Hay’adda UNHCR waxay maantay soo saartay tilmaamayaal siyaasadeed oo qeexaya badbaadinta dadka ka soo cararaya Soomaaliya. Tilmaamayaashaasi waxaa loogu tala galay in kor loogu qaado sidii si isku mida loogu wajahi lahaa wax kaqabashada dadka u baahan badbaadinta ee ka imaanaya Soomaaliya.
Tilmaamayaashani waxay kaloo ku dhiiri gelinayaan dowladdaha inay sida ugu balaaran uguna macquulsan u eegaan codsiyada magangalyadoonka ahi oo ay qaxootinimada ku codsanayaan dadka ka soo jeeda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, kuwa aan la aqoonsana u siiyaan wixii kale oo dhamaystiri kara inay gacan ka helaan shuruucda caalamiga ah ee badbaadinta dadka noocaas oo kale ah.
Hay’adda UNHCR waxay ula muuqataa in kuwa ka soo jeeda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay aad ugu baahan yihiin inay helaan gacansiin caalamiga ah oo lagu badbaadinayo, kuwa aan buuxin shuruudaha qaxootinimo sida ku cad axdigii Geneva ee 1951 ama axdiga ururka wadamada ku bahoobay Africa (OAU) waa inay ka faa’iidaystaan noocyada dhamaystiraya inay helaan daryeel caalami ah., sida lagu dabaqo meelaha ay wada hareeyeen shaqaaqooyinka iyo dagaaladda hubka la isku adeegsaday. Marka laga eego waxa dhaliyay dagaaladda socda iyo baahida gargaar ee ay u baahan yihiin ee sii badanaysa, UNHCR ma rumaysna in Qaxootiga Soomaaliya ay gabaad iyo meel kale oo ay ugu guuraan ka heli karaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Intaasi waxaa dheer, waxaan tixgelinaynaa inay xal u noqon karin in dadka aan ka soo jeedin Puntland iyo Soomaaliland u cararaan halkaas.
Inkastoo inta badani wadamada magangelyada bixiya ay baarintaano ku samayn doonaan codsiyada si sakhsi shakhsi ah, balse waxaan ku dhiiri gelinaynaa wadamada ay u carareen dad farabadan oo ka soo jeeda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay u qaabilaan arinkooda si koox ah. Waana sida ay u qaabileen wadamada deriska la ah sida Kenya, Ethiopia, Eritrea, Djibouti iyo Yemen.
Bilihii la soo dhaafay, UNHCR waxay cadaysay qaylo dhaan xaalaaddaha amni iyo bani’aadminimo ee sii xumaanaya ee halkaaasi ka jirta. Xaalku marba marka ka sii dambaysa waa uu ka sii darayay, waxayna si ba’an uga jirta dhinaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. UNHCR iyo hay’adaha kale ee gargaarka bixiya waxay kala kulmaan dhibaato weyn sidii ay ku gaari lahaayeen malaayiin baahan oo ku sugan Soomaaliya.
Waxaanu weli aragnaa barakac gudaha ah oo aad u sareeya iyo weliba wadamada deriska la ah oo dhulka ah. Waxaa lagu qiyaasaa 1.55 malyan oo barakacyaal ah inay ku nool yihiin gudaha Soomaliya halka ku dhawaad 542,000 qaxooti Soomaali ahi ay joogaan dalalka dariska la ah. Sanadkii 2009, Soomaaliya waxay noqotay wadanka sadexaad ee ugu badan ee isu dhiiba wadamada warshadaha leh, iyadoo 22,000 oo codsi ay dalbadeen magangelyo.
Waxay inoola muuqataa in qaxootiga sida qasabka ah loogu soo celinayo bartamaha iyo koorfurta Soomalia duruufaha hadda jiraa ay ka dhigayso mid khatar gelinaysa kuwa la soo celinayo. Waxaan ugu baaqaynaa wadamada caalamka inay ilaaliyaan tilmaamahaan aynay diiradda saaraan awoodooda ay ku caawimi karaan Soomaalida ku nool gudaha wadanka iyo dalalka dariska la ah, kuwaas oo ay taabatay masiibada caalamiga ah ee ka taagan halkaas.
Waxaanu aaminsanahay in tilmaamahaas ay hubin doonaan inay Soomaalida si caqabad la’aan ah u heli karaan nidaam magangelyo doon ah oo caalami ah oo ay ku badbaadayaan.
Tilmaamahaas waxaa laga heli karaa halkan:
http://www.unhcr.org/refworld/docid/4be3b9142.html
La xiriir: Roberta Russo
Email: RUSSO (at) unhcr.org
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.