SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hadba Nooc Shaatiyo Badan!!!:

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


19-sano ayaa waagii soo baryaba waxaan maqleynay ama aan arkeenay wax cusub oo shacabka dhibaato ku ah, markii la riday Max’ed Siyaad Barre waxaa soo baxay ururo fara badan oo mid waliba uu wato magac soomaali ah, taasina waxay keentay in lagu abuuro dagaalo fara badan. Markiiba waxaa is qoomay ururka USC gaar ahaan Gen. Caydiid iyo Cali Mahdi Max’ed, iyadoo aan waxba la hubsan ayaa shab la is yiri, waxaana halkaasi ku dhintay kumanaan kun oo Soomaaliyeed, waxaana ku barakacay dad kale oo fara badan, mid waliba markaad weydiisid ujeedada dagaalka qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira. Odey ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa wax laga weydiiyey dagaalkii dhex maray Caydiid iyo Cali Mahdi, waxa uuna ku jawaabay “Caydiidna gar leh Calina gar leh”, waxa uuna soo yeeray ereygaani xili uusan bilaaban dagaalku oo labada dhinac loo kala dabqaadayey, markii uu dagaalkii uu bilowday ayaa haddana waxaa la weydiiyey Odeygii sida ay xaaladda markaan ku hayso, waxa uuna ku jawaabay “Kulleyl iyo qabow midna iguma hayso”, iyadoo aan laga qoomameeyn wixii dhacay waxaa yimid ciidamadii uu Mareykanku horkacayey, waxaana bilowday dagaal u dhexeysay taageerayaashii Gen. Caydiid iyo Ciidamadii Mareykanka, iyadoo aan waxba layska weydiin wixii ku dhintay dagaalkii Caydiid iyo Cali Mahdi dhex maray ayaa haddana waxaa la galay dagaalkaa cusub oo ay ku dhinteen dad fara badan oo Soomaali ah oo hor leh, waxaa kaloo iyana Garka la isku geliyey Gen Caydiid iyo Cismaan Caato waxaana ku nafwaayey Boqolaal Soomaaliyeed waxaana taa loogu sii gudbay qabqablayaal dagaal oo labo labo la isaga hor keenay, oo mid waliba uu isla saxsan yahay, waxaan halkaasi iyana ku dhintay kumanaan Soomaaliyeed iyadoo kuwo kalena ay ku dhaawacmeen oo ilaa iyo hadda ka muuqato diiftii iyo Dar xumaddii uu dagaalku reebay, wax la is hardiyo oo la is weeraro natiijadii waxay noqotay in Muqdisho ay gasho kala qoqobnaan oo la isku socon waayo.

Magaalada Muqdisho waxaa u soo haray qabqablayaal oo intooda badan isku aragti noqday, mid waliba markii uu soo bandhigay hubkiisii oo la isku darsaday ayaa waxaa u soo baxday in cidina aysan maanta hor istaagi Karin, waxayna ku dhawaaqeen urur ay kugu magac dareen (Ururka Argagixiso la dagaalanka), waana la ogaa meeshii ku dambeeyeen, waxaana isku kaashaday shacabka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana la helay lix bilood oo nabad ah, iyadoo Alle aan looga mahadcelin ayaa waxaa dhacday in dalka ay Dowladdii C/llaahi Yuusufu ku soo hogaamisay ciidamaddii Xabashida, waxayna kala tureen Maxaakiimtii Islaamiga, waxaana Muqdisho ka bilowday dagaal ku dhifoo ka dhaqaaq ah, waxaana ku dhintay dad fara badan oo Soomaaliyeed, iyadoo ay ku barakaceen malaayiin Soomaaliyeed, hase yeeshee shacabka oo ay ka muuqato Daal fara badan ayaa waxay maqleen in Sheekh Shariif uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna dadka intiisa badan qalibiga geliyeen in dhibaatada lag bixi doono., balse arrintu waxay noqotay ka daroo Dibi dhal, oo dowladdii Sheekh Shariif waxaa ku kacay kooxo Islaamiyiin ah oo ku tilmaamay in ay la mid tahay tii C/llaahi Yuusuf.

Sheekh Shariif Dowladdiisu waxay noqotay middii ugu horeysay oo ogolaato in dalka lagu dhaqo Diinta Islaamka, waxaan maqli jiray in la yiraahdo “114-ta Qur’aanka ayaan aqaan waxaa ku filan kaa akhrisan mayo”, waxaana muuqata in taasi ay maanta hor taagan Shariifka. Dadkana Soomaaliyeedna niyadda kuma haynin in dagaal uu dhex marayo Dowladda Sheekh Shariif iyo kooxaha Mucaaradka, hase yeeshee si fudud ayaa ciidamadii Maxaakiimta ee raacsanaa Dowladda loogala wareegay goobo ku yaala Magaalada Muqdisho iyadoo dagaal uu sidaasi ku bilowday, waxaana mar kale Muqdisho ka barakacay kumanaankun oo Soomaaliyeed oo raadinaya meel ay uga nabadgalaan dagaalka ka soo cusboonaaday Muqdisho.

Xaqiiqdii marka la fiiriyo sow arrintu uma muuqato Hadba Nooc Shaatiyo Badan, waxayna inta badan dadka Soomaaliyeed dhibaatada ka jirta Soomaaliya dusha ka saareen faragelin shisheeye. Sheekh Shariif markii hore waxaa la dhihi jiray waa wadaad mayal adag, kadibna waxaa soo baxday in la yiraahdo waa wadaad qunyar socod ah, taasina waxay keentay in uu si fudud ku fuulo kursiga Madaxweynanimada Soomaaliyeed. Isteerinka Soomaaliya oo beesha caalamku ay garwadeen ka tahay ayaa maalmahan waxaa ka soo yeeraya hadalo ay ka muuqato dabacsanaan oo ah in liiska aragagixisada laga saaro raga dowladda ka soo horjeeda taas oo loo macneeyey in uu ugu weyn yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxayna Beesha caalamku qorsheyneysaa in ay mar kale yiraahdaan ‘ha laysugu yimaado shir qaran oo Soomaali loo qabto’ si markiiba Sheekh Xasan ugu dayaan madaxtinimada Soomaaliya, isla markaana looga hor keeno raga haatan ay is taabacsan yihiin, waxayna xaaladdu u eg tahay in Soomaaliya waqtiga looga dhameeyo meerta noocaas ah oo ku dhisan in hadba Shaati loo geliyo koox halka dhinaca ka soo horjeeda loo tusinayo in shaatiga ay iyagu ku haboon yihiin oo laga faramoojinayo, waxaa mucaawino loogu keenaa hub iyo rasaas noocyo kala duwan leh si iyana shaatiga u soo ceshtaan, waxaase nasiib daro in dhinacyada Soomaaliyeed ee iska soo horjeeda garan la’ yihiin ilaa iyo hadda sartu meesha ay ka qurunsan tahay isla markaana aan mansab lagu gaari Karin Dhiigga ummadda oo la daadiyo, waxaana ka dhisan in kursiga loo wada cararayo uusan macquul aheyn in lagu wada fariisto ma qura, balse uu u baahan yahay in la kala sugto. Soomaalida iska soo horjeeda waxaa tusaale ugu filan in 19-sano oo ay is dilaayeen haddii kala sugan laahaayeen Kursiga loo laayey ummad badan in ilaa iyo hadda ay isaga dambeyn lahaayeen madax badan oo ka kala tisan dhamaan dhinacyada ku hardamaya Siyaasadda Soomaaliya, balse taa bedelkeeda, waxayna Soomaalidu wanaag u aragtay in Shaati duluf ah loo geliyo mudo cayiman, kadibna lagala wareego isagoo jeexjeexan oo xitaa kan markaa gacanta ku dhigay uusan dhaxan ka celineynin, waxaana shaarkaa jeexjeexan u dhigma Kursiga Soomaaliyeed ee loo dirarayo, muxuu dhaamaa Shaati duluf haddii 19 sano loo dagaalamayey, bal adiguba ka fikir waxa uu dhaxan kaa celin karo shaati noocaa.

Guntii iyo Gebagabadii, Xaaladda Soomaaliya waxay weli dhex maquuraneysaa meel xasaasi ah, waxayna Soomaalidu tiraahdaa “Jiilaal iyo Ninkiisu waa legdamaan, hadaba kay naagtu u hiiliso ayaana guuleysta”, waxaana iska muuqata in Shacabka Soomaaliyeed ay ku xiran tahay mustaqbalka Soomaaliya, haddii ay iyagu u istaagaan oo runta ka dhawaajiyaan, waxaa hubaal ah in Soomaaliweyn dib loo heli lahaa meeshana ay ka bixi lahayd (Hadba Nooc Shaatiyo Badan).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Dhallinta Maanta iyo Mobile-ka" Qayla -Dhaan ku socota Waalidiinta Somaaliyeed"... Akhri...

Talk to Jazeera - Sheikh Sharif Sheikh Ahmed - 15 Apr 07

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: