WADAADADA
SOOMAALIDU AYAAN DARANAA MA AWLAADDII AW JAAMAC BAA?!!

Muxamad
Idris Axmed
dalyaqaan@yahoo.com
بسم
الله الرحمن الرحيم
Mahad oo dhan Ilaahay
baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha Ahaato.
Soomaalidu wexey
tidhaahdaa: "War Ayaan Daranaa Ma Awlaadii Aw Jaamac
baa!"
Sheekada
Ilma Aw Jaamac waa sheeka dheer oo Suugaanta Soomaalida dhextaal,
halkana kuma soo koobi Karo. Laakiin Nuxurkeedu wuxu yahay:
Niman Walaalaa, Nin wanaagsani dhalay, Dhaxal badan oo Diin iyo
Adduunyaba lehna uga tegey, Hase yeeshee, calfan waayey,
aakhirkiina muran iyo khilaaf dartii isdiley, Adduun iyo
Aakhirana seegay.
Markaan
aragno oo maqalno waxa ka socda Soomaaliya, gaar ahaan, koonfur
iyo Muqdisha, Siiba nimankii Wadaadada ahaa, oo awal ceebtooda
Ilaahay asturay, haddase aad mooddo iney iyagu asturaadii
Ilaahay iska xayuubinayaan, waxaan annagoo murugaysan
xusuusaneynaa maah maahdaas Soomaaliyeed, innagoo leh: War
Wadaadada Soomaaliya Ayaan Daranaa, Ma Awlaaddii Aw Jamacbaa!!
Markii
Taladii Wadanku iyaga gacanta usoo gashay, ayey adduunka
Markhaati uga dhigayaan, iney calfan waayaan, idaacadahana isku
caayaan, labadii cayshu milixa ahaana, (xitaa) iney wada
fariistaan inta diidaan, (Madaafiicda keliya ku wada hadlaan oo
hawada isu mariyaan) maxasta intii hartayna ku dhammaato.
Miyeysan ahayn inaan niraahno: War wadaadadu Ayaan
Daranaa,Ma Awlaaddii Awjaamac baa!!
Waxaan
qarsoonayn qorshaha Istratiijigaa ee Itoobiya inuu yahay Dawlad
Xoog lihi inaaney Soomaaliya ka dhalan, ishana lagu hayo,
Wexeyna u maraysaa, barnaamijkii ahaa (Qaybi oo Xukun)
ama (qorya isugu dhiib) Laakiin haddeey Soomaalida
ka go'antahay iney Dawlad Dhaba noqdaan, Itoobiya iyo qeyrkeed
ma hor istaagi karaan, haddeey marka wadaadadu qorshihii
Itoobiya iyo qeyrkeedba fulinayaan, sidii dagaal oogayaashii
gabalkoodu dhacay, sow in la yiraahdo maaha: War Wadaadadu
Ayaan Daranaa Ma Awlaaddii Aw Jaamac baa!
Wadanka
Itoobiya ciidankeedii kala baxday, mase foga! Maraykanna ma
joogo, badduuse fadhiyaa! Kiinya ma joogto, xadkeyse soo
dhawreysaa. (Xoogaa Afrikaana) oo (Dhufaysya ku jira) ayaa
Muqdisha (Keliya) jooga, Wadaadada labada dhinac (Xukuumad) iyo
(Mucaarad) iyagaa – Bakaaraha iyo Boondheeraba – mushaaxa,
Haddeey
garan waayaan, maqlina waayaan, war cawdu billaysta oo bisinka
qabsada, nicmada ku shukriya, ummaddiinana u naxa, maamulka iyo
magaaladana midaysta oo habaysta oo wixii dhiman ee aad
tebeysaan xikmad iyo wada hadal ku dhamaysta oo isla meel dhiga
(sida ugu dhaqsa) badan (intaan) (bilaaya kale) idinka dhex
qaadin, haddeey intaas - oo dhegaha looga addamey- garan waayaan,
sow in la yaaboo la yiraahdo maaha: War wadaadadu ayaan
daranaa Ma Awlaaddii Aw Jaamac baa!!
Ummaduhu
(Waaya aragnimada) waa u Ilma Aadam, haddey kala fogaadaan, ama
xitaa kala diin ahaadaan, sidaa darted ayaa marar badan
xikmadooda iyo waaya aragnimadoodu meela badan isaga soo dhacdaa.
Waxaa
laga sheegay, ninkii la oran jirey Martin Luther King Jr.
ee Mareykanka Madow ahaa, una halgamayey muddo sidii dadka
madoobi xuquuqdooda qayb ka mida u heli lahaayeen, ninka cadna
uga fara maroojin lahaayeen. Wuxuu ahaa nin aftahana oo hadduu
fagaarayaasha ka hadlo, sida la yiri, shimbiruhu istaagaan!
Wexey dadka madoobi maraykan halganka kasoo bilaabeen, meel
iyaga iyo eeyaha la simo!! Maantana saan ognahay
Maraykan (Nin Madaw ayaa Madaxweyne ka ah oo Aqalka cad
deggan) Waxaa ninkaa, King ah, laga hayaa inuu yiri
isagoo Caddaanka hadalka ugu duur xulaya:
" War aan
sidii dad walaala ah u wada noolaanno. Ama sidii doqomada aan u
wada le'anno"!
Wadaadada
Siyaasadda (Muqdisha & Koonfur) ku loolamayaa haddeey garan
waayaan in wadanku qaado, kheyraadkiisuna ka badan yihiin
Soomaali oo Ummadaha Adduunku u bir tumanayaan, kuna tashadaan
iney sidii (Doqomadii) wada le'daan, Sow in la yiraahdo maaha: War
Wadaadadu Ayaan Daranaa Ma Awlaaddii Aw Jaamac baa!
Dadka
aan Taariikhda ku Cibra qaadani iyagaa Cibra noqda sida badan.
Cadawga kuu dhow ee (Daakhilkaagaa) iyo (Kan Fog ee Abadigaa)
haddaad kala saari weydo, mid walbana meeshiisa dhigi kari weydo,
mid walbana waqtigiisa la sugi weydo, Iyana waa shiddiyo hoog.
Taariikhda
Muslimiinta Markaan dib ugu fiirsanno, ama (Aadamahaba) waxaa
innoo caddaaneysa (Khilaafka & Siraaca Daakhilkaa)
inaan Ummadi ku faaiidin, xitaa haddey (sideey isu arkaan) – Mujaahidiin
iyo Cumalo – isugu yeedhaan, ama u qaybsamaan. Sunnada
Ilaahay kama mid aha, Ummad (Gudaha) ka burbursani iney
Ummadaha Hoggaamiso ama guul gaarto. Sida Qaalibkaa waxa (Cadawga)
Camiil u noqdaa waa dad yar oo kooban. Haddeeyba dhacdo,
dadkaasu keligood dagaal ma galaan, ee (Qayb dhan) oo Ummadda ah
ayey Jabsanayaa. Waxaa Diinta iyo Caqligu dhigayaan, in lagala
soo haro, waqtina la siiyo, si ay ummuurtu u caddaato. Dadka
kama dooni kartid iney sidaad (xaqiiqda) u aragto, (habeen iyo
gelin) kuula arkaan, ama keligaa aad ku fal gasho. Aragtida iyo
Mawaaqifta Ummaddaada waxaad ku khasbantahay inaad tixgeliso oo
la socoto. Keligaa inaad shahiidnima doonto, iyo inaad Ummad
noolaysana waa kala labo!
Muslimiinta
khilaafkii u horreeyey markuu ka dhex dhacay ee Ciraaq iyo Shaam
loo kala jabay, Muslim badan ayaa ku dhammaaday,
futuuxaadkii iyo Jihaadkii Cadawguna wuu istaagey, Firqooyin
habawsan oo shiico iyo khawaarij aan waxba reebayn ayaa ka
dillaacay, Raggii Janada loogu bishaareeyey Sida Dalxa iyo
Zubeir Allaha ka Raali Noqdee ayaa Si badheedh ah loo diley.
Cali Bin Abii Taalib Allaha Raalli ka noqdee ayaa isna dilkiisi
Alle loogu dhowaadey! Intaana – isagoo Khaliifa ah – ayaa
lala diriraayey. Ilaahay wuxuu fitnadaa ku damiyey Al Xasan Ibna
Cali Allaha Raalli ka Noqdee, Nebiguna Calayhi Salaatu Wasalaam
Wuu ku Ammaanay.
Khilaafadii
Cabbaasiyiinta iyo Dawlladdii (Khawaarizmi
Shaah) Markey is dibin daabyayeen, oo iyagu isu muuqdeen,
waxaa mid mid cagta u mariyey (Tataarkii) Jenkis Khaan
Dawladdii Muslimiintuna waa burburtay. Baqdaadna 2 Milyan ayaa
lagu diley 656 H.
Dawladdii
Masar markaa Joogtey oo iyadu dhexdeeda heshiis iyo Midnimo iyo
isku duubnaan Culimo iyo Madax iyo Mujaahidiin laga helay, ayaa
Tataarkii Adduunka oo dhan soo qabsaday 658 H ku jebisey (Cayn
Jaaluut) – Waa 2 sano keliya kadib markii ay soo qabsadeen
Baqdaad iyo Shaam! Waxaan dad Badani ogayn (Sida uu
Musaalaxada Gudahaa u Sameeyey – Saifuddiin Quduz – Allaha u
Naxariistee – oo Isagu Masar iyo Jihaadkaas Hoggaaminayey). Waxaan
dad badani ogayn – Ciidamada Masar iney u kala jabnaayeen 2
qaybood iydoo Tataarku iridka soo marayaan. Laakiin Amiirki
markaa joogey Quduz – Allaha u Naxariistee – Wuxuu
ahaa nin Ilaahay Tawfiiqda waafajiyey – Tallaabooyinkii (Muslaaxada
Gudaha iyo Diyaargarawga) ahaa ee uu qaaday waxaa ka mid
ahaa:
- Qoladii Kasoo
horjeeddey ayuu la heshiiyey xitaa wuxuu u gaarey inuu
xukunka uga tanaasulo. Laakiin horta cadawga ay u midoobaan.
- Raggii Madaxdooda
ahaa oo uu ugu magac dheeraa Abaanduulihii ay eyniga
ahaayeen ee la oranjirey (Ruknudin Beebaris)
oo awal Masar ka cararay, wuxuu u diray warqad ay ka (kal
gacal iyo qaddarin iyo soo dhoweyn) xambaarsan,
wuxuuna qayb weyn ka siiyey saldanadii, ninkaasuna qayb
libaax ayuu ka qaatay Dagaalkii (Caynjaaluut)
ee Tataarka lagu jebiyey, wuxuuna hoggaaminayey ciidanka
nuskiis oo Sahanka horeba ahaa. Sidaas ayaa Qofka Qadiyad
Mukhliska u ahi, cid kasta oo Qadiyaddaas wax tar u ah u
ilaashadaa, mana ximiyo.
- Quduz
wuxuu wada tashi iyo la shaqayn la yeeshay Culimadii Markaa
Joogtey oo uu ugu Magac dheeraa, Suldaanul Culamaa (Cizzaddin
Bin Cabdi Salaam)
- Quduz
Wuxuu la Heshiiyey Saliibiyiinti Markaa Degganaa Magaalada
xeebtaa ee (Cakka) si uu ugu gacan bannaanaado (Tataarka).
Mar raggiisa qaar ka midi ay (Cakka) inta galeen
dagnaanteeda arkeen, dabadeedna soo jeediyeen aan qabsanno
tabar ma hayaane, wuxuu ku yidhi: (Nimanka Ballan
ayeynu la galnay Diinteenuna ma ogola ineynu Ballanta uga
baxno).
- Quduz
wixii xoola Masar yiilley wuxuu ku shubay (Beytul Maalka)
isaga iyo amiiradiisiina wuu ka xayuubiyey.
Sidaas
ayaa Masar oo uu Hoggaaminayo Quduz kaga
guulaysatey Tataarkii. Waxaa Quduz ciidamadiisa raacay xitaa
qaar markii hore Tataarka isu dhiibey oo raacay.
Haddaaney
Wadaadada isku haysta talada iyo Siyaasadda ee Mid walbaa (Tuula
Haysto) ee leeyahay (Minbar) ayaa iiga taagan anaana ka
(Amiira) – kan kalena waa (najis qalabkiis) mindiyahana isu
lisanaya, haddeey garan waayeen (Cadaw) labadoodaba aan kala
jeclayn inuu iridka usoo joogo, ee uu kala hor marsanyo keliya,
sow in la yiraahdo maaha: War wadaadadu ayaan daranaa Ma
Awlaaddii Aw Jaamac baa!!
Muslimiintii
Andalus laga Qaaday, ee ilaa (Koonfurta) Faransiiska laga soo
saaray Qaar wexey ahaayeen Mujaahidiin dirirtay ilaa maalintii u
dambeysey oo aan is dhiibin, qaar wexey ahaayeen Culimo waaweyn,
qaar wexey ahaayeen Amiirro Gaalada (Camiilla) u noqday, qaar
kale wexey ahaayeen kuwa is dhiibey, nin walbii wuxuu geystey
Aakhiruu helayaa, hase yeeshee, adduunkii laga qaad, dalkiina
laga qabsey, kanaa Mujaahida iyo Kanaa Camiilana wax weyn
dagaalka Masiirigaa ee Ummadaha kama bedelin marka adduunkan la
joogo, aakhira nin iyo camalkiis.
Dhinaca
Gaaladana, Boqorkii Faransiiska ee Sharl Martl, iyo
Boqoraddii Izabella, wey shirkoobeen, Cadaawaddii ka
dhexeyseyna dib ayey u dhigteen, si ay horta Muslimiinta Andalus
uga nadiifiyaan. Geesiyadii markaa dagaalamayey – Qarnaada oo
ugu dambaysey dagaalla qadhaadh ka galay - iimaan iyo geesinimo
uma yarayn, laakiin, Ummaduhu si ay u jiraan wax
geesinimada iyo Nafhuridda keliya ka badan ayey u baahan yihiin
oo farsama& maamul ah, Sunan iyo Qawaaniin ka
duwan tan aakhiro ayaana xukunta. Hadaad Qawaaniinta
aakhiro ee taqwada iyo camalka keliya lagu kala fadilanyahay
adduunka maamulkiisa ku xukuntana wax badan ayaad ka ilduufeysaa.
Wadaadada
Soomaaliya ee Midna Wardhiigley ka khudbaynayo, Midna
Buurta Madaxtooyada Saaranyahay, Mid walbaana na
leeyahay, (Khadarkii) lasoo diraan ahay (Burji iyo Barwaaqana)
anaa haya ( Xaqqa iyo Sawaabkana) niman aniga ahayn loogu iman
maayo, haddeey garan waayaan Cadawga Soomaaliya inaan jabhado ka
hortegikarin ee Dawladnimo looga hortegi karo, Dawladna in
Dawladi ka hortagto ee aan xisbiyo ka hortegin, Hadeey garan
waayaan cadaawadda iyaga u dhexeysa iney ka weyntahay midda
iyaga iyo Cadawga soo jireenka ah dhextaal.
Haddeey
u fududaatay labada dhinac iney Addis Ababa iyo Asmara
Melez Zenawi iyo Asias Afowarke kula kulmaan, siyaasad iyo
maslaxo darteed – sidey ina leeyihiin – Laakiin ay ku
adkaatay iney iyagu Muqdisha iyagoo wada deggan isku arkaan,
lana garan la'yahay Maslaxadda iyo Siyaasadda – keentay iney
nimankaas aan la diinta ahayn, oo la dhaqanka ahayn, oo la
masiirka ahayn, wax la wadaagaan, una diidey iyagoo isku diina
oo isku dhaqana oo isku afa, oo isku masiira, iney wax wadaagaan,
ama wada hadlaan, intaasuba haddeey dhacday, sow in la yiraahdo
maaha:
War
Wadaadada Soomaalidu Ayaan Daranaa Ma Awlaaddii Aw Jaamac baa!!
Waxaa
laga yaabaa, dad badani inaaney ogayn, wixii Andalus ka dhacay
waxaan ka yarayni iney India ka dheceen. Dawladda Muslimiintu
wexey India ka taagnayd in ka badan 8 qarni, ilaa isticmaarkii
ingiriisku soo galo. Dawladda Muslimiintu wexey lahayd Xadaarad,
Xoolo iyo Xukun Xoog leh oo raasikha, meesha yurub iyo
ingiriisku ay macaluul la baqtinayeen.
Wuxuu
leeyahay Edward Terry – Kitaabkiisa (Early Travels in
India) (Safardii u horreyey ee Hindiya):
((Boqorka
Mogulkaa ee weyn aragtidayda waa Imbaradoorka bariga ugu weyn
baaxadda dhulka uu xukumo, xoolaha lixaadka leh ee uu haysto iyo
wax soo saarka aadka u faraha badan ee dhulkiisa kasoo baxa.
Dhulkiisa aadka u baaxadda weyni wuxuu la ciir ciirayaa hodonimo
xad dhaafa, heer ay isku filantahay dhinac walba oo aaney cid
kale kaalmo uga baahnayn)).
Sidaas
darted ayaa magaalooyinka Muslimiinta India ahayd kuwa adduunka
ugu qurux badan oo ugu hodon san, heer ay ingiriisku Markey
booqasho ku tagaan, qalbigu argagax iyo amankaag la ruqi jirey,
waxa qurux, hanti, iyo xoog meesha yaal, akhri haddaad doonto,
kitaabka (Lord Clive) – markhaatigooda ayaan kuu soo
qaadayaa – ( Rise of Christian Power in India, Calcutta
1931. ( Soo bixitaankii Xoogga Kirishtaanka ee Hindiya)
wuxuu leeyahay:
(( Magaalada
Murshid Abad Wexey leegtahay London xagga Baaxadda iyo Nidaamka,
wexey ku cammirantahay dad iyo xoolo, Hase yeeshe wexey Murshid
Abaad la dheertahay farabadnida Tujaarta waaweyn iyo dadka
raasumaalka badan haysta)).
Laakiin
sida uu leeyahay Taariikh yahanka hindigaa ee Muslimkaa, Dr.
Qudratallah Al Hussaini kitaabkiisa ( Cabdulxay Al Xasani –
Taariikh yahanka weyn ee India):
((
Amiiradii Muslimiinta ayaa si weyn isu khilaafay,
Madaxtooyadooduna wexey noqotay mel dibin daabyo iyo jar laysu
dhigayo, dagaalla sokeeyana wey ka dillaaceen iyagoo marar badan
isu adeegsanaya cadawga islaamka si ay u dulleeyaan walaalohood
Muslimiinta kale, heer ay noqotay xukuumaddii Muslimiintu wax ay
ku baayac mushtaraan oo kala gataan ingiriisku))
Waxaa
la oran karaa ingiriisku kuma qabsan xoog Dawladdii Muslimiinta
Hindiya, mana hawaysan Karin, laakiin Muslimiinta ayaa isu
jebiyey, Sida Wadaadadan Soomaalidu Lugaha isu jiidayaan maanta,
iyagoo Moodaya iney diin u adeegayaan (Caqli xumooy ba').
Ingiriiskaana Markhaati ka ah. Wexey leedahay qoraa Ingiriisa oo
la yidhaahdo: Mrs. Annie Besant kitaabkeeda (How India
wrought for freedom):
((
Dagaalka Shirkaddii Ingiriisku ma ahayn dagaal ciidan ee wuxuu
ahaa dagaal ganacsi. Ingiriisku Hindiya Seeftiisa kuma furan ee
wuxuu ku furtay seefta dadkii hindida ahaa, iyo laaluush,
mu'aamaro, munaafaqnimo, qaybi oo xukun, qaarba qaarka kale ku
dir, dagaalka ka dhex oog)).
Haddeey
Wadaadada Soomaalidu garan waayaan Dagaalku inuusan ahayn
Shariif iyo Xasan Daahir, Cumar Iimaan iyo Janaqow, Mukhtaar
Roobow iyo C/qadir Cali Cumar, Hawiye iyo Daarood, Isxaaq iyo
Digil iyo Mirifle. Haddeey garan waayaan in Dagaalku ka baaxad
weyn yahay Kaaraan anaa haysta iyo No. 4 anaa joogaa, Dekedda
Muqdisha anaa fadhiya iyo Anna tan Kismaayaan haystaa, Hadeeyan
garwaaqsanayn in dagaalku yahay Soomaali iyo wexey diin iyo dal
xambaarsantahayba halla waayo, Geeska Afrika Dawlad weyn oo
Muslimiinta ku abtirsataa yey kicin noocey doontaba ha noqotee,
Hadeeyan Fahmi Karin siraacu inuu yahay laba diin, laba dal,
laba xadaarad, laba taariikh, laba ummad, laba dawlad, kana
baaxad weynyahay kooxo iyo afraad, haddaaney intaa garan Karin,
amase garanayaan, laakiin damaca shakhsigaaye indhatiray, sow in
la yiraahdo maaha: Wadaadada Soomaalidu Ayaan Daranaa Ma
Awlaaddii Aw Jaamac Baa!
Waxba
yuu hadalku ila durkine waxaan ku soo afjarayaa, Ninka aan u
adkaysan Karin walaalkiis Muslimihi inuu aragti ku khilaafo,
lana noolaado, lana shaqeeyo, uma qalmo hoggaanka dal yar
in loo dhiibo iska dhaaf adduunka in loo dhiibo.
Dadka
aan Usuusha iyo Kulliyaadka waaweyn ee diintooda iyo noloshooda
iyo masiirkooda ku midoobi Karin, kuna wada shaqayn Karin, haba
isku khilaafaan, qaar ka mida furuucda Usuushaas waaweyn iyo
wasiilooyinka fulinta, uma qalmaan in dhulka ilaahay loo
makiniyo, mana aha kuwa hoggaanka adduunka qaban kara.
Ninka
Caddaaladiisu deeqi kari weydey walaalkiis Muslima, oo weliba
qaraaba ah, lagama sugayo kuwa ka fog inuu caddaalad deeqsiiyo.
Sidaas darteedna laguma aamini karo hogaanka iyo hagidda uunka
Ilaahay abuurtay ee caddaaladda iyo naxariista u ooman.
Waxaa
soo haray, kelimad u baahan in laga hadlo oo taariikhdu qorto,
inta ilaa hadda dhacday ka badanna aan loo dul qaadan Karin.
Kelimaddaasu waxaa weeye: Haddii raggaan indhabeelku ku dhacay,
ee saarku ka degi la'yahay, qummanohoodu qoorta ugu jiro, oo
cidna aaney dheg u jalaq siinayn, maxaa Ummadda iyo Culimadeeda
la gudboon, Ilaa goormase ayaa (filimkan) dhibka badan la
daawanayaa? Qoraalka ku xiga ayaan kusoo qaadi inshallaahu.
RA'ISUL WASAARAH &
WASIIRKIISU INDHA ADAKAA!!! ......Akhri
Muxamad Idris Axmed
dalyaqaan@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2009