Home » Warar »

Warbixin Booqashadii Sheekh Muxamed Idiris ee Malaysia Gaar ahaan Jamacadda UUM.

Warbixintii Saciid macruuf, UUM,  KADAH, dalka Malaysia

Daaciga weyn ee Soomaaliyeed Fadiilatu Sheikh Muxamed Idiris  Ahmed  ayaa socdaal  u jeedkiisu ahaay baraarujinta iyo wacyi galinta  bulshada soomaaliyeed  waxa uu ku yimid qeyba kamid ah  dalka Malaysia .

Sheikha  oo  bulshaweynta Soomaaliyeed ku taqaano booqashada dalal ka ey Soomaalida kaga noolyihiin dunida  si uu usiiyo wacyigalin dhanka diinta ah,   ayaa aheen markii ugu horeysay ee sheekhu howla baraarujin tacwadeed ah ku yimaado dalkaan Malaysia.

Muxaadaro  balaara oo dhinacya badan taabaneysay ayuu sheikh waxa uu ku qabtay Hall ka weyn ee masjidka Salaaxudin  Alayubi ee xaafadda Somalida u badantahay ee Taman Melati taas oo ey ka soo qeyb galeen dad aad iyo aad u farabadan.

Sheekha ayaa sidoo kale waxa uu socdaal baraarujin ah ku yimid gobolka Kadah oo dhaca waqooyiga wadan Malaysia gaar ahaan  jamacadda University Utara Malaysia(UUM) halkaas uu  ku sugnaay  muda sax maal mod ah.

07- 02-2011 ayaa mid kamid ah hoolal ka Xarunta Islamic center  ee jamacadda  UUM  sheekha waxa uu ku qabtay Muxaado qiima badan oo cinwaankeedu ahaay Fadliga Cilmiga uu leeyahay taas oo ey ka soo qeyb galeen ardeyda jamacadda UUM iyo ardeyda jamacadda Insania Collage University oo ku tala caasimada gobolka Kadah ee alorstar.

Faa’idada cilmiga uu uleeyahay bani-adamka  ayuu Sheekh aad ugu dheraday isaga oo tusaalen badan u soo qaatay waxtar cilmiga aduun iyo aakhiraba.

Dhamadka muxaadarada ayuu sheekha waxa uu  dardaaran iyo nasiixa siiyay ardeyda labada jamacad  siga oo  u cadeeyay sida midnimada iyo walaal tinimada Islamku muhiimada u siiyay isla markaasna ey manta dunida dhan ku soo aruurtay wadajir iyo wax wada qabsi. Waxa uu sheekhu agadigay ardeyda  qilafaadka iyo isqabqabsiga  kaas oo dhaxli kara sida uu sheekhu sheegay  in ey meesha ka baxdo muhimada ey u joogaan  dalkaan ee ah tacliinta.

Muxaadaradda kadib aye ardeyda waxa ey sheekha weydiiyeen su’aaalo badan oo kala duwan  kuwaas oo taabanayay nolasha qeybaheeda kala duwan oo la dhihi karo ardeyda waxa ey lasugayeen qof sidaan oo kale ugu bayaaniya.

08-02-2011 ayuu sheekha kula gooni ah la yeeshay  ardeyda  kujirta  gudiyada dhinacayadda ey Soomaalida  u qeybsantahay.  Sheekhu waxa uu si gooni ah kulankaas  diirada ugu saaray  muhiimada ah  in ey ardeyda sameystaan hal hogaan ah oo u istaaga danaha ardeyda dhan kuwa hada iyo kuwa imandona una sheegay in ey ku gaari karaan ayaga oo  isbar bar yaaca joojiya  meelna  iska dhiga isqab qabsiga ku saleysan  siyaasada Soomaaliya.

Waxaa muctarif ah in  cudurka  dadka soomaaliyeed  ey qaranimadoodii kuwaayeen iney  latagen dalal ka  ey u carareen, Malaysia waxa ey kamid tahay melaha ey soomaalida u kala qeyb san yihiin goboleysiga  iyo waxyaabo kale tii ey jirto in ey horboodayaan ardeydii tacliinta baraneysay  ee looga fadhiyay in ey iyaga masiir u noqdaan xalinta mashaakilaadka   jahliga aabaha uyahay.

Socdaal kaan uu sheikh ku yimid jamacadda UUM ayaa waxa uu yahay kii ugu horeeyay ee daaci sidaan oo kale ah uu ku yimaado gobolkaan Kadah oo ah mid ey jamacaddo  kala duwan ka dhigataan ardey aad u farabadan  oo Soomaaliyeed.

Saciid macruuf

UUM,  KADAH, Malaysia

macruuf09@hotmail.com

……………. Warbixin labaad hoos ka akhri…………

MU’TAMARKII 1AAD EE JAALLIYADDA SOOMAALIDA MALAYSIA

“DIINTU WAA NASEEXO”

Waxaa Magaalada Kuwalalumpur  Caasimadda dalka Malaysia lagu qaban qaabiyey shirweynihii 1aad ee Jaalliyadda Soomaalida Malaysia 2-3 February 2011. Kaasoo ay isku soo Dubbariddey Jaaliyadda Soomaalida ee Saldhigeedu yahay Caasimadda Kuwala Lumpur, Laguna qabtay Hoolka weyn ee shirarka ee Masjidka Salaaxuddiin Al ayuubi, ee Xaafadda Taman Melati ee Soomaalidu aadka u deggantahay.

Waxaa shirka kasoo Qayb galay dadweyne Soomaaliyeed oo aad u fara badan oo dhawr boqol lagu qiyaasay, waxaana Muxaadaraadku socdeen laga bilaabo 5 galabnimo ilaa iyo 11 pm habeenimo, 2 maalmoodba, waxaana soo Jeedinta Muxaadaraadka ka qayb qaatay Culimo iyo aqoon yahanno Soomaaliyeed oo badan, oo Dalka Malaysia Jooga, qaarna jaamacadaha wax ka dhigaan, qaarna diyaariyaan shahaadooyinka cilmiga u sarreeya ee phD. Waxaana ka mid ahaa culimadda iyo aqoonyahanka wax kajeediyay:
1- Dr. Musse mahamud ahmed, waxuuu kahadlay arimaha jaaliyada soomaaliyeed ee malaysia.

2- Dr. Abdisalaam Ahmed Husein, oo ka hadlay maan dooriyaasha iyo turubka iyo waxa islaamka uu ka qabo.
3-Dr. Ahmed sayid: diintu waa naseexo.
4- Dr. Abdiweli sh: mahamed haji yussuf: sida laga doonayo muslimka casrigan nool ee qurba jooga ah.
5- Dr. Mahamud sharif: qabyaalada iyo daawadeeda.
6- sh: Muxiyidiin abdullahi cumar: alle iyo rasuulkiisa in la adeeco.
7- Dr. Abdillahi ali xoogsade: waxbarashada iyo fursadaha waxbarasho ee malaysia yaala. Dr Muse, Sh Abdisalam, Sh Sayed, Sh Max’ud Sharif, Sh Cabdiweli.

Waxaa kaloo Shirka Jaalliyaddu ku casuumtey xagga dibadda Martina u ahaa Daaciga Soomaaliyeed ee Macruufka ah Sh Muxamad Idris Axmed, oo Shirka kasoo Jeediyey Muxaadaro loogu magacdaray (Diinta wada Taaga) uuna kaga hadlay in diinta la wada qabsado, isagoo dadweynaha gaar ahaanna ardada Soomaaliyeed ku guubaabiyey iney wax barashada xoogga saaraan, dalkoodii iyo dadkoodiina u gudbiyaan waxa ay barteen, isla markaana ay ka faaiidaystaan tajrubada Malaysia, sidii waxa nafaca leh oo dhan loogaga faaiidayn lahaa dalkeenna iyo dadkeenna burburay.

Wuxuu Sheekhu Jaaliyadda kula dar daarmay iney ilaaliyaan abaalka iyo nidaamka dalka Malaysia u sameeyey dadka Soomaaliyeed, taasoo ay ka mid tahay in dalkan aad Soomaalida looga qaddariyo, welina ay fiisa la’aan Soomaalidu kusoo galaan, taasoo ay muujineyso sida ay dalka ugu soo badanayaan Soomaalidu, heer ardayda wax ka barata Jaamacadaha Malaysia lagu qiyaasayo ilaa 3 – 5 kun oo arday. Wuxuuna Sheekhu kula dar daarmay Jaalliyaddu iney ciddii Soomaaliya ee qas iyo dhib damacda gacanta laga qabto oo meel looga soo wada jeesto si loo ilaaliyo Sumcadda Soomaalida iyo Danaheeda guud.

Maalintii Labaadna wuxuu sheekhu ka jawaabey Su’aalihii dadweynaha oo xagga bulshada iyo qoyska aad ugu badnaa.

Maalintii Jimcahana wuxuu Sheekhu Muxaadaro gaara usoo jeediyey Dumarka, isagoo ayaamaha soo socda Booqashooyin kala duwan ku bixin doona qaar ka mida gobolada wadanka oo ay ku badan yihiin ardayda Soomaaliyeed, Muxaadaraadna ka jeedin doona Jaamacadaha ay wax ku bartaan, Sida Jaamacadda Islaamka ee Kuwala Lumpur iyo Jaamacadda UUM ee Gobolka Kedah, wuxuu kaloo sheekhu habeenkii Sabtida la kulmay koox ka mida ardayda Daraasaadka Master iyo phD ee Jaamacadda Islaamka, si ay dood furan ugala yeeshaan khibrooyinkiisa xagga Dacwada iyo Dhibaatooyinka Ummadda Soomaaliyeed haysta maadaama uu ka mid yahay Ducaadda Caanka ah ee aad ugu socota gudo iyo dibadba.

Waxaa Xusid Mudan in Sh. Muxammad Idris hadda ka hor uu booqasho ku yimi dalka Malaysia sanadkii 2006, uuna ka qoray silsilad maqaalla ah ee la magac baxday “Shukran Malaysia” oo ku soo baxday bogga Somalitalk, dadweynuhuna aad u soo dhoweyeen ugana faaiidaysteen, kadibna buug lagu daabacay.

Waxaa halkan ku lifaaqan qaar ka mida sawiradii Shirka oo ay ka muuqato dadweynihii soo buux dhaafiyey qaacada shirka rag iyo dumar, waxaanuna soo gudbin doonaa inshallaah Muxaadaraadkii qaarkood maqal iyo muuqaal inshallaahu tacaalaa.

Cabdiweli Maxamad Xaji Yusuf

phD Student, Jaamacdda Islaamka, Kuwala Lumpur

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warbixin Booqashadii Sheekh Muxamed Idiris ee Malaysia Gaar ahaan Jamacadda UUM. "

  1. mr:qaybdiid says:

    scw dhamaan umadda soomaaliyeed waan salaamaya meel walba oo ay joogaan waxaan ilaah uga baryaya shiikh maxamed idriis axmed in uu ilaah kawaraabiyo janatul fardawsa waanu dareensannahay suu ugu heelanyahay umadda soomaaliyeed diin ahaan iyo wadaniyad nimoba hadaba waxaa iga dar daarana inay ducaadda soomaaliyeed ay garab istaagaan walaalkood idriis raximahullaah