Home » Maqaallo »

Wadahadal iyo Colaad aan Dhamaad Laheyn…..

Guud ahan Marka laga hadlayo dhinaca wadahadalka iyo colaada ee dunida ,waxa  umad kasto ledahay qabab kala duwan ay ku xaliyan qilafadka ka jira markasi dhexdoda, waxane intoda badan  qababkas uu kusaleysan yahay dhaqanka iyo diinta, Inta badan sida lashego dhaqanka aya waxaa uu qeyb weyn ka qataa daminta qilafadka ka dhax aburma bulshada, dhinaca kale waxa hadane ladhihi kara umad kasta waxa ay ledahay qanun ugar ah ay ku xaliyaan arimahoda gaarka ah sida marka ay timaado qilaaf.
 
Marka an kahadleyno qababka ay somalida ku xaliyan colaada, ayaa waxa  lashegaa in somalidii hore kuxalin jireyn colaada iyo qulaafyada qabab kala duwan, Waxane ay can ku ahan jireyn  shirarka iyo fadhiyada ay kuqab  jireyn geedka hoostisa, waxaa  inta badan xalinta  qilafka  iyo  wadahadalada  dorweyn ka ciyari jiray cuqaasha , nabadonada iyo culimada, inkastoo waxii ay goyaan waxgaradkas bulshada inteda kale ku qanci jireyn  iskuna raaci jirey dhamaan,  sida lawada ogyahay  markii ay timaado colaad ama  labo qolo ismandhafto waxa qolo walbo ka simaneyd ilaalinta dadka somalida utaqano birimageydada sida Caruurta, Haweynka, iyo  dadka wayeelka ah ee  markasi  kujira laba dhinac ee gulufka colaad dhaxyaalo.
 
Dhinaca kale somalida  ayaa  waxaa ay ahayen dad lagu yiqinay  Magan galinta dadka markaa an dagalka ku jirin micnaha waxan ula jedaa dadka matada ah ee markasi colaada aan qeyn ka aheyn, Waxa qolo walbo kafani jirtay  waxyelida Shacabka, halkasi waxaa ka muqata in waxyeleyta shacabka uusan qeyb ka ahan jirin dagaalka lana dhowri jiray xaquuqdoda.
 
Intabadan waxyabaha  sababta u aha dagaalada iyo colaada somalida waxii ka horeyey  Burburkii dalka ayaa waxaa la oran
Karaa kuwa ka imaada ismandhafka dhinaca daqsinta xoolaha iyo muran  ka dhasha   lahanshaha  ceelasha biyaha iyo daaqsinta  xoolaha, iyo dulanka in tabadan somalida canka ku ahan jireyn ee xolaha la iskaga dhaco, inkasto ay jiraan dhiba-  toyinkasi ayaa  hadane waxaa ladhihi karaa waxaa isla markaa jiray qaab hosaad iyo is afgarad lagu xaliyo dhibkaas oo inta badan waxgaradka bulshada horsedka uyihiin sida oyadasha dhaqanka ku waasi oo  kala dhaxgali jirey labada dhinac ee ishaya iyagoo markisina ka shanaayo culimada diinta.
 
 
Bal hadii anu fiirino  siyaboyinka loo dhax dhaxadin jiray  dhinacyada colaadu kadhaxey iyo qabka wadahadaleyd ee markasi somalidii hore isticmali jireyn,
 
Marka ay imado  wadahadal waxaa  xiliyadii hore hormudka ugu weyn ahan jiray markane iskood isku abaabuli jiray  waxgaradka labada garab ee colada kadhaxeyso, intan marka hore labada dhinac wahadahadal waji ka waji yelan,  aya  waxaa lagu dhawaaqi jiray xabad joojin, kadib  ayaa waxgaradka laba koxood  is horfadhisan jireyn  halkasine ay wadahadal toos ah ku yeelan jiireyn, Halkasine lagu  qadan jiray waxii markasi la isku afgarto, mida kale waxa xusub mudan in had iyo jeerba culimada door muqda kulahayen daminta colaada.
 
 Maxaa iska badaley qabka xalinka colaada somaliyada ?
                         
 
Waxa su’aali ka tagneyn in wax weyni iska badaleyn qabkii iyo sidii lagu yiqiinay xalinta colaada  marka laba koox  ismandhafto, Waxane isbadalkas wey loo sababeyn kara  igado  meesha  kabaxeyn keydii dhaqanka somaliya, isla markane somalida aan aminsaneyd keydinta qoralada muhimada gaarka ugu fadhiya dalka iyo jiilka mustaqbalka, in kastoo ay jireyn goobo lagu keydiyo dhaqanka iyo sheykooyinka ka ka hadlaayo tariiqda somalida isla  markana tabanaya qeybaha kala duwan xiligii  dowlahadi hore ee somaliya balse xarumahas  ayaa waxa ay raceyn burburkii dalka ka dhacay dagaaladii sokeeye.
 
Waxaa sidoo kale gacmaha somalida kabaxay kalintii ay kulahayen xalinta colaada iyo wadahadalada, taasi badalkeyda waxaa galay in  somaliya xalkeyda uu ku xirnado quwado shisheeye  oo dano gaar ah kaleh dalka.
 
Waxaan tusaale  usoo qadan karnaa 20-kii sano ee igu danbeysay iyadoo dalka loo qabtay isku dayo badan oo lagu xalinayo colaada dabada dheratay, lakin nasiib daro dhamaan iskudayadas aya waxa ay noqdeyn kuwa aan miro dhalin, in kudhow tobaneyo shirar aya lagu qabtay dibada dalka iyadoo inta igu badan ay kadhaceyn wadamada dariska la’ah somaliya sida  Kenya, jabuuti, ethobiya.
 
Waxaa tasi ay mujineysaa in somaliya xalkeydu uu noqday mid ku xiray wadamada dariska ah kuwaasi oo sida la ogyahay  aysan ku qanacsaneyn xal uhelida colaada somaliya, dhamaan arimahas  waxaa   sabab u ah kalsoni darada ka dhaxjirta somalida.
 
 
Maxuu Xalka somaliya Ku  jiraa ?
 
Marka aan kahalaayo  fakirkeyga waxan aminsanahay in Sida ugu wanaagsan  ee lagu heli karo xal waara  ay tahay in marka hore lahelo kalsooni  kadhax aburma dhaman dadka somaliyeed iyo isku tanaasul  waayo hadiii lawaayo labadaas qodob waxa suura gal ahayn helitanka xalguud.
 
Sido kale Waxa xalka somaliya uu kujiraa in shirarka lagu xalinayo colaada somaliya lagu qabto gudaha dalka  intii lagu qaban lahaa  wadamo kabaxsan somaliya waayo waxa heshinayo waa Somali hadane wax la heshisinaayo wa somalida marka ma jireyso baahi keynta in shir dib uheshisineyd lagu qabto dibada, iyo in  marka hore somalida garow sadaan in colaada waxey burburiso ma ogiyee usan xalku kujirin.
Gabo Gabadii waxan jeclan lahaa in aan aqristayasho qiimaha leh weydiyo su’aal taasi oo ah, Qaab ceyn kee ah ayaad aqristoow aminsan tahay in lagu helikaro xalka somaliya ?  shirarka dibada iyo kuwa gudaha mid kee ayaa xal u ah xalinta qilaafka dabada  dheeradey ee somaliya?
W/D:Mohamed Hussein Abdirahman(Kalafoge)
Email:pakistaanfc@hotmail.com
Tell:+923233376558
University Of Karachi
Karachi-Pakistan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.