Xuquuqda ay zowjada ku leedahay zowjkeeda qaar waxa layiraahdaa "Waa maali" oo
xaga xoolahay ay ku saabsanyihiin, qaarna waxaa layiraahdaa "Waa waxaan maal iyo
maado ku saabsaneyn" oo nooc kale ah.
Marka haddaan soo qaadano mida maalka xagiisa. Xaga maalka waxaa ninka laga
rabaa meher, nafaqa, iyo wax layiraahdo jihad. Jihaadka waxaa loola jeedaa
alaabta lagu jiifsado ama wax lagu cuno. Ninka ayaa masuul ka ah waxyaalahaas
waa inuu soo diyaariyaa. Raga waxaa laga rabaa inay waliba xooqa saaran in ale
intay karaan kasoo baxaan, waayo Allaah SW wuxuu ku yiri markuu ka hadlayey
meherka: "Dumarka meherkooda siiya siin".
Siiya dumarka meherkooda siismo sharci ah hana ka xishoodsiinina. Ha war
wereejina meherka dumarka. Hala iskadaayo waxay gobalada soomaaliya gaarkood
looga dhaqmo, maxay dhihi jireen markay inantu meher sheegato "sheek igula xir
bal ha igaqaadee anigee". Yacni waa hal marlee igu meheri, bal wax ha iga
heshee. Maba lasiinayaba, maba yaqaaniin raga soomaaliyeed siday u badanyihiin
dumarka meher siiyaan. Ninka waxaa laga doonayaa gabarta inuu meherka u salimo
waa xoolo ay iska leedahay, maalinta laguu caqimo waa inaa u salimtaa ama markaa
la aqal tagtid. Ayadaa iska leh hasadaqaysato, haku siiso, meel hadhigato,
waxay rabto haku samayso.
Nimanka dumarka meherka ka haysta ayagoo toban toban caruur u dhaleen oo awood
u heli karay inay siiyaan, ha ogaadeen inay qaa"imiino tahay,
hala socdeen arinkaas maxaa yeelay way qiyaameen, oo xoolohoodii bay ka
haystaan.
Alle muxuu yiri: "Hadday idin siiyaan naftooda oo ku raali ah (meherkooda) cuna
isagoo mid fiican oo naftiina ku faraxsan tahay ah."
Gabarta ayadoo raali kaaga ah hadday ku siiso meherkeedii, ma aadan canaadin,
marka haka xishoodsiin. Haddaa tiraahdid: "Oo hada anagoo wax naga dhexeeyaan ma waxaas qaadanaysaa, mise maanta wax iga doonaysaa." Ogow marka haddaa ka
xishoodsiiso daalim ayaa tahay, maxaa yeelay qofkaan miskiin weeyaan, waa inaa
ku qasabtaa oo qaado tiraahdaa, oo in niyad wanaag ku siisay aad tustaa.
Mida kale dumarka Soomaalida waxay yaqaaniin marka meherka lasiinayo mar la
furaayo inay tahay, inay arintu saas ahayn waa inaa tustaa, oo aad wanaag, iyo
maxabo, iyo walaalnimo u siinayso, iyo xaq ay kugu leedahay inuu yahay.
Meherkana sharcigu ma xadidin. Xuduud looma samaynin, laakiin axaadiis saxiixa
ayaa ku soo aroortay: "Dumarka mida ugu kheyrka badan inay tahay mida ugu doonis
sahlan, uguna sahlan xaga meherka iyo waxyaabaha ku baxaaya." Xadiiskaa saxiixul
jaamic ayuu ku sugan yahay. Yacni inay ugu fiicantahay mida ugu meher yar. Waayo
Alle quraanka wuxuu ku yiri: "Haddaa haween inaa mid kale ku badalatid
doonaysaan, oo aad xoolo horay u siisay waxba haka qadanina,"
Dumarka meherkooda u ogolaada, oo waliba ninka muslimkaa waa inuu horay ugu
salimaa. Ragu waa qawaamiin, waxaana laga doonayaa inay bixiyaan xoolaha dumarku
ku leeyihiin.