Wararkii ugu Dambeeyey iyo Faahfaahin ku saabsan la haystayaasha Saraakiisha
Faransiiska .
Iyadoo maalintoo doraad ahayd Hotel Saxafi laga afduubtay labo sarkaal oo ka
tirsan Nabad-Sugida Wadanka Faransiiska ayaa waxay arrintaasi walaac ku abuurtay
Dowladda Faransiiska oo haatan wada dadaalo ay ku dooneyso in lagu soo daayo
labadaasi nin ee Faransiiska ah ee u yimid in ay tababar siiyaan Ciidamada
Dowladda Federaalka.
Afduubkaan oo ah kii ugu fududaa ee laga fuliyo Magaalada Muqdisho ayaa waxay
noqoneysaa dharbaaxadii labaad ee ku dhacday Dowladda Federaalka marka laga soo
tago qarixii lagu dilay Wasiirkii Amniga ee Dowladda Federaalka Cumar Xaashi
Aadan, waxaana la xaqiijiyey in Dowladda Federaalka ay raggaasi marti u
ahaayeen, balse Hotel Saxafi looga diiwaan geliyey in ay yihiin rag
Joornaaliistayaal ah oo doonaya in ay eegaan Xaaladda Soomaaliya.
Dowladda Feransiiska oo lagu yaqaano in ay xoog ku soo furato ayaa haatan u
muuqan in arrintaasi ay suuragal ka tahay, maadaama ragga haysta yihiin kuwo aad
u hubeysan oo xitaa wata Gawaaridda Dagaalka, waxaana la sheegay in ay Dowladda
Faransiiska dooneyso in arrintaasi lagu dhameeyo si wada hadal, hase yeeshee
Xarakooyinka Xisbul Islaam iyo Shabaab ayaa iyagu si aad ah uga soo horjeeda
Dowladda Federaalka iyo waliba Ciidamada Shisheeye, ilaa iyo haddana ma jiraan
wax war ah oo ka soo baxay labadaasi dhinac oo ku aadan labada nin ee la
afduubay, hase yeeshee ragga afduubay labada nin oo sideed nin ah ayaa la
sheegay in iyagu aad u doonayaan in ay lacag ku helaan labadaasi nin, waxaana
jira warar sheegaya in ay ragga afduubka gaystay horey uga mid ahaayeen kooxaha
Burcad Badeedda, waxaana la sheegay in ay dhowr jeer heleen Lacago madax furasho
ah, waana midda sahashay in si fudud ku afduubtaan saraakiishaas ka socday
Wadanka Farasiiska.
Goobta lagu haysto labadaasi nin ee Faransiiska ah ayaa lagu waramay in ay si
aad ah u joogaan ciidamo aad u hubeysan, waxayna wararka qaar sheegayaan in laga
cabsi qabo in ay isku dhacaan Ururka Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab, maadaama
Al-Shabaab rabaan in raggaasi loo soo gacan geliyo, halka wararka dhinaca Xisbul
Islaam ka imaanaya tibaaxayaan in Xisbigu doonayo in arrinta lagu dhameeyo qaab
madaxfurasho ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ciidamo ka tirsan kuwiisa horey loogu eedeeyey in ay
ka dambeeyeen afduubka labadaasi nin ayaa isagu waxa uu sheegay in arrintaasi
tahay mid aan sal iyo raad toona laheyn, isagoo sheegay in ragga wax afduubtay
yihiin kooxo burcad ah oo mooryaan ah, waxaa kale oo uu sheegay in Dowladdu ku
jirto dadaal ah sidii lagu soo deyn lahaa raggaasi. sidoo kale Gaarogii
Teknikada ee ka qaybgaley Afduubkaas raggii saarnaa haatan ay ku xiran yihiin
Xarunta Madaxtooyada hase yeershee waxaa mar dambe la ogaadey in Raggi afduubka
geystey ay sireen Ragaasi waayo ayey leeyihiin dadka qaar ma soo aadeen Xarunta
Madaxtooyada haddii uu qayb ka ahaa Afduubkaas oo raggii qorshaha watey bay
raaci lahaayeen
Dowladda Faransiiska ayaa waxaa la sheegay in ay kullan deg deg ah isugu
yeereyso Midowga Yurub si looga arrinsado arrinta labadaasi nin oo ka tirsan
nabadsugida wadanka Faransiiska, waxaana la sheegay in xiriir uu dhex maray
Dowladda Faransiiska iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan sii loo
siideyn lahaa raggaasi.
"Dowladda way fududeysatay raggaasi ee ma aheyn in ay dejiso Hotel ay dad rayid
ahi leeyihiin, ee waxay ahayd in ay dejiso xarunta Madaxtoonyada" ayuu yiri
afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska, waxaana laga
yaabaa in Midowga Yurub uu dib u dhigo deeq loogu talagalay Dowladda Federaalka
arrimo la xiriira afduubka raggaasi. sidoo kale shacabka Faransiiska iyo
Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku cadaadinaya Madaxweynaha in uu is Casilo
Rag xiriir la leh Afduubayaasha ayaa waxay sheegeen in saddex arrimood lagu
haysto raggaasi, iyagoo midda koowaad ku sheegay in rag Soomaali ah oo burcad
badeed ah ay ku xirxiran yihiin dalka Faransiiska kuwaas oo la doonayo in
raggaan xiran lagu bedesho, sidoo kale waxaa lagu waramayaa in kooxaha
Islaamiyiinta ah aad uga caroodeen hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha
Faransiiska oo uu ku aflagaadeeyey Xijaabka, waxaa kale oo la sheegay in
raggaasi lagu doonayo in lagu helo Malaayiin Doolar.
Ciidamo ka tirsan kuwa Faransiiska oo wata labo markab oo ku dagaalka ah ayaa
waxaa la sheegay in ay soo gaareen Xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo doonaya in ay
gacan ka gaystaan sidii lagu sii deyn lahaa raggaasi, hase yeeshee waxaa lagu
waramay in Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Faransiiska ay xiriir la soo
sameeyeen Guddoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayna kala hadleen
sidii lagu sii deyn lahaa raggaas Faransiiska ah. isku soo wada duuboo afduubka
loo gaysanayo dadka shisheeyaha ah ayaa si weyn u soo kordhay waqtiyadaan dambe,
kaas oo laga helo malaayiin Doolar.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | July 17, 2009 |