Bosaaso-somaaliya: schoolka daarul qur’aan ee magaalada Bosaaso ayaa maalintii jimcaha taarikhduna aheeyd 15/4/2011.soo agaasimey xaflad aad u balaaran oo aay ka soo qeeyb galeen qaar ka mid ah waalidiinta ardeyda iyo madaxda goobaha waxbarasho ee magaalada boosaaso,iyo madax ka socotey doollad goboleedka Puntland somaaliya.
Xafladaas ayaa lagu furfurey aayado qur’aanka kariimka ah oo aay aqriyeey qaar ka mid ah ardeyda schoolka oo iskugu jirey wiilaal iyo gabdhaba,ayadaahaas qur’aanka ah ka dib.ayaa sheeykhu waxa uu ka Hadley muhimada aay leedahay waxbarashada iyo gaar ahaan tan qur’aanka kariimka ah.sheekh/xasan ayaa ka sheekeyey doorka sh/cali suufi uu ka ciyaarey faafinta iyo barida qur’aanka kariimka ah.
Hadalkaas aadka u xiiso badan ee uu soo jeediyey sheeykha ayaa sidoo kalle goobta waxaa ka Hadley ahemd cali oo ka mid ah maamulka daarul quraan ee magaalada boosaaso.asagoo ka xog-waramey heerarka kala duwan ee uu macahadka soo marey iyo sida uu maanta maraayo.asagoo sheegey in macahadka uu ku biloowdey ardey dhan tiradooda; 150 ardey.maanta uu maraayo 1360 ardey.wuxuuna ahmed ku tilmaamey arinkaas in dadku uu aad u xiisanaayo in aay helaan waxbarasho iskugu jirta barista qur’aanka iyo maadooyinka kalle.si uu ardeygu u helo aqoon dhamees tiran.
Sidoo kalle ahmed ayaa u mahadceliyey dadkii ka qeeyb qaatey horusocodka iyo horumarka macahadka.asagoo sii gaar ah u xusey.hay’ada manhal ee uu sheegey in aay u dhistey dhismaha cusub ee xafladu ka socoto.
Waxaa sidoo kalle asagana goobta ka Hadley mudane/mahad ahmed isku duwaha wazaarada waxbarashada gobolka barri, asagoo u mahad celiyey dadkii dhisay xarunta waxbarasho ee daarul qur’aan asagoo sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay istaagida goobtaan iyo horumarkeeda.
Ugu danbeeyntiina isku duwaha wazaarada waxbarashada ee gobolka barri ayaa ardeydii ka qalin jabisey iyo kuwii muteeystay abaal marinta wuxuu gudoonsiiyey shahaado sharaf iyo abaal marin uu macahadku ugu talo galey abaal marinta cidii muteeysatey ee heerkooda waxbarasho iyo dhaqanba uu fiicnaa.
Schoolka daarul’quraanka ayaa la aasasey sanadku markuu ahaa 2002.waxaa lagu aasaasey magaalada boosaaso.wuxuu ka kooban yahay 5 qoobood oo waxbarasho….
Bosaaso.Abdul fitah Nur Ahmed (Ashkir).
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.