Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegay sidan:
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo Shacabka Kuwait kaalmada ay soo gaarsiiyeen dadka abaaruhu halakeeyeen ee Soomaaliyeed.Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hadalkan ka sheegay munaasabad hay’adda Bisha-cas ee Kuwait ay saaka ku goddoonsiisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka raashin gargaar ah oo tiradiisu dhantahay 3,300 Tone oo isugu jira Bur, Bariis, Sonkor, Saliid, Timir, Daawo iyo bacaha roobka laga galo iyadoo munaasabadani ay ka dhacday gudaha dekedda weyn ee Muqdisho.
“Aadbaan ugu mahadcelinayaa kaalmadan ay dowladda iyo shacabka Kuwait u soo dhiibeen walaalahooda Soomaaliyeed si gaar ahna waxaan ugu mahadcelinayaa Amir Sabbah Al Ahmed” ayuu yiri RA’iisul Wasaaruhu isagoo xusay in kaalmadan uu rajeynayo in hay’adda maareynta Musiibooyinka si deg deg ah ugu qeybin doonto shacabka tabaaleysan ee gaajadu ka soo barakicisay guryahoodii.
Sidoo kale, Dr. Musaacid Rashid Al Cizi oo u hadlay hay’adda kaalmadan soo gaarsiisay shacabka Soomaaliyeed ee Bishacas Kuwait ayaa xusay in raashinkani ay ugu talo galeen dadka abaaruhu ku dhufteen ee Soomaaliyeed, isagoo xusay in deeq kale ay soo wadaan kuwaasoo ku iman doona dhanka Badda iyo berrigaba.
Asc walaalayaalow ilaahay u barya in ilaahay inaka saaro colaada iyo abaarta wadankeenii ku habsatay waa bil ramadaan ilaahoow naga saar adigaa naga qaadi karee