Home » Warar »

Dhowr iyo Afartan Xildhibaan oo Magangelyo weydiistey qaar ka mid ah wadamada Yurub

Xildhgibaanno Fara badan oo ku sugan dalka Dibadiisa ayaa ka dhaga fureystey Baaqii ka soo yeerey Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shiikh Aadan Maxamad Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ka dib markii laba todobaad u qabtey Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ku soo gaaraan Magaalada Muqdishu si ay uga qaybgalaan Kulamada baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku andacoonaya in aysan weli helin Gunooyinkii ay qaadan jireen iyo arrimo dhinaca Amaanka kadib markii la diley dhowr Xildhibaan kuwa kalana la dhaawacay taasoo keentey in ay dalka isaga cararaan iyadoo dhawaan Dowladda Kenya ay u soo jeedisey Xildhibaanada in ay dalkooda ku laabtaan ama iska soo diwaangeliyaan Xeryaha Qaxootiga

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka hadda jira ayaa la sheegay inay qaab qaxootinnimo ah isaga dhiibeen dalalka Yurub, kaddib markii ay halkaasi ku tageen howlo shaqo.

Xildhibaannadan ayaa ka codsaday dalalka Yurub ee ay iska dhiibeen inay siiyeen magangelyo iyo degenaasho.

Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in 47 xildhibaan ay booqasho rasmi ah ku tageen Yurub, kaddibna ay halkaasi iska dhiibeen.

“Maqnaashahoodu wuxuu qaatay muddo ka badan waqtigii loo ogolaa, taasoo Baarlamaanka ku keentay habacsanaan” ayuu yiri Cali Baashi oo ka codsaday Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya inay arrintaasi wax ka qabtaan.

Dhinaca kale Guddoonka Baarlamaanka ayaa u qabtay muddo labo toddobaad ah inay dalka dib ugu soo laabtaan xildhibaannada dibadda ku maqan, haddii kale laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Mudanayaashan ayaa intooda badan ku dooda inay dalka uga tageen ammaan xumo jirta, hase yeeshee guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in cabashada dhinaca ammaanka ay tahay mid aan la qaadan karin, isagoo sabab uga dhigay in xildhibaannadu markii loo dhaarinayay xilalkooda ay ogaayeen khatarta ammaan ee dalka ka jirta.

Shirkii Baarlamaanka uu yeelan lahaa ayaa u xayiran sida la sheegay kala maqnaashaha xildhibaannada, oo dhawr jeer waqtiyo loo qabtay inay dib dalka ugu soo laabtaan iyadoo dhowr jeer uu buuxsami waayey Kooramkii shirka waxana dhacdey in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ku weerareen Hoobiyayaal goobtii lagu qaban lahaa kulamada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhyasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dhowr iyo Afartan Xildhibaan oo Magangelyo weydiistey qaar ka mid ah wadamada Yurub "

  1. Arrale says:

    La yaab malaha xildhibaanada barlamaanka ee is dhiibay. maanta ninkasta oo Soomaliya oo fursad isdhiibid ahi soo martaa waa isdhiibiyaa. Dalkii labaatan sano ayuu geedi yahay waana degi la’yahay marka isdhiibid mooyee xalkale yaa haya?. Dagaaladii qabiilku iyaga oo inna soo daashaday, welina aynu u firfircoonahay inaan sii wadno daqaalada qabiilka (dagaalku xabbada keliya ma aha), ayaa haddana balo ka daran qabiilka timid. waxaa yimid kuwa magaca diinta ku qaraabanayaa, beena ka sheegaya diinta, magaceedana innagu laynaya. Qadiyad Soomaaliyeedna aan wadin oo meela kalena looga taliyo. kuwaas oo u jeedadoodu tahay in ay Soomaliya godka ku hubsadaan. Intaa waxaad ku dartaa nicitaanka adduunka la inaga nacay, la innoona arkay dad bani-aadamka intiisa kale ka duwan. Dad waxa ay doonayaan aan la garan karin. Marka maxaad kula yaabaysaa xildhibaanada is dhiibay, waaba fursad in badan oo Soomaali ahi raadineyso e. Arintu waa TALO FARAH AYEY KA BAXDAY IYO DHAFOOR IYO DHABANNA HAYS.

  2. Calsow says:

    Markaan maqlay Kenya baa xildhibaanadii tiri xeryaha qaxootiga is geeya, amakaag baa iga soo haray. Hadase waxaa ii cadaatay kenyaanku in ay war hayeen.
    Reer xamarku waxey yidhaahdaan “Canjeero sey u kala sareyso aa loo cunaa noo”. Marka nimanka line sugayaasha ah waxaan oran lahaa, canjeerada ugu sareysa Dhadhaab waaye noo. illeen “Luuq luuq marow laasim laamigow iskeenaa”. Markaa waxaan idin oran lahaa qaxootinimada jid baa loo maraa ma garateen. Dibjirnimada joojiya oo waxaad garataan xaajadu in ay Dhadhaab tahay.
    Wa billaahi Tawfiiq.