Tiirka Sadexaad ee dawladnimda
W/Q/ Cabduraxman M.
Cabdullahi (Baadiyow)
abdurahmanba@yahoo.com
Qaaraanka dawladda
Xeer,
qaanuun iyo sharci waxey dhammaan tilmaamayaan nidaam lagu xeeriyo xiriirka
qofka, qoyska, bulshada iyo dawladda. Nidamkaas wuxuu noqon karaa mid ku saleysan
Shareecada Ilaahey ama mid dadku ay ka qaateen waayo-aragnimada aadamiga.
Ummadaha Muslimka ah waxaa laga rabaa in xeerarkooda, qawaaniintooda iyo
sharciyadooda aysan ka hor-imaanin nuxurka mabaadi’da Islaamka. Taas minaheedu
ma aha inaan loo ogoleyn ka faa’deysiga waayo-aragnimada dawladnimo ee
ummadaha kale. Haseyeeshee, dawladaha la soo gumeystay sida Somaaliya,
qawaanintooda waxaa sameeyay gumeysiga oo ka tixraacay qawaaniintooda. Gaar
ahaan, dalalka Muslimka ah waxaa soo gumeystay dawlado aan ku diin aheen, kuna
dhaqan aheen, kuwaas oo keenay waxyaabo badan oo khilaafsan diinta iyo dhaqanka.
Waxaa dalakaas lagu talaalay fikirka “cilmaaniyadda” (secularism) oo ay sal
u tahay in Islaamka laga fogeeyo xukunka, diinta iyo dawladdana la kala saaro.
Sidaas darteed, madaxdii xukunka Somaaliya soo qabatay bilawgii gobanimada
waxaa ka horyimiday mushkilad ah qawaaniintii ay ka dhaxleen gumeysiga iyo
shabcabkooda oo aan qawaaniintaas ictiraafsaneyn oo uhaysta iney tahay qawaaniin
gaallo. Qawaaniinta dawladu ma aha xeerkii dhaqanka u ahaa beelaha oo odayaashu
xeerintiisa yaqaaniin, mana aha shareecada Islaamka oo culimada wax laga
weydiiyo. Intaas wixii kasoo hara dadweynahu ma ictirafsana, qiima xeerna uma
laha. Sidaas darteed, hadii la jebiyo qawaaniinta dawladda, dadku uma arkaan
iney tahay dambi Ilaahey agtiisa, mana aha wax bulshadu isku ceebiso. Hadaba in
qawaaniintaas la jebiyo miyaa loo daahaya? Haddiise qawaaniinta la jebiyo miyaa
bulshadu nabad iyo nolol heleysaa? Sidey Somaaliya dawlad ku noqoneysaa haddii
aan qaanuun loo hogaansameyn? Sidey lagu sameen karaa qaanuun dadku
intiisa badan rumeysanyihiin oo haddii la khilaafo aakhiro la isku haysto
aduunyadana la isku ceebiyo? Haddii aan isku raacno sida ayaamahaan socota in
Shareeda Islaamka la isku xukumo, side loo dhaqan gelinayaa? Yaa sheegaya
waxyaabaha shareecada khilaafsan iyo waxyaabaha waafaqsan ee qawaaniinta dalka
ku jira? Su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa jawaab sugaya, laakiin
maqaalkaan looguma tallagelin inaan uga jawaabno. Waxaan ka rabnaa oo kaliya
inaan isku baraarujinno baaxadda arinka xaalka ubaahan.
Qaanuunka dawladda waxaa ugu horeeya waa dastuur. Hadaba, waa maxay
dastuur? Su’aashaan waxaan u keenayaa, waxaan ogahay iney jiraan Somaali
uyaqanna dastuur inuu yahay qaanuun gaalo, Muslimiinta dastuurkooduna yahay
Qur’aanka Kariimka ah. Waxaa dadka qaar si khaldan ufahmeen orahda
dhaheysa dastuurkeynu waa Qur’aanka “al-Qur’aanu dastuuruna”
oo micnaheedu yahay dastuurku waa inuusan khilaafin Qur’aanka. Qur’aanku,
dastuurka sida loo yaqaan, waa weynyahay, waa hadalkii Ilaahey oo lagu soo
dejiyay Nabigeynna Muxammad (saw) oo natusaaleynaya sida Ilaahey rabo inaan
ucaabudno. Qur’aanku wuxuu tilmaan guud ka bixinayaa sida Ilaahey ka rabo in
aadamigu ugu noolaado dhulka. Dhanka kale, dastuur waa qaanuunka qaanuunyada
asaaska u ah oo dawladaha iyo hay’aduhu sameystaan. Waxaa Muslimiinta tusaale
u ah dastuurkii uu sameeyay Nabigeenna Muxammad (saw) markii uu uhaajiray
Madiina. Halkaas waxaa ku wada noolaa Muslimiin, Yahuud iyo gaallo kale. Waxaan
Nabigu (saw) sameeyay heshiis lagu magacaabo “Axdiga Madina”.
Hehsiiskaas wuxuu qeexayay sida loogu wada noolaan lahaa magaalada Madina.
Dastuurada dawladaha casriga ah wuxuu ka koobanyahay mabaad’i guud, wuxuu
qeexayaa casimadda, xuduudda dalka, muqaalka calanka iyo astaanka qaranka. Wuxuu
qorayaa qaab-dhismeedka dawladda iyo waajibaadka qaybaheeda kala duwan. Wuxuu
kala bixniyaa awoodaha baarlamaanka, xukuumadda, madaxweynaha iyo maxkamadda
sare. Arimahaas aan soo sheegnay waa arimo lagu heshiiyo oo dal kasta sida
ugu haboon u sameysto. Dastuurada qaar waa gaabanyihiin, kuwa kalena waa
dheeryihiin. Tussale, Axdiga KMG ee lagu sameeyay Kenya (2004) wuxuu ka
koobanyahay 71 qodob (article). Axdigii ka horeeyay ee lagu sameeyay tuulada
Carta 2000, wuxuu ka koobanyahay 38 qodob. Dasturkii dawladii kacaanka wuxuu ka
koobnaa 112 qodob.
Diinta Islaamku ma sheegin qaabka xukumadu u egtahay iyo nidaamkeeda
dhismaha ee waxey sheegtay qaabka la raacayo si xukumad loo sameeyo iyo
waajibaadkeeda. Waxaa la rabaa in xukumadu ku timaado wada-tashi (doorashooyin
demoqradi ah). Dad badan ayay la xuntahay adegsiga eragga
dimoqraadiyada oo uhaysta iney tahay gaallnimo. Laakiin, sidaas ma aha hadii
loola jeedo in la isdoorto oo kalitalisnimo la diido. Demoqradiyada aan ka
hadleynoo waa Muslim ee cilmaani ma aha, waxeyna diideysaa in xukunka xoog lagu
qaato. Labada aayadood oo ka hadlaya in laga tashado arimaha ummada Mulimka ah
waxey sheegyaan in wada-tashigu yahay dhaqan lagu yaqaan muu’miniinta “wa
amruhum shuura baynahum” iyo in Nabigi Moxamed (saw) oo Ilaahey
ku amray inuu dadkiisa la tashado “ wa shaawirhum fil amri”.
Tass waxaa lagu fasiray in xukunku marka hore wada-tashi ku yimaado,
wada-tashina lagu maamulo oo aan marna la ogolaan kali-talis. Yaa lala
tashanayaa? Go’aanka ka soo baxa wada-tashiga qasab miyaa in madaxdu
uhogaansanto? Haddi madaxdu takrifal sameyso waxaa la sameynayaa? Su’aalahaas
iyo kuwa kale oo la nooc ah, waxaa loo daayay dadaka ku nool meelaha iyo
waqiyada kale duwan. Waxaa kale oo xukumadda waajib ku ah iney Shareecada ku
dhaqanto oo nuxurkeedu yahay in wixii wanaasan la is faro, wixii xunna la iska
fogeeyo (al-amru bil macruuf wa nahyu canil munkari”.
Tafaasiisha waxyaabaha wanaagsan iyo waxyaabaha xun waxaa qeexayaa Shareecada
Islaamka oo leh qaybo aan isbedelin (thaabit) iyo waxyaabo isla
bedela waqtiga, goobta iyo xaaladda (mutagayir). Laakiin
xukumadaha casriga ah, faahfaahinta waxyaabaha fiican iyo waxyaabaha xun oo
reeban waxaa lagu qoraa qawaaniinta kala duwan ee dalka.
Sidaas darteed,
xukumadaha casriga waxey sal u ah dastuuro casri ah iyo qawaaniin faahfaahisan
ee lagu xeeriyo qeyb kasta oo nolosha ka mid ah. Haddii dalku rabo inuu ku
dhaqmo Islaamka wuxuu ku qoraa dastuurka in qawaaniintisu ayan khilaafi karin
mabaadi’da Islaamka. Tusaale, Axdigii Somaaliyeed ee lagu sameeyay dalka
Jabuuti 2000 oo qoraaga maqaalkaan ku jiray dadkii ka shaqeeyay, waxaa ku qornaa
“Shareecada Islaamku waa saldhigga sharci-dejinta qaranka, sharci iyo
xeer kasta oo khilaafsanna waa waxba kama jiraan” (4:4). Qodobkaas waa
laga tuuray Axdiga hadda lagu dhaqmo oo lagu sameeyay Kenya 2004. Sidaas darteed,
ansixinta ku dhaqanka shareecada waxaa ku filan in qodobkaan baarlamaanku dib
ugu daro Axdiga, dabadedna hoos loogu dejiyo qawaaniinta iyo hab-dhaqanka
xukumadda iyo bulshada.
Waxaa kale oo in
la fahmo ubaahan, dastuurada dawladaha Muslimka ah intooda badan waxaa ku qoran
in Islaamku yahay diinta rasmiga ah ee dawlada, hadana Islaamka lagama dhigto
marjaca qawaaniinta iyo dhaqanka. Waxaa lagu qoraa dastuuradaas in Islaamku
yahay “ saldhiga asaasiga ee qawaaniinta” iwm. Turaale, Axdiga KMG ee
Somaaliya wuxuu qorayaa “ Shareecada Islaamku waa iney noqotaa saldhiga
asaasiga ah ee qawaaniinta dalka” (8:2). Bal isbarbar dhig sida
qodobkaan uqoranyahay iyo sida lagu qoray Axdigii Carta lagu sameeyay oo aan kor
kusoo qornay. Laba afleynta dawladaha Muslimka ah wuxuu keenay iska horimadka ka
jira dalalkaas oo ka dhexeeya dhaqdhaqaadyada Islaamka iyo dawladaha. Dawladuhu
waxey ku dheganyihiin qawaaniintii ay ka dhaxleen gumeysiga, xarakaadka
Islaamkuna waxey rabaan in dhaqanka iyo qawaaniinta la waafajiyo Shareecada
Islaamka. Markii la ismari waayay waxaa dawladuhu adeegsadeen xoog, xabis iyo
dil, waxeyna xataa diideen in lagu kala baxo doorashooyin. Tusaale, dalka
Algeeriya waxaa xoog lagu maquuniyay xarakadii Islaamka markii ay doorashadii ku
adkaatay sanadkii 1991. XAMAS waa la caburiyay markii ay doorashada ku
guuleysatay. Dhanka Somaaliya, “Xeerkii qoyska” ee 1975 dawladda
Somaaliya soo saartay wuxuu ka soo horjeeday Islaamka, waxaana lagu dilay 10
Sheikh oo arinkaas ka dhiidhisay. Markii xukumadihii kali-talisnimo iyo caburis
laga kari waayay, taas oo ay gacan ku siinayaan dawladaha reer galbedka, waxaa
sameymay kooxo Islaamiyiin ah oo xanaqsan oo qoragooda garabka saartay,
go’aansadayna iney xoog wax iskaga celiyaan. Fikirkoodu wuxuu ku dhisanyahay,
dawladaha aan Islaamka ku dhaqmin iyo gaalada tageerta waa in lala jihaado “ qaniinyo
qaniinjo ayaa kaa fujisa”. Kooxo kale oo Islaamiyiin ah waxey qaateen
wadda kale oo ku dhisan ka shaqeynta isbedelka bulshada oo waqti dheer u baahan
iyo sabar iyo dulqaad in lagula dhaqmo xukumadaha. Kooxdaan dambe waxey rajo ka
qabtaa in si nabad ah isbedelka lagu sameeyo. Labadaas aragti ayaa maanta ka
jira Somaaliya iyo caalamka oo dhan.
Si looga gudbo
ismari-waaga arimaha diinta, waxaa dadka Somaaliyeed la gudboon iney tallo cusub
ufadhiistaan. Somaaliya dadkeedu waa Muslim, kamana jirinaan kooxo abaabulan oo
cilmaaniyiin ah. Isfaham la’aanta diinta ee Somaaliya waxaa sabab u ah sedex
arin: (1) Aqoon la’anta in Islaamku yahay diin (caqiido iyo cibaadaad) iyo
dawlad (nidaamka mucaamalaadka iyo xukunka). Dadka aan diinta aqoon waxaa iskaga
khaldama ficilka dadka sheeganaya diinta qaarkood iyo diinta Ilaahey. Dadkaasu
waxey arkeen dad leh magac wadaad oo aan dhaqankeedi laheyn. Arinkaasu dad badan
ayey shaki ka gelisay ku dhaqanka Islaamka. (2) Khilaafka siyaasadeed ee
hubeysan oo magaca diinta la huwiyay. Waxaa la arkay kooxo umuuqda iney dadka ka
xigsanayaan Islaamka, una haystaan in Islaamku yahay sida ayagu wax u arakaan.
Sidaas darteed, Islamka hala isku xukumo waxey ugu muuqataa dadka aan diinta
aqoon in wadaadada kaliya dalka ay xukumaayaan. (3) Dawladaha Ajnabiga ah oo
faraha kula jira Somaliya waxey cabsi ka qabaan ku dhaqanka Islaamka.
Dawladahaas waxey si joogto ah ucadaadinayaan xukumadda oo uga baahan kaalmo
nooc kasta, haddii lagu madax ageygana waa wiiqayaan. Waxaa loo baahanyahay
xikmad weyn iyo farsamo qotodheer.
Si looga
tilaabsado turanturooyinkaas, waxaa lagama maarman ah in lagu dhaqaaqo
tilaabooyin khilaafka lagu soo afjaro. Tilaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la
sameeyo hay’ad ay ka shaqeeyaan khubarada qawaaniinta iyo Islaamka.
Khubaradaas ayaa laga rabaa iney isku aqriyaan shareecada iyo qawaaniinta, iney
ka faa’ideystaan cilimi-baarista arinkaas looga sameeyay meello badan oo ka
mid ah caalamka Islaamka. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney kala taliyaan
dawladda sida loo hirgeli karo shareecada. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney
shirar u qabataan aqoonyahaannada, wacyigeliyaan dadweynaha, kuna qanciyaan
aduunyada in ku dhaqanka Islaamka uusan dhibaato ku aheen ummadaha kale.
Gunaanadkii, dawladnimada waxaa sal u ah muwaadinniinta qaraanka bixiya,
qaanuunkana uhogaansama. Qaannunka koobaad ee dawladu waa dastuurka, dabadedna
waxaa la sameeyaa qawaaniinta inteeda kale. Dadka Somaliyeed uma hogaansami
yaqaaniin qaanuun khilaafsan diintooda. Didaas darteed, waa inaan sameysanaa
qawaaniin aan khilaafsaneyn Islaamka. Waxaa lagama maarmaan ah iney ka
qeybgalaam muwadiniinta oo aan loo kala saarin culimo iyo caami, wadaads
iyo waranle, iyo cilmaani iyo Islaami. Wadajirkooda iyo isla garashadooda ayaa
muhiim u ah dhaqangelinta qawaaniinta. Ugu dambeyntii, Islaamku waa diinteynna!
dalkuna waa waddankeynna! dawladuna waa maamulkeynna! Nabad, midnimo iyo
walalnimana waa nolosheynna. Ilaahey intaas hana tusiyo, hana nagaradsiiyo!!!
Akhri: Qaybtii hore: Tiirka labaad ee
dawladnimda
W/Q/ Cabduraxman M.
Cabdullahi (Baadiyow)
abdurahmanba@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2009
|