SANNAD GUURADDII 66aad EE HALGANKII XISBIGII S.Y.L
HALHEYSKII XISBIGA: QABIIL QARAN MA DHISO
By: Dr.
Cabdulqaadir Cali Bolay
Email:
bollay@hotmail.com
May 15, 2009
Waxaa xurmad mudan maanta oo ah 15 May, waa maalin weyn oo qiimo iyo qadarinba
igu fadhidda dadweynaha soomaaliyeed, waa maalin aan mar na ba la ilaabi karin
oo ay haboon tahay in mar walba la xuso, isla markaasi na dhallinta maalinta soo
koreysana la baro in dalkaani loo soo halgamay oo naf iyo maal ba loo huray ,
hase yeeshee waxaa uur ku taala ah iyo wax laga naxo ah in maanta dalkeyna
sidaani loo burburiyey,loona bara kiciyey dadkii sharaftaa lahaa , iyaddoo la
adeegsaday dad kula dhogar ah oo niyadda na cadowga ummadda ah, kuwaasoo u
adeegaya cadowgii soo jireenka ahaa hase yeeshee waxay ilaawsan yihiin in
dalkani xornimaddiisa lagu keenay dhiigii dhallintii naftoodda hurtay, nasiib
wanaag weli waxaa ifka ku nool kuwii ay dhaleen oo diyaar u ah in ay ka
xoreeyaan cadow kasta oo ku soo xadgudba dalka soomaaliya.
Waxaa kalo nasiib daro ah in adduun weynahana, gaar ahaan
walaalaheyn
Jaamacadda Carab iyo kuwa muslimiinta ba ay ka aamuseen arrimaha soomaaliya in
ay gargaaraan ama gacan naxriis leh u fidiyaan balse waxay ku fiirsadeen ama ay
ka hadli kari waayeen in ay ka hadlaan fara gelinta dawladda Ethopia ay ku
sameysay dalka soomaaliya , hase yeeshee waxaa amaan mudan geesiyaasha
soomaaliyeed oo naftooda u huray oo ku guuleystay in ay ka saaraan gumeysiga
madow ciidda soomaaliyeed.
Waxaa ii faraxd ah in aan maanta halkaani hambalyo iyo boogaadin ba u diro
dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, gaar ahaan halyeeyadii
naftoodda u soo huray xornimada iyo qaranimada ummadda soomaaliyeed , inta nool
waxaan ilaahay uga rajaynayaa in ayaa caafimaad ku waaraan inta dhimatayna
waxaana ilaahay ugu baryeenaa inuu naxriistiisa ku maneysto oo janadiisa
fardoosa ahayd ka waraabiyo.
Dawladda maanta inoo dhallatayna hogaanka u haayo Shariif Sheekh Ahmed iyo
wasiirkiisa kowaad Omar Abdirashiid Ali Sharma’arke , ummadda soomaaliyeed ka
filayaan inay cadaalad iyo sinaan ku maamulo dawladda midnimada qaran isla
markaasi na ay ka fogaaddaan qalaadaadkii horey loo galay waxaan ilaahay aan
uga baryeenaa inuu tuso tobta toosan , dawladda midnimada qaran waxaynu ka
rajayneynaa in ay dib u soo celiso qaranimaddii iyo midnamadii shacabka
soomaaliyeed. Waxaan ilaahay uga baryeena inuu dhibaatadda ka qaado ummadda
soomaaliyeed , colaada na nabad galyo ugu bedelo , abaarta na barwaaqo ugu
bedelo, cudurka na caafimaad ugu bedelo maxaa yeelay dhibaatadda qof walba ayay
taabatay kuwa guddaha ku nool iyo kuwa dibadda ku noolba. Dadweynaha diaspra ah
ku nool waxay halis u yihiin in ay lumiyaan heybtoodda ama ay dhalin rogmaan
haddii aan la helin dawladda qaranimaddii iyo sharaftii ummadda soo celisa .
Maanta oo ah sannad guuradii 66aad ee guushii uu soo hooyey xisbigii S.Y.
L. ee konfurta iyo SNL ee waqooyi soomaaliya oo halgankooddii barbar socday
halganka SYL, waa maalin weyn oo taariikhi ah qiimo iyo qadarin ba ugu fadhido
ummadda soomaalyeed , waa maalin xushmad iyo amaan ba mudan , runtii waa maalin
aan la ilaabi karin ka dib markii ay dhallinyaro ka kooban 13 oo u ujeedadooda
ahayd in ay ummadooda gaarsiiyaan xornimo taam ah, dhallinyaradaa soo ka
damqaday hagardaamaddii gumeysiga sidaasi darteedna hogaanka u qabsaday in ay
shacabka soomaaliyeed ka saaraan gacanta gumeysiga, ilaahayna ku garab galay in
ay himiladoodaasi ay gaaraan oo ahayd xornimo iyo in laga baxo duliga .
Dadweynaha soomaaliyeed qaar ka mid ah aysan ba ogeyn maalintaasi qiimaha ay
ku fadhido iyo sharafta ay xambaarsan tahay . Sidaasi darteed waxaa looga
baahan yahay odayaasha weli ifka ku nool in ay dadweynaha soomaaliyeed meel
kasto oo ay joogan in ay u sheegaan taariikhda ummadooda iyo halgankii gobanimo
doon ahaa ee la soo maray si ay u ogaadaan jiilka maanta soo koraaya oo ay
nasiib darada ku habsatay oo la hannna qaaday dagaal iyo burbur kuwaasi aan
maanta nasiib u helin in ay wax bartaan , in xornimadda maanta heysano inay u
geeriyoodeen awoowayaasheen oo aysan si sahlan ku imaanin , looma baahna in
taariikh dhulka lagu aaso ama la qariyo , balse waxaa loo baahan yahay in aynu
ku faano oo aan barno caruurteena . wixii ay awoowayaasheen naftoodda iyo
maalkoodda ay u soo hureyn in ay ummmada
Ka samata bixiyo duliga gumeysiga lana gaarsiiyo madaxbanaaninn buuxda oo aan
maqaarsaar ahayn.
Haddii aan si kooban u xuso xisbigii SYC ( Somali Youth Club ) oo ahaa urur
aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay mustacmarkii ingiriiska markaasi dalka
haystay mar na ma oggaleyn in ay kulmaan dhallin yaradda iyo wax garadka ah,
waxaa ururkaasi loo aasaasay meel ay ku kulmaan dhallinyaradda .
Ururka SYC muddo ka dib wuxuu u xuubsiibtay urur siyaasi ah oo la magac baxay
S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii
oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii
fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga , iyaga oo aad u diidanaa
siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun, dhallinyaraddaasi waxay si weyn
xil isaga saareen sidii shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah loo gaarsiin lahaa
. Ururkaani baaqiisu wuxuu ahaa soomaaliyeey toosooy iyo qabiil qaran ma dhiso
iyo kuwa kale oo xambarsanaa qiiro wadaninimo , kuwaaso shacabka soomaaliyeed ku
abuuri jirtay qiiro waddaniyada jaceel iyo gumeysi naceeb .
Muddo yar ka dib ururkaasi SYL wuxuu ku talaabsaday guulo la taaban
karo, isla markii ba wuxuu dastiirloosa ku soo bandhigay ama ku xusay in la helo soomaali weyn
oo mideysan iyo dhibaatadda qabyaaladda ay u leedahay horumarka iyo midnimadda ummadda
soomaaliyeed .
Waxaa xusid mudan sannadkii 17/08/1946kii odayaashii SNL oo ay ka mid Suldan
Mohamud Shire, Suldaan Ali Muse , Suldaan Mohamed Faarax iyo Suldaan Hersi
Abdillahi in ay warqad u qoreen Colonail Office , Downing street London S.WI
waxay dawladda ingriisa ay ka codsadeen in soomaali mideysan uu gaarsiiyo
xornimo maadaama uu ingriisa gacanta ku hayo, Somaliland territory, Somali South
Territor,Somali Ogaden Territory , Somali NFD territory .
Waxayna ka codsandeen Colonial Office in qaybta France uu gumeysta oo ah
Djabouti inuu ingriiska gorgortan la galo dawlada france sidii loo helo
soomaali weyn , isla markaasina waxay ducoment ku cadeeyeen in aysan marna raali
ka noqon doonin in soomaali la qayb qaybiyo .
Odayaasha waqooyi iyaga oo ka sahqeynaaya mideynta soomaalia waxay markii ay
taariikh ahayd 17/07/1947kii ay warqad u qoreyn The war Office – London , iyaga
oo ingriisa ka codsaday maadaama ummaada soomaaliyeed 5 qayb loo qaybiyey :-
British, Fraance , Italia iyo Ethiopian sidii loo helo somaali weyn oo mideysan
.
Munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee aasaaskii ururka SYL , waxaa ka soo
qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed,
ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn, lana wacyi
geliyo dadweynaha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ba, sidii loo helo
midnimo soomaaliyeed oo loo tuso wafuuddii ka imaaneysi United Nations.
Waxaa mudadaasi dalka ku sugnaa wakiilo ka socda afartii dawwladood oo ku
guuleystay dagaalkii 2aad ee Adduunka oo kala ah Ingriiska, Faransiiska, Ruushka
iyo Mareykanka , kana wakiil ahaa United Nation, kuwaaso odorasaayey in dadweyna
soomaaliyeed ay u bisil yihiin hanashadda xoriyada.
Guddigaasi afarta ah waxay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo
warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka fureyd ,
kuwaas kala ahaa :-
- Somali Youth League (S.Y.L)
- Hamar Youth Club (HYC)
- Patriotic Beneficient Union
- The Arab Community
- The War Veterans
- The Somali Young …. Qabiil ku magacdarsaday
- Hindaitul Islam
- Comitato Rappresentativo Italiano
Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur
oo yar yar oo lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin talyaaniga (Pro-Italia)
, kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la
gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta
diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood
in lagu jiro gacanta Talyaaniga .
Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nation
taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii
SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka
soomaaliyeed.
Si wada jir ah xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen
fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed in ay hesho xornimo
taam ah. Qoraalkaasi waxaa U.Nation ka u gudbiyey Muddan Maxamoud Jaamac Uurdoox
oo qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in
ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah . Isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka
codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan muddo 10 sannaddood xornimo
taam ah, taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa
dawlada dhalan doonta .
Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud isaga oo wakiil ah SYL iyo xubnaha kale
waxaa warbixintiisa United Nation hortiisa ka soo jeediyey uu ku caddeeyey in si
deg deg ah oo aan shuruud aan ku xirneen ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo
madaxbanaanideedda iyo inta himiladaasi laga gaarayo afarta dawladood oo xoogga
waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah Jamciyadda
Qruumaha ka dhaxeysa .
Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay
ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay, kuwaaso ay u kala qaybsanaayeen
kuwa xornimadood ah iyo kuwa ka soo hor jeedda , hase yeeshee guddigii markii uu
arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL , iyo
wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee ku sugnaa muqdisho ,
kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan
xornimo , ka dib markii ay arkeen banana baxaasi , waxaa guddigaasi u cadaatay
in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodina ay ku
ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .
Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL iyo SNL wuxuu ahaa in la helo soomaali
weyn hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in
Ingariiska gacanta loo geliyo inuu soomaaliya gaarsiiyo xornimo, taaso dawladda
ingriisa uu ka careesisay , qorshihii SYL oo ahaa soomaali weyna uu ingariisa
cagta mariyey diidmada la diiday awoogeed , sidaasi darteed asiga oo aargoosi
ahaan u sameeyey in soomalia 2 qayb oo ka mid ah uu gacanta u heliyey dalka
Ethiopia iyo Kenya. Runtii Reer galbeedka iyo marekanka waxay diidanaayeen in
Ruushka uu fara gelin ku yeesho Afrika , maadaama uu Ruushka uu ka mid ahaa 4ta
dawladood ee ku guuleysatay dagaalkii 2aad ee adduunka .
United Nation ka waxay ku taliyeen maadaam shacabka soomaaliy ay raali ka
yihiin dawaladda talyaaniga in asiga loo dhiibo koonfurta soomaaliya muddo 10
sannadood ah lagu gaarsiyo xornimo. Sidaasis darteed waxaa United Nation ka ay
soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo
Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad walbana ay u gubiyaan
warbiintoodda United Nationka
Guushii halgankii SYL mirihiisii waxaa la gurtay 1960kii markii 1dii Luulyo
aay qarannimada qaadatay Koonfurta Soomaaliya oo ay na la midowday waqooyiga
Soomaaliya oo koonfurta ka horeeyey oo xornimadoodii ka qaatay Ingriiska 26dii
Juun 1960kii waxaana dhalatay markii taariikhda marka ugu horreysay
Jamhuuriyadda Soomaaliya . Hase yeeshee waxaa nasiib daro ah in qaranimadii
iyo midnimadii loo soo tacab beelay naf iyo maalba loo huray ay si fudud
gacmaheynu uga baxday ka dib markii ay burburtay dawladdi dhexe ee Militariga
dalka ka jirtay, ka dib dalka iyo dad ba ay galeyn marxaladdo adag oo sababay
dhimasho iyo bara kaca oo aan xad lahayn, maxaa yeelay koox aan miir lahayd oo
gacan ku dhiiglayaal ah (warlords) ay u suurta gashay in ay taladii dalka
hogaanka u qabtaan, waxay na shacabka soomaaliyeed u geysteen burbur iyo
halaag, taasoo ilaa iyo maanta shacabka uusan ka soo kabsanin, hase yeeshee
Soomaaliyeey Eebbe ayaad leedahay runtii naxriistii Eebbe mar na ba laga ma
quusto, maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhab ah in gaari doono ama la arki doono
soomaliya oo ah dawlad awood badan oo madax banaan oo ku dhaqanta shareecadda
Islaamka soo na celisa midnimadii iyo qaranimaddii dalka isla markaasi na u
horseedda shacabka soomaaliyeed xasilooni, horumar, noolal iyo barwaaqo.
Muddo 19 sannadood ummaddda soomaaliyeed dhibaato ugu filan, haddaba waxaa
loo baahan yahay in dadweynaha soomaaliyeed si weyn ay u taageeraan dawladda
midnimada qaran, dawlada na waxaa looga baahan yahay in ay xil weyn iska saarto
dhismaha maamulka dawladdeed ,maxaa yeelay haddii aan la helin maamul dawladeed
waxaa hubaal ah in sidii dawaladihii ka horey (Carte & Mbegathi) ayay ku
dambeyn doonto, waxaana looga baahan ah in ay ka fogaadaan cadaalad daro iyo
musuqmaasuq oo ah ku tagari fal xoolaha ummadda, runtii ma sahlana dib u dhis
maamul dawladeed hase yeeshee dawladda waxaa looga baahan yahay in ay xoog
saarto sidii ay u hanti lahayd kalsoonidda shacabkeedda taasoo muhiim u ah dib u
soo nooleyta qrankii burburay .
Waxaan kula talin lahaa dawladda cusub in ay dib u soo celiso heyadihii
dawladda ee burburay gaar ahaan Raadiyo Muqdishu oo ku hadli jiray codkii
dawladda iyo wargeys ay dawladda leedahay, iyo wasaaradihii jiri jiray, waxaan
aad iyo aad u soo dhaweyneynaa hadaladii ka soo yeeray Wasiirka Maaliyadda ee
dalka Suudaan Dr. Cawada Ahmaed Jaaz oo ballan qaaday in dawladdiisa, diyaar u
tahay in dawladda soomaaliyeed ka caaswineyso in ay u sameyso lacag sharci ah,
isla markaasina ay ka caawineyso wax alla iyo wixii ku saabsan horumarinta xagga
hey’adaha maaliyadda iyo dhaqaalaha , taasi waa arrin farax gelineysa dhamaan
shacabka soomaaliyeed , sidaasi darteed waxaa looga baahan yahay dawladda
midnimada qaran in ay tirtiraan lacagta been abuurka ah oo ay ku naaxeen Mafida
soomaaliyeed oo mar walba hortaagan in la helo dawladda awood badan, dadweynaha
soomaaliyeedna waxaa loo bahan yahay in ay fahmaan dhibaatadda ay wadaam
mafiyadda soomaaliyeed, isla markaasi na waxaa haboon in ay taageeraan dawladda
midnimada qaran oo ay iska kaashaadaan sidii loo cirib tiri lahaa kuwa xaraan
quutadda ah oo ku naaxay dhiiga ummaddeena oo mudan badan hortaagnaayeen dib u
soo nooleynta midnimaddii iyo qaranadii jirtay.
Waxaan kula dardaarmayaa dawaladd in ay xil weyn iska saarto sidii dib loogu
soo celin lahaa hey’adihii dhaqaalaha dalka, lana abuuro shaqooyin fara badan oo
lagu howl geliyo dhallinyaradda maanta ku dacdareysan dalka gudihiisa, maxaa
yeelay haddii qof uu shaqo haysto waxaa suurta gal ah inuu ka maarmo inuu wax
dhaco ama inuu naftiisa baddaha ku haligo, waad aragtaan in dhalinyaradeyna ay
ku dhamaanayaa badda iyo biriga ba, runtii dhallinayaraddu waa laf dhabarkii
dalka sidaasi darteed waxaan si raxmad ay ku dheehan tahay ogga codsanayenaa
kuwa ku loolamaya siyaasadda in ay u turaan ummadoodda . Arrintaani oo ah in la
badbaadiyo dhallinyaradda maanta soo hana qaaday masuuliyeedda qaadi kara waa
dawladda in ay dhallinyaradaasi ay u jiheyso sidii ay ugu heli lahayd shaqooyin
ku fulin, isla markaasi na dawladda midnimo qaran waxaa loo baahan yahay in ay
geed walba u fuusho sidii dib u heshiin dhab ah loo gaari lahaa iyadoo dulqaad
iyo xilkasanimo adeysaneysa .
Shacabka soomaaliyeedow hal heeskeynu ha noqdo tusaalooyinkii iyo hal
heesyadii SYL iyo SNL oo dhamaantoodda ahaayeen wadaniyadda AXYAA
WADANI….qabiil qaran ma noqdo……qabiil qaran ma dhiso iyo kuwa kale oo ah
“Soomaaliyeey toosooy toosooy isku tiirsada hadba kiini tag daran taagera
weligiin” waddaniyadda ayaa lagu gaari kara horumar iyo mideynta ummadda
soomaaliyeed , loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma
baahana in qabiil ama shaqsiyaad la taageero balse waxaa loo baahan yahay in
dawladda fursad iyo waqti ba la siiyo sidii ay hawsheeda u gudan lahayd,
mucaaradkana waxaan kula talin lahaa in ay wada hadlaan dawladda isla markaasina
ay ka qayb qaataan horumarinta iyo dhismaha dalka si loo badbaadiyo shacabka
soomaaliyeed oo ku dacdareysan guddaha iyo dibadda ba, taasi oo kaliya ayay ku
soo noqon kartaa sharafkii shacabka iyo nabad galyadii dalka , Waxaan ummadda
soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul iyo
barwaaqo .
Wbilaahi towfiiq
Dr. Abdulkadir Ali Bolay
Email: bollay@hotmail.com