War Murtiyeedka London ee Shirkii Labaad ee Qurbajoota Soomaaliyeed Araar Shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaan adkeysi xooggan oo ay kaga guuleystaan cadowga, khilaafaadka iyo halaagga dabiiciga ee ka horyimaada. Waxaan ku tiirsannahay caqiidadeena iyo kalsooni aan ku qabno nafteenna, kuwaas oo nagu caawiya in aan ka guuleeysanno cadow kasta oo naga horyimaada. Qurbajoogta Soomaaliyeed waa qeyb ka mid ah bulshaweynta Soomaaliyeed waxaana ka go’an diyaarna ay u tahay in ay gacan ka geysato dib u soo celinta qaranka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dhaqaalaha wadanka iyo kaabayaasha dhaqaale. Waa lagama marmaan in la mideeyo awoodda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee qurbajoota Soomaaliyeed si loo gaaro ahdaafta kore. Qurbajoogta Soomaaliyeed ma taageeri karto mana aqoonsan karto dowlad ku sheegga ka dhisan Mogadishu waayo waa mid aan haysan sharciyadda iyo kalsoonidda shacabka, waxayna ku timid awoodda ciidamada gumeysiga Itoobiya kuna joogtaa. Qurbajoota Soomaaliyeed waxay aad ugu xuntahay, diideysaana habka foosha xun ee awood qeybsiga ee loo yaaqan 4.5, taas oo aan hoos dhigaynin oo qura qayb ballaaran oo waxsoo saar leh oo bulshada ka mid ah, balse baabi’ineysaa dunta isku xirta bulshaweynta Soomaaliyeed iyo qaranimada. Waxay dhiiregelinaysaa qabyaaladda iyo qaraabo kiilka. Qurbajoota Soomaaliyeed waxa ay wadi doontaa taageerista xoogagga waxa iska caabinta iyo dhaqdhaqaaqa xoreynta, waxayna ka qeyb qaadanaysaa dib u dhiska dalka iyada oo door wax ku ool ah ka cayaaraysa dib u heshiisiinta bulshada Soomaliyeed, dib u soo celinta qaranka iyo dib u nooleynta dhaqaalaha. War murtiyeed kasoo baxay shirka 3aad ee Qurbajoogta Soomaaliyeed: 1- Qurbajoota Soomaaliyeed waxay rumeysan tahay in Soomaaliya ay ku jirto gacanta ciidamada Itoobiya oo ayna xor ahayn, DFKM-na ay tahay maqaar saar aan qaadan karin go’aan madaxbannaan. DFKM waa fashilan tahay umana samayna oo ma laha tiirarkii ay dawlad ahaan ugu shaqayn lahayd, sidaas darteed waxaan bulshada caalamka ugu digeynaa in ayna waqti iyo dhaqaalaba ku lumin sii taakulaynta waxaanba shaqayn karin. 2- Waa in ay Itoobiya kala baxdaa ciidamadeeda dhulka Soomaaliyeed shuruud la’aan, waana in ay xaqiijiyaan bixitaanka ciidamadaasi hay’ado madaxbannaan iyo khubaro ka socota dowlado dhexdhexaad ka ah arrimaha Soomaaliya. 3- Waxaa naga go’an in aan ka xoreyno dhulkeennii hooyo gumeysiga sida sharcidarrada ah kusoo galay iyadoo la adeegsanayo waddo kasta oo lama huraan ah, oo sharci ah, ha noqoto mid siyaasadeed iyo mid kaleba 4- Waa in si deg deg loo keenaa ciidamo caalami oo nabad ilaalin ah oo ayna ku jirin cidamada dowladaha safka hore ee Soomaliya deriska la ah. Cidamada nabad ilaalinta waa in ay haystaan waajibaad qeexan iyo waqti go’an oo ay wadanka ka bixi doonaan, islamarkaana waa in la helaa wadahadal dhab ah oo dhinacyada lafdhabarta u ah arrinta soomaaliyeed ay ku gaarayaan dib u heshiisiin siyaasadeed. 5- Waxaan rummaysan nahay iin la yagleelo dawlad soomaaliyeed oo loo dhan yahay oo ku salaysan cadaalad, xorriyadda cabirka dareenka, iyo dhawrista xuquuqda aadanaha. Dawaladda caynkan ah waa inaysan handadaad ku noqon nabadgalyada caalamka iyo midda dawladaha dariska ahba. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dawladaha nabadda jecel iyo kuwa saaxiibka ahba inay gacan ka gaystaan sidii loo heli lahaa dawaladdan oo kale 6- Waxaan u mahad celinaynaa dhammaan dawladaha iyo hay’adaha samafalka ee gacan siiyey soomaalida ay barakicisay duqaynta aan kala sooca lahayn ee ciidamada gumaystaha itoobiya u gaysteen. Waxaan kaloo u mahad celinaynaa ururrada xuquuqda aadamiga ee soo bandhigay xasuuqa iyuo dhibaatada loo gaysanayo shacabka Soomaaliyeed, waxaanan beesha caalamka ka codsanaynaa in baaritaanno lagu sameeyo xadgudubyada ka dhacaya Soomaaliya. 7- Waxaan ugu baaqaynaa xoogagga iskacaabinta qaranka, maleeshiyada beelaha iyo kuwa DFKMG inay xaq dhawraan shacabka, iskana ilaalaiyaan la weeraro meelaha shacabku degan yahay iyo degaannada danaha guud sida isibitaallada, iskuullada, masaajidda iyo ilaha dhaqaalaha. Sidoo kale waxaa laga codsanayaa in hay’adaha samafalka fursad u siiyaan kaalmaynta dadka ku tabaaloobay xadgudubyada Itoobiyaanka. 8- Waxaan ugu baaqaynaa Midawga Yurub iyo Maraykanka inay kasoo gutaan xilkooda ka saran nabadgalyada caalamka, ayna soo afjaraan gumaysiga Itoobiya iyo dhibaatada biniaadannimo ee Soomaaliya ka taagan iyaga oo ku cadaadinaya itooiibiya in itoobiya ciidamadeeda ka saarto Soomaailya. 9- Waxaan ugu baaqaynaa shacabka soomaaliyeed inay midoobaan, kana xoreeyaan dhulkooda gumaysiga Itoobiya kaasoo ku kacay xadgudub kasta oo ka dhan ah bini aadaminimada.