SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

16 Sano oo ka soo wareegtey Geeridii Ismaaciil Jimcaale....

 


    Maalinta July 22, 2006 ahayd Hotel Ambaasadoor waxaa ka dhacday xaflad si heer sare loo soo agaasimay  oo isugu jirtay labo Manaasabadood oo kala ah Geeridii Allaha u  Naxariistee Ismaaciil Jimcaale oo ka soo wareegtay 16-sano iyo maalinta xaquuqda Aadanaha soomaaliyeed waxaana xafladaas ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaana ugu horayntii halkaas ka hadlay Madaxa Baarista ee Xarunta Ismaaciil Jimcaale C/laahi Calas Jimcaale  wuxuuna halkaas ka aqriyey farriintii hay’adda Amnesty international  Waxay Xambaarsaneyd Fariintaas Sidii loo ilaalin la haa xaquuqda Aadanaha ee soomaaliya waxayna hay’adda u Mahadcelisay xarunta Ismaaciil Jimcaale oo  ayadu si weyn isugu howshay sidii u uruurin lahayd Tacdiyadii ka dhacay Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay C/laahi Maxamed Shirwac oo asna ku booriyry ururada bulashada rayidka inay qayb ka qaataan sidii loo adkayn lahaa nabadda ka dhalatay Magaalada Muqdisho iyo waliba sidii ay uga hortigi la haayeen in dagaal dambe ka dhaco,

 

 

Gudoomiyaha Gobalka  Banaadir Cadde Gaabow oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in bulshada ku nool Gobol Banaadir ay ka qayb-qaataan sidii ay u xajisan lahaayeen Nabada ka soo  iftiintay Magaalada Muqdisho waxaa kaloo ka hadlay Maryan Xuseen Owreeye oo ayana halkaas ka soo jeedisay xadgudubyadii dhacay 22-kii luulyo 2005 illaa 20kii Luulyo 2006, waxayna sheegtay in xadkudub yadaas ay gaarayaan 265,  Tirada isticmaalka xoog siyaada ah 417, tirada dadka la faraxumeeyey 20,iyo tirada dadka la afduubay oo iyana gaaraysa 17.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

MAGACYADA DADKA RAYIDKA AH EE LA DILAY MUDDADII U DHAXAYSAY 22KA JULY 2005 – 20KA JULY 2006 


Arooskii Muqdisho: Akhri Qore: Amiin Yuusuf


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD