Home » Warar »

Shir looga Hadlayo Burcad badeeda oo aan wax ka weydiinay u qaybsanaha Wasaarada Arrimaha Dibada Jabuuti

22 dal ayaa ka soo qaybgalay shirkaas….  lagama hadli karo burcad badeed haddaan laga hadlin dhibaatooyinka kale ee ka dhaca badda Soomaaliya sida dhibaatada haysata kalluumaysata iyo sunta la aasayo….

Shir looga hadlayo arrimaha burcadb badeeda iyo sidii looga hortegi lahaa oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 20 wadan oo maalmahan uga socdey Hoteel Sharitoon ee caasimada dalka Jabuuti ayaa waxaan wax ka weydiiney u qaybsanaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka Jabuuti dhinaca arrimaha burcad badeeda Md Maxamed Idiris Faarax wareysiga oo dhameystiran halkan ka dhegeyso….

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Wasiirada Horumarinta Reer Miyiga Dhirta iyo Daaqa ahna sii hayaha xilka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga “Waxaan Rajeynayaa oon Anaga Doortey oo aan Xushey oo Raali ku ahay oo an Difaacayaa…” hadal ay ka jeedisey Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo dibu-habeynta siyaasada Is-boortiga Soomaaliyeed oo ka furmey Jabuuti.

Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo dibu-habeynta siyaasada Is-boortiga Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisey Wasaarada dhalin yarada iyo Is-boortiga Soomaaliyeed ayna ka soo qayb galeen xubno ka socda Wasaarada Is-boortiga, Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed iyo xiirada is-boortiga, Xafiisyada Arrimaha bulshada Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo Xafiiska u qaabilsan Arimaha Is-boortiga Hay’ada UNPOS ayaa lagu qabtey Hoteel Rayaan ee Caasimada dalka Jabuuti 03/02/2010.

Halkan ka daawo sawirada

Furitaankii aqoon is-weydaarsigan oo laga dareemayey awooda uu ku leeyahay Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed iyo xiiraradiisa kala duwan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirada Wasaarada Horumarinta Reer Miiga Dhirta iyo Daaqa, ahna sii hayaha xilka Wasaarada Dhalin yarada iyo Is-boortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaan Khadar Biixi Caalin Gudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliya Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo khabiir ka socdey Hay’ada UNPOS Mr, Alberta.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo khudbad isugu jirtey xusuusin, sharaxaada siyaasada dowlada FKMG guud ahaan dhinaca Is-boortiga, baaxada ay leedahay wasaaradan Dhalinyrada iyo Is-boortiga ayaa halkaasi ka jeedisey waxaa hadaladeeda ka mid ahaa

“waxaan rabaa inaan barnaamijkan ku furo, wasiirka Saleebaan Colaad Rooble oo dhacdadii 3-dii Disembar ay ka fuliyeen Hoteel Shaamo ee Magaalada Muqdisho, taasoo aan dhihi karno waxaa la isku dayey in la rido Indhihii Ummadda Soomaaliyeed oo ay hormuud ka ahaayeen ardaydii mudada 20-ka sano dhibaatada jirtey ay duruufta adag kaga soo saareen waalidkood in ay ilmahooda wax bartaan oo ay ka mid noqonkaraan kuwo aan dhinac aan haysan Aabo ama Hooyo haysan ama labadaba ahayn oo duruufta adag ku soo gaarey iney wax bartaan…” khudbadii oo dhameystiran halkan ka dhegeyso.

Wiish “Waxaan Fileynaa Siminaarkan Inay ka soo Baxaan Wax Tusaale u Noqda Inta Naga Dabeysa Inta Aan Hogaanka u Hayno…”

Gudoomiyaha Gudiga Olonbikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo isna halkaasi ka jeediyey khudbad isugu jirta maano sheegasho waxyaabihii ay la soo mareen Is-boortiga Soomaaliyeed mudadii 20-ka sano iyaga oo matalayey wasaarada Dhalinyarada iyo Is-boortiga magac ahaan, balse aan ka keenin guulo la taaban karo ayaa wuxuu yiri

“siminaarkan ku saleysan dib u eegida siyaasada wasaarada dhalinyarada iyo is-boortiga qaabka la rabo in loo wajaho, runtii Is-boortiga Soomaaliyeed wuxuu soo marey marxalado kala duwan oo qaarkood aad iyo aad u adag, waxaana ku faraxsanahay marxaladahan badankood inaan goob joog u ahaa, ugu dambeyntii markii ay faarujisey hogaanka dowladii Maxamed Siyaad Barre, waxaan filayaa waxaa laga joogaa mudo 20-sano ee gudiga Olonbikada Soomaaliyeed iyo Wasaarada Dhalinyarada waxaa ka dhexeyn jirey wada shaqeyn iyo is ixtiraam iyo in la wajaho halka ay ku haboon tahay Is-boortiga horumarintiisa gudaha iyo dibaddaba, 19-sano gudahood waxaa lagu guuleystey in Is-boortiga la hormariyo, waxaana laga qayb qaatey ciyaarihii guud ahaan aduunka ama Olonbikada oo 4-sano mar dhaca…” khudbadii oo dhameystiran halkan ka dhegeyso.

Laakiin Qorshahan siyaasada dibu habeynta Is-boortiga marka la isku soo duubo guud ahaan aqoon isweydaarsigan iyo baaxada hawsha Qaran ee hortaal ayaa waxaa laga dheehanayey sababaha caqabadaha ugu weyn dhismaha Qaranka Soomaaliyeed mudadii dowlad la’aanta, taasoo ah rabitaanka Qof iyo Qabiil wata dano shekh-siyadeed iyo mid gaar ahaaneed oo ay wadaagaan beelo, iyadoo ay garab kaga helayaan Hay’ado Ajnabi ah, islamarkaana u baahan xiligan in laga gudbo arimahaas, si loo helo nidaam iyo kala dambeyn waarta oo uu helo muwaadinka Soomaaliyeed, taasina aan la sugeyn in ay ku timaado in loo meeriyo Hay’adaha Qaranka dano shekh-siyadeed iyo kuwo koox oo mudadii KMG-da kala duwan caqabad ku ahaa dhismaha Qaranka Soomaaliyeed ee ku dhisnaa rabitaanka Qof iyo Qabiil, halka laga sugayey rabitaanka shacabka iyo danta guud.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.