Home » Warar »

Sidee Looga Ciidey Deegaanada Duleedka Caasimada Muqdisho Ee Loo Barkacay, Garoowe iyo Minnesota

Minneapolis: Muslimiinta Minnesota oo u dareeray Salaaddii Ciidda

Halkan ka daawo sawirada Ciidii Minneapolis

Kumaan Mulimiinta reer Minnesota aya maanta (Jime Nov 27, 2009) waxay u dareereen goobaha lagu tukanayey salaadda ciidul Adxaa.

Jawiga magaalada ayaa aad u wanaagsanaa, cimiladu ma ahayn baraf, dhaxan badanina ma jirin, qorraxdana daruuro badani ma qarin.

Cillada keliya oo jirtey waxay ahayd waxaa maanta xirnaa xaruntii farsamagaalaha ee Minneapolis Convension center ee lagu tukan jirey salaadda ciidda, waayo waxay maanta ku soo beegantay maalin fasax ah oo la fasaxay shaqaalaha, sidaas daraadeed waxaa lagu tukadey goobo kala duwan oo ku yaal daafaha magaalada maadaama shacab musliim oo farabadani ay ku nool yihiin magaalooyinka mataanaha, oo aysan qaadi karin hal goob, xaruntii weyneyda ay xirnayd.

xamar6

Muslimiintu waxay isugu hambalyaynayeen farxadda ciidul axdaa.

Sidee Looga Ciidey Magaalada Muqdisho iyo Deegaanada Duleedka Caasimada Ee Loo Barkacay

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah – Muqdisho

Deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ayaa laysugu soo baxay goobo banan oo ay isugu soo baxeen kumanaan Dad ah kuwaasoo gudanayey salaada Ciidul Udxaa ,iyadoo ay halkaasi kula tukadeen qaar ka tirsan hogaamiyayaasha xoogaga islaamiga ah ee ka taliya qaar ka tirsan muqdisho iyo weliba deegaanada duleedka caasimada .

Deegaanada ceelasha biyaha ayaa saaka waxaa salaada ciida lagu oogay barxad weyn oo ku dhex taala deegaanada loo yaqaano calamada halkaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan qof oo isugu jirey rag iyo haween oo doonayey inay salaada ciida gutaan .

Sidoo kale waxaa salaada ciida deegaanada ceelasha biyaha kala qayb qaatay dadka shacabka ah hogaamiyaha ururka xisbul islaami sh,xasan daahir aweys oo halkaasi markii ay salaadu dhamaatay dadka kula hadlay islamrkaana sheegay in umada soomaaliyeed uu munaasabada ciida u gudbinayo salaam uu ku leeyahay ciida ciideeda in ALLE baqrwaaqo iyo nabad ku gaarsiiyo

xamar

xamar2

Si kastaba ha ahaatee deegaanada duleedka muqdisho ee loo barakacay ayaa si weyn looga oogay salaada ciida islamrkaana lagu tukaday jawi nabadeed oo yasan jirin wax xaalad colaadeed ah oo halkaasi ka jirey .

faytin yaasiin
yaasiinfaytin@hotmail.com

GAROOWE: Sidii looga ciidey magaalada Garoowe

Garoowe:waxaa gabi ahaanba maanta si weyn looga ciiday caasumada dawlada puntland ee magaalada garowe iyo dhamaan gobolka nugaal waxayna dad weynaha ku nool magaalada garowe ay
isugu soo baxeen goobaha fagaaraha iyagoo isugu hambalyeeynayay ciid mubaarak ciid wanaaksan wajiyadoodana farxadi ka muuqato ayey kutukateen salaadiiciidul adxaha garoonka kubata cagta ee stadium Mire awaare iyo qaar kamidah masaajid yada ugu waa weyn ee magaalada.

Ayadoo ay kala qayb kaleen dad weynaha tukashada salaada ciidul adxaha musuuliyiin oo horkacayay madaxweynaha dawlada puntland cabdiraxmaan maxamed faroole iyo golihiisa wasaaradaha gudoomiyaha gobolka muadane cabdi xirsi cali iyo duqada magaalada garoowe mudane cabdi casiis nuur cilmi goor.

ugu danbayntiina waxaa khudbado kasoo jeediyay masuuliyiin isugu jirtay dawlada iyo culima udiinka ku dhaqan magaalada garoowe.

garooe

madaxweyna puntland oo isagu khudbada u jeediyay dadweynaha ayaa kula dardaarmay in lawada shaqeeyo amnika puntaland dhamaan dad weynaha reer puntland oo dhan

cabdiyare cumar bille
email: cabka_50@hotmail.com

Hambalyada: GOLAHA ISUTAGA IIMAAMAADA EE WAQOOYIGA MARAYKANKA.

Goluhu wuxuu dhamaan umada islaamka ah gaar ahaan umada soomaaliyeed ugu hanbalyaynayaa
Soogalida ciidul adxaa oo ah maalinta bari ah,goluhu wuxuu umada muslimka ah gaar ahaan umada soomaaliyeed illaah uga rajaynayaa guuliyo inuu illaahay waafajiyo wadada xaq ah,ciidan ciidiida kalena kugaarsiiyo guul,illaahna waxaan ka baryaynaa inuu danbigeena uu dhan uu dhaafo..Soomaalidu wuxuu ugu baaqayaa goluhu inay xoojiyaan midnimadooda,isna jeclaadaan,dilka,isqixinta,iyo qabiilka laga waantoobo,aakharana looshaqaysto..

MAAMULKA MAJLISKA. 12/26/09
Sheikh C/llaahi abulfadli. Minneapolis/MN

Waxaa soo tebiyey
abdalla nuur
kulmiye99@hotmail.com

Guddoomiyaha GOS oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ayaa guud ahaan umadaha islaamka gaar ahaana shacabi weynaha Soomaaliyeed maanta u diray halmablyo ku aadan munaasabada ciida Barakeysan ee Al Adxa.

“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan leeyahay hambalyo”ayuu yiri guddoomiyaha GOS oo maanta soo saaray war saxaafadeed gaar ah oo xambaarsanaa halmbalyada munaasabada ciida oo uu shcabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah halmbalyadiisa ugu wajahay bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee ku kala nool caalamka daafihiisa,waxaana uu umada Soomaaliyeed Allah uga baryay in sanadkan sanadkiisa uu ku gaarsiiyo nabad, barwaaqo,horumar iyo dowladnimo waarta.

Ciidan ayaa ku soo beegmeysa xilli shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ku sugan gudaha dalka ay la kulmayaan dhibaatooyin nololeed oo aad u daran iyo amni darro hareysan dalka oo dhan.

xamar3

Ciidan iyo ciidii ka horeysay ayaa waxaa ay kusoo beegmeen iyadoo uu dalka Soomaaliya marayo mid ka mida marxaladihii ugu darnaa tan iyo intii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya muddo iminka laga joogo ku dhawaad 20 sanadood ka hor.

Source:Somali NOC Media Department
somalisportspress1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.