SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | IDRIS

Sh. Muxamed Idris Axmad waxa lagala xiriiri karaa Emailka: hayaan@gmail.com

DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA?

W/Q. Muxamad Idris Axmad

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Beryahan qoraalla masoo bandhigin.. Dadka qaar ayaa ila soo xiriiray meela kala duwan, wexeyna I weydiiyeen: Qoraaladii isdaba joogi jirey maxaad u joojisey! Miyaad gurtay? Mase waa gedootey? Mase waxa dhacayaa kuu cuntami waayey oo meel aad ka abbaartaad weli baadi goobeysaa? Mase feker dheer ayaad ku jirtaa oo waad u dhakaneysaa cabbaar?

Waxaan ugu jawaabey: Intaas iyo inkaleba waxbaa ka jira, aan ka ahayn midda ugu horraysa oo ah inaan guray..War badani waa iga buuxaa.. dacarina waa I haysaa..Hase ahaatee, qoraalku saan u haysto, iska qor maaha, ee waa inuu kaa soo degaa, oo miid wadnaha ka de'eysa noqdaa, markaas ayuu qoraalku macna yeeshaa, oo waaya badan adduunka sii joogaa, haddad dhimatana raad kaa hara ayuu noqdaa, hadduuse yahay mid aan wadnaha iyo beerka dhexdooda kasoo bixin, dabaylaha xagaagaa ayaa qaada, meel uu marayna lama xasuusto. Waa sida uu u yiri Gabyaagii Caanka ahaa ee Soomaaliyeed Cali Dhuux Aadan Allaha u naxariistee:

Maansada dheh uun lama yariyi waygu soo dhacaye++ Hadalla dhagaxya waaweyn ka culus waa dhug siin jiraye…

Maalintaan halkaan ku qoray : Wadaadada Soomaaliyeed Ayaan Daranaa Ma Awlaadii Aw Jaamac baa!! Markaan Halkaan ku qoray: Dhambaaladii dhawrka ahaa: Runta Ma laysu Sheegi Karaa!! Ee ku socdey guud ahaan Ummadda gaar ahaanna Wadaadada Shalay Saaxiibka ahaa, maantana dad iyo duunyo dambaska ka dhigay, dadka qaar ayaa igu maagay maxaad maxaad halgamaayasha ku maageysaa, waxaanse filayaa iney maanta dad badan u caddaatay ayaan darradii aan sheegayey. Waxaan rajaynayaa iney taariikh qoran yihiin, ummaddana wixii baaqi noqdaa oran doonaan: War Illeyn meesha lagu rogmadey waa la joogey!! Qoraalladaasna iskuma lureen haddaaney beerkayga qayb kasoo go'day ahayn.

Markasta oo ciilka iyo uur kutaaladu kaa badato, ama dacarta kugu xirantay lagaa soo daayo, waa marka ay ugu fiicantahay inaad si wanaagsan dareenkaaga u muujin garto, anigana waxaan u malaynayaa in dacar aan ayaamahan xiray la iga soo deynayo. Waana waxa ay iigu soo dhacday, anoo gorodda laa laadinaya, su'aasha aan maqaalkan hal ku dhegga uga dhigay: Dalyohow  yaa ku leh? Dadyohow Soomaaliyeed yaa kaa naxaya?

YAA KA NAXAYA DADKA SAXAARAH LIIBIYA KU BAA BA'AY!!

Dacarta waxa maalmahan igu kiciyeyna aan in yar idiinka bidhaamiye, Waxaan aad u maraa dalalka Soomaalidu u qaxday Yurub, Waqooyiga Ameerika (US & Canada), Afrika (gaar ahaan Barigeeda iyo Koonfurteeda) Carabaha iyo aasiyaanka fog. Waxaan la kulmaa dadka Soomaaliyeed ee meelahaas oo dhan daadsan, oo dalkoodii kasoo bara kacay, ama laga soo bara kiciyey..

Waxaan dhegeystaa sheekooyinkooda xanuunka badan, oo aad la ilmayneyso adoo aan is ogayn, ha ahaadaan kuwa xeryaha qaxootiga dhex yaal ee darxumadu ku haysato, Kenya ama Itoobiya, ama wadama badan oo afrika ka mida, kuwa xabsiyada ku jira, Yemen, Sucuudi, Kenya, Uganda, Tanzania, Zambia iyo South Afrika, Turkiya iyo Greek, Liibiya iyo Talyaaniga, iyo meel walba oo ay darxumo xabsiyada ugu jiraan, silic iyo saxariirna kala kulmaan.

Kuwa Dalkoodii gulufka colaadeed iyo xabbadda dheceysa uga soo carary, Danta guud iyo daryeelkooda wax danaynaya ka waayey, nolol iyo shaqo iyo mustaqbal iyagoo raadinayana wajiga jiha walba adduunka saaray, badaha, saxaaraha, barafka iyo kulaylka, u maraya iyagoo nolol raadinaya, iyagoo la kulmaya dhibaatooyin aan laga sheekayn Karin, ama sawir dhaba laga bixin Karin, nin arkay mooyee nin kalena aanu ka warami Karin, marka aad waxaa aragto ayaad is weydiineysaa: Dalkan dadkiisu sidaa u gelayo yaa leh? Dadkan bad iyo berriba silic iyo saxariirka loo mariyey yaa ka naxaya?

Dalkan fadhi iyo joog midna loo diidey, baddiisa iyo berrigiisaba la beec geeynayo, dullaalada adduunka iyo qandaraasleydu ku doodayaan, baayac mushtarka laga dhigtay ee nin walbaa haruubka u toshay siduu qayb uga heli lahaa, har iyo habeenna burburka iyo baaba' uu ku socdo, Dadkiisina aan cidi dan ka lahayn, dhimashadooda iyo dhaawocoodana lagu mushtaro, waxaa kugu soo dheceysa: Dalyohow yaa ku leh? Dadyohow yaa kaa naxaya?

Qansax & Qurac toona dan nooma hayaane..Danteenna ma ka shaqaynaa!!

Waxaa dhaba Nimaan isagu doonayn inuu noolaado cidi ma noolayn karto?! Nimaan dantiisa ka fekerayn cidina ugama fekeri karto! Niman dulliga rabin inuu ka boxo cidina kama saari karto! Nimaan Qaranima rabin oo qabyaalad ka weynaan cidina Qaran uma dhisi karto. Qofka Qurac & Qansax dagaaladooda iyo taageeridooda ku dhimanaya kuna dagaalamaya, dantiisiina aan garanayn, cidina wax uma qaban karto.

Ilaahay cidduu Tawfiiqda ka luminayo, dembiyadooda ayaa hoggaan xun looga sameeyaa, markaasey nolosha ku ciqaabaan. Dadku haddeey dulmiga caadaystaan, kuwa dulmiya oo aan ka nixin ayaa faraha loo geliyaa, oo lagu imtixaamaa. Ama kuwa kaloo ka daran ayaa lagu soo salidaa. Ilaa iyo 20 Sano wexeynu daba soconnaa danaystayaal aan DAD iyo DAL midna u naxayn..halku dheggooduna yahay:  Mar haddaan anigu joogo, Dalkoo Dhami ha dumo, Dadkoo dhammina ha qaxo!!

Mar haddaan anigu idaacadda ka hadlaayo, sarkaal ayaad tahayna lay oranayo,  dalkuna ha bur buro, Dadkuna ha baabo'o!!..Mid ka mida kuwaas ayaa maalin lagu yiri, war dhalinyartii naga dhamaysay, waxna nooma wadid, ciidan dambe kuuma hayno, markaasuu si jees jees ah u yiri: inta aan 900 oo kun oo shilin haysto wiil dabka ii qaada waayi mayo!!

Bal hadda u fiirso!

Laba dhalinyara Soomaaliyeeda oo Saxaaraha Liibaya harraad ku dilayo, ayaa toorrey wexey isugu tumaatiyeen (Qansax) baa fiican, iyo mayee (Qurac) ayaa ka saxan!!..

Qansax iyo Qurac na waa kuwa sababtooda ay dalkoodi uga soo qexeen, daryeelka u waayeen, Qaranimo uga bur burtay, gaajada iyo harraadka saxaaraha iyo badweynta ugu dhimanayaan. Qansax iyo Qurac waa kuwa dal iyo dad baab'ay ku dul dagaalamaya, danna aan ka lahayn waxa dhimanaya, iyo waxa qaxaya, iyo waxa berriga iyo badaha ku baaba'aya. Qansax & Qurac waa kuwa dal dhan inuu burburo aan dan ka lahayn, cadaw inuu ku soo duulo oo dukun daakun ka dhigo u durbaan tuma, dhiigga qulqulayaa aanu hal marna damqi hayn oo ku xambaarihayn iney in yarna ha ahaatee ka badbaadiyaan.Qansax iyo Qurac waa kuwa mid kastaa dantiisa keliya fiirsado iyo siduu ayaama usii joogi lahaa, dan guud iyo u tanaazulkeedna aan marna laga helin.

Kuwaasu waa kuwa saxaaraha ku dhimanaya. Kuwa dibadaha joogana, markii dhibaatooyinkooda laga hadlo, oo wadada loo bidhaamiyo, oo loo sheego dantooda guud iney ku jirto  midnimada, walaaltinimada, qabsashada diinta, xornimada dalka iyo dadka, deganaanta iyo kala dambaynta, qaran nimada iyo wax wadaagga iyo Islaaxu daatu beynka,  in badan oo ka mida waa dudeysaa, wexeyna u dudayaan Maxaad u leedahay Qansax & Qurac oo keligood (dalkii dambaska noqday) isku haysta yaan midna la raacin, mid walbaana wuxuu kaa rabaa inaad tiraahdo Qansax ama Qurac maahine cid kale ma jirto.

Hadaad ku tiraahdo Qansax waxa diinta iyo dadka dan u ah aan ka qaadano, wixiisa kalena iska tuurno, Quracna sidoo kale wixii Diinta iyo Dadka dan u ah aan ka qaadanno waxa kalena ka diidno, kaama yeelayaane waaba kula dirirsanyihiin.. Haddaad weydiiso, idinka ma diinta iyo dadkaa idiin daran? Mase Qansax iyo Qurac baa idiin daran? Jawaabtoodu si toosa iyo si dadban waa: Qansax iyo Qurac yaan nalaga taaban, wixii dad iyo dal baa ba'ayaa ha baa be'een!!. Haddaad tiraahdo: Qansax iyo Qurac iyagu diintii maaha, ee magacya ay la bexeen ama aabayaashood ula bexeen ayey leeyihiin, dadka in badanoo ka mida uma dhacdo. Sow gar maaha marka in kuwaas gacantooda lagu ciqaabo?

Ilaa nalaga helo inaan garanno: Diinta, Dadka iyo Dalku iney ka qiima badan yihiin, kana muhiimsanyihiin, Qansax iyo Qurac hadduu qof yahay iyo hadduu urur yahay iyo hadduu qabiil yahay. In Diintu tahay wax la barto oo Kitaab iyo Sunno iyo Cilmi & Culimo leh si Ifka iyo Aakhiraba loogu iftiinsado, Qansax iyo Quracna ayan iyagu diintii Ilaahay na faray ahayn, ee ay yihiin, dad iyo ururo diimeed ama siyaasadeed, ama qabiil, oo hagaagina kara, qaladaad fool xunna ku dhici kara, oo ay tahay in laga digtoonaado mar walba inaan qaladka lagu raacin. Ilaa laynaga helo ineynu Diinta iyo Maslaxadda Ummadda u iilano, kana korno inaan u tacasubno dad gaara iyo ururo gaara, iyo qabiila gaara, wax badan oo dhibaata ah weynu la kulmeynaa. Ilaahay hayna sabata bixiyo.

RIYA MAAHINE WAA RUN!

Waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa ayaamaha soo socdaa, sheekooyin dhaba oo aan riya ahayn. Waxaan afkooda ka qoray dadkii qisooyinkaas yaabka lihi soo mareen qaar ka mida. Qisooyinkaanu boqollaal kun oo Soomaaliya ayey ku dheceen, ilaa haddana ku socdaan. Sababtuna waa cuquubada ku dhacday iyo halaagga dalkoodi kasoo sal kiciyey, markey berri amaan tagaanna inta ilaawaan ay ururadii iyo qabyaaladdii iyo hogaamiyayaashii dulliga baday u mash xaradaan sacabkana u tumaan.

Waxaan filayaa iney tahay markii u horreysey oo riwaayadda dhabtaa ee TAHRIIBKA & QARDAJEEXA Soomaalida, si tafsiil ah oo maalin maalin ah loo soo bandhigo, haddey qoraalla sidaasii jiraanna anigu aanan arag, laakiin ay dhici karto iney jiraan. Waxaad arki doontaa – inshallaah u – Silica iyo saxariirka Soomaalidu ugu baaba'day meelaha ay ku tahriibaan, haba ugu darnaato Saxaaraha Liibiya iyo Xuduudaha Suudaan? Dadka dhintay side ku dhinteen

Waxaan uga gol leeyahay in Soomaalidu ku cibra qaadato, ku waana qaadato. Waa dhambaalla ku socda:

DHALINYARADA SOOMAALIYEED: Rag iyo Dumar ee Wadada Tahriibka kusoo jiraa, ama soo hadal hayaa iney dib u fekeraan, dalkooda iyo meelaha ilaahay ku nabad geliyey ku negaadaan, kuna kalsoonaadaan wixii Ilaahay u qoray iney helayaan oo aaney dhaafayn.

SIYAASIYIINTA & URURADA: Dalka ku diriraya oo xukunka iyo awoodda ku herdamaya, mid walbaana doonayo keligiis inuu taliyo, cidina la wadaagin, madax tinimo iyo wasiirnimo beena oo aan waxba ka jirin run moodo, iney Ilaahay ka baqaan, aakhira xusuustaan, adduunka waxa ka dhacaya iyo bani aadamku siduu ku noolyahay ku waana qaataan, dalka iyo dadkiisana dabka ka joojiyaan. Iney ogaadaan sida ay hadda ku jiraan si ka fiicani iney jirto, danta guudna lagu gaari karo, danohooda gaarka ahna ay in badan ku gaari karaan, iyagoon habaar iyo taariikh madow kasban.

CULIMADA & ODAYAASHA: Iney wacyigelinta, Waanada iyo sama katalinta, dadaal dheeraada ku bixiyaan, gaar ahaanna kooxaha hubka u qaatay talada iney marooqsadaan , inaan waanada iyo wax u sheegga laga deyn, bal in Ilaahay qalbigooda naxariis geliyo, oo ay Ummaddan Muslimkaa ee rafaadsan dhibka ka daayaan.

DADWEYNAHA SOOMAALIYEED: Iney Ilaahay u toobad keenaan, Culimada iyo Waaya aragga ummadda wax ka dhegeystaan, talooyinkoodana qaataan, ka waantoobaan taageerada indha la'aanta ah ee ay siinayaan kooxohooda, ururadooda, iyo raga ay qola walbaa caleema saarteen.  Daacadda furan oo dhamaystiran waxaa leh oo keliya Ilaahay iyo Rasuulkiisa Calayhi Salaatu Wasalaam. Wixii kasoo haray Shiikh iyo Amiir iyo Madaxba, waxna waa lagu adeecaa, waxna waa laga diidaa..

Haddaynu baranno Dadkeenna iyo Dalkeenna ineynu shurka ku nahay oo taladoodu naga dhexeyso, khayraadkiisuna na deeqaan oo naga badan yihiin, ee inta shaydaanka iska naarno, tartiib nicmada Ilaahay na siiyey u cunno, Rabbina ku shukrino, Haddeynu diinta asaaska aynu ka duuleyno ka dhiganno, cilmiga iyo waaya aragnimadana qiimayno, waxa aynu higsaneynana dhexdeenna si tartiiba ku raadsanno, wax badan ayaa inoo hirgelaya, Ilaahayna Musiibada waa naga qaadayaa siduu Addoomaha Tawbad keena oo tabartooda garta u ballan qaaday.

Ilaahow tawfiiqda na waafaji.

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.