanan magacaabid ragaas qaarbaan garanbee! War isku xishooda oo
Rabbi ka baqa. Haweenkiina aratir u gada, oo ku filnaada dumarkiina. Waxaa
heli karin maba heli kartid, laakiin wanaajiya dumarkiina.
Wuxuu Rasuulku SCW yiri : “Wajiga yuusan ku dhufanin
ninku gabadha, haddalada xun xuna yuusan ku dhihin, aqalkana yuusan uga
haajirin,” Hadday wax dhacaan yuusan wajiga ku dhufanin, yuusanna kula
hadlin haddalada gaalada ay iskula hadlaan, hadday isku xanaaqaanna yuusan
aqalka uga bixin, macnahu waa aqalka dhinaca haka seexo, laakiin hoteel
yuusan kiraysan.
Rasuulka SCW markuu macaamilka ka sheekaynaayey wuxuu
xadiis ku yiri Tirmiid iyo Ibnu Naajix ku sugan oo saxiixa:
“Nimankiina waxaa ugu kheyr badan ninka dumarka ugu wanaajin og, aniguna
ninka dumarka idinkugu wanaaji ogbaan ahay.”
Haddaa nin haweentiisa latirsanaaya aragtid, oo
laqaylinaaya, oo raga hortii ku canaananaya, oo raga xortiisa wax uga
sheegaya, oo raga xortiisa isku xanaajinaya, kaasu nin ma ahan, waa doqon
duli ah weeyaan, wax gabar lasiiyana ma istaahilo. Waxaa maqli jiray:
“Kaasi wax gabar lasiiyo ma istaahilo baqtiguu cunaa,” Baqti cunuhu kaas
weeyaan. Marka nimankii soomaalida oo dhan baqti cunayaan ayey iskugu soo
noqdeen waayo naagahay latirsadaan. Haddii kale markay haddal ku soo
celiso feer ayey ku bilaabaan. Waxayna yiraahdaan: “Ma’adigoo bilcaan ah
maanta haddal igu soo celinee?” Rasuulka Alle ayey warka ku celin jireen.
Tusaale ahaan: Caa’sho oo kheyru qalqilaah lanool, oo furaashkeeda Nebiga
waxyi igu soo dagto, Rasuulka wuxuu yiri:
“Caa’isho markaa ii caraysantahay waan aqaanaa?” Markasey tiri:
“Maxaa ku taqaanaa?” Wuxuu yiri: “markaa dhaaranaysid “Wa Rabbi
Ibraahiimaa tiraahdaa?” Marka kale Wa Rabbi Muxammed bay ku dhaarataa”
Marka waxaa doonaysaa inaa lagula hadlinba, sidee
arintaa ku dhici kartaa? Marka ragow xishooda!
WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 5, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|