SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Macoowga MMI Hiiraan: “Wayaane maxaan u Yeertay u Loogay Wankeyga Fiicaan" 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com
_________________________________________________________________________________________

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Maxaa caawa xalay uga eg! Arrintii Andulus ka dhacday baa Maxkamadihii sameeyeen. Rumeyso ama ha rumeysan waxaa la xaqiijiyey in guddoomiyaha Maxkamadaha Hiiraan, Macoow uu kulan Tigreega kula qaatay Kala-bayr. Wuxuu horay u sii qaaday hadiyado ay ku jiraan ari jar ah, telefoonnada gacanta iyo kuwa kale. Wuxuu ka dalbay Tigreega inay Jenta Kundhisho (115) soo fariistaan. Tigreegu way diideen iney halkaas degaan laakiin waxay dhaheen haddii la idin soo weeraro waan idiin soo gurmaneynaa. Ilaahay haka dhigo ballantii Munaafaq C/hi Binu Salool u qaaday Yuhuud. 

Ilaahay fadligi waxaa is casilay guddooyimihii Maxkamadaha degmada Baladweyne, Sheekh Aadan Jilibeey markuu arkay guddoomiyihii gobolka oo inta Tigreega u dhuuntay u loogay wanan ahmiya! Waxaa kaloo is casilay mas’uuliyiin dhowr ah sida madaxii Maaliyadda iyo ku-xigeenkii Shuurada ee Hiiraan.
 

Af-hayeenka Cusub oo Shabaab sheekh Cali Maxamuud Raagge Cali-dheere ayaa la yaabban nimankii ay dhufeyska iskula jireen ee ay walaalaha u qabeen oo ka soo jeestay safkii Tigreega! Weliba Tigreegii sii maamusay iyagoo hadiyado qaalli ah u geeyey! Sheekh Cali-dheer isna ha soo xasuusto suugaantii Hadraawi tiriyey:

  • walaalkay nimaan u haystay
  • muxuu waddo ii fadhiistay
  • qof aan wehelkayga mooday
  • ka qayb galay weerarkayga
  • ruuxaan la wadaagay cunto
  • ku wiirsaday dhiilladayda

Waxaan rajaynayaa in wiilasha kheyrka ku dambeeyo ee Maxkamadaha Hiiraan joogay ay ka baxeen ama ka baxayaan markay arkeen Macoow oo sooryeeyey Tigreega. Waxay Insha Allaah kusoo biirayaan walaalahooda halgamaya. Meeshii la rabay inay u abaalgudaan walaalihii la xoreeyey Hiiran ayaa Macoow waxaas falay. Marka gabyaa Khaliif baa arrintaan oo kale cabbiray. Wuxuu yiri: 

  • Nabi Muuse tii soo martaa maanta la hayaaye
  • Ninkii gaalku muhdiga ku raray oo miskaha buuxshay
  • Madigtiisa waa tuu ku dilay meel aan la arkayne
  • Doqontii cid kale maamushaa ma laha iimaane
  • YAALLAABA waa gargaar meel maruu dib ugu meershaaye
  • Mulxidkii Fircoonna u tagyoo maaddadii u sheegye

Sida doqonkii u kashifay Nabi Muuse (CS) ayaa Macoow sidii looga filayey inuu walaalaha ka taageero difaaca Tigreega buu ayagii inta u tagay xoolo iyo hadiyad sii siiyey. Sirtii ciidankana waa bixiyey. Sidoo kale Janaqoow iyo Ashahaada-la-dirirkii ayaa gaalo-raacnimadii ku sii daray qabiil-isku-dir Soomaaliyeed. Marka shacabka Soomaaliyeed waa u caddaatay arrintu. Hadda waxayba dhaheen shacabka Soomaaliyeed hala saaro cunaqabateyn hor leh. Marka makrigii Maxkamadaha Ilaah baa meesha ka saaray. Waxaa tani darsi u tahay wadaaddadii Musaalixada oo dabin dalaq ku yiri. Marka ha arkeen guddoomihii Maxkamadaha Hiiraan oo wanan u loogaya Tigreega, una soo wata inay diinta Ilaahay la dagaalaan. 

WASALLALLAAHU CALAA NABIYINAA MUXAMADIN WACALAA AALIHI WASAXBIHI 

Muqdisho waa la Xoreeyey; Maxkamadahaase Gaagixiyey... Akhri...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: