Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo Arbacadii (Sept 29, 2010) gaarey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la kulmay ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya, Meles Zenawi.
Waxaana wada hadalkooda ubucdiisa uu diiradda saaray ra’iisul wasaaraha cusub ee loo soo magacaabayo xukuumadda Kumeelgaarka ee Soomaaliya, waa sida ay faafisay warbaahinta xukuumadda Itoobiya ee ENA. Waxaana warbaahintaas Itoobiya ay sheegtay in ra’iisul wasaaraha DFKMG la soo magacaabayo dhowaan.
Raa’isul wasaaraha ay soo magacaabistiisa ka wada hadleen Zenawi iyo Shariif waxa uu bedelayaa Cumar C/rashiis oo is casiley khilaaf madaxda xukuumaada Kumeelgaarka ah awgeed.
Zenawi waxa uu Sheikh Shariif ku yiri: “Soo xulashada Ra’iisul Wasaaraha cusub ee bedelaya ra’iisul wasaarahii hore waa in uu noqdaa mid aqbalaad ka hasta dhinacyada oo dhan”, Waxana Zenawi oo hadalka ku adkeeyey “Sida loogu baahan yahay in ra’iisul wasaare cusub degdeg loogu soo magacaabo.” Waxaa markaas Sheikh Shariif uu Zenawi u xaqiijiyey ” in uu ku dadaali doono sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra’isal wasaare cusub oo ay ku qanci doonaan dhammaan dhinacyada kale.” Waa sida ku cad warbixinada hoose ee ay faafiyeen xukuumada Itoobiya iyo xukuumadda KMG.
Kulankii September 29, 2010 (Wada hadalka ra’iisul wasaare cusub)
Marka taariikhda dib loo raaco, Febraayo 3, 2009 (oo ahayd 3 maalmood kaddib markii la dhaariyey Sheikh Shariif) waxa uu magaalada Addis Ababa kula kulmay Meles Zenawi. Kulankaas 10 maalmood kaddib ayaa Sheikh Shariif waxa uu Ra’iisul Wasaarihiisii koowaad u magacaabay Cumar C/rashiid (Febraayo 13, 2009).
Kulankii Feb 3, 2009 (Wada hadalkii ra’iisul wasaarihii cusubaa)
Sheikh Shariif waxa uu 2006 ka mid ahaa madaxdii ugu saraysay Maxaakiimtii Islaamiga ahayd ee hanjabaadda u jeediyey Xukuumadda Zenawi (arrintaas oo sabaabtay in ciidamada Itoobiya galaan Soomaaliya oo xasuuq ba’an ka geystaan) – sidaas daraadeed marka dib loo raaco siyaasadaha soo jireenka ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaa laga dheehan karaa in Zenawi uusan doonayn in xukuumadda Sheikh Shariif ay guulaysato. Waxaana cad dal hasta dhul Soomaaliyeed in uusan siyaasad wanaagsan la rabin “Madaxda Soomaalida xorta ah.” (Akhri faalladii Maxamed Macallin Cismaan).
Dhanka kale baarlamaanka DFKMG ayaan weli go’aan ka gaarin waxa laga yeelayo 15 xubnood oo ka mid ah 30-ka (ama 29-ka xubnood) ee DFKMG u soo sameeyey Dastuurka Qabyada ah, kuwaas oo Sheikh Shariif uu hore ugu tilmaamay in ay yihiin sharci darro oo waxay qoreen uu sharci darro ku noqonayo. Weli DFKMG ma shaacin in ay tahay in markale la soo bilaabo qoritaanka Dastuur ay yeelato Xukuumadda FKMG, mar haddii madaxweynaha DFKMG uu guddigaas sharci darro ku tilmaamay.
- Hoos ka akhri warka ay faafisay DFKMG ayadoo soo xiganaysey warbaahinta Itoobiya iyo warkii ENA oo English ah.
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ra’isal wasaaraha Ethiopia.
Addiss-ababa, (TFG,ENA): Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa kulan kula qaatay Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia magaalada Addiss-ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Sh. Shariif iyo Males ayaa wadahadaladooda waxaa ay diirada ku saareen arrimaha Soomaaliya.
Labada Masuul ayaa sidoo kale ay wadahadaladooda iskula soo qaaday arrinta magacaabida Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee dhawaan la magacaabayo, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibada.
Ra’isal wasaare Males ayaa soo jeediyay in Ra’isal wasaaraha cusub ee la dooranayo uu noqdo mid badali kara kii hore islamarkaana uu noqdo shaqsi ay doonayaan dhamaan dhinacyada kale.
Ra’isal wasaare Male ayaa sidoo kale tilmaamay in magacaabida Ra’isal wasaaraha cusub ay keeni karto in ay meesha ka baxdo dhibaatooyinka ay wadaan kooxda Al shabaab, islamarkaana ay sahli doonto in ay doorasho ka dhacda dalka.
Madaxweyne shariif ayaa isna dhiniciisa sheegay in uu ku daddaali doono in uu soo magacaabi lahaa Ra’isal wasaare cusub oo ay ku qanci doonaan dhamaan dhinacyada kale, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay wadajir ah ula shaqeyn doonto wadamada Xubnaha ka ah IGAD, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka.
- Warka waxaa faafisay DFKMG, warkii ENA hoos ka akhri.
Meles Holds Talks with Somali TFG President
Addis Ababa, September 29, 2010 (Addis Ababa) – Prime Minister Meles Zenawi met and held talks here on Wednesday with the President Federal Transitional Government (TFG) of Somalia, Skeik Sherrif Sheik Ahmed.
Meles and Sheik Sherrif’s talks delt on prevailing situation in Somalia.
The talks centered on the new Prime Minister of Somalia to be elected soon according to a Spokesperson of the Ministry of Foreign Affairs
Prime Minister Meles said on the occasion that the Prime Minister to be elected who will replace the former Prime Minister of the country should be a person who can have acceptance by all sides.
Pointing out that the election of the new Prime Minister would help stop the unsolicited pressure being exerted by Alshabab, Meles stressed the need to hold the election soon.
The President said on his part that his exerting efforts towards the election of the Prime Minister who can be accepted by all sides.
He also said Somalia would work jointly with IGAD member countries and of African Union and the international community.
T-7:09-9:31 PM
E-11 minutes
—END—
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.