Home » Warar »

Ra’iisul wasaaraha dawladda DFKMG oo Wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Aljazeera

RA’IISUL WASAARAHA DAWLADDA FEDERALKA KMG EE SOOMAALIYA, MUDANE DR. CUMAR CABDIRASHIID CALI SHARMARKE OO WAREYSI GAAR AH SIIYAY TELEFISHINKA ALJAZEERA


waxaa diyaariyay xafiiska afhayeenka dawladda federaalka kmg soomaaliya

mogadishu, oct. 21 2009 — siyaasadda dawladda ee dib u heshsiinta waa lagu guuleystay oo qaybo ka mid ah mucaraadka waxaa lala gaaray muwaafaqo inkasta oo ay jiraan qayb ka biyo diidsan waxaana loo baahan yahay in miyirku taliyo.

sidaa waxaa ku dhawaaqay ra’isal wasaraha dawladda federalka kmg soomaliya, mudane dr. cumar cabdirashiid cali sharmarke isagoo wareysi gaar ah siiyay bishii septmber dhammadkeedii telefishinka aljaziira barnaamijka af carbeedka ku baxa ee kulanka maanta (liqaa alyoom).

(wareysiga waxaa idaacadda al-jaziira laga sii dayay doraad axad 18/10/09)).

isagoo ku jawaabaya su’aal ku lug koboca dhaqaalaha dawladda inta ay jirtay, wuxuu sheegay in markii ugu horeysay ay dawladda sameysay miisaaniyad seddex bilood ah bishii april taasoo ka dambeysay markii dawladdu abuurtay guddiga la dagaallanka musuqmaasa (anti-corruption commission). ujeedada waxay ay tahay in dakhliga soo gala dawladda uu labanlaabno laakinse waxaa taa horjoogsaday dagaalada ay mucaaradku ku hayaan dawladda. “waxaan ku guuleysannay inaan ciidanka iyo xildhibaanada siino mushaarooyinkoodii inagoon helin kaalmo dibeeda”.

“waxaan ku guuleysannay inaan midneyno ciidamo markii hore iska soo horjeeday (tfg iyo ars) taana waxaan uga hortagnay inaan dawladda la tuurin. “haddana dawladdu waxay wadaa dadaal lagu diyaarinayo ciidanka si dawladdu u hanato dalka oo dhan”.

mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsan khibradiisa xagga siyaasadda ee uu leeyahay iyadoo uu welibana ka soo jeedo qoys siyaasadda ku caan ah, dr. cumar cabdirashiid wuxuu sheegay inuu leeyahay khibrad ku filan ee xagga siyaasdda isagoo sheegay inuu ka soo shaqeyay gobolka darfur ee dalka sudan iyo sierra leon gaar ahaan qaybta arrimaha siyaasadda ee dhulka ay shaqaaqooyinka ka oogan yihiin ee afrika. hawlaha hadda ka soconaya soomaaliya qof khibrad gaar ah u leh ma jiro. waxaan ku guuleysannay inaan heshiis la gaarno xisbul islaam iyo dad kale ee nufuud (influence) ku leh siyaasadda soomaaliya. welina albaabada waanwaanta iyo wadaxaajoodka waa furan yihiin.

mar uu ka jawabayay su’aal ku saabsan tirada golaha wasiirada ee dawladda, ra’isal wasaraha wuxuu sheegay inuu qof kasto iska dhex arko muraayadda waana la gaari doona qof walba inuu xuquuq da uu leeyahay helo. waxaan dhaxalnay dad iska soo horjeeda waxaana aan ku guuleysannay inaan dadkaas mideyno. anagoo dadaalkaas ku jirno ayaa dagaal nalagu furay waxaanse ku guueleysnnay inaan caasimadda laga qabsan. “dawladdu dagaal xal uma aragto”, ayuu yiri premieruku wuxuuna intaa ku daray in dawladdu ay doorbideyso in waanwaan iyo wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka jira .

dr. cumar cabdirashiid wuxuu mucaradada kula taliyay inay miiska wada hadalka soo fariistaan mana ahin wax macquul ah in wadahadalka shardi lagu xiro. waxaa loo baahan yahay in dadaalku uu ka socdo labada geesood inkastoon hubo in shacabka ay 99% la safan yihiin dawladda mana sii socon doonto in shacabka soomaaliya qori iyo jujuub lagu xukumo taana maanta caalamka ma oggolaan karo.

mar wax laga weydiiyay doorka ay dunida carabta ku lahaan karto xallinta khilaafka siyaasadda ee ka jira soomaaliya, ra’isal wasaraha soomaaliya wuxuu sheegay inay dawladiisu soo dhaweyneyso cid kastoo isku dayeysa inay arrimaha soomaaliya xal u keento. xisbul islaam wuxuu leeyahay hadaf siyaasadadeed, laakinse shabaabku ma laha hadaf siyaasadeed ee waxay ku hawlan yihiin burburinta iyo dabargoynta soomaaliya, waxayna isbahaysi la leeyihiin shabakada argagisada caalamka. iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana dawladdu waxay diyaar u tahay inay soo dhaweyneyso qof kasto oo diyaar u ah inuu wax ka badbaadiyo dadka iyo dalka soomaaliyeed.

isagoo ka jawaabaya su’aal kale, dr. cumar cabdirashiid wuxuu sheegay in safarkii uu ku tegay puntland looga jeeday in bulshooyinka ku dhaqan soomaaliya la isu soo dhaweeyo laakinse waxaa jira dad arrinta siyaasadeeyay. gobol kasto oo maamul loo sammeeyo dawladda federalka way la xiriireysa. heshiiska ay dawladda la gashay puntland qodobadiisa waxaa ka mid ah in puntland laga furo xarun lagu tababaro ciidanka la dagaallanka burcad badeedka.

somaliland wuxuu ka yiri: “soomaliya inteeda kale bey u noqon karto tusaale xagga adkeynta nabadda iyo maamul wanaaga. “ waana ku faraxsannahay inay muranka siyaasadda ee dhex yiil ay si nabad ah u dhammeysteen”, ayuu yiri dr. cumar cabdirashiid.

arrimaha ku saabsan ethiopia iyo soomaaliya, ra’isal wasaraha soomaaliya wuxuu sheegay in dawladiisu ay dhamaan wadamada deriska kula dhaqmeyso siyaasadda deris wanaaga. waxaase jira kooxda shabaabka oo raba inay ethiopia uga duulaan soomaaliya.

ahlu sunnah wal jaamaca dawladda federaalka ayaa taageero siiso haddii ay meelo kale wax ka helaan annaga waxba nama weydsiiteen, ayuu ku yiri ra’isal wasaraha mar uu ka jawaabay su’aal arrintaas ku saabsan.

Qoraalki isfahamka (memorandum of understanding) ee dhex maray soomaaliya iyo kenya oo ku saabsana fidinta xadka badda soomaaliya inta ka shisheysa 200 ee maylka badda ee dhul biyoodka, dr. cumar cabdirashiid wuxuu sheegay in qoraalkaas si khaladan loo fahmay. waxay ahayd in la calameeyo inta ka baxsan 200 ee maylka badda ee soomaaliya iyo kenya waxa loo yaqaan “continental shelf”. iyadoo ay sidaas tahayna dawladdu waxay u hoggaansameyso go’aanka barlamaanka.

qoraalka isfahamka ee dhex maray soomaaliya iyo kenya ee ku saabsan in canshuuruaha soomaaliya lagu qabto kenya, wuxuu sheegay in aaney ahayn wax macquul ah in dawladdu ay indha ka qarsato canshuurta ay heli lahayd in meelo kale ay mucaaradku ku qaataan.

mar laga weydiiyay su’aal ku saabsan meesha uu marayo ballanqaadii soomaaliya oo ahayd in beesha caalamka ay taageero maaliyadeed u fidiso soomaaliya, ra’isal wasaraha wuxuu sheegay in soomaaliya aaney wax jawaab ah oo wax ku ool ah ka helin deeqbixiyayaasha laakinse waxaa jira dareenka ah in hawshaas wax laga qabto.

mudane cumar cabdirashiid wuxuu ka codsaday dunida carabta inay soomaaliya u soo jeestaan oo ay u fidiyaan taageero xagga dhaqaalaha, siyaasadda, bulshada iyo nabadgelyada.

ra’isal wasaraha wuxuu sheegay inay dawladdiisu ay si aad ah uga xumaatay duqeynta loo geystay goobo ay deggan yihiin dadka ra’ydka halkaasoo ay ka dhaceen khasaare nool iyo moodba leh. dr. cumar cabdirashiid wuxuu sheegay inuu arrintaas uu kulan kala yeeshay madaxda ciidanka amisom si loo b aaro wixii qalad ah oo dhacay. wuxuu sheegay kuwa dhibataas ka dambeeya inay yihiin waxa uu ku tilmaamay “cadwga shacabka” dhexdiisa wax ka soo tuura. ciidanka aamisom waxaa lagu sammeeyay xarunta ay mudisho ka degan yihiin isqarxin ay ku geeriyoodeen taliye-xigeenka amisom, sarkaal sare ee soomaali ah iyo tiro kale ee askar amisom.

duqeyntii mareykanku ku dileen saleh cali nahban iyo rag la socday, wuxuu sheegay cumar cabdirashiid inaan falkaas hore loo soo ogeysiin dawladiisa, laakinse waxaa dhibta keenay waxay yihiin dadka dalka dhexdiisa ku dhex qaraninaya dambiilayaal caalamka dhagar ka soo galay oo la baadi goobayo.

ugu dambeyntii, ra’isal wasaraha soomaaliya wuxuu shacabka soomaaliyeed u sheegay in caalamku uu na saacidi karo, laakinse xalka kama dambeysta ah inuu gacanta shacabka soomaliya uu ku jiro. “waa inaan gacmaha is qabsanno ajnabiga uusan na soo dhex gelin”. “mucaaradka waxaan u sheegaya qori xal ma ahin. kheyraadka dalkeena ku juira waa nagu filan yahay waana in aan heshiino.

waxaa diyaariyay xafiiska afhayeenka dawladda federaalka kmg soomaaliya

waxaa soo tebiyey
garaad cadde
garaadcadde@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.