Tiirka labaad ee dawladnimda
W/Q/ Cabduraxman M.
Cabdullahi (Baadiyow)
abdurahmanba@yahoo.com
Qaaraanka dawladda
Sida
dadka Somaaliyeed intooda badan uga fikiraan dawladnimada waxay qaloocatay waqti
hore, waxayna u baahantahay sixitaan xoog leh. Dawladnimo waxay ku dhisan tahay
muwadinnimo, sharci iyo dhaqaale. Sedexdaas arin oo leh maamul iyo madax aan ka
weecan sharciga, dadku u simanyahay, dhaqaalana inta ururisa aan ku takri falin.
Muwaadinnimadu waxey ka dhigan tahay in loo sinaado dhibka iyo dheefta dalka.
Sharcigu wuxuu tusaaleynayaa qaabka muwaadinniintu uga wada qeybqaadan
karaan hawlaha dalka ayaga oo isku xuquuq iyo waajibaad ah. Waxaa kale uu
sharcigu sheegayaa sida laga yeelayo muwaadinkii ku xadgudba xuquuqda,
waajibkana ka mermeera. Dhaqaalaha la’aantiis waxba ma suuragelayaan.
Dhaqaalaha dawladuhu waa qaraan laga ururiyay, waxaana loo yaqaannaa “cashuur”.
Erayga “cashuur” ma aha eray macaan, wuxuuna u dhedhamayaa sida wax qasab ah
oo aan raalli laga ahayn. Laakiin, erayga qaraan waa micno dadka Somaaliyed
yaqaaniin oo ruuxii “qaaraan diid ah” la isku waafaqsan yahay
inuu yahay ruux wanaag diid ah oo la cambaareeyo.
Sidaas oo kale ayaa dalalka horumaray loo cambaareeyaa ruuxii cashuurta
aan bixin, dambiga ugu weynna lagu qaadaa. Somaalida qaarkood waxey aaminsan
yihiin in cashuurtu ay xaaraan tahay oo micnaheedu noqonayo dawladnimadu waa
xaaraan. Qaar kale waxey sheegaan in cashuurta tahay “xoolo jinni”
oo ay bannantahay in la boobo. Sidaas darteed ayaa xatooyada hantida dawladda
loo baneystay, dawladiina sidaas lagu kala diray. Ummadda muslimka ah waxaa
qaaraanka dawladda u dheer, dhaqaale kale oo loogu tala galay dadka aan awoodin
iney shaqeystaan. Qaraankaas waxaa lagu magacaabaa “Zako”
waajib ah iyo sadaqo dheeri ah. Micnaha weyn ee dawladnimada waa in
muwaadiniinta shirkada ku ah dalka, dawladda iyo diintu ay bixiyaan qaaraan ay
ku maamushaan dalkooda iyo zako iyo sadaqo lagu kaalmeeyo muwaadiniinta intooda
tabarta daran.
Laakiin fikirka dawladnimada aan soo
sheegnay laguma dhisin dawladda Somaaliyeed. Waxaa lagu bilaabay fikir qaloocan
oo gaasir ah. Fikirkaas waa: dawlad ku dhisan kalmo, kabid iyo dayn.
Kaalmo ama mucaanino waa sadaqada loo bixiyo bani-adannimada (humanitarian
assistance), kabid dhaqaale (economic assistance) waa mucaawinada aan dayn aheed
oo lagu kabo dhaqaalaha dawladda, daynna waaba la yaqaan oo wax la soo celinaayo
oo dulsaar leh (intrest). Gacan-hoorsigu wuxuu unoqday dhaqan joogto ah ee
madaxda dawladda Somaaliyeed, maxaa yeelay dawladihii isticmaarku kama tegin
dawlad dhaqaale ahaan isbixin karta. Tusaale ahaan, 1957 miisaaniyadda dawladdii
maamul hoosaadka Somaaliya ee gobolka koonfurta waxey ahayd $14.1 milyan.
Miisaaniyadaas waxey ka koobneed $6.9 milyan oo ah dakhliga gudaha iyo $7.2
milyan oo ah kabid dhaqaale ee dawladda talyaaniga. Sidaas ayaa lagu bilaabay
Somaaliya dawlad aan bixin karin mushaarka shaqaalaheeda. Markii gobonimada la
qaatay 1960, intii laga fikiri laha isku filnaasho dhaqaale oo ku timaada
horumarinta ilaha dhaqaalaha, dawladda Somaaliyeed waxey xoogga saartay iney
hesho kaalmo caalami ah iyo iney gasho kharaj ayan ku filneyn bixintiisa.
Somaaliya waqtigaas waxey heysatay fursad qaalli ah oo ay ku tartamayaan
dawladaha reer Galbedka iyo kuwa reer Barigga. Waxey ka faa’ideysatay
dagaalkii qaboobaa (cold war) iyo tartankii Ruushka iyo Mareeykanka. Haddii
tusaale u soo qaadanno afartii sano ee ugu horeysay gobanimada (1960-1963),
kaalmada dawladda la siiyay waxey ahayd sida soo socota. Sanadkii 1960 ($7.89),
1961 ($17.9), 1962 ($21.4), 1963 ($18.75). Waxaa kale oo intaas dheeri ka ah in
dawladu qaadatay afartaas sano dayn dhan $ 112.45 milyan. Waxaa mar kasta sii
kordhayay farqiga u dhexeeya waxyaabaha dibadda laga keeno iyo waxyaabaha la
dhoofiyo. Tusaale: 1974, waxyabaha la dhooqfiyo waxey gaareen $55 milyan,
waxyaabaha dibadda laga keenanana $ 175 milyan. Sidoo kale, 1982 waxaa la
dhoofiyay $ 167 milyan, waxaana dibadda laga soo dejiyay $ 510 milyan. Mar la
isku soo duubo, muddadii u dhaxeysay (1960-1988), waxaa Somaaliya la siiyay
kaalmo gaaraya $7.4 bilyan oo isugu jira, kabid dhaqaale oo gaaraya $ 5
bilyan iyo kaalmo militeri, $ 2.4 bilyan. Sidaas ayaa Somaaliya ku noqotay
dawladda la siiyay kaalmada ugu badan ee Afrika marka loo eego tirada dadkeeda.
Hadaba, mar hadii dagaalkii qaboobaa dhamaaday oo caalamka wax tartan weyn ah
ayan ka jirin. Mar hadii dhaqaalihii aduunyadu hoos u dhacay oo qaylo dhaan afka
labadiis ah la wada yeeray. Mar haddii Somaaliya weyday saaxiib run ah oo u soo
gurmada, baadbaadidiyana dawladnimadeeda. Mar hadii dadka Somaaliyeed iyo
dawladda Somaaliyeed indhohoodu u jeedaan dibadda iyo in kaalmo la siiyo oo ayna
welli goosan iney isku filnaadaan. Habada yaa dawladda Somaaliyeed ku
tashaneysaa iney masruufto? Sida aad la socotaan, waxaa la sameeyay baarlamaan
gaaraya 550, waxaa la sameeyay dawlad sal-balaaran oo gaareysa 37 wasiisr,
wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dawladana malaha waa soo socdaan. Waxaa la
sheegayaa in la sameynaayo ciidan xoog leh oo dalka nabadiisa iyo kala
dambeyntiisa soo celiya. Waxaa loo baahanyahay shaqaale la hawlgeliyo iyo in dib
loo dhiso kaabayaasha dawladda.
Hadaba xagee misaaniyad laga keenayaa oo yaa dawladda Somaaliyeed
masruufaya? Ma waxey ku tashaneysaa dawladaha Carabta oo looga bartay balanfuryo,
af-macaan iyo hawl-qabad xumo? Jaamicadda Carabta oo bilawgiiba muujisay taagero
xumo markii ay dawladda siisay $1 milyan oo doollar. Shirkii ugu dambeyay
ee madaxda dawladaha Carabtu isugu yimaadeen dalka Qatar, taageero Somaaliya
geesinimo gelisa lagama maqlin. Ma waxaa dawladu ku tashaneysaa UNDP lacagaha
lagu soo shubo oo dawladiihii horeba masariif “ku dhimo ah”
siin jiray? Dawladihii bixin jiray kalmooyinkaas waxey ku mashquulsan yihiin
sidii ay dalalkooda uga badbaadin lahayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee soo food
saaray. Ma waxaa dawladu ku tashaneysaa ilaha dakhliga dalka iyo qaraanka dadka
Somaaliyeed? Dadka Somaaliyeed sidaas ma u ogyihiin oo diyaar ma yihiim? Ma la
hubaa in qaarankaas si xalaal ah loo maamulayo oo dadka qancisa? Ma laga
leexanayaa dhaqankii looga bartay madaxda Somaaliyeed ee ku takri falka hantida
guud ?
Waxaa muhiim ah in dadka Somaaliyeed iyo madaxdiisu isla fahmaan daruustii ay ku
duntay dawladii Somaaliyeed 1991 oo ay sal u aheed in dawladu waysay dhaqaale ay
ku wado dalka markii laga goostay kaalmooyinkii la siin jiray. Dabadeedna, waxaa
la bixin waayay mushaarkii, saboolnimadii ayaa badatay, laaluushkii iyo
musuqmaasuqii ayaa kobcay, bangiyadii ayaa gorfay, dawladiina waxay ku baaqday
iney kacday (bankruptcy). Dawladihii KMG ahaa ee lagu soo dhisay Jabuuti (2000)
iyo Kenya (2004) waxaa lagu saqiir suujiyay (infanticide) kaalmadii oo loo
diiday. Sidaas darteed, waa in dadka iyo dawladda Somaaliyeed la yimidaan dhaqan
cusub ee dawladnimo. Dhaqankaas oo ku dhisan isku tashi. Dhaqaankaas wuxuu ka bilawdaa in dawladu ay tabarteeda socoto oo ayana marna
isku haleyn kaalmada dawladaha kale. Arinkaas wuxuu ku imaan karaa in shacbiga
Somaaliyeed ogaadaan, kuna qancaan ineysan dawlad helayn haddii ayna qaaraanka
dawladda bixin. Labadaas qodob hadii la isla fahmo, inta soo hartay waa
farsamada iyo maamulka oo la hagaajiyo.
Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaan, xikmad waqti hore la sheegay oo ku
saabsan dawladnimada. Waxaa la yiri: dawladu ma jiri karto ciidan
la’aantiis, ciidan ma jiri karo dhaqaale la’aantiis, dhaqaale ma jiri karo
wax soo-saar la’aantiis, wax soo-saar ma jiri karo nabad iyo cadaalad
la’aantood. Sidaas darteed, dawladu ma jiri karto haddii ayna keenin nabad iyo
cadaalad oo sababa wax soo-saar oo sababa dhaqaale oo sababa jiritaanka ciidanka
iyo dawladda. Hadaba, inta isweydiinno yaa masruufaya dawladda Soomaaliyeed,
ma ku heshiinaa inaan isku tashanno, Ilaaheyna talo saaranno? Ma isla garanaa in
xaalkeenu maraayo: bushi badan, baahi badan iyo baryo badan waa la isku nacaa!!.
Ma wada xasuusanaa maahmaahooyinka Somaaliyeed ee ah “biyo sacabadaada
ayaa looga dhergaa!! Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan!! Mise dullinnimada,
dawlad la’aanta iyo dawarsi aan caadeysannay ayaan ku joogeynaa!! Ilaa intee
aan ku joogeynaa!!
Akhri qaybta xigta: Tiirka saddexaad
ee dawladnimda
W/Q/ Cabduraxman M.
Cabdullahi (Baadiyow)
abdurahmanba@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009
|