Wararka ugu dambeeya oo ka imanaya Cadaado ayaa sheegaya in maamulka ximan iyo xeeb ay dib ula wareegaan magaalada cadaado…
Warbixinadii hore ee weerarkii Ahlu Sunah ku qaadeen Cadaado hoos ka akhri.
Xaruntii Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Degmada Cadaado oo lala wareegey ka dib markii ay Duulaan ku soo qaadeen Ahlu Sunnah…
Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in Goor dhow Koox Maleeshiya oo ka amar qaata nin la yiraahdo Cabdi Shukri ay la wareegeen Degmadda Cadaado ka dib markii dagaal aan sidaa u weyneyn uu ka dhacay Magaalada Cadaado
Waxaa la sheegey in Maamulkii Ximan iyo iyo Xeeb oo uu horkacayo Madaxweynihii Maamulkaas Maxamed Cabdulaahi Tiiceey ay u dhaqaaqeen dhinaca Degmada Baxdo oo aan sidaa uga fogeyn Degmada Cadaado waxaana lagu waramey in Magaalada Cadaado oo uu ka dhisnaa Maamul ay isku raacsan yihiin dadka deegaanka ayaa la ogeyn waxa uu ku dambeyn doono
degmada cadaado wararka ka imaanaya Degmada Cadaado ay sheegayaan in dadwyeynaha halkaa ku dhaqaan ay u soo baxeen Wadooyinka Magaalada Cadaado iyadoo kooxdii qabsatey ay la wareegeen Xarumihii ay la haayeen Maamulkii Ximan iyo Xeeb oo ay ku jirto Xarunta Madaxtooyada, Saldhiga Boliiska iyo xarumo kale oo ay lahaayeen Hayado Samafal iyo Xaruntii Idaacada Codka Gobolada dhexe
Ciidamada Duulaanka ku qaadey degmada Cadaado ayaa saakey waaga markuu beryey waxay la wareegeen Deegaan Godinlabe oo aan sidaa uga fogeyn Degmada cadaado waxaana dadka la Hadley Saraakiil la socotey Kooxda saakey la wareegtey degmada Cadaado oo Xarun u ahayd Maamulka Ximan Xeeb
Intii aan lala Wareegin Degmada Cadaado ayaa waxaa habeenkii Xaley laga afduubtey Degmada Cadaado laba nin oo u shaqeynayey Hayada Save Children Uk oo mid u dhashey Wadamada Simbabwe balse asal ahaan ka soo jeeda Wadan Ingriiska halka kan kale uu u dhashey Wadanka Soomaaliya ilaa iyo hadda lama oga halka lala aadey Labadaas ruux
Madaxweynha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa habeenkii xaley ahaa Wareysi uu siiyey Qaybaha Warbaahinta ayuu waxa daboolka ka qaadey in degmada Cadaado ay dulaan ku soo yihiin Ciidamo uu wato nin la yiraahdo Cabdi shukri isagoo sheegy in maamulkiis ay iska difaaci doonaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Cabdi shukri isagoo ku tilmaamey nin doonaya inuu iska horkeeno dadka ka kala soo jeeda maamulada Galmudug iyo iyo Ximan iyo Xeeb
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaara Degmada Cadaado ayaa sheegaya in Kooxda la wareegtey Degmada Cadaado lagu sheegey Ahlu Sunna Waljameeca waxaana la sheegey in ay la socdaan Saraakiil ks oo jeeda Dariiqdaas oo ka timid Deegaanada ay maamusho ee Ahlu Suunna ee Gobolada Dhexe
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
—-
Madaxweynaha Soomaaliya oo arrin Qatar ah ku tilmaamay dagaalka ka dhacay degmadda Caddaada kuna baaqay in la joojiyo.
Muqdisho: Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa ku tilmaamay dagaalkii maanta ka dhacay degmadda Cadaaddo ee Gobolka Galgaduud arrin Qatar ah isagoo ugu baaqay Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca in ay talaabaddaasi ka laabtaan.
Madaxweyne sh Shariif Sh Axmed ayaa hadal uu jeediyay kadib salaadii Jimcaha ee maanta waxaa uu ku faahfaahiyay oo uu kaga hadlay dareenkiisa ku aadan dagaal ay dad badani ku dhinteen oo maanta ka dhacay degmada Caddaado ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed ayaa dhacdaddaasi ku tilmaamay wax laga naxo waxaa uuna ka digay in ay keeni doonto cawaaqib aan la mahdin sidaas daraadeedna ay tahay in la joojiyo.
Madaxweyne sh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca ay dowladda Soomaaliya Hub iyo dhaqaale ku taageertay ka hor inta aanay ku biirin dowladda markaas oo ay la halgamaysay weeraro ay ku haysay maleeshiyada Al Shabaab deegaanada ay ku sugnaayeen Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca, wuxuuna Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in hada Ahlu Suna ay samayso wixii iyaga lagu samaynayay oo kale.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageerayso Maamul walba oo ka shaqaynayo nabada islamarkaana aanay wanaagsanayn in lagu sii socdo dariiqii ay ku burbureen Jabhaddihii kala duwanaa ee dalka soo maray oo ay qaarkood lahaayeen magac diimeed.
Madaxweyne Sh Shariif Sh Axmed ayaa markale isweydiiyay cida ah Ahlu Suna Waljamaaca, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in aan laga been sheegin oo aan magac xun loo soo jiidin magaca wanaagsan ee Culumada duruqu Suufiya.
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa imaanaya saacaddo kadib markii Ciidamo uu hogaaminayo Cabdishukri Cali Xirsi oo sheegay in uu ka tirsan Ahlu Suna Waljamaaca ay deegaanka Caddaado iyo deegaano ka agdhow kala wareegeen Maamulka Xibin iyo Xeeb.
Waxaa faafisay DFKMG
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.