Kulan ballaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Guurtida Beelaha Jareer Weeyne ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid ay u dhamaayeen Golaha Guurtida ayaa ugu horeynba waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtida beelaha Jareer Weyne Ugaas Aweys Shiikh Xuseen (Huneero) oo sheegay in ugu horeynba Kulankoodan Maanta ay ku soo dhaweynayaan magacaabista Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirddoon
Guddoomiyaha ayaa sheegey in haddii ay yihiin Beelaha ku abtairsada Jareer Weyne ay soo dhaweynayaan Ra’iisul wasaarahan cusub isla markaana ay la shaqaynayaan isagoona faray in Ra’iisul Wasaaraha uu soo dhiso Xukuumad Tayo leh oo wax ka qabata Dhibaatooyinka Soomaalidu ay ku jirtay mudada dhowra sano ah.
Ugaas Huneero ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya in uu soo celiyo hanaankii dawlad wanaagga iyo Cadaaladdii iyadoo meesha laga saarayo dulmiga Beelaha Soomaaliyeed qaarkood loo gaysanayay. Ugaas Aweys ayaa soo hadal qaaday hadalo maalmahanba la isla dhex marayay oo sheegayay in Xukuumadda Kenya ay waddo qorshe ay maamul ugu dhiseyso Gobolka Jubada Hoose isagoona sheegay in Maamu Kenya ay halkaa ka dhisto inuusan shaqayn doonin
Guddoomiyaha Golaha guurtida Beelaha Jareer weyne Ugaas Huneero ayaa sheegay inuu aqoonsan yahay Xukuumadda Kenya in ay ka mid tahay Urur Goboleedka IGAD isla markaana ay qayb ka tahay hawl Galka AMISOM sidaa darteeda loo baahan yahay in wixii maamul ah loo daayo Soomaalida dhexdeeda gaar ahaana Beelaha wada dega Gobolka Jubada Hoose.
Huneero ayaa ka digay Colaad qabali ku dhisan oo mar kale dib uga bilaabanta Gobolkaas taasoo keeni karta cawaaqib xumo ka daran tii labaatankii sano ee la soo dhaafay dalka soo martay. Ugu danbayntii ayuu Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee beelaha Jareer weeyne sheegay in Dawladda federaalka Soomaaliya in ay gacan ka gaysto sidii beelaha Goboladaas dega ay u samaysan lahaayeen Maamul ay gacmahooda ku dhistaan halka Dawladda kiinya ay iyadu u samayn lahayd Maamul Khilaaf hor leh keena.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mailamiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.