Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga DFKMG Soomaaliya Oo Wareysi
Dheer Oo Dhinacyo Kala Duwan Taabanaya Siiyey Somalitalk
“… Aayaha Wadankeena, Hadda Kama Talino Runta Ayaa Wanaagsane, Markaad
Fiirisid Dhaqanka UN-ka … Soomaaliya Oo Dhan Waxay Noqotey Mash-ruuc, Mana Ku
Sii Socon Karto In Soomaaliya Mash-Ruuc Ahaato…” (Q.2aad) Wasiirka Md. Cabdullaahi Goodax Barre waxaa uu ku jawaabey “maya, maya, marnaba
maya, soomaalidu dowlad fashilantey in ay tahay cid walba waa ogtahay,
dowladnimadii wey duntey, waxaa hadda laga shaqeynaayo oo aad loogu mash-quulsan
yahay, waa in dowlad-nimada soomaaliya soo noqoto. marka haddii uu yiraahdo
dowlad-nimadii soomaaliya way fashilantey, wax been ah ma uusan sheegin!, haddii
uu yiraahdo danaheena ayey saameyneysaa, waa arrgagixisadii iyo burcad badeedii
marka laga fiiriyo weyna saameyneysaa, haddii uu yiraahdo, waa wax xaqiiqo ah oo
weyn, ingiriiska keliya ma ahane, cid walba ayey saameysay, haddii uu yiraahdo
waa in wax laga qabtaana waa waajib oo waa wax wanaagsan oo annaga aan
taageereyno!!”. Inkastoo hadalka wasiirku uu sidaas u dhigey, haddana marka si tumaati ah loo
eego hadalka ka soobaxay mas’uulkan Ingiriiska ah, ayaa waxaa uu yahay midka
shekiga weyn ku beeray Qowmiyadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Sababtoo ah, soomaaliya xiligan waxay ku jirtaa marxalad addag oo ay
abuuristeeda qayb ka ahaayeen dowladaha waaweyn ee caalamka iyo kuwa ku qanacsan
siyaasaddahooda oo uu Ingiriisku ugu horeeyo. Haddana wasiirka Qorsheynta waxaan weydiiney su’aal ahayd, Haddaan dhinaca kale
ka eegno hadalkaas, dadka arrimaha siyaasadda soomaaliya ku xeel dheer ama
dhaliila hannaanka uu Ingiriisku wax u waddo, miyaanan la dhihikarin waa hadal u
baahan in raaligelin laga bixiyo? Ayaa wasiirku waxaa uu ku jawaabey “ inta uu
qosley ayuu yiri, uma jeeddo sabab raaligelin looga bixiyo oo uu ku khaldamay,
haddii wadan uu yiraahdo soomaaliya waxa ka socda wey I saameysay, meeshaas in
raali gelin laga bixiyo uma jeedo ama cudur daar laga bixiyo, balse wali waxay
rabaan in ay wax ka qabtaan oo dadka isugu yeeraan oo wax la fiiriyo, annaga
soomaali ahaan waxaa nala gudboon inaan isku taxalujino, sidii aan uga bixi
lahayn duruufta aan ku jirno, intii aan mash-quul ku noqon lahayn qofkan hadalka
sida uu u dhigey iyo wax noocaas ah, waxaa wanaagsan in shir kasta oo muhiim ah
tagno aan dannaheena ka waxaysano, dhibka taagan aan sheegno, sidaan uga bixi
lahayn sheegno, intaan ka hadli lahayn nin wadankiisa ka hadlaayo”. Ingiriisku 21-kii sanno waa uu ka aamusnaa arrinta soomaaliya, hadda oo ay
soohagaageyso oo arrimaheedii xoogaa is-bedelo ay muujiyeen, ayaa waxaa uu
doonayaa oraah soomaalidu ay tiraahdo sheydaankii xabadda masagada ah watey,
kadibna nin daango dubanaya ku darsadey, oo dabadeed waxa oo dhan annigaa iska
leh yiri, Malaga yaabaa in arrinku sidaa uu yahay? Wasiirku waxaa uu ku jawaabey
“ee u maleyn maayo, laakiin xitaa haddii uu yahay, ninkii daango ku darsada
soomaaliya, mar walba waan soodhaweyneynaa, wax yar iyo wax badanba, ingiriisku
dhaqaalo badan ayuu geliyey, dhaqaalahaas meeshii loogu talogaley ma galeen iyo
wax UN loodhiibey xagey ka baxeen iyo waa su’aal kale, laakiin dhaqaalaha
soomaaliya la geliyo, qayb fiican buu waligii gelinaayey taageero dhaqaale iyo
mid siyaasadeed intuba, haddana haddii uu leeyahay, hala isuguyimaado oo
soomaaliya dhibkooda laga hadlo iyo mashaakilkooda la xaliyo wax dhibaato ah ma
leh waana mahadsan yahay” ayuu yiri wasiirku.

Addigu waxaa tahay wasiirkii qorsheynta, muxuu yahay qorshaha siyaasadda guud ee
lagu dhisayo ciidamadda xooga dalka soomaaliya? “xukuumadda siyaasadeedu in
ciidankii dib loodhiso, waa qodobada ugu waaweyn mudadda gaaban, dhowaan golaha
wasiiradu waxay ansixiyeen barnaamijka dibb ciidamadda loogu dhisayo oo
wadankuna dib loogu xureynayo, laguna dejinayo nabadda, wuxuuna ahaa mid mudo
xukuumaddu ka shaqeynaysay, waana in la gaarsiiyaa ciidan nabadda sugi karo,
lana wanaajiyo tayadiisa, marka qorshaha dowladu waa intaas, dabcan dhaqaalo
ayaa jiro in lahelona waa muhiim, waxaana nasaaran cunaqabateyn xaga hubka ah,
in nalaka qaado oo aan isku tashanno, biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa, ma
dhicikarto in maalin walba la yiraahdo dhowr iyo toban kun oo ciidamo ajnabi ah,
in nabadeena raadiyaan, waa u baahanahay kaalmadooda, laakiin haddii la rabo
soomaaliya inay qumaati u xasisho, qorshaha dowladu waxaa weeye in la taageero
oo in dib loo nooleeyo ciidankii soomaaliyeed”. Wasiir Cabdullaahi waxaan weydiiyey Dal aan ciidankiisa dhisneyn, islamarkaasna
xuduudihiisa ay furan yihiin oo cidii rabta soogasha, cidii rabtana ka baxda,
ayna maamulaan dowladaha deriska ah sidee arrimahaasi ku suuragelayaan? Wuxuuna
yiri “ dowladaha derisku ma maamulaan xuduudyadeena, wax colaad oo aan ka
maleysaneyno ma jirto, laakiin qorshaha dowladu waxaa weeye, in ciidanka
soomaaliyeed la dhiso oo lana tayeeyo, islamarkaasina maamuladii gobolada iyo
degmooyinka la sooceliyo, sidoo kale la sooceliyo dhismaha ciidamadii amaanka
iyo maxkamadihii dalka”. Wasiir Xukuumadda soomaaliya arrimaha Road-map-ka wali ma aysan geynin
baarlamaanka, waana lagu dhexjiraa fulintiisa, haddaba arrintaas sidey ansax ku
noqoneysaa ayaan weydiiyey?, waxaa uu ku jawaabey “marka u horeyso Road-map-ka
laba wajiba waa laga fiirinayaa, xukuumaduna baarlamaanka wey geysay, haddii
baarlamaanku uu la’yahay fursad uu wixii kaga fariisto oo uu go’aan kaga gaaro,
awood xukuumada ka baxsan waaye, markaa baarlamaanka ayaan ka war sugeynaa inay
ka fariistaan, duruufta haysata ka guuleystaan, mida kale oo Road-map-ka la
xiriirto waxaa weeye, Road-map-ka waxaa dhalay heshiiskii Kambala,
baarlamaankuna heshiiskaasi si aqlabiyad weyn leh ayuu u ansixiyey, marka mar
haddii heshiiskaas la ansixiyey oo haddana baarlamaanku uu horyaalo,
islamarkaana uu la’yahay fursad uu ku xaliyo, xukuumadu uma fadhineyso hawsheeda
ayey wadaneysaa, maxaayeelay horey ayaa baarlamaanku u arkey. “waad la socotaa Baarlamaanku in is qab qabsi badan ka dhex taagan yahay, kan
baa sax ah iyo kan ayaa khaldan wax ahmiyad ah ma leh, laakiin waxaa muhiim ah,
in baarlaamaanku uu shaqeeyo, hawlo badan ayaa xukuumad ahaan nooga xayiran,
sida bajadkii oo kale oo uusan baarlamaanku ansixinin, marka waxaan sugeynaa
markuu baarlamaanku intuu fariisto uu go’aan ka gaaro” ayuu yiri mar an aan
weydiiyey Maxaad ula jeedaa baarlamaanku haddii uu u waayey fursad uu ku
fariisto oo uu arrinkaasi kaga doodo ayuu la’yahay?. Sida nagu maqaalo ah, baarlamaanku wuxuu doortey gudoomiye cusub, waxaa uu
qabsadaa shirar caadi ah, gudoomiyihii hore waan tuurney ayey yiraahdeen,
waxayna soojeediyeen, sida idaacadaha aan ka maqalney iyo TV-yaduba aan ka
daawaney, in qorsha hawleedkii xukuumada ay soo gudbiso, addigana waan u
gudbiney ayaad ayaad leedahay, marka xageed geyseen, iyaguna waxay leeyihiin
hanoloo soogudbiyo? Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga waxaa uu ku jwaabey “ arrinkaasi,
runtii ka xukuumad ahaan, inaan siyaasadeyno oo hawlaha baarlamaanka lugaha la
galno naguma haboona, runtii shaqo badan ayaa inoo taalo, ma awoodno inaan
arrimaha baarlamaanka lugaha la galno, mana dooneyno inaan lugaha la galno,
mishaalkilka ku dhex jira waa wax iyaga u yaalo, laakiin annagu mudada gaaban ee
aan wadano uma fadhinkarno waa inaan shaqeynaa oo waqtigeenu waa cayiman yahay,
barkee xukuumadeenu lagulama xisaabtamayo intaan wax-barashada ka qabaney ee
waxaa lagula xisaabtamayaa intaan Road-map-ka ka qabaney”. Mudane wasiir xukuumad qorsho hawleedkeeda uusan baarlamaanku uusan ansixinin
sidey ku hawl-gelikartaa?, wasiirku wuxuu yiri “ baarlamaanku wuu ogyahay hawsha
aan qabaneyno, keliya inay ansixiyaan, iyaga ayey u taalaa, laakiin marnaba ma
dhaceyso inaan fariisano oo aan sugno baarlamaankii ilaa uu kala baxo, haddaan
waa sugeynaa niraahno waqti badan ayaa dhumaya, marka annagu hawsha waa wadeynaa
shacabka soomaaliyeedna waa qiimeyn doonaa hawsha aan hayno, laba sitimaan ka
hor waxaan soobandhigney wax qabadkeena xukuumad ahaan, markaan is qiimeyneyna,
waxaan isku qiimeyneyn qiimeyn weyn ayaan isku qiimeyney, marka loo fiiriyo
xukuumadihii naga horeeyey dhinaca la xiriirka maamul goboleedyada, runtii aad
bey u wanaagsan yahay, taas ayaan rabnaa inaan ku taagnaano, mudada yar oo
hartey wax wax ku ool ah oo xukuumadaha naga dambeeya naga dhaxlikaraan inaan
gaarsiino”.
 Wasiirka qorsheynta waxaan keloo wax ka weydiiyey booqashadii uu ku tagey
magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, islamarkaana ay isku dayeen
dhismaha maamulka gobolka, taasoo warar soo baxaya ay sheegayeen in la isku
af-garan waayey dhismaha maamulka gobolka hiiraan, wasiirka waxaan su’aaley
dhowaan waxaad tagtey caasimadda gobolka Hiiraan, hore waxaa gacanta ugu hayey
kooxaha ka soohorjeeda dowladda ee addinku aad u bixiseen nabad diidka, marka
aad tagtey maxaa kaaga soobaxay? “runtii waxaan tegay magaalo laga xoreeyey al-shabaabka, kadib markey haysteen
seddax sanno waqti ku dhow, waxayna halkaas ka geysteen wax bani’aadaninimada ka
baxsan, runtii waa dadd cadow ah, nabad diid keliya ma ahan yacnii waa cudur
soomaaliya soo dhexgaley runta marka loohadlo, waxayna bedeleen duntii
shacbiyada soomaaliyeed, waxayna ka dileen xag walba, dadkuna aad buu ugu
faraxsanaa in cadowgaas laga dulqaado, waxaan isku taxalujiney oo safarkeenu
ahaa, inaan u kuurgalno waxa meesha ka dhacay iyo waxa laga qabankaro, maamul
dadku raali ka yahayna aanu sameyno, lana isticmaalin sidii hore loo isticmaali
jirey ee magacaabista ahaa, dabcan doorashadii la yiqiiney lama gelikarin oo
duruufta ayaan u saamaxaynin, laakiin wax u dhow oo odayaasha deegaanka inta ay
isku tagaan inay maamul raali ay ka wada yihiin sameystaan. taasna waan u tagney
iyo ciidamadda guushaas gaarey inaan sookormeerno si aan u dhiirigelino in
hawsha meesha ka siiwadaan, waana ku soo guuleysaney, maamul reer hiiraan ay
kuligood ay raali ka yihiin waan usoo cayiney, goobihii aan tagney waxaa ka
muuqatey cabsi iyo welwel in ay soo noqdaan ragii shayaadiinta ahaa, waxaana ku
abuurney kalsooni badan in aysan soonoqon doonin, wuxuuna haa safar aad loogu
liibaaney ilaa toban maalmood ayaan joogney aanniga iyo dhowr wasiir”. Wasiirka waxaan weydiiyey su’aal ahayd, gobolka hiiraan waxaa isku haya kuwo
lagu sheego dooxada shabeelle, ahlu sunna waljameeca, TFG iyo ciidamada
Itoobiya, intooduba dano gooni gooni ah ayey kala wataan, dhibaatada kale ee
hadda jirta waxaa nagu maqaalo ah, in shacabka soomaaliyeed habeen kasta lagu
laayo halkaas, ugu yaraan ilaa seddax iyo wax ka badan sida laga soo sheegayo,
marka laga reebo qaraxyada ay geysanayaan kuwa nabad diidka aad u bixiseen,
dadkuna waxaa toogta ciidamadda Itoobiya iyo kuwa maamulada kale, dadkiina
dhibaato ayey ku qabaan arrinkaas sida aan maqleyno, hadaba taasi miyaan loo
qaadankarin kacdoon kale ayaad abuureysaan?. “ ee maya, runtii dadku xiisad ayey iska jecel yihiin inay sheegaan, wax ku
dhinta meeshaas ma jiro ee seddax maalin ayaan soo moogahay wax dhinto iyo wax
la dilo meeshaas ma jiraan waa marka xaqiiqda loo hadlo, waxaana fiican in
marwalba xaqiiqda laga hadlo Ummaddana lagu dhiirigeliyo danahooda, Ahlusuna waa
dadd deegaanka u dhashey oo tiradooduna aad u kooban tahay ayaa meesha jooga,
waana dadd wanaagsan oo runtii oo kaalin ka geystey arrintaas, laakiin sida loo
siyaasadeynaayo oo ragan Ahlusuna ay sheeganayaan, annagaa wax xureyney iyo
annagaa yeelney waxaas sidaa uma ahan, xoogooduna wuxuu jiraa galgaduud, niman
deegaanka degan oo tiradoodu ay aad u yar tahay oo sodon qofba dhameyn, wax
gaadiidna aan wadan, hubka ay wataana uu yar yahay oo deegaankoodu yimid, ayaa
niman kale oo wax siyaasadeynayo baa waxay leeyihiin Ahlusuna ayaa joogtey,
xitaa haddii ay joogaan waa dadd walaallaheena ah in la inkirana ma ahan,
laakiin haddana in been la sheego oo adduunyada loo tuso in meesha xoogagg kala
duduwan oo is-haysta ay joogaan ma ahan, wax is-haysto iyo wax iska soo horjeedo
meeshan ma joogaan.
 Dooxadda shabeelle, marka laga hadlaayo waa dadd deegaanka u dhashay oo magacaa
ku soodagaalamey, cid ay ka soo horjeedaana ma jirto, Ahlusana waa dadd
deegaanka ka dhashey oo soo raacay inay cadowga la dagaalamaan, falsafad gadaal
oo ay ku xiran yihiin oo laga maamulaayo ma jirto, meesha Ahlusuna degan tahay
ayey iska soo abaabuleen, marka deegaankooda ayey yimaadeen oo cadowga ka
xureynayaan cid kale oo ay kasoo horjeedaana ma jirto, wax-yaalaha aan u tagney
meesha kuwaa ayey ahayd waana ku guuleysaney in la mideeyo” ayuu yiri
Cabdullaahi Goodax. Ninka madaxweynaha ka ah dooxada shabeelle, waxaa uu ka soo horjeestay maamulka
aad meesha ka dhisteen iyo waxa aad meesha u timaadeen, arrinkaas bal ka waran? “runtii kama soo horjeesan, laakiin sida shacabku uu wax u doortey oo danahooda
uga arrinsadeen, dowladuna ay ku taakuleysay, kuma qanacsaneyn!. Kuma qanacsana
Macnaheeduna ma ahan wuu ka soo horjeestey, iyaduna waan waan ayaa socota, niman
dhalin yaro ah dooxadda shabeelle oo isu xilsaarey runtii cadowga la dirirey
tayona leh oo wanaagsan ayey ahaayeen, waan waan ah ineysan ka hor imaanin waxa
dadku rabo ayaa socota. Waxaa adduunyada haleeyey qof yiraahda annigaa wax
fahmo, annigaa wax u garto, annigaana u dhahaayo, markaa niyad wanaaga dadku ku
wada fariistey, inaan laga hor imaan ayaan dhiirigelineynaa weyna dhamaan
doontaa labada maal mood ee soo socota” ayuu ku adkeystey wasiir goodax. Mudane wasiir, maamulka aad meesha ka dhisteen ka TFG, ahaan in aad ku kala
qaybsanteen, gobolka hiiraan oo markii bari iyo galbeed u kala qaybsanaa, hadana
sidaas uu u kala jaban yahay, layskuna haysto maamulka guud cidii qaban lahayd
ayaa nagu maqaalo ah ee arrinkaas maxaa ka jira?. “arrinkaas waxaa weeye,
saxaafadda ayaa jecel mar walba in ay xiisad abuuraan. Dabcan waa garankarnaa
meh-radooda ayaa ku dhisan in xiisad ay jirto, markaan annigu meeshaas tegay
bari iyo galbeed, waqooyi iyo koofur toona, wax looga hadlayey ma jirto.
Gobolkaas waxaa dega 14-qabiil, sida ay u dhan yihiin inta ay u fariisteen, ayaa
waxay ku heshiiyeen sidii wadankaas Hiiraan la yiraahdo ay u maamulan lahaayeen,
runtii farxad weyn ayey ahayd, taariikh-da soomaaliya wax cajaa’ib leh ayaan
bilowney. Tan aan ka sameyney Hiiraan ayaan rajeyneynaa in gobol kasta aan ka sameyno
markuu xoroobo. kalsooni weyn ayaa dadku isku qabey, Al-shabaabb ayaa dadka kala
xayirey, waqtiga badan waxaa qaatey hilowga iyo xiisaha ay isu qabeen, waxayna
ahayd waqti shucuurta bani’aadanka kor ay u kacsaneyd, fikirkan wuxuu yaalaa
wadanka bannaankiisa iyo magaalooyinka fadhi ku dirirka aadka uga shaqeeya,
xagaa la kala ahaa iyo xagaas ayaa la kala ahaa, waxaas ayaa ag’-yaala ayagu,
waana wax Dukumiinti ah, yacnii ma ahan wax guri hoostiisa lagu sameeyey ee waa
shaqo fiican oo la qabtey”. Ayuu si addag u yiri Wasiir Goodax. Inkastoo dalka soomaaliya mudo 21-sanno uu bur bursanaa, islamarkaana wax badan
in la qabto loobaahan yahay, haddana Mudane Wasiir intii aad xilka qabatey,
maxaa kuu qabsoomey? Ayaan weydiiyey “wax badan ayaa qabsoomey, wasaaradeydu
laba arrin ayey qabataa. Tan hore Arrinta Qorshaha iyo Arrinta Iskaashiga ayey
qabataa, maalintii xukuumadeena la dhaariyey, waxaa hoosteeda ka dhashey laba
arrin oo aad u culus oo u baahnaa labaduba shaqo badan oo iskaashi leh. Shaqada
koowaad waxay ahayd abbaarihii ba’nnaa ee gondaheena ka dhashey, waxay u
baahatey gurmad iyo iskaashiga caalamiga oo aad u shaqeeyo, waxaan is dhihikaraa
hawshii wasaaraddu ay qabatey iyo xukuumadda inteeda kaleba ayaa suuragelisey
dhibaatadii aadka u weyneyd ee in abbaaraha aan yareyno, taas ayaa ahayd
wax-yaalo lagu faano, dhibkuna intaan waa ka weynaan lahaa haddii xukuumadu
aysan gurman lahayn oo iskaashigeeda caalamiga ah uusan ahayn mid taabo qaad
leh. Waxaa kale oo jirtey magaaladda xamar oo durbadiiba gacanteena soo gashey,
maalmihii ugu horeeyey ee ay xukuumadu shaqada bilowdey, taa laftirkeeda shuqul
weyn bey ahayd in la hanto magaaladda Xamar oo uusan cadowga gacantiisa dib ugu
noqonin, waa shaqo weyn oo la qabtey, waxayna ahayd qorsho wanaagsan oo
magaalada lagu xasilinaayo iyo iskaashi laftirkiisa, wasaaraduna qayb weyn ayey
ka qaadatey xasilintii magaalada Xamar. Waxaa dheer dhowr qorsho oo la sameeyey sida waqtiga xukuumadeena ay jireyso,
qorsho gaar ah waxaan u sameyney magaalada xamar sidii loo nabadeyn lahaa iyo
qorshe guud oo ilaa iyo shan sanno ahna waan sameyney. Waxaan keloo ku
guuleysaney inaan sameyno waxa loo yaqaan in aan cayino meelaha la doonayo in
adduunyadu nalagala shaqeeyso, taas ayaaba shuqul ah in aad tiraahdo halkaan ha
laygala shaqeeyo inta kale ha la iska daayo, marka wasaaraddu shaqo badan ayey
qabatey marka runta loohadlo, waxaa intaas dheer oo aan arruurinaa ilaa
xukuumadihii annaga naga horeeyey oo wali shaqeeyo waaxdii tirakoobka, waxaan
arruurinaa ascaarta iyo macluumaad badan oo la xiriira tirakoobka ayaan
arruurinaa”! ayuu yiri Mr. Goodax. Qorshaha ma idiin kugu jirtaa ganacsatadda soomaaliyeed ee maal qabeenadda ah ee
dalka dibadiisa hantidooda taala, islamarkaana maal-geshta dalalka kale ee
caalamka oo ay ugu soo horeeyaan dowadaha deriska, qorshe xiiso gelinaya oo
qandaraasyo aad ku siineysaan qaybihii kala duwanaa ee kaabayaasha dalka, marka
laga reebo dhinaca ammaanka oo ay xukuumadu si gaar ah isugu xilsaareyso? Wasiir Goodax oo ka jawaabista su’aashan aadna u xiiseynaya ayaa wuxuu yiri “
dabcan mar walba jawaabtu waa iska haa, laakiin markaad ka hadashid ganacsatada
soomaaliyeed, xoogooda kama maqna wadanka, xitaa haddii wadan kale ay
maal-geliyeen wadankana way ka shaqeeyaan, markii ay bur burtey dowlad-nimada
soomaaliya, kaalinta ugu weyn ee wadanku uu ka dumi waayey oo uu ka dhiman
waayey waa ganacsatada soomaaliyeed, runtii ammaan ayey mudan yihiin shaqo
fiican ayey qabtaan, waxay suurageliyeen as-caar hooseyso iyo raashiin wanaagsan
ay keenaan, waxay keloo suurageliyeen addeegyada Is-gaarsiinta iyo xawaaladaha,
haddaad muqdisho xiligan aad eegto, runtii waxaa ka socda dhismo waalan!. Haddaad tirisid guryaha la dhisayo oo gaari aad ku dhex qaadato, shantii guriba
mid ayaa la dhisayaa ugu yaraan, meelaha qaarkoodna laba ayaa la dhisayaa,
yacnii waad qiyaasi kartaa Xamar bur burka gaarey aad buu baaxadiisa u weyneyd,
marka shantii guri oo aad marto laba ama al dhismeyso, waad qiyaasi kartaa
horumarka socdo, waxa waxaas sameynayo waa ganacsatadda, waxayna sahlayaan inay
keenaan badeecadii qaybaheeda kala duwan, halka shey ee aan ku dhaliileyno
ganacsatadu 21-sanno oo ay Xukuumad la’aan ku noolaayeen, waxaad moodaa mararka
qaarkood canshuurta inay bixiyaan in aysan rabin, wadana canshuur la’aan ma
socdo, marka meeshaas waxaad moodaa in ay aad uga cagg jiidayaan oo runtii lagu
rafaadayo in wax laga qaado, xukuumaduna waxay wadaa in dowlad-nimadii soo
noqoto, markaa waan is-daba marin doonaa, haddii alle yiraahdo, annaguna
hawshaas ayaan xooga saareynaa, iyaguna fahamka ayey kordhin doonaan in lagama
maarmaan ay tahay in canshuur la bixiyo”. Mar aan weydiiyey Wasiir Goodax maamulkan Somaliland ee sheeganaya in ay gooni
isutaageen, muxuu yahay qorshaha Xukuumadda KMG Soomaaliya? Ayaa wuxuu ku
jawaabey “fikriyan mowqifka xukuumadda soomaaliyeed, marnaba ma ogolaaneyno in
la kala go’o, laakiin duruufta ka jirta Somaliland iyo Putland waa mid jirta,
waana duruuf ku saleysan in soomaalidii ugu horeysay oo wax fahantey qoriga
inuusan faa’iido lahayn ayaa cad oo wax la inkirikaro ahayn oo wadanka intiisa
kale ku deysado ay tahay, runtii qorigan iyo colaadu faa’iido ma lahan, markaa
in qoriga la aruuriyo oo lagu simo gacanta dadka ehelka u ah oo xukuumadda ah la
geliyo ayaa haboon, waqtigeeda munaasibka ahna soomaalidu way isku imaaneysaa
inteeda kale, marka ay xabaddu istaagto, waligeedna wax islamawaayeyso, iyagoo
intaan ka tabar yar, ka aqoon yar, ka dhaqaalo yar ayey wax isla fahmeen,
inkastoo colaad badan la soomarey oo kalsoonidii ay luntey, haddana waxaan
aaminsanahay soomaalidu marnaba wax islamawayn doonto”. dekadaha ku yaala maamuladda Somaliland iyo Putland, dhaqaalo ayaa ka soo
xarooda, ma jiraa wax qorshe ah oo aad u sameyseen oo ay xukuumadu kula
macaamiisho, maadaama aad tahay Wasiirkii Wasaaradda qorsheynta? Wasiirku Waxaa
uu ku jawaabey “runtii annaga xukuumad ahaan waqti yar ayaan jirnaa, waqti yarna
waa inooharey, xukuumadu waxay ahaysatey halsano, waxaana naloogu talo galey
inaan ka shaqeyno oo salka noo ah, waa Road-map-ka, runtii inaan meel walba isku
baahino oo aan meel walba cagta saaro oo aan meelna wax ka qaban faa’iido ma
leh, waxaan culeyska saareynaa Road-map-ka, isaga ayaa keenidoona in laga baxo
KMG-nimadda, sameynta dibuheshiisiinta, colaaddan”. Waxaa kale oo aan weydiiyey sidee KMG-nimada looga baxayaa, iyadoo aan maamulka
Somaliland ee leh gooni baan isutaagney, iyadoo aan wax qorsho ah loo sameyn oo
xukuumadii soomaaliya aysan ka mid noqonin, dhihina dowladii soomaaliya ayaan ka
mid nahay, islamarkaana aan go’aan laga gaarin guud ahaan? “KMG-nimadu ma ahan
wax mucjizo ah, yacnii waa arragti, iyada ayaan la dagaalaney, faa’iidada uu
keenayo waxaa ka mid ah, inaan la macaamiiltano dowladaha kale, marna ma diidi
doonto in aan ka shaqeyno danaheena gaarka ah, wax mush-kilad ah ma lahan,
haddii ilaahay yiraahdo KMG-nimadu waa laga baxayaa, fikirkan kala duwan ee
soomaalidu kala qabtona waa laga baxayaa Insha Allaah”. Waxaan weydiiyey su’aal ahayd deegaanada hadda laga saarey kooxda Al-shabaab,
maadaama ay awoodoodii sii wiiqmeyso, ka xukuumad ahaan maxaa idiin qorsheysan
in laga sameeyo? Wasiirku wuxuu ku jawaabey “qorshaha guud waan naqaanaa oo waa
in dib loo soo nooleeyo amnigii, kaladambeyntii, maamulkana loo dhiibo dadd tayo
leh, islamarkaana la helo cadaaladii guud uu lahaa dalka, arrintaasina shaqo
sahlan ma ahan, wax-yaabaha halkan nakeeney ayey ka mid tahay, dhaqaalkeeduna
wali lama hayo, waxaana dooneynaa in aan dhaqaalo weydiisano ka
sooqayb-galayaasha shirka”. Goodax waxaan weydiiyey Ma jiraa qorshe dhaqaale oo cayiman oo tiradiisa intaas
iyo intaas weeye aad leedahay oo ku baxay xukuumadda intii ay jirtey? Wxuu yiri
“ haa waa jiraa, markii aan nimid, xukuumadii naga horeysay bajad ayaa jirey oo
ay ka tagtey, dhowaan golaha wasiiradda waxay ansixiyeen bajadkii dowladda
soomaaliyeed ee sannadka 2012-ka, wasaaradd walba bajadkeeda ayey taqaanaa iyo
sida ay u isticmaaleyso, waxayna ka mid tahay guulaha xukuumadeenu ay gaartey
ayaan is dhihi karaa”. Cabdullaahi Goodax waxaan keloo weydiiyey su’aal ahayd, Dhowaan deegaanadan la
yiraahdo Putland, waxaa laga bilaabey baarista ama qodista shidaalka, siyaasadda
guud ee xukuumadda soomaaliya, xiligan qorshaha ma ugu jirtaa in shirkado
shidaal baara ama macaadinta baara, in dalka soomaaliya ka hawl-galaan? “dabcan haa, ee wadan kasta wuxuu xor u yahay, macdanta iyo kheyraadka kale ee
uu leeyahay in ay hormariyaan, annaguna waan hormarineynaa, qorshahana waa
inoogu jirtaa, haddana waa bilaabatey waad arkeysaa, laakiin wax walba waxaa u
aas aas ah nabad-gelyada, inta waqtiga xukuumadda ka harey, waxaan culeyska
saareynaa, in Al-shabaabb laga xoreeyo, kadibna la xasiliyo dalka, meesha aan
dooneyno in aan culeyska saarno waa intaas” ayuu ku sookoobey jawaabta su’aasha. Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdullaahi Goodax
waxaan weydiiyey, Marka laga reebo maamul goboleedka Putland, zoon kale oo ay
soomaaliya leedahay oo deegaanka Kudhaa wixii ka xageeya ama Laamuu, ama Block L
5, la yiraahdo, in dowlada Kiiniya shidaal qodis ay ka bilowdey arrinkaas
qorshaha xukuumada maka mid yahay?! Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdullaahi Goodax
waxaan weydiiyey, Marka laga reebo maamul goboleedka Putland, zoon kale oo ay
soomaaliya leedahay oo deegaanka Kudhaa wixii ka xageeya ama Laamuu, ama Block L
5, la yiraahdo, in dowlada Kiiniya shidaal qodis ay ka bilowdey arrinkaas
qorshaha xukuumada maka mid yahay?! Waxaa uu ku jawaabey “hore ayaan kuugu sheegay, annagu mudadda noohartey, lix
bilood waaye, xukuumad ahaan, kama hadlayo mustaqbalka soomaaliya, waxaan ka
hadlayaa ilaa Augusto, waxa muhiimadda inoo ah, mana ahan inaan batrool baarno,
wadamo kale waxay wadankooda ay ka baarayaan inaan isku mash-quulino ma ahan,
lixda bil waxa nooyaal waxaa weeye inaan nabad-gelyo ku soodabaalno wadanka,
adkeynana ee culeyska fikirkeenu waa meeshaas”. Mar aan weydiiyey wasiirka qorsheynta Goodax deegaanka hadda ay Kiiniya
shidaalka ka qodeyso waa deegaan soomaaliyeed, haddaba maadaama aad tahay
wasiirkii qorsheynta, islamarkaana dowladda Kiiniya ay xad-gudub ay ku sameysey
xuduudda soomaaliya, muxuu yahay qorshaha siyaasadeed ee xukuumadda arrinkaas
ayaa wuxuu ku jawaabey “Runtii annagu lama socono dadd Ajaanib ah ama wadamo
kale inta ay soodhaafeen xuduudadeena ee macaadin ka baara, haddey jirtana
tilaabo macquul ah oo ku haboon ayaan ka qaadeynaa”. Waxaan keloo sii weydiiyey wasiirka, maxay tahay tilaabadda ku haboon oo aad ka
qaadeysaan?, wuxuuna ku jawaabey “ waxaadan ogeyn in ay jiraan, midaas ayaan ka
sameynayaa, waa laga fiican yahay”. Xafiis-yada UN-ka ee laga furey dalka, gaar ahaan magaaladda muqdisho, dhamaan
hay’adihii UN-ka ahaa ee ka shaqeynayey 21-ka sanno dalka soomaaliya, waxay
barteen wax-yaabo badan oo aan sharci ahayn, waxaa kale oo jira wax la yiraahdo
Ururo Bulsho oo ay sameeyeen islamarkaana sharci ka haysta Hay’adahan UN-ka iyo
kuwa kale ee Caalamiga lagu sheego dawladuna ma aqoonsana, waxayna u shaqeeya
habb dowladeedkii dalku uu lahaa, sida magacoodu ka muuqdo oo ah, Jilayaasha aan
dowliga ahayn, waxayna wax ka sheegaan tilaabo kasta oo dowladu qaado, maadaama
aad tahay wasiirkii qorsheynta xukuumadda KMG soomaaliya muxuu yahay qorshaha
siyaasadeed ee ku wajahan arrimahaas isku xiran?. “Xafiis laga furo Xamar, macno badan ma sameyneyso. Waxaa macno sameynayo waxaa
weeye in xafiisku shaqeeyo, annagu marnaba kuma qanceyno xafiis baa la furey,
waxaan u baahanahay in xafiisyadu shaqeeyaan oo gebi ahaan UN-ka uu soo guuro,
waxa tababaro bannaanka lagu qabanayo oo Hoteelkan aan degenahay shaley mid ku
soodhamaadey, waxaa lag qabankarey Xamar, waxaas oo idil ayaan ka soo
horjeednaa, waa lacag soomaaliyeed oo lagu tagri falaayo oo six un loo
maamulaayo oo si kale loo isticmaalikarey dhaqaalana ka sooharikarey oo wadanka
wax u qabanaya. Adduunku waa nala xisaabtamaan xoogaaga aan ka helno furdadaas
oo aan wadanka dhan ku maamulno, buugaaggteena wey u furan tahay oo wey
fiiriyaan, annaguna waxaan ku addkeysaneynaa buugaaggtooda in ay furan, lana
joojiyo xoolahan sida la doono ay u maamulayaan. wax-yaalaha loo raadinaayo in laga baxo KMG-nimada ayey ka mid tahay, barkee
nooca hadda ay tahay maba la xisaabtano barkee KMG, ayaanu nahay, cid la
xisaabtantana lama arko. Kuwii la xisaabtami lahaana ee lacagta u dhiibey, waxaa
u diidan in la xisaabtamo sharciga UN-ka. ,sababtoo ah UN-ka lacag ayaa la
siiyaa lalama xisaabtamo, waxaana la xisaabtamo dowlada ay ka dhex addeegaan,
dowladiina waxaa la yiri waa KMG oo awood ma leh, waxna lama xisaabtamikarto,
taas ayaa keentey fikirka laga qabo in UN-ku madax bannaan yahay oo wuxuu doono
sameeyo, xitaa NGO,s-yadan caalamiga ah waa noocaas, wax-yaabaha aan ugu
mintideyno in laga baxo KMG-nimada ayey ka mid tahay. Ee waa In aan gacanta ku
dhigno masiirkii Ummadda soomaaliyeed oo aan ka talino aayaha wadankeena, hadda
kama talino runta ayaa wanaagsane markaad fiirisid dhaqanka UN-ka. Baladweyne ayaan tegay anniga, laba wasiir iyo toban xildhibaan, toban maalin
ayaan joogney, waxaan qabaney shaqo haddii loo dhiibi lahaa hay’adahan oo qaadan
lahaa hal sanno, ayna ku bixi lahayd ugu yaraan laba milyan oo doolar
$2,000,000, kun qofna ay ka shaqeyn lahayd, wixii ka soobaxana Ummaddu isku sii
dirirto, ayaan waqti toban maalmood ah iyo 13 qof annagoo ah kharash ka yar
boqolkiiba hal ku suurageliney wax reer Hiiraan oo dhan ay raali ka wada yihiin
oo cid maanta inta la wareysto oo wareysigeygaas inta ka hadasho oo dhihikarto
been buu sheegay aysan jirin. Marka waa inaan aayaheena u istaano cidna noo
sameyn meysee, haddaan suuragelino xukuumadeena, in KMG-nimada wadanka ka
saarno, shaqada ugu wanaagsan ee ay xukuumadeenu qabatey ayey noqoneysaa. Ururadan bulshada la sheegayo iyo dhamaan NGO,s-yadan kale waa isku mid,
Soomaaliya oo dhan waxay noqotey Mash-ruuc, mana ku sii socon karto in
soomaaliya mash-ruuc ahaato, dadkuna ma gartaan sacaan waa dhinteye markaan ha
daaqo, waxaana la doonayaa in la kor taagnaado xili kasta!, taasina macquul ma
noqoneyso, waxa aysan mac-quul ku noqoneynina waa in laga baxo KMG-nimada, Road
map-kuna KMG-nimada ayuu kanaga saaraayaa, annaguna intaas ayaan ku mintideynaa. Shacabka soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa nabad-gelyada in la soo celiya,
intooda gudaha joogta iyo kuwa dibadaha joogaba, gaar ahaan kuwa fidnowadayaasha
ah waxaan leeyahay wadankiina ha tirtirinina, sababtoo ah nabad-gelyada, iyada
ayaa aas aas u ah wax walba, maalintii nabad-gelyo la waayo, wadanku siduu doono
ha u weynaado, runtii bur bur aan laga sookaban Karin ayuu gaaraa, waxaana
leeyahay yaan la rajo dhigin ee kuwa fowdada ah waqti ha siinina, dadka dibadda
jirana waxaan leeyahay wadanka u soo noqda, fursad fiican oo laga taabo
qaadikaro ayaa jirta oo sameeya shaqo abuuris iyo maalgeshi, waana waqtigii la
isku duubmi lahaa haddaan nahay Ummadda Soomaaliyeed waad mahadsan tahay” ayuu
hadalkiisa ku soo xirey wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee DFKMG
soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo iigu waramayey Hoteel Kempinski ee
caasimadda dalka Jabuuti 05/02/2012. F.G:- La Soco Sill-siladda Wareysiyadda Somalitalk!! Maall-maha Soo Socda Ay
Idiin Soo Gudbindoonto, Haddii Allaha Awooda Leh Ogolaado Dhamaad Wareysiga Waxaa Qaadey:- Wariye Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti. fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2012
|