Barnaamijk xiisa badan oo loogu talagalay Ardaydayda Qurbaha ku Kortay ama ku dhalatay
Sh Mohamed Carab iyo Sh Abshir C/laahi ayaa isku Soo Duba Riday Barnaamij English ah oo ku saabsan Ardayda


Sh. Maxamed Carab iyo Sh. Abshir
C/laahi
Sh. Mohamed Carab iyo Sh. Abshir C/laahi ayaa soo bandhigay Cajal ka waramaya Taariikhda Soomaaliya iyo Nolasha Qurba jooga Maraykanka.
Taariikhda Soomaaliya ee la xusay waxaa ka mid ahaa Axmed Guray iyo Sayid Mohamed Cabdille Xassan iyo madaxdii Soomaaliyeed ka hor 1991. Dhalinta Barnaamijkaan ka qayb gashay ayaa Aad u xiisaynayay Maadaama lagu qaadaa dhigayey Barnaamijka luqad ay aad u fahmayaan badan kood oo ah tan wadan kaan looga hadlo oo ah English. Waxaa ka mid ahaa Barnaamijka Dhalin yarada ka hadashay Maryan Siciid Warsame oo ka hadashay Mowduuc ay ugu magac dartay Wadankayga oo ay ula jeedo Soomaliya.



Waxaa kaloo Dhalinta ka hadashay ka mid ahaa oo Halkaas waliba Ilmada ku Qubtay
Sahra Cumar Mohamuud oo ka Hadashay Dhibaadada Haysata Gabdhaha Soomaaliyeed
Haddii ay Qurbaha joogaan iyo haddii ay ku nool yihiin Gudaha Soomaliya. Sahra
ayaa mar ay ka hadlaysay Kufsiga iyo Dhibaatada loo gaysto Gabdhaha Oohin iyo
ilma Qubasho ku gabagabaysay ayada oo damcan siiwadi weyday. Waxaa kaloo ka
hadlay Mohamuud Cawil Mohamed oo ka Hadlay Taariikhda Saxaabiga la Yiraahdo
ilaahay ha ka raali noqdee Salmaan Faarisi. Mohamuud yare waxuu dhalinta ama
dhalin yarada qurba joogaa ku dhiira galiyey in ay bartaan Taariikhda Saxaabada
iyo Taabiciinta iyo Dadka Islaamka wax ugu fadhiya waxuuna Xusay dhalin yarao in
ay aad iskugu howlaan Taariikhda dadyoga kale taas oo aanan Macno badan ku
fadhiyin barnaamijkaan oo aad u xiisa badnaa waxaa kaloo looga hadlay
Wax Barasha da iyo in waaridiintu ka warqabnaa ilmahooda kana qayb galaan
Shiirar ka looga hadlayo Mustaqbalka ilmahooda
Macalimiinta Qur,aan ka ilmaha Barta ee Abubakar sadiiq oo Qiraa ooyin kala Gadisan ka Akhriyey Mutamarka
Macaliimiin ta ayaa soo bandhigay aqoontooda asaga oo macalin katsa soo akhriyey Qiraa'o gooniya ama gaara Sawirka ugu horeeya dhanka bidix waa Sh C/naasir Mohamuud FaaraxDuuri Cani Kisaa'i Waxaa ku xiga Sh Saadiq Ahmed Khaliif oo Marti noo ahaa kana yimid Canada Waxuu akhriyey Xafso waxaa ku xigay Sh C/xakiim Gaadley oo asna marti noo ahaa waxuu ka yimid Gobalka Ohio Sh Hassan Mohamuud waxuu akhriyey Qiraa'ada Khalaf Alcaashir waxaa barnaamijkaMacaliinta isku soo duba riday Madaxa sare ee Golaha Macalimiinta Abubakar Sh C/naasir Yuusuf Cali
Qiraa'adii Quraanka ee Macallimiinta Abuubakar Asidiiq:
Sh
C/naasir Yuusuf Cali
Waxaa abaalmarin la siiyay dhallinyaradii ku guulaysataya tartanka quraanka kariimka, ayadoo kii galay kaalinta koowaad la siiyey lacag gaaraysay 4500 doolar.
Dhinacaha caafimaad ka iyo Xuquuqda Qofka Muslimka ah leeyahay
Sidoo kale Dhinaca Caafimaad iyo Xuquuqda Qofku leeyahay ayaa looga hadlay Mutamarka maantay waxaa Cafaimaadka ka hadlay gaar ahaan Cudur ku dhaca ilmaha Somalida ah ee ku nool Maraykanka Xanuunkaas ayaa waxa ala dhahaa AUTISM Abdiwahab Cumar Khaliif ayaa ka hadlay oo sheegay in uu ka qayb galay Shirar badan oo ka dhacay Magaalada Chicago asaga oo xusay in Cudur kaan Daawo uu leeyahay saga oo intaas raaciyey in dhakhaatiirta gaobalkan joogta aay Kaniigga Hurda kaliya siiyaan ilmaha daawana aan loo hayn ay sheegaan waxuu xusay dhow sababood oo lagu daaweyn karo.
Abdiwahab Cumar Khaliif iyo Abukar Carmaan
Waxaa kaloo ka hadlay Xuuquuqda Qofka Muslimka ah ee Maraykan ka ku nool Abukar Carmaan oo ka Socday CAIR ahna Soomali waxuu sheegay in looga baahan yahay qofka Muslimkaa in uu barto Xaquuqda uu leeyahay
Cabdiwahaab Cusmar Khaliif oo ka hadlaya Caafimaadka/ AUTISM:
Abukar Carmaan oo ka hadlaya xuquuqda qofka muslimka ah ee ku nool maraykanka