VOTE NOW !
Halkan codkaaga ka dhiibo:
http://www.refresheverything.com/empoweryouth
Waxay Shirkadda Pepsi bilowday bishii Febraayo 2010 tartan loogu magic daray U Codeynta Afkaarta Cusub ee wax looga qabanayo arrimaha Bulshada iyo Deegaannada, wuxuuna yahay mid bile ah ee u furan dadweynaha, ganacsatada, iyo Haya’ddaha Daryeelka ee aan ahayn faaiidodoon ee ku sugan Dalka Mareykanka. Waxaan tartanka hadda socda ee May 1 illaa May 31, 2010 ka qayb galaya Haya’dda Relief for Africa , http://www.reliefforafrica.org oo ay wadaan hawlaheeda Soomaalida Qurbojoogta ah iyo Soomaaliyaba.
Waxaa tartanka hadda socda ka qaybgalayo 1344 tartameyaal, waxayna Shirkadda Pepsi ku bixinaysaa lacag dhan $1,300,000 (hal milyan iyo saddex boqol oo kun ee Dollarka Mareykanka) Haya’dda RFA waxay u tartamaysaa inay ka hesho lacagtaas tartanka weyn loogu jiro lacag dhan $50,000 (Koton kun ee Dollarka Mareykanka), haddii ay kuu guuleysatona waxay ku gadeysa, ku cusboonaysiineysaa Dhismooyin Duug ee hadda jaban oo ay ugu talogashay Xarunta Horumarinta Hawlaha Dhalinyarada Soomaalida, xarumo iyo xafiisyo Ururada Jaalliyada Michigan, USA.
Sidoo kale, wuxuu soo gebogeboonayaa tartankaan May 31, 2010 , waxaana natiijada lagu dhawaaqayaa June 1, 2010 , iyadoo dib loo bilaabayo mid cusub isla waqtigaas. Marka mashruucaan oo u ah arrin lagu ogaanayo kaalinta codka Soomaalida Qurbojoogta dalkaan Mareykanka, ayaa lagu boorinayaa inay ka qayb qaataan fursadaan dhammaan Soommalida idilkeed. Si gaar ah waxaan arritaan looga codsanyaa Qofkasta oo inaga mid ah iyo cidkasta oo ay saaxiib yihiin inay codkooda siiyaan hawshaan qiimaha weyn noogu fadhido. Dhinaca kale waxaa codkooda dhiiban kara maalin walba inta laga gaarayo 31ka Maajo qofkasta ee 13 jir ah, lehna E-mail, Qofkaan lahayna waa inuu sameyso si looga faaiiddeysto fursadaan.
Haddaba Qaabka loo codeenayo waa side? Waxaad isku diiwaangelin kartaa halkan, sidoo kale waxaa maalinkasta u codeyn kartaa sidatan hoos ku qoran:-
Waxaa ku geli kartaa maalinkasta mid uun labadaan Xiriir (Link):
A. http://www.refresheverything.com/empoweryouth
ama
B. http://www.reliefforafrica.org/
2. Waxaa riixdaa calaamada Vote for this idea, geli E-mail Address.
a. Haddii aad cusub tahay, calaamadee NO, ka dibna riix Sign In, geli khaanadaha Macluumaadka lagu weydiiyo magacaaga, sameyso Password (6-10 xaraf) u gaar ah haddii aad doonto Mashruucaan (waa inaad xasuusasato ama adeegsato markasta aad codeyneyso). Markaad dhammeyso riix Done. Markaas bilow inaad codkaaga dhiibato. Waxaad maalinkasta leedahay 10 cod. Waxaan kaa codsaneynaa hal cod oo qura. Sagaal kale, waad iska deyn kartaa, ama waa iska dayn kartaa. Maalinta xigta waxaa leedahay 10 cod ee hor leh illaa inta laga gaarayo May 31, 2010 .
b. Haddii aad ku soo noqoto codeynta waa Yes, geli Password, riix Sign In. riix Vote for this Idia. Waxaa kuu soo baxayo 10kii cod oo noqonayo 9gaal cod. Dabadeed sign out.
Ugu dambeyntii waxay jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaan Mareynkana iyo saaxiibadooda ka codsanaysaa taageeraan Ururkan cusub, haddana inay siiyaan codkooda si uu Ururka RFA uu ugu guuleysto Hawlaha ay ka wado Dalkan USA iyo Soomaaliyaba ee wajahan arrimaha Waxbarashada, Dhaqanka, Caafimaadka, Biyaha, Deegaanka, xuquuqda, iskaashiga iyo horumarka Soomaalida.
Halkan codkaaga ka dhiibo: http://www.refresheverything.com/empoweryouth
Mahadsanidin,
Abdishakur Geyre
Director
Relief for Africa
ashakur5@gmail.com
Webka somalitalk aad u mahadinayaa,sidoo hay`adda RFA oo run ahaantii mar walba u taagan wax u qabashada dadka somaliyeed taasoo ilaah aan uga rajeynayo inuu ka abaal mariyo,Somaliyey ogaada kan wax idin tara waa mid horumarka iyo nolosha idiin ogol,garab is taaga hay`adda RFA,hay`adda waxaa leeyahay ha ka daalina wax u tarida dadka somaliyeed oo dhibaateysan waxa dhici karta dhibaatada haysata iney idaa kaga baxaan.
Ascww:
Soomaaliyey waa in la codeeyo maalinkasta si aan uga adkaano, u sheega saaxiibada, ardayda, ehelka, iyo dadka aad aragtaan, qofkasta oo ka weyn 13 sano waa loo ogol yahay inuu codeeyo. Fadlan booqda, faafiyana tartankaan. Sida la sheegay waxaan tartan aan kula jirnaa 1344 mashruuc. Hadda keena waa 200 ee ugu horeeyo, waa inaan ka mid noqonaa 10ka guuleysto. Siiya website http://www.Somalitalk.com, Reliefforafrica.org ama website kale ee uu ku jiro Link iyo faafinta:
http://www.refresheverything.com/empoweryouth
Qofkasta oo ka qayb qaato ololahaan Allaha weyn Ajar ha ka siiyo. Aamiin. Walaashiin Jiija
Waxaan salaalamayaa Soomaalida meelkasta ee joogto, aniga maanta waan codeeyey, maalinkasta waan u codeenaya si aan magaca dadkeyga kor ugu qaado. Waxaan aad uga qiirooday markaan arkay Cajalada sida wadanka Soomaaliya dadkiisa dhulka u yaaliin. Waxaa halkaas iiga soo raacaday in wadankeenna iyo dadkeenna u baahan Gurmad deg deg ayaa arkay. Waxaa kaloo tartanka markaad akhriso waxaad arkaysaa sida dadka Mareykanka oo ah dalka ugu hodansan, in dadkiisa uu ka dhaxeeyo iskaashi iyo isu heelin, wadan jaceel, saaxiibnimo ee Soomaaliyey maxaa noo diiday? Waxaan u rajeenaya Somalitalk iyo dhalinta RFA guul aad u badan.
Waxaan ku faraxay sida Soomaalida adduunka ula qabsatay. Midaan aan jeclaan sida ay weli u xasuusan yihiin dhulka ay ku dhashaan oo ka yimaadaan waa arrinta iigu keentay inaan u codeeyo maalinkasta, dadkana ugu yeero waa taas. Dadaalada rabina waa dhinaciina. Soomaalida meelkasta ay joogaan guul ayaan idiin rajeenayaa. Waan idiin bogaadin had iyo jeer. You are my people I am proud of you when I see the pictures of your people, the Somalia and Somalis. Thanks Somalitalks and Somalis in America.
Website Somalitalk aad bay ugu mahadsan tihiin Tartanka iyo Ururka RFA wuxuu Soomaalida uu u qabtay aan ku arkay halkaan. Dhinaca kale waxaan rajeenayaa haddii uu eebe idmo in dadaalka Soomaalida iyo isku xirnaanta in aad loo sii wado. Waxna loo qabta dadka iyo dalka Soomaaliya oo la yacay. Marlabaad Mahad badan baan u dirayaa Website Somalitalk. Sidoo kale Soomaalida meelkasta ay joogaan waa inay ka qayb qaataan Tartankaan.