Home » Badda, Warar »

Dowladda FKMG oo Qiratay in lagu Khiyaamay Heshiiskii Badda

Cumar C/rashiid: Kenya waxay VIOLATION (Xad Gudub) ku samaysay International Law (ee xuduudda badda) – maqal iyo muuqaal

C/raxmaan C/shakuur: Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke amarkiisa ayaan aniga ku saxiixay heshiiska ( ku saabsan badda)….

  • Oct 28, 2009: Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo muujiyey in lagu Khalday heshiiska Is-afgaradka
  • Oct 4, 2009: Madaxweynaha DFKMG:  warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto… dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira….

mou31Wafti uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha DFKMG oo October 28, 2009 kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan London, UK, ayaa qiray in Kenya ay ku xad gudubtey Qaanuunka Caalamiga ah ee xuduudaha badaha, kaddib markii ay cabirka baddeeda u dhigtay qaab ka hor imanaya qaanuunka. Waxaana arrintaas qiray Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke mar uu ka hadlaayey heshiiskii Is-afgarad (MoU) ee xuduudaha badda ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya. Waxana uu yiri “Kenya waxay runtii VIOLATION ku samaysay International Law.”

Inta ayanaan u gudbin hadalka uu Ra’iisul Wasaaraha DFKMG arrintaas ka yiri oo dhamaystiran, aan eegno hadaladii ay heshiiskii badda ka yiraahdeen laba wasiir oo hadalka uga horeeyey oo ka hadlay arrintaas.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta, C/risaaq Cusmaan Juurile oo la hadlayey jaaliyadda London, UK waxa uu yiri: “Waxaan maqlayaa baddii ayaad gadateen. War ma gadan.. War Wallaahi ma gadan. Haddii ay jiraan wax khalad ah oo aanu samaynay, bini’aadam ayaanu nahay oo malihin masamayn karno, laakiin in qaabkii loo sixi jirey oo wanaagsanaa loo saxo, haddii aan hal khalad ah galo ha igu wada nicin, haddaan labo galo ha igu nicin, laakiin waxaad xaq iigu leedahay in  aad timaado oo igu qabsato oo ila saxdo oo ila toosiso.”

Kaddib waxaa hadlay Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga, C/raxmaan C/shakuur Warsame oo yiri: “Waxaan rabaa (in aan ka hadlo) arrin laga dhawaajiyey oo saaxiibkay wasiirku ka hadlay, anigu waxaan ahay wasiirkii saxiixay heshiiskii lagu galay Nairobi ee badda ku saabsanaa. Sida uu wasiirka sheegay xaq ayaad u leedihiin dadka Soomaaliyeed in ay ka danqadaan waxa allaale iyo wixii dhibaato ku ah qaranimadooda iyo hantidooda, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay runtii sida RADUL-FICLIGA ama reaction-ka laga bixiyey in ay dadku ilaashadaan dhulkooda. Anigu wasiir ayaan ahay, gole wasiir ayaan ka tirsanahay, prime-minister-kii oo idin hor fadhiya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke amarkiisa ayaan aniga ku saxiixay heshiiska, marka caawada isagaa idin hortaagan, heshiiskaas wixii ku saabsan iyo waxa aad ka qabtiin waxaan rajaaynayaa ra’iisul wasaaraha isagaa ka jawaabi doona.

Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa markii uu hadalka qaatay waxa uu yiri: “Waxaan hal ka dhehayaa arrintii badda oo uu hadda C/raxmaan C/shakuur ka sharqamiyey”.

Cumar C/rashiid oo markaas ka hadlay heshiiskaas (MoU) waxa uu yiri: “Arrintaas horta waxay ku timid aasaaskeeda anagoo joogna ayaa waxaa noo yimid UN-ka ninka haysta Walad Cabdalla iyo nin khabiir ku ah arrimaha badda, wuxuu nagu yiri ‘war nimanyahow ma la socotaan in bisha May 12-keeda in deadline (waqti kama dambays ah) uu jiro.’ Deadline-kaas oo haddii aynaan inaga codsan in naloo saa’idiyo waxa la dhaho Continental Shelf, baddeena in ay u badan tahay in ay la wareegto qolo la dheho International Seabed, oo Soomaaliya loo dhaafi doono 12 mayl inta kalena la siin doono UN-ka hay’addaas inta dawladda Soomaaliyeed ay dib uga soo codsaneyso. Runtii arrintaas waa codsanay in la cusboonaysiiyo.”

“Waxa kale oo aan codsanay in annagu hadda waxaan haysanaa 200 mayl oo la yiraahdo Exclusive Economic Zone (EEZ), in annaga dhulkeena uu intaas dhaafo laakiin aan la ogeyn meesha uu ku dhammaado. Dhibka dhacay ayaa waxa uu noqday in aan anaga codsano dhul 200 (mayl) ka badan waxay khasabtay in annaga,Yemen iyo Kenya labadaba maadaama aanu xuduud leenahay oo ay dhulkeenaana haddii dhulka la sii dheereeyo uu is gaaraayo in inta la kala saarayo aan saxiixano waxa la dheho MoU. MoU-ga marna ma ahayn bad la bixiyey ee waxa uu ahaa in aan UN-ta ka codsano in annaga dhulka nalooku daro oo aynaan iska hor istaagin. Kenya waa run waxay damacsan tahay in ay khalado xuduudka badda sida uu yahay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha DFKMG.

Cumar C/rashiid oo hadalkii sii wata waxa uu yiri: “Kenya waxay runtii VIOLATION ku samaysay International Law (Violation = Sharci-jebin, heshiis jebin, xad-gudub, kutumasho xurmo la’aan ah, waa sharaxaada qaamuuska afka Soomaaliga). Sharciyan baddu waxay u go’daa hadba dhulka xuduudku sida uu u go’anyahay, haddii aan taas raacno 90-digrii ayaan hoos u geleynaa iyaga dhulkooda, waxay jeeceen line (Xarriiq) toos ah. Dacwo ayaan ka geyney in sharciga runtii waxa uu raacsan yahay annaga sida aan rabno. Waxaan idiin sheegayaa oo aad nooga seexanaysaan inta aan noolnahay ama aan kursiga saaranahay taako dhul Soomaaliyeed ah ama bad Soomaaliyeed ah in aysan qofna qaadan.”

ama  Daawo Video-ga Hadaladii Wasiirada iyo Ra’iisul wasaaraha DFKMG


Marka la dhuuxo hadalka Ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid waxa uu uu muujinayaa in DFKMG lagu khaldan heshiiska MoU (Is-afgarad), taas oo uu sheegay in Kenya jabisay sharciga caalamiga ah ee xuduudaha badaha, kaddib markii ay badda u cabirataay qaab ka duwan sida uu dhigayo sharciga International Law. Waxa uu qiray in Kenya jeexatay xarriiq toos ah (oo aadeysa dhanka Soomaaliya), halkii ay ka ahaan lahayd in cabbirku maro xarriiq 90-digrii u jirta xadka labada dal, xarriiqdaas oo u socota dhanka badda.

Su’aashu waxay tahay aaway wax ka qabadkii arrintaas ee xukuumadda FKMG?

Waxa kale uu Cumar C/rashiid qiray in Heshiiska MoU uu asaaskeeda lahaa ergeyga Gaarka ah ee UN-ta u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla.

Waxaa xusid mudan in mar la weydiiyey Axmad Walad Cabdalla uu Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay.

Arrimahaas oo jira, ayaa madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif mar uu booqasho ku tegey Minnesota, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed October 4, 2009 kula hadlayey magaalada Minneapolis waxa uu yiri: “Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul ayaa la gatay, bad ayaa la gatay, annagu waxaan u nimid oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso, in ay horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato, haddii nin walba intuu idaacad qabsado wuxuu rabo ka sheego asagoo aan xaqiiqada haynin waa dhibaato, qofkii xitaa wax la xunyihiin waxaa fiican in uu dawladda la soo xiriiro, macluumaad qaato, talo bixiyo, laakiin dadka in la jaah wareeriyo waa arrin aad iyo aad aan uga xunahay. Waxaad la socotiin warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto, dawladda Kenya iyo dawladda Soomaaliyeed weligood xuduud kama heshiin weligood oo waad la socotiin mid bad iyo mid barri, waxa laga hadlay waxay ahaayeen aan ka wada hadallo xuduudda badda, dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira.”

April 7, 2009 ayaa magaalada Nairobi waxaa heshiis Is-afgarad ku kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya iyo Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee DFKMG. Waxaa xigey in May 6, 2009 ay Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay (QM) akhbaar iyo Khariidad muujinaysa in ay cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxaddiisu dhantahay 116,000 oo laba jibbaaran. Arrintaas DFKMG go’aan ama qoraal rasmi ah ilaa hadda kama soo saarin.

amiiin4Dowlada ayaa Heshiiskan saxiixday iyadoo og sheegashada iyo damaca Kenya, SomaliTalk ayaa Dowlada Gaarsiisay qoraalo arintaas ka digaya; SomaliTalk oo Gaarsiisay Dowladda Soomaaliyeed warbixintii Dhul-Badeedka Ka hor intaysan saxiixin heshiiskii Is-Afgarad ee Nairobi…

Agoosto 1, 2009 ayaa golaha Baarlamaanka DFKMG waxay si aqlabiyad ah ku diideen in heshiiskaas is-faham uu yahay waxba kama jiraan maadaama uu muran gelinayey badda Soomaaliyeed. Halkii Shacabka Soomaaliyeed ka sugayeen in go’aankaas baarlamaanka loo gudbiyo QM ayaa waxaa website QM lagu arkay warqad la saxiixay Agoosto 19, 2009 oo uu ku qoran yahay magaca Ra’iisul wasaaraha DFKMG laakiin uu qof kale u saxiixay, warqaddaas oo garab siinaysay heshiiskii Is-fahamka.

October 18, 2009 waraysi uu Cumar C/rashiid siiyey Aljazeera TV ayuu ku sheegay in xukuumaddiisu u hoggaansameyso go’aanka Baarlamaanka (Waa sida uu faafiyey xafiiskiisu’e). DFKMG ilaa hadda (Oct 29, 2009) QM uma gudbin go’aankii baarlamaanka ama qoraal ay ku muujineyso diidmada cabbirka ay Kenya u gudbisatey QM ee ku daabacay website-ka Qarammada Midoobay.

Khudbadii Cumar C/rashiid oo dhamaystiran halkan ka daawo (Oct 28, 2009)

mou31

Qirashadii DFKMG in la khiyaamay Halkan ka daawo….

Sidoo kale linkigaas sare ka dhegeyso Hadalkii Cumar C/rashiid ka jeediyey Chatham House, London, Oct 28, 2009.

Waftiga Cumar C/rashiid waxay subaxdii xigtey (Oct 29, 2009) u dhoofeen Brussels. Halkan ka daawo markii gaareen Brusseles (Youtube)

Kulankii waftiga Ra’iisul wasaaraha DFKMG iyo Jaaliyadda reer London (Oct 28, 2009) sida uu u dhacay oo faahfaahsan uu soo tebiyey Yuusuf Maxamed Cabdi Yuusuf Halkan ka  ka akhri:

Halkan ka daawo sawiradii kulankii Jaaliyadda London (iyo codadka shirkii London)
Sawirada waxaa soo tebiyey Maxamuud Maxamed Xasan Shire (Boocame)

cumarabdiCumar C/rashiid: Dawladdu waxay u Hoggaansameysaa Go’aanka Barlamaanka (Arrinta Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda Soomaaliya)

Wasiir ka tirsan DFKMG oo Sheegay in uu Gebi ahaanba ka soo Horjeedo Heshiiskii Badda ee Soomaaliya la gashay Kenya, kuna tilmaamay layaab, sheegayna in uu aad uga xunyahay…
Waraysi wasiirka Jaaliyadaha – Apr 19

wasiir

Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay la bilaabaan wada hadal ku saabsan sheegasho qayb ka mid ah Badda Soomaaliya…. Taasi xilligaas uma hirgalin…
“…si “hints” ah (guud-mar) ama wax xoogaa weydiin ah ayaa markii hore hadalku nagu soo gaaray, kabacdina si rasmi ah.” Dr. C/casiis
Dhegeysi/Akhri

Warqadan Masuul S. Maqorin Idaacadda Danan ee Muqdisho oo waraysi ku saabsan warqaddii Cumar C/rashiid iyo wixii ku qornaa kala yeelatay Xasan Dhooye…

Dhagaysi Qaybta 1aad ..mp3..

Minneaplis: Ururka USD oo Caddeeyey Mowqifkooda in aysan taageersanayn Sheikh Shariif, kuna soo dhaweynayn Minnesota…
Akhri.. Daawo…

……

Akhriste ayaa su’aalahan soo weydiiyey SomaliTalk.com:

MA HALKAAS BEY KU DHAMAATEY DAMACII KEENYA?

Jawaab: Kenya waxay haysataa Heshiis Is-afgarad oo ay la gashay DFKMG, heshiiskaas waxaa u saxiixay C/raxmaan C/shakuur, waxaana UN-ta u gudbiyey Cumar C/rashiid. Inkasta oo heshiiskaas ay Baarlamaanka Soomaaliya ka dhigeen waxbakama jiraan haddana ilaa hadda xukuumadda Federaalku diidmadaas uma gudbin QM. Damaca Kenya waxa uu dhammaan karaa marka ay DFKMG si rasmi ah arrinta u maarayso, heshiiska si rasmi ah uga noqoto, in ay ka noqotayna ay si rasmi ah ugu gudbiso Qarammada Midoobay, arrintana markaas lagu daabaco website UN-ta sida loogu daabacay heshiiskii Is-afgarad oo weli ku jira website-kaas.

KUWA DOWLADA SHEEGANAYA MAXAA HADA KU KALIFEY IN EY RUNTA SHEEGAAN?

Jawaab: Shacabka Soomaaliyeed ayaa si qayaxan uga horyimid heshiiskaas lagu khiyaamaynayey, oo la doonayey in lagu xalaalaysto dhul badeed baaxadiisu dhan tahay 116,000 kiilomitir oo laba jibbaaran. Meelkasta oo ay tagaan madaxda DFKMG su’aasha ugu horeysa ee la weydiiyo ayaa noqotay maxaad u bixiseen badda Soomaaliya, maxaa DFKMG ku kallifay in ay heshiiskaas galaan maadaama aan wax faa’iido ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ayagoo kitaabka quraanka ugu dhaartay in ay ilaalinayaan danka dadka dalka iyo diinta. Jawaabaha rasmiga ah waxaa laga sugayaa xumuumadda Federaalka kumeel gaar ah.

Weli ma muuqato meel ay DFKMG si rasmi  ah Kenya ugu wargelisey in ay VIOLATION ku samaysay xuduudda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha DFKMG hadalkiisa waxaa loo qaadan karaa hor dhac uu arrintaas ku doonayo, balse waxaa laga sugayaa in uu arrinta ka jibo keeno oo si rasmi ah heshiiskaas ay xukuumaddiisu uga laabato, adduunkana si qoraal ah oo rasmi ah ku gaarsiiso, gaar ahaan UN-ta.

Waxaa muhiim ah in shacabku fahmo in madaxweynaha DFKMG uu arrinta heshiiskaas ku tilmaamay DACAAYAD la sameeyay, halka ra’iisul wasaaruhu uu ku tilmaamay VIOLATION ay Kenya ku samaynaso Qaanuunka Caalamiga ah. Sidaas daraadeedna ay muhiimad weyn leedahay in xukuumadda laga helo mowqifkeeda oo qoraal rasmi ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

16 Jawaabood " Dowladda FKMG oo Qiratay in lagu Khiyaamay Heshiiskii Badda "

  1. adan says:

    waxaa naxdin ah, in dowlad qiratay in ay si khaldan u maamushay heshiis lala galay KENYA, oo hadana cid lagu casilay ama isku casishay aan lahayn, dowladaha aduunka waxay isku casilaan ama lagu casilaa danbigaa ay qirteen mid ka yar wax badan

  2. Shariif Jamaludiin Jabarti says:

    kuwa dowladda somaliya u ah ayaa sheegay in la qayaanay oo lagu qayaanay dhul badeed uu wadan hooyo uu leeyahay. marka waxaa la yaaba leh waxa ayaga ay dowlada ka yaheen. Heeshiskaas inta uusan dhicin ayaa wakaalada wararka ee Somalitalk ka dhigtay arrintaas oo dadka somaliyeed intiisa badan waa ogayeen. marka ma ruun baa in la qayanay jawabtu waa maya ee si bareer ah ayaa loo iibsaday laba milliyan oo doolar uu bixiyey wadanka norway. moryaan meel ay ka talisay in arrimahaasi iyo kuwa badan oo qarsoon oo dabar jab ku ah ummadda somaliyeed ayaan weli soo shac bixin. Baaqii oo diidmada ahaa ee Barlamanka oo ayaa la iska indha tiray waa maxay sababato nin wax cunay xisho mana bixin karaan lacagtii ay cuneen. ummada somaliyeed waa in ay hurdada kakacaan lana keeno dhamiir lawayaasha cadowga ummada u adeego maxkamad ee uugu horeeyo
    Shariif Axmed iyo Nina Abdurashiid.

  3. mohamed Ali harun says:

    s/c dhamaan samalida guud ahaan marka xiga waxaan jeclahay inaan fikradayda ka dhiibto runtiina waa markii iigu horaysay oon fikrad kadhiibto arimaha noocaan ookala mana filayninay inay jiraan dad isku howlaya waxayaabaha aas aaska u ah astaamaha somalinimada haday dhul aahan lahayd haday bad ahaan lahay walaal yaal waxay kamid tahay tan ,masiibada ku habsatay wadankaas geeska afrika kuyaalo ayna kunoolyihiin dad aan aqoon qabiil moyee aqoonkale aan lahayn iyo si walaalnimo loogu noolaado aan aqoonin marka waxaan is leeyahay markii aan akhriyay maqaalkan dheer inay jirto dareen aan badnayn oo ah wadaninimo waxaana looga bixi karaa in somalida dhmaantood haday tahay aqoonyahanada culamada iyo guud ahaan qaybaha kaladuwan ee bulshada oo ay ugu horayso saxaafada inay ka qayb qaataan soo noolaynta dareenka dhintay ee somalida waxaana ognahay inay kaalin lixaadleh kaqaateen saxaafadaha cusub inkastoo ay iyagu isu arkaan inay dadaal wadaan aqoonyari saxaafadeed haka ahaatee buburka iyo dhibaatada somalia marka caano daaday dabadood laqabay ayay somali tiraahdaa waxaana masuulka ah waxa socda dadka lagu sheegayo inay shacab yihiin eesomaliyeed oo aan ahayn shacab runtiina aan u arko dad kal go,doonsan qaybiba meel lasafantahay marka dadka hada somalia xukumana waa dad waxii looyeeriyo kuqasban haday diidaana aykuwaynayaan xukunkooda aad bayna u jecelyihiin xilkooda sidaa daraadeed dalkaas wadajir ayaa wax loogu qabankaraa quraafaadka iyo qabiilkana somaliyay kataga oo iska kashada idinkoo intaan katabardaran ayaad garabsi ubaahndoontan mana awoodaysaan tabar ayaa idiin diidi doonta ee isdabaqabta. w/wsalaam

  4. somali says:

    ascww.
    marka 1aad waxaan salaamayaa dhamaan shacbiga somaliyed ee dulmanahaa meel kasta oo uu joogo.
    marka 2aad waxaan si gooni ah u salaamayaa bahda somalitalk oo aan leeyahay waxay u taagan yihiin difaaca dalka dadka somaliyed, ilahayna waxan uga rajynayaa aakhiro iyo aduunba in uu ka abaal mariyo wanaagga ay u taagan yihiin har iyo habeen iyadoo dadkii masuuliyadda ummada dhulka hayeyna ay yihiin kuwa kuwa hagardaamada ku haya ummada.
    waxaan leeyahay bahda somalitalk shacbiga somaliyed waligis idin illaawi maayo
    wabillahi towfiq.

  5. macaani says:

    marka hore waxan idinku salaamay salaanta islaamka ascw marka igta waxan usoo jeedinaya nimanka isku sheegaya inay yihin madaxda umada soomaliyeed hadana iibsanayaa hantida umada somaliyeed kuna marmarsiyonaya heshis aan la aqoonin .war kudhaha qofkii arintas idinkeena anagu dowlad arristas gali karta ma`ahin hadii kalana iibsada umada somaliyeed ayaa idinla xisabtamidonta maalin maalmaha kamid ah wabillaahi towfiiq

  6. cabdixanaan xassan cabdi says:

    walaalyaal asalaamu calaykum w.w salaan kadib wallaahi heshiiskii lagu sheegay is afgarad ee ladoonayay in lagu khiyaamo bada soomaaliya wuxuu ahaa arin naxdin leh waayo awal ayan ka murugeysneyn dhulalkii ay horey nooga heysteen (waa galbeed & nfd) in badiina loogu daro waxay aheyd jahwareer cusub waxayna na soo xusuusisay uurkutaalo hore hadase alxamdulillaah khiyaanadii waa kashifantay abaalkaasna illaahay kasokow waxaa iska leh somalitalk &shacabka soomaaliyeed dowladana way fashilantay mar waxaa uroon inay is casisho raaligalina kabiso arinkaas wasalaamu calayku w.w.

  7. Zahra says:

    Dhamaan Bahda somalitalk!
    Ilaa iyo hada wax dhul soomaali u doodo idinkaa jira ha daalin meesha ka wada ilaah baa idiin abaal marin doono. MUqalisiinta sheik shariif and company yaa yiraa is casila, ceeb intaa idinku filane. Weji birsanaa wey soo taagan yihiin ilaa Amerika inkiraad bey qac ka siinaya. Somali wax baratey noolada somalitalk

  8. Maxamed Soomaali says:

    Muqalasiinta uu hogaaminayay Sheekh Shariif mashruucoodii ahaa inay bada iibiyaan waxaa fashilayay bahda somalitalk habalyo ayaan u soo jeedinayaa bahda somalitalk dhamaantood sida xilkasnimada leh ay wadankayaga ugu hiiliyeen maadaama rag waxmagarato ah nalooga dhighay hogaamiyayaal. mar labaad mahadsanidiin bahda somalitalk halkaa ka sii wada shaqada fiican ee aad u haysaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed .

  9. muwaadin says:

    ascwrwb
    Marka xigta waxaan hambalyo u dirayaa dhaman wariyaasha Somalitalk, website-ka muwaadinka ah , waa webka aan aqrisanaayey muddo 4 sano kudhowaad ah islamarkaasna aan faaid mooyee aan ka waayey hadal iska qor ah ,, runtii waa archives meel u yaala somaliweyn,, muwaadin dheh,,, marka xigta waa arin muddooyinkaan ku nuuxnuuxsaneesay maskaxda somaliga muwaadnika ah islamarkaasna dhiiga leh,, heshiiska is afgaradka waa mid qiyaano, kalsooni darro, iyo cimli xumaba ay u geesay ragga sixiixay, xaqiiqdiina waa mid lagula xisabtami doono,, waa 3 wiil oo dhalinyarinimo iyo waaya aragnimoxumo ay qaaday oo sidii la rabo laga yeelay,,, MIDDA aan la yaabay ayaa ah, Axmed Walad Cabdalla oo ah ninka sida qaldan qandaraaska ugu soo qaatay ISAFGARADKA haddana dhahay MAGARANYO QARIIDADA BADDA SOMALIA SIDA AY TAHAY,, marka la xisaabtanka waa mid aan la illawi doonin kenya ayaa soo hartay si fudud kuma kasban doonto badda somaliyeed inta muwaadiniintu ay joogaan oo ay ugu horeeyaan SOMALITALK staff… wa shukran

  10. dulmidiid says:

    Somalitalk team kooda waa in loo qiraa iney yihiin kuwii fashiliyey heshiis beenaadkii ay galeen kuwa sheegta TFG da iyo dowlada Kenya.

    Wali soomaaliya ma dhiman inta ay joogaan aqoon yahano wadaniyiin ah, sida group ka somalitalk.

    Dulmidiid

  11. waa yaab iyo amakaag waxan maqlay habar ayaa waxay dirsatay Diin goortuu ka 7 casho ayay inta istaagtay waxay tiri alla walle cagayare ciyaar kuma maqna
    isagoo markaas aanba dhaafin muska markaas ayuu u jawaabay uu yiri ” naa ha i faanan muskaa fadhiyaaye’
    waxaa ka wadaa ninkii isagu diin dirsatay walle ma ciil baxo
    Dowlada hada jirtaa waa caynkaa oo kama anan sugayn wax qabade waxayba ay bilowday in ay gadato dhulka hooyo ama baddaba waa yaab
    waxan lagu aqoon Qabqablayaashiil waaweynaa oo uu ka mid yahay Mr.suudi yalaxow, arrintan hadii la hor dhigu yalaxow waa uu qosli lahaa
    war qof waa uu dhasha lakinse dhul haka yabin in uu kuu dhasho somali waa ay islaysay lakinse kama suurtoobin ay baayacan soohdintooda
    allaylahe dhaleelbaad qabtaan dheelka manta ahe
    dhulkii iibsatoo waxaad wadaa dhamacyo wa weyne

  12. NADIIRA says:

    In the name of Allah, the Most Beneficent, the Most Merciful.
    First and foremost, I would like to thank Somalitalk for their great effort on this issue.Thank you for everything you are doing. It is very much appreciated.

    Secondly KMG made a “big mistake” by selling the Somali Sea to the neighbouring republic of Kenya. The so called Somali government deny this allegation before but after seeing verifying a signed document, they can’t hide or deny the fact. Yes they can cry foul, but they can’t hide the truth anymore. I believe that what appear to be mistakes committed by KMG are not mistakes in the real sense of the world, as the PM and the president would like the nation to believe. They are rather corrupt schemes whose sole purpose is to cheat, manipulate and enable to achieve their personal ends. In my point of view the government is not honest, because honest people, who make honest mistakes, don’t fear criticism, they learn from their mistakes and try to correct them. The least KMG should do is offer some sort of apology to the nation, admit their mistakes, and correct it.

    By Dr Nadiira AA Osman

  13. Sharmarke Abdirahman says:

    SC WR WB.SALAAN KA DIB WAXAN AAD UGU FARAXSANAHEY SIDA DHAQSAHA LEH EE AAD UGA JAWAABTEEN SUAALIHII AAN IDIN WEDIIYEY,RUNTII WAAD KU MAHADSANTIHIIN
    SHAQADA AAD U QABATEEN UMUDA SOOMAALIYEED,WAXAANA HUBAA IN TAARIIKHDA
    UMADA SOOMAALIYEED AAD BAAL DAHAB KA
    GALIDOONTAAN.

  14. SC WR WB SALAAN KADIB WAXAAN HALKAAN UGA MAHAD CELINAYAA INTII KA HADASHEY AMA KA HORTAGTEY DHAGARTA LA LAREBEY UMUDA SOOMAALIYEED,WAXAANA UGU HOREEYA DADKA AAN U HAMBALYEENAYO BAHDA SOMALITALK IYO INTII KA QEYQAADATEY KA HORTAGA DHAGARTAA.WAXAAN KA CODSANAYAA WALAALAHA IN NOO SHEEGAAN AMA CADEEYAAN.

    MA HALKAAS BEY KU DHAMAATEY DAMACII KEENYA?

    KUWA DOWLADA SHEEGANAYA MAXAA HADA KU KALIFEY IN EY RUNTA SHEEGAAN?

    WAXAAN CODASANAYAA HADII AY SUURAGALTAHEY IN AAD ARIMAHAAS AAD UMADA SOOMALIYEED U SHARAXDAAN.

    WAAD MAHADSANTIHIIN

  15. xaq u dirir says:

    maxaa keenay inay qirtaan sannad kadib heshiiskii ay keenya usaxeexeen badda soomaaliya hadii ay run sheegayaan waa inay idaacadaha caalamiga ka hadlaan shacabka soomaaliyeeedna raali gelin siiyaan heshiiskiina waxba kama jiraan kadhigaan hadii kale waxay u egtahay mid ay umadda indhahooda isaga duwayaaan waa inay qoraalada ay ku fashilinayaan ay umadda u bandhigaan soomaaliya hanoolaato

  16. asmcw: bahda soomalitalk: marka hore waxaan halkaan uga habalyanayaa bahda soomaalitalk shaqada wanaagsan ee ay soomaalida u qabteen arinkaas oo ah arin taariiqda galidoona inshaallaah.Midda kale hadalka raysul wasaaraha & wasiirad kale ay sheegeen waxay ceeb & fadeexo ku tahay sheekh Shariif.Taasina waxay ku tusaysaa, sida Sheekh Shariif ay kagala weyn tahay raaligalinta Itoobiya & Kenya danaha Qaranka soomaaliyeed & dhulkiisaba.waad mahadsan tahiin