Home » Warar »

Nairobi: Kulankii Sheikh Shariif iyo C/raxmaan Faroole oo Fashil ku dhammaaday

Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Faroole oo kullan ku dhaxmaray magaalada Nairobi uu fashil ku dhamaaday.

iyo Sheikh Shariif oo kulankii C/raxmaan Faroole kaddib u dhoofay Itoobiya

Madaxweynaha dowladda KMG iyo madaxwynaha maamul goboleedka Puntland ayaa Jimcadii Nov 13, 2009 Kulan xasaasi ah oo ay albaabada u xirnaayeen ku yeeshay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

kullankan ayaa ku dhamaaday Fashil kadib markii Madaxwayne Shariff iyo Madaxwaynaha Maamulka Puntland Mudane Faroole ay isku fahmi waayeen qadobo dhawr ah oo kullanka looga wada hadlayay una badnaa arimaha maamul goboleedka Puntland.

Labada Mas’uul oo ay tahay markii ugu horeysay ee ay wada kulmaan ayaa waxa shirkoodu ka dhacay safaaradda Soomaalida ee Nairobi.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo kulanka kadib Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu muujiyey in fashil uu ku dhamaaday kulanka uu la qaatay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoona tilmaamay in heshiis ay horay u galeen isaga iyo ra’iisul Wasaaraha dowaldda KMG Soomaaliya aanan loogudbin Wasaaradihii ku shaqada lahaa ee dowladda KMG Soomaaliya.

Kulankan maanta fashilka ku dhamaaday ee dhaxmaray madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa ka horeeyay kulan ay albaabada u xirnaayeen oo ay xalay ku qaateen labada Madaxweyne Hotel ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kaasi oo isna la sheegay in la isku mari waayay.

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Mudane Faroole oo warbaahinta kulla hadlayay Hotelka uu Magaaladda ka daganyahay ayaa sheegay in Madaxwaynaha somalia uusan diyaar u aheyn dib u heshiisiinta, Madaxwayne Shariif ayaa diiday in uu warbaahinta ay wax ka waydiiyaan kullanka.

farole11

dhan kalle Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kullan la yeeshay Senetor Donald peyn iyadoo labada Mas’uul ay ka wada hadleen arrimo Muhiim ah oo ay ka midyihiin xiriirka labada dowladood ee somalia iyo Kenya.

farol4

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa kadib markii ay kulamada la qaateen madaxweyne Faroole waxa ay u ambabaxeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia iyadoo aan la ogayn u jeedooyinka rasmiga ah ee ay u aadeen dalka Ethiopia.

Halkan ka dhegeyso Shirkii Jaraa’id ee Faroole (SomaliTalk.com)

Sidoo kale Dhegeyso Waraysi idaacadda codka Maraykanka oo waraysatay Wasiirka warfaafinta DFKMG Daahir Maxamuud Geelle WM | MP3

FG: Hoos ka akhri qoraalkii ay dhankeeda ka diyaarisay Puntland, laakiin la isku khilaafay

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
sayfudiin@gmail.com
Nairobi-Kenya

FG. Qoraalkan hoose waa mid aysan isku raacin DFKMG iyo Puntland

DAWLADDA FEDERAALKA KU MEELGAARKA EE JAMHUURIYADDA SOMALIA IYO DAWLADDA PUNTLAND EE JAMHUURIYADDA SOMALIA

November 13, 2009-11-13

Nairobi, Kenya

Waxaa manta oo bisha November tahay 12 sanadka 2009, shir tariikhi ah isuguyimad Madaxweynaha Dawlada Federalka ah Mudane Shiekh Sharif Axmed iyo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiekh Maxamed Shiekh Maxamud, halkaas oo labada Madaxweyne iyo wufuudii ay hogaaminayeen ay ku falanqeeyeen go’aamana ka gaareen qodobo muhim ah oo dan u ah ummadda Soomaaliyeed. Ugu horeyntii waxaa la isla soo qaadaya heshiiskii Gaalkacyo oo horey labada Dawladood ku gaareen Magaalada Gaalkacyo 23 August, 2009 kaas oo la isla qaatay in la xoojiyo lana dardargeliyo qodobadii heshiiskaas.

Waxaa kale oo labada Madaxweyne aad ugu dheeraadeen sidii ummadda Soomaaliyeed dhibta mudada dheer soo jirtay loogu hawlgalo sidii xal waara oo nabadeed looga gaari lahaa. Intaas ka dib waxaa la isla gartay in qodobada soo socda lagu kordhiyo heshiiskii Gaalkacy.

Waxaa la isla qaatay:

1. In si buuxda labada dhinac isaga kaa shadaan una wada shaqeeyaan si loogu helo xal kama danbays ah oo looga baxo dhibaatada daba dheeraatay ee dalka

2. Labada dhinac waxay isla qaateen in si hagar la’aan ah u dardargeliyaan dhismaha maamulo shaqaynkara ee heer Degmo, Gobol iyo Dawlad Goboleed hadba kii suurtogal ah in laga hirgeliyo degaan ksta ee dalka Soomaaliyeed ka mid ah. Taas micnaheedu waa hirgelinta qaabka Federaalka ee Soomaaliya sida ku cad Charter-ka ku meelgaarka ah ee Dawladda Federaalka.

3. Labada dhinac waxay isku afgarteen inay ugu yeeraan wadamada deeq bixeyaasha iyo Hay’adaha caalamiga ah inay si buuxda ula shaqeeyaan una taageeraan Puntland si hagar la’aan ah dhinacyada mashaariicda horumarinta ee ku haboo in laga fuliyo qaybtaas degan ee dalka Soomaaliya, taas oo dan u ah dhamaan ummadda Soomaaliyeed. Waxay Dawladda Federaalka ku meelgaarka ah garwsatay in Puntland xaq u leedahay ayna geli karto heshiisyo khuseeya dhinacyada amniga iyo horumarinta.

4. Labada dhinaca waxay ugu baaqayaan Soomaalida ku nool dalka gudihiisa iyo debeddaba iyo bulshad caalamkuba inay taageeraan barnaamijka nabadaynta ee ay wadajirka u hirgelinayaan Dawladda Federaalka ku meelgaar ka iyo Puntland si loo helo nabad waarta, iyo soo nooleynta Hay’adihii dawliga ahaa ee dalka. Sidoo kale waxay labada dhinac ugu yeerayaan qaybaha Soomaalida ee dagaalamaya inay khilaafyada siyaasadeed ay ku dhameeyaan si nabad ah, islamarkaana waxay Soomaalida iyo beesha caalamka ugu baaqayaan inay taageeraan himilada nabadeed ee maxaliga ah si loo soo afjaro silica haysta ummadda Soomaaliyeed.

5. Labada dhinac Waxay go’aansaday inay badiyaan xiriirka wadashaqaynta iyo wadatashiga iyadoo lagu shaqaynayo hadba meeshii suurtagal ah oo ay kajirto jawi xasiloon oo

Gabagebadii waxay labada dhinac hoosta ka xariiqeen inay ku dadaalaan siday u soo celin lahaayeen midnimada dalka iyo daka Soomaaliyeed iyadoo la qancinayo ciddii tirsanaysa dhibaato dheeraad ah mid hore iyo mid dambeba.

Waxay madaxda Soomaaliyeed mahad u celinayaan dhamaan dawladaha, Urur goboleedyada iyo ururada caalamiga ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay. ama ay xiriir gaar ah la leedahay.

Saxiixayaasha waxey ahaan lahaayeen:

Mudane Shiekh Sharif Shiekh Axmed
Madxweynaha DFKM, Soomaaliya

Dr. Cabdiraxmaan Shiekh Maxamed
Maxamud (Farole)
Madaxweynaha dawladda Puntland

Faafin: Xafiiska mataxtooyada

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Nairobi: Kulankii Sheikh Shariif iyo C/raxmaan Faroole oo Fashil ku dhammaaday "

  1. Liibaan says:

    Xaq maaha kaagana kula lihi, keygana anaa iska leh! Wax socon kara oo dad weyn u cuntami kara maaha arrintaas, waa mid ceeb ah.

  2. Cadnaan A. Adan says:

    Qorshaha Faroole wuxuu ku dhamaanayaa fashil, Soomaaliyana ama qolo wax fahamsan looma sheegi karo kadib wixii la soomarey Danbiisha ii buuxu Ummada kalana waxba igama gelin, Qof loo sheegi karo ma jirto marka Duqa faroola ah ha cawdubileysto, Hana ka fiirsho bahasha Soomaalinimo, Midnimo, Cadaalad. Awood Qaybsiguna waa 4.5 Inta dadka laga tirinayo, Qaybtiisana waa ay Joogaan.

  3. hanad says:

    horta waxaan layaabay nimankaan majeerteen huguriga ay qabaan oo ah maanta oo ummada somaliyeed ay dhibaataysantahay in ay maanta waxaas ay ku hadaaqaan waa qalad aan geed logu soo gaban dhibaatada maanta jirto koonfurta somaliya puntland qayb bay ka tahay maxaa jira odaygii halaagay markii uu ethopianka soo wadanaayay si uu u aarsado qayb muhiim ayay u ahaayen waxay ku bixiyeen lacag farabadan marka maanta sidaas ayay u hadlaayan shalay markii c/laahi joogay puntlan wax horumar ma u baahnayn miyaa maxay c/aahi ula saxxixan waayeen maanta maxaa ku soo aadiyay waa qorshe ay isla ogyiin si lo fashaliyo suufigaan fuddeedka badan oo an dantiisa aqoonin maxa yeelay waa ninkii fashilay dowladii c/laahi yusuf ma ahayn in uu kuwaas wax ka sogo waa in uu u soo laabtaa hanuunkii ilahay waa in shariif qaataa dhariikhii saxda ahaa oo lagu yaaqanay walaalihii kuu ka tagayna uu soo laabto qalad waa dhacaa ilahay u soo laabtaa cadawgane iska difaacaa

  4. Axmed M. Jaamac says:

    Waxay ila tahay in dawladdu federalka ahi aysan waxba gacanta ku hayn oo ay xoogaa liidato, teeda kale Puntland waxay leedahay maamul la rumaysan karo.
    saasoo ay tahay Puntland keligeed horumar fiican ma gaari garto oo qofna dibedda ka aqoonsan mayo, marka waa in la helo xal fiican oo kama dambeys ah, xalkaas waxaa lagu gaari karaa:
    1) In dadka ku nool koonfurta Soomaaliya ay ogaadaan inuu xilligii musuqmaasuqa iyo qabiileysigu uu dhammaadey oo ay hubka dhigaan.
    2) in dhalinyarada ku nool Muqdisho ay ka fogaadaan kooxaha ururada islaamka isku sheega oo intaa dalka raffaadinaya.
    3)In maamulku Puntland uu taba baro dhallinyarada wax barata ee Muqdisho ku nool marka loo eego maamulka dalka
    4) In la abuuro guddi dhexe oo dhexdhexaad ah qabiilna aan raacsaneyn oo dadka iyo dalka heshiisiiya islamarkaana ay ka qeyb qaataan ururro ka mid ah Somaliland.
    idinku maxaad arrintaa ka qabtaan?

  5. mnur says:

    waxan leyahay mamul qabiled puntland 23% ha nala siiyo tasturka waa federal mamul gobeldyada markii lawada dhiso ka dib ayuu sharci gobeldyada hir galayan haduu sharifka yiri wu ku saxsanyahay intan mamul goboledyada kale la dhisin ayan wax laqeynaa kkkkkkkkkkkkkkk hunguri laba gobol iyo bar hadii boqolkii 23 donayan yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaab

  6. rashiid says:

    swb
    SAAXIIB XASSANOW
    Hadii shalay somaali mid qur oo meel wada degan ahay khayraadka kaliya oo la taaban karo beeraha oo ninba meeshuu ka soo gaaro ka falan jiray .
    Hadii beesha shariifku ka dhashay ay reer puntland soo qaxiyeen iyagoo leh ku dhinta buurihii qaraxa ahaa ood ka timaadeen
    iLLaahey waa xaq ma moogee haduu buuraha hoostoodii u irmaaneeyey ,in shariifku yiraahdo qodan maysaan miyuu ku saxsanyahay…
    Bal fiiri dadkii buuraha qaraxaa loo soo qaxiyey inta soomaali kale ku dhex nool oo ugu yaraan nabad ku haysata .
    Somaalidu waxay ku maahmaahdaa .YEELAA WAA ILAAWAA BALSE LA YEELAA MA ILAAWO.
    balse waxaad moodaa in sida kale loo akhrin karo oo dadkii tacadiga gaystay aanay dhibkii dayn .meesha kuwii la soo qaxiyey ay inta iska ilaaween waliba soo dhaweeyeen kuwii soo qaxiyey. hadana arintu taagantahay gurigaagii ma dhisan kartid.
    Marka saaxiib xassan waxaan ku gu waaninayaa aragtidaadu ha ahaato mid ka maran caadifad qabiil si ay u ahaato mid dhadhan samaynasa.taasaan ku gaari karnaa is faham.ugana gudbi karnaa caqabadan inna hortaala 20 tankii sano oo la soo dhaafay.
    iGANA rumayso waxaan aaminsanahay in qabiil walba xaq u leeyahay inuu gobalkiisa hor marsado walaalihiisa kale oo soomaaliyedna kusoo dhaweeyo haday nabad kula noolaanayaan..
    QALBIYADEENA ALLAAH HA ISU SOO DUWO .
    AAAMIIIN

  7. yonis hero says:

    Aniga waxan u arkaa dowlada shariif in ay hogaanka u hayaan dad aan rabin xalka somalya ee eeganaya dano gaar ah,
    shariif meesha waxba kuma hayee waxan oran lahaa puntland ha isku tashato
    puntland dhulkeeda iyo khayradkeeda xor ayay u tahay
    we don,t need south somalia at all.

  8. puntlander says:

    dawladd kasta oo lasoo dhiso waxaa moodaa in dhaqaale kasta iyo waxbarashadaba ay u leexsadaan moqdisho .
    puntland waa dal maamul ah dadkeeduna ay taageersan yihiin dowlada fedraalka waxaa xaq ah in waxkasta oo ay dawladu hesho in puntland ay xaqeeda qaadato.
    somaliya maanta gobol kasta waxaa heeysta mucaaradka meesha keliya ee ka fiyoow waa puntland maxaa udiidey dawlada iney meeshaas ilgaara ku fiiriso oo waxwalba loo huro.
    waxaa moodaa in laga hortaaganyaha puntland hormarkeeda lana rabo ineey lamidnoqoto gobolada hiiraan iyo banaadir iyo gobolada kale ee fawdada kajirta.
    hadaba heshiiskaaas hadaan lasaxiidin waxaan ugu baaqinlaheeyn dawlada puntland iney ka fiirsato sidii ay dawlad madax banaan u noqoto maxaa yeelay waxbaba naloomaba ogolo , hadaanan nala rabin why ugu cararaynaa oo wali ugu dhegennahay meel aan nalaga danaynaynin , PUNTLAND waa ineey aayaheeda katashataa .
    madaxweyne faroole xafidahullaah siyaasadahaagu way nasoo jiiteen waxaana tahay guuleeste insha allah

  9. Dr Dany Elves says:

    anga waxay illa tahay ina ay saxantahay in soomaali wixii dan u ah laga wada hadlo , lkn , waxaa jira waxa hunguri la dhoho , waa waxa aduunka oo dhan u ordayo lkn qaabka ayaa inaga xun aanu wax u raadinayno . tusale :- markii ay reer galbeedku yiraaheen naagta waa inaysan dhalin 2 ilmo ka babadan , maxay ka wadaan , waa hunguri looma hayo . taasi waa meel
    p/land waa dowlad nabadi ka jirto . soomali maanta waa beel beel runta markaan ka hadalno arintaas waa aring nagu baahday aanaan iska fujin karin si kasta hadii layeelo. hadaba federaalka waxaan aaminsanahay inay tahay dowlad la isku mada daalinayo oo aan wax xal aha ka soo socon . waan khayaali ah. hadaba hadii aysan jirin wax doowlad dhexe . waxaa muhiim ah inay tashato somaalida dagan koonfur oo ay samaystaan maamul u shaqeeye oo ay ku kala danbeeyaan sida maamulka puntland / iyo maamulka somaliland . waa nabad dowlada ayaa ka jirta dhibna looma ogala oo shacab iyo dowlad way isgu tagaysaa ciidii dhib wada ,,,,,,,,a/c

  10. iid umal says:

    asc
    bacdu salan puntland waa dhul nabad ka jirto ayna nabadeeyeen dad kii deegaanka hadii ay yiraah daan in tii soomaali fiyaw laga helay waan hormarinaynaa waa sax dad ka kasoo jeda gbalada koonfered ahayd wax keeni oo dhulkii islaxin cidi nabad haysataah waa in loo ogolaada hormar hormarin ta puntland wax ayada kali ah anfacaysa mahaa oo soomaali oo dhan baa kafaaidaysanaysa tusaale dakada boosaaso oo hada lao hortaagan yahay balaarinteeda soomaali oodhan baa is ticmaasha oo alaabta kaso dagtaa mogadishu ilaa bay baytagtaah marka waxii lo diidiaah waa caqli xumo sharifku na latalin fiican mayasto ooo waxaa uu u garda duuban yahay shariif xasan labaduba deegaanaday kasoo jeedeen waxaa haysta shabaab jawhar iyo bay marka puntland wax ay u hor istaagan waa khalad

  11. SHAR- DIID says:

    Assalamalaykum Wr wb

    soomaalida waxaa isku direy ma la dhihi karaa HUNGURI,, Dowladdii horena waxa riday mid kalena loo waayey CIR WAYNNI AMA SAD BURSI.

    Madaxdda p/land labba jid mid ha maraan

    1- rag tashadday oo soomaali aan waxba ka rabbin, unna xisaabtama dhaqanka maanta oo kale kaas oo ah in ay rabbaan in ay u dhaqmaan sidii DOWLAD.
    2- ama rag xeeradda soomaalidu wax ku qaybsatey 4.5 ku kalsoon oo iyadda ka war suga (dastuurka federalka inta laga qorayo p/land waa gobol ka mid ah gobaladda soomalia , baydhabo wixii la siiyo ayaa iyaguna xaq u leeyihin- waa sidda ku qoran warqadaha embagaati)

    2 daas waxa ka soo hara waa jid CIDHIIDHI AH oo aan hadda cidna wax ku helayn. waana iska dabbo wareeg.

    sharifka 2km ka yar ka taliya waxa uu dabbada kula jiraa gaalo iyo wixii dowlad u yaqaan oo dhan. balse p/land meelna salka kuma hayso.

    haddii shaley p/land col. yusuf lacag siin jirtey maanta sharifka lacag ma siiso, sidaa oo kale wiilashii reer p/land ma difaacan,, marka HUNGURI wixii ka WAYN LA MARIYAA WAA DILAACAA.

    P/LAND dhulkeeda ha nabadaysato DFKM haday jirtana ha sugto wixii ka soo baxa haday bur burtana ,, wixii soomali la timaado ha aragto.
    mahadsanidin

  12. Xassan says:

    Yaab badanaa……
    Cumar Cabdirashiid saxiix fududaa?…
    Saxiixaanna ammuu noqdaa Batroolka Puntland aay rabto in aay gooni usoo saarato…
    Madaxweyne Shariif hadii uu diiday WAA KU SAX-SANYAHAY haddii arrintu batroolka tahay.