Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg) ayaa sheegay in uusan oran hadalka ah Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato waa dhul la haysto. Waxana uu yiri “haba yaraatee ma oranin”.
Yuusuf Dheeg oo ka jawaabayey su’aal ay (July 19, 2010) weydiisay idaacadda wararka u faafisa Boqortooyada Ingriiska ee British Broadcasting Corporation oo weydiisay su’aal ahayd “Wasiir intii aad joogtey Qaahira ama aad u soo socotey, wargeys la yiraahdo Al-yowmu Saabic oo websitkiisa aan ku aragnay qoraallo kugu saabsan adiga ma jirtaa in aad la hadashay oo arrimo Itoobiya ku saabsan kala hadashay,” ayaa ku jawaabay:
“Niman saxafiyiin ah oo masaari ah oo badan ayaan maalintii Jimcadii la hadlay, markaas guud ahaan arrinta Soomaalida ayaan kala hadlaynay iyo xaaladdu meesha ay marayso iyo waxa dawladdu damacsan tahay, waa jirtaa, waa laga yaabaa qolada aad sheegeyso in ay ku jireen kuwaas,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda DFKMG.
Markaas idaacadda British broadcasting Corporation weriyihii ka socdey uu weydiiyey “Waxyaabaha gaar ahaan ku qoran waxaa ka mid ah gobolka Soomaalida Itoobiya waa gobol lahaysto, in lagaa soo xigtey kelmeddaas, arrintaasi sidaas miyaad u tiri?” Waxa uu Yusuuf Dheeg ku jawaabey “Maya, haba yaraatee ma oranin”, markii intaasi afkiisa ka soo baxday, asagoo weli neefsi ku maqan ayaa weriyahii idaacaddu si hal-haleel degdeg ah u yiri “waa ka gudbeynaa markaas.” DHEGEYO HALKAN.
Dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato ayaa ah dhul ay gumaysigii Igiriisku ka mid ahaa gacanta u geliyeen Itoobiya oo weli dhulkaas gumaysata.
Jariidadda Youm7.com oo ka soo baxda Masar ayaa July 16, 2010 qortay warbixin ay ku sheegtay in ay kasoo xigatey wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo ahaa in gobolka Soomaali galbeed uu ku jiro gumaysi. Jariidadda waxaa toos loogala xiriiri karaa linkiga hoose si loo weydiiyo in ay caddayn (ama cod) ay u hayso warka ay ka qortay wasiirka: http://www.youm7.com/About.asp
Markii jariidadda Youm 7 ay warkaas faafisay dadweynihii aragtidooda ka dhiibtey waxaa ka mid ahaa nin magaciisa kusoo koobay Cabdirsaaq oo yiri “yuusuf dheeg waa mas,uulka kaliya ee ka tirsan DKMG ee aan ee an warkiisa ku farxo waana qofka kaliya ee magacayga soomaalinimo ku hadli kara ilaa iyo hada. waxaana rajeynayaa inuu mowqifkiisa ka laaban ama uu si kale u rogin xataa hadii uu kursigiisa ku waynayo waayo wuxuu leeyahay shacbiyad badan waan MANDETE aysan haysan siyaasiyiinta kale….”
Warbixintii hore ee Jariidadda Youm7 hoos ka akhri.
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo Sheegay in Itoobiya ay Gumaysato Dhul iyo Shacab Soomaaliyeed
Yuusuf Dheeg: “Juqraafi ahaan gobolkaasi waa qayb kamid ah dhulka Soomaaliya, dadka halkaas ku dhaqana waxay sannadkii 1977 dagaal ku galeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen gumaysiga/joogitaanka Itoobiya…”
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg) ayaa sheegay in Gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya ka xiga dhanka bari ee xuduud beenaadka uu kala dhexeeyo Soomaaliya uu ku jiro gumaysi, shacabka dhulkaas ku dhaqana ay yihiin Soomaali ku tabaalaysan gumaysiga Itoobiya oo ay ku hoos jiraan. Sidaas waxa uu u sheegay warbaahinta caalamka, sida ay faafisay jariidadda Youm7 ee ka soo baxda dalka Masar, Jimce July 16, 2010.
“Juqraafi ahaan gobolkaasi waa qayb kamid ah dhulka Soomaaliya, dadka halkaas ku dhaqana waxay sannadkii 1977 dagaal ku galeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen gumaysiga/joogitaanka Itoobiya, oo ay mustqabalkooda uga tashan lahaayeen. Inkasta oo xukuumadda Itoobiya ay nidaam ahaan aqoonsantahay in dadku ay mustaqbalkooda ka tashadaan, laakiin taas uma ogolaan gobolka Ogaden (Soomaali galbeed),” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Soomaaliya.
Waxana uu Wasiirku farta ku fiiqay xuduud beenaada gumasigii sameeyey ee u dhexaysa Soomaaliya iyo dhulka Itoobiya gumaysato, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Xuduudka macmalka ahi waa xuduud beenaad uu sameeyey gumaysigu, sababtoo ah ma jiraan wax calaamad ah uu dhexaysa dadka gobolka iyo Soomaaliya (inteeda kale), xiriir joogto ah ayaa jira iyo isu socod dadka gobolka, dhaqaale ahaana waxay la xiriiraan Soomaaliya, laakiin ilaa hadda dhulkaas waxaa haysata (gumaysata) Itoobiya.”
Hadalkaasi raadka uu ku yeelanayo xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, waxa uu Yuusuf Dheeg ka yiri: Itoobiya waa aqoonsan tahay dalwadda Soomaaliya, waxayna isku aragti ka yihiin ururka Mujaahidiinta Alshabaab in ay gobolka ka dhigayaan mid aan xasiloonayn, gaar ahaan Itoobiya oo ururkaas uga baqaysa dhulkeeda, gaar ahaan Itoobiya oo dadkeedu u badan yihiin Muslimiin, sidaas daraadeedna waxay ka baqayaan nidaamka Mujaahidiinta Alshahabaab ee gudaha Soomaaliya.
Mar uu ka jawaababyey su’aal ahayd in cabsida Itoobiya qabto ay u horseedi karto inay ciidamadeeda militari ay markale u dirto Soomaaliya, waxa uu Yuusuf Dheeg ku jawaabay “Itoobiya waxay noo sheegtay in aysan diyaar u ahayn in ay ciidamadeeda militari markale u dirto Soomaaliya. Taas oo ay u tixgeliyeen in ficilkaas (ciidamo loo diro Soomaaliya) uu dhibaato u geysanayo danahooda.
Yuusuf Dheeg – oo July 3, 2010 loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFKMG – waxa kale oo uu sheegay in Sheikh Shariif, madxweyanaha DFKMG, uu safar ku imanayo Masar (maalinta Sabtida July 17, 2010) oo la hadli doono madaxweynaah dalkaasi Xusni Mubaarak (Axadda) oo uu u sharxi doono xaaladda Soomaaliya.
Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha dibadda DFKMG uu ka hadlay arrimo kale oo laga akhrin karo dhamaystirkooda jariidadda Youm7 oo Carabi ah ( http://www.youm7.com/News.asp?NewsID=254733&SecID=88&IssueID=0 )
Waxaa jariidaddaas lagala xiriiri karaa: http://www.youm7.com/About.asp
Taariikh Kooban ee Geeska Afrika:
— May 5, 1936 maalintii Talyaanigu qabsaday Addis Ababa.
Talyaaniga ayaa duulaan ku qaaday Itoobiya, waxaana duulaankaasi sababay in May 2, 1936 uu boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie uu ka cararay dalka Itoobiya. Saddex maalmood kabacdi ayaa May 5, 1936 waxaa Addis Ababa qabsaday ciidankii Talyaaniga. May 7, 1936 ayaa talyaanigu waxa uu Itoobiya si rasmi ah ugu darsaday dalkiisa, laba maalmood kabacdi ayaa May 9, 1936 boqor Victor Emmanuel III oo Talyaani ah waxa uu ku dhawaaqay in uu isagu boqor u yahay Itoobiya. Talyaanigu Gumeysi ku haystay Itoobiya muddo Shan sano (1936-1941).
— Muranka Biyaha Webiga Niil:
Heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan “1929 Nile Treaty” waxa uu dalka Masar siinayey xuquuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan. Waxaa maalmahan socda murankaas webiga Niil oo soo cusboonaaday.
— Qaybintii Soomaaliya
— Gumaystayaashii reer Yurub, markii ay qabiyeen dhulkii Soomaaliya ayey qayb kamid aha waxay gacanta u geliyeen Itoobiya, dhulkaas weeye tan uu hadda ka hadlay wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda DFKMG.
— Dagaalkii 1977:
Dagaalkii 1977 waxa uu ahaa dagaal ay Soomaalidu ku doonayeen in ay ku xoreeyaan dhulka Soomaalida Galbeed. Laakiin waxaa Itoobiya markii laga xoreeyey badanaa dhulka Soomaaliyeed ayaa waxaa u soo hiiliyey ciidamo uu soo diray Fidel Castro ee dalka Cuba oo gaarayey ilaa 17,000 iyo taangiyada iyo hubka casriga oo Ruushka oo taageeray Itoobiya. Waxaa la weriyey in ilaa 2000 oo askari oo Cuban ah ay ku dhinteen dagaalkaas. March 9, 1978 ayaa Siyaad barre ku dhawaaqay in ciidamadii militariga uu dib ula soo baxayo.
Qoraal uu qoray Wardheere (2006) ayaa waxaa ka mid ahaa ” Saaxiibkii Itoobiya, cadowgii Somalia Fidel Castro taariikhda Soomaaliya baal madow ayuu ka galay ka dib markii uu si cadaalad darro ah dagaal ugala saftay Ethiopia ayadoo aanay jirin shacabka Soomaaliyeed wax ay u dhimeen. Waxaa uu sabab ka ahaa jabkii ku dhacay xooga dalka Soomaaliyeed qorshahii la rabay in lagu xoreeyo Soomaali Galbeed asagoo xulafo la ahaa xukuumadii koofurta Yemen iyo Jarmalka Bari iyo Soviet Union iyo WARSOW weliba isticmaalaya lacagtii Qadafi.”
Bedka Dhulka Soomaalida:
Sida ku qoran buugga uu qoray Khaalid Cali-Guul Warsame (2003 Denmark) oo cinwaankiisu yahay Taxanihii Taariikhda Soomaaliya, guud ahaan bedka dhulka Soomaaliyeed waa:
- Jamhuuriyadda Soomaaliya: 640,000 km2
- Jamhuuriyadda Jabuuti: 23,000 km2
- NFD (dhulka ku maqan Kenya): 384,000 km2
- Soomaali galbeed (ku maqan Itoobiya): 416,000 km2
- Jasiirada Suqadara (oo ay sheegato Yemen): 2,655 km2
— December (1962) waxaa NFD oo ah dhul Soomaaliyeed loo kala qaybiyey laba qaybood, labadii qayboodna waxaa la hoos geeyay xukunka Kenya. Bedka NFD waxaa buugga (Alan J. Day, 1982, pp. 131) uu sheegay in bedka NFD uu yahay 388,000km2 (150,000 square miles).
- Sawirka wasiirka Yusuf Dheeg xuquuqdiisa waxaa leh: http://www.youm7.com/
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.