Home » Warar »

sanad guuradii labaad oo ay ku kulmayaan Urur Ganacsato Soomaaliyeed oo Fadhigoodu yahay dalka jabuuti,

Xaflad sanad guuradii labaad oo ay ku kulmayaan Urur Ganacsato Soomaaliyeed oo Fadhigoodu yahay dalka jabuuti, islamarkaana furitaanka xaflada ay ka soo qayb galeen Madawxweynaha dalka jabuuti md, Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada dalka Jabuuti md, Dileyte Maxamed Dileyte, marti sharaf kala duwan oo isugu jira xubno ka socda Xafiiska madaxweynaha, Duqamaalada jabuuti, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga dalka jabuuti iyo mas’uuliyiinta shirkado Ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka ayaa ka dhacdey Hoteel Kempinski ee caasimada dalka jabuuti 11/03/2010.

Halkan ka daawo sawirada xafladda

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayaa Furitaankeeda waxaa ka Hadley Madaxweynaha dalka jabuuti Md, Ismaaciilk Cumar Geelle, Gudoomiyaha Golaha Maalgelinta Ganacsatada Soomaaliyeed Sh, Axmednuur Cali Jimcaale, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga dalka jabuuti iyo xubno kale .

Khudbadii: Madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle.. Dhegeyso Khudbadii Madxweynaha.mp3

Khudbaddii Gudoomiyaha Golaha Ganacsatada Maalgeshiga Soomaaliyeed Sh. Axmednuur Cali Jimcaale Dhegeyso.mp3

Arrimaha Ganacsiga waxaan ka waraystay Gudoomiyaha Shirkada Tabuuk Shipping and Air Cargo Abshir Xuseen Cismaan iyo Gudoomiyaha Gudiga Hantiilayaasha shirkada xawaalada Tawakal Express Cabdullaahi Indhocaad.

Abshir Xuseen Cismaan (Gudoomiyaha Shirkada Tabuuk Shipping and Air Cargo) DHEGEYSO

Cabdullaahi Indho Caad (Gudoomiyaha Gudiga Hantiilayaasha shirkada xawaalada Tawakal Express) DHEGEYSO
 Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.