Home » Maqaallo »

Hambalyo iyo Bogaadin: Ardayda Jaamacada Nugaal University.

Waxaan u Hambalyeynayaa Ardayda Ka Qalin-Jabisay Jaamacadda Nugaal University ee Magaalada, Laascaanood, Sanadka 2010. Waxaan Ardayda Qalin-Jabisay Ilaahay uga baryayaa inuu ka dhigo Waxbarashadood mid Anfacda Aakhiro iyo Aduunba

Waxaan dareensanahay Halganka dheer ee ay u soo mareen inay Qaataan Shahaadadoodi Jaamacadeed ee heerka koowaad. Waxaan leeyahay Guuleysta, hana ka daalin inaad sii wadataan Horumarinta iyo Kor u qaadida Aqoontiina. Qof amaUmmadiba waxay Horumar ku gaadhi karaan waa Aqoon kaliya. Diinteena Wanaagsani waxbadan ayey inagu dhiiri-galisay barashada Cilmiga. Ilaahay Subxaana Watacaala wuxuu Quraankiisa Kariimka ah ku yidhi “ Halyas tawiladiina yaclamuuna, waladiina laa yaclamuun, Miyey Siman yihiin kuwa Aqoonta leh iyo kuwa aan lahayn”. Xadiis laga soo weriyey Nabigeena Suuban Nebi Muxamed (Nabad-galyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee)

wuxuu yiri “Wax-barta laga bilaabo markaad Xoolka saarantihiin ilaa inta Naxashka la idin saarayo”. Xadiiskaas waxaynu tusaale uga qaadanaynaa inaan barashada Cilmigu lahayn dhamaad. Waxaan ku Dhiiri-galinayaa Ardayda Jaamacada Nugaal ka baxday Sanadkan inay sii wadaan dadaalkooda Waxbarasho.

Farxad-weyn ayey aniga ii tahay inaan arko Arday Jaamacad kaga baxday Magaaladii aan Waxbarashada ka bilaabay, Waxaa iyana Sharaf-weyn ii ah inaan farxada la qeybsado Ardayda Qalin-Jabisay oo ah Dufcadii ugu horeysay ee Jaamacad kaga baxday Magaalada Laascaanood!

Waxaan u Mahadnaqayaa ilaahay (SW) oo suurtagaliyey Guushaas Weyn, Culimada, Macalimiinta iyo Maamulka Jaamacada, Dadweynaha Reer Laascanood, iyo dhamaan Dadkii taageeray Jaamacada Nugaal University iyo Ardaydeeda, Waalidiinta Ardayda iyo Qoysaskooda oo qeyb weyn ka qaatay Guushaas Taariikhiga ah.

Waxaan Ardayda Qalin-Jabisay ugu Dardaarmayaa cabsida Alle, Waxaa kale oo ugu Dardaar mayaa inay u tusaale fiican oo lagu daydo u noqdaan Ardayda Iskuulada dhigata, Kuwa Jaamacada dhigta iyo Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Waxaa Xaqiiq ah inaad wax u barateen dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Dhamaan Bini-Aadamka Aduunka ku nool oo dhan, Shaki kuma jiro inaad intaba anfici-doontaa. Insha Allah.

Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo. Mabruuk, Congratulations.

Mahadsanid

Siyaad Maxamuud Cali Geelle, M. Comm., MBA, M. Ed.
Adjunct Faculty: Riverland Community and Technical College
Minnesota, United States of America.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hambalyo iyo Bogaadin: Ardayda Jaamacada Nugaal University. "

  1. HILAAC says:

    Waa farxad wayn oo ku dayasho leh waxana halkan hanbalyo uga diraya dhamaan ardeyda qalinjabisey iyo waalidkood iyo siyaasiinta iyo odayasha gartey in ay nabad ka dhigaan deegaankooda dhalintana ka dhigay qoriga kuna dhiira galiyey in ay qalinka qaadaan,waa mahad wayn.