Home » Warar »

Sidii looga ciidey Minneapolis & UK .. iyo Fariin Sheikh C/raxmaan u jeediyey Soomaalida

Kumanaan Qof oo Salaaddii Ciiddul Fidriga ku tukadey Minneapolis Convesion Center

Daawo Sawirada reer Minneapolis iyo Ciidul Fidriga…

SomaliTalk.com, Minneapolis (Sept 20, 2009) – Dad tiradooda lagu qiyaasay kumanaan qof oo Muslimiinta reer Minnesota, una badan Soomaali, ayaa isugu yimid xarunta ku taal faras magaalada Minneapolis ee lagu magacaabo Minneapolis Convesion Center, halkaas oo ay ku tukadeen salaaddii Ciidul Fidriga. Qaybta salaada lagu tukaney oo qaadda ilaa 30-kun oo qof ayaa buuxsantey, waxaan alagu qiyaasay dadka ka soo qayb galay kuwii ugu badnaa ee Muslimiinta reer Minneapolis ay meel kuwada tukadaan.

Farxad iyo raynrayn ayaa ka muuqatey wajiyada dadkii halkaas isagu soo baxay. Carruurta waxaa loogu lebisay dhar qurxo badan.. Waxaana salaadda ciida tujiyey Sh. C/raxamaan Sheikh Cumar oo ah iimaamka Masjid Abubakar Asidiiq ee Minneapolis.

Salaadii Ciidda kadib Sheikh C/raxmaan waxa uu waraysi siiyey SomaliTalk.com.

Waraysiga Sheikh C/raxmaan ee Ciidul Fidriga Dhegeyso Halkan ama soo rogo (mp3)

iiiid2

iiiid1

Halkan ka dhegeyso Khudbadii Sh. C/raxmaan Sh Cumar ee Salaaddii ciidda (Dhegeyso) ama soo rogo

….

Sidee Ayaa Looga Ciiday Maanta Magaalada Leicester Ee Dalka Ingiriiska.

Magaalada Leicester Ee dalka Ingiriiska waxay ku taalaa barriga bartamaha dhexe ee dalka ingriska dadka ku nool magaalada ayaa waxay yihiin qiyaastii ilaa 300.000 oo qof ayadoo muslimka ku nool magaaladana qiyaas ahaan yihiin 38% waa magaalo yar bal aad u fiican waxaa ku yaal tiro ka badan ilaa 50 masaajid.

Magaalada Leicester soomaalida ku nool ayaa ayana waxaa lagu qiyaasaa ilaa 30.000 oo qof ayaga oo ku leh 4 masjid hal ku yaal Xaafada Highfield iyo 3 ku taal xaafada Stmathius ayadoo dadka ugu badan magaalada ay soo dageen laga soo bilaabo sanadkii 2000 ayaga oo ka soo kala guuray wadamada Yurub una badan dalkaa Holand.

Magaalada Leicester dhamaan muslimiinta inta badan waxay wada tukadeen saaka Salaadii ciida iyaga oo masaajidyadii ka tiro batay ka dibna qaar badan oo muslimiinta ka mid ah ay ku tukadeen Barxada weyn ee loo yaqaan Spiny Hill Park oo Council ka magaalada uu dadka muslimiinta ah ugu sameeyo Teendhooyin waqtiyada Ciida .

Magaalada Leicester waxay leedahay nashaad aad uga duwan kuwa wadamada kale ee yurub ama ingiriiska qaarkiis ayada oo 10 ka cisho oo ugu danbaysa bisha ramadaan aad aa uga dareemayso inay ciida soo dhowdahay waayo waxaa jidadka iyo baalayaasha dhaadheer ee bartamaa xaafada Highfield lagu lagu sharxaa ama lagu xiraa nalal iyo calaamada uu mijana inay ciida soo dhowdahay sidii Soomaaliya oo kale ama dhulalka Muslimiinta ah ayada oo ay ku qoran tahay CIID MUBAARAK MEELAHAAS OO DHAN oo aadan dareemayn inaad joogto dhul gaalo oodba moodayso inaad joogto meel kamid ah dhulkii muslimiinta.

Magaalda Leicester 4 masjid ee Soomaalida waxaa laga tukaday dhamaantood 9.00AM oo waqtiga ingiriiska Somaalida 4 masjidba way buux dhaafiyeen ayagoo qaarkood ku tukanayeen teendhooyinkaa aan soo sheegnay Caruurta iyo Hooyooyinka Soomaalida ayaa lagu arkayay ayaga oo si fican u soo labistay ka dibna raxan raxan u socda soona buux dhaafiyay dhamaan masaajidyada.

Markii latukaday ka dib ayay dadkii ukala dareereen magaalada ayada oo aysan muuqan runtii barnaamij fiican oo loo soo agaamisay caruurta iyo haweenka oo maalinkaa Soonaalida oo dhan u dhan tahay oo loo qabanqaabiyay ayada oo dadka koox koox isku raacayeen aana moodayso inay yara muuqato farqiga ka jira dhulkeenii.

Ugu danbayntii waxaan leeyahay dhamaan ummada muslimiinta ah meel walba ay joogaan KULU CAAM WA’ANTUM BIKHAYR reer Leicesterna waxaan u rajaynaa ciida mida ku xigta inay si fiican u iidaan oo isku duubni wayn ka muuqato caruurta iyo haweenka na loo soo agaasimay barnaamij fiican oo aad heer sare u ah.

Waxaa soo diyaariyay
Maxamed xaashi
Leicester Uk.
hashi66@hotmail.com

Ciidda Ciidul Fidriga oo si weyn looga ciiday magaalada Laascaanood

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa si weyn ugu dabaal degay ciidda ciidul fidriga barakaysan, hadaba dadweynaha magaalada oo ay ka muuqato shucuur farxadeed ayaa isugu yimi masallaha weyn ee magaalada Laascaanood ee inta badan lagu tukado ciidaha barakaysan, waxaad arkaysay dad isugu jira shuyuukh yar iyo waaweyn culimo iyo caamo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada dadkaasi oo isugu hambalyaynayay ciidda barakaysan ee fidriga ciiddan oo ah ciid aad u balaadhan dhamaan muslimiinta adduunku ku ciidaan maadaama ay soo dhamaysteen bishii fadliga badnayn ee ramadaanta.

Dhan ka kale, waxaa dadweynaha magaalada ku wacdiyay masallaha magaalada mashaa’ikhda magaalada kuna dheeraaday fadliga maalintan weyn ee ciidul fidri al mubaarak iyagoo ugu ducaynayay shacabka islaamka gaar ahan reer laascanood in alle ku gaadhsiiyo ciidan ciideeda caafimaad qab, camal saali ah iyo nabad-agelyo.

Si kastaba ha ahaatee, xafladda ciidda ayaa maanta si balaadhan uga socotay magaaladatan Laascaanood ee xarunta gobolka sool, dhinaca kale waxa iyana laga soo sheegay raxmaad balaadhan deegaanada hawdka gobolka sida Degmada Kalabaydh oo la soo xaqiijiyay in baraagihii buuxsameen sidoo kalena tuulooyinka kale ee hawdka ayaa iyana roobab wanaagsan heleen sida Xidh-xidh iyo Balihadhac, iyadoo ay jirtay abaar ba’an oo ka jirtay deegaanada soomaalida gaar ahaan deegaanka gobolka Sool.

Ugu dambayn waxaannu hambalyo iyo tahniyad u diraynaa dhamaan umadda islaamka ah gaar ahaan umadda soomaaliyeed oo leenahay ku ciida ciid wanaagsan ciid mubaarak wa kulu caam wa antum bikhayr taqabalalaahu mina wa minkum.

By: Subeyr Cismaan Idiris
Laascaanood,Sool
subeir99@gmail.com

Sidee Looga ciidey Bosaso

Sawirada Ciiddii Boosaaso halkan ka daawo

Bosaso:-Magaalada Bosaso ee Xarunta dowlada Ganacsiga Maamul Goboleedka Puntland ayaa looga ciiday Maanta si wayn iyadoo wadooyinka ay marayeen Caruurta oo wata dhar dhaldhaalbadan iyo buufino ay ku cayaarayaan kuwaasi oo aad ka dheehankaraysey Farxad iyo rayn rayn Xoogan oo ka muuqatay wajiyadooda iyo sida ay ugu faraxsanyihiin Maalinta Ciida ee ay damaashadayaan.

Salaadii ciida ayaa saaka waxaa lugu Dukaday oo dadkii ugu badnaa ay isugu soo bexeen Garoonka kubada Cagta ee Bosaso Sterio halkaasi oo bacda salaadii culimadu ka soo jeediyeen Wacdi ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay masuuliyiinta Maamulka dowlada puntland qaybohooda kala duwan ugu damayntiina waxaa soo gebagebayey hadalkii dhanka maamulka Gudoomiyaha Gobolka Bari All-Xaaji Muuse Gelle Yusuf Faroole.
Sidoo kale Magaalada Bosaso Ee Xarunta gobolka Bari ayaa Waxaa lugu tukadey Masaajid Farabadan oo ay ka midyihiin Masaajidka 3dabaq ah ee Masjid Dacwa iyo Masjid Faadumo oo ku yaala Koonfurta Magaalada Bosaso Ee Xarunta Gobolka Bari.

Magaalada Ganacsiga dowlada Puntland ee Bosaso ayaa waxa ay tahay Goob si wayn dadku ugu badanyihiin isla markaasina Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Bosaso ay isaga kala yimadaan Meelo badan oo ka mida Gobolada koonfureed,kuwa waqooyi iyo Bartmaha Somaliya.

Maxamed Axmed Ciise
geedi7@hotmail.com

Hambalyo Munaasabadda Ciidul Fitriga

Dhamaan Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxay halkaan uga soo gudbinayaan hambalyo ku saabsan Munaasabadda Ciidda Barakeysan ee ”Ciidul Fitriga” dhamaan Umadaha Islaamka, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed ee ku kala nool Somalia gudaheeda iyo Caalamka oo dhan. Waxaan idin leenahay dhamaantiin Ciid Mubaarak.

Maalinta Ciidda Waa maalin la isku hambalyeeyo, la isa soo booqdo, oo hadiyado la isa siiyo, masaakiintana laga farxiyo. Waxay Muslimiinta maalintaas si wadajir ah ay u baryaan Allah (SWT) dambi-dhaaf iyo inuu ku manaysto imaan xoog ah iyo khaatumo san. Sidoo kale ayey Muslimiintu is cafiyaan, is bariidiyaan, dholo-caddayn iyo weji furnaan isku soo dhaweeyaan.

Maalinta Ciidda waa maalinta xusuusta iyo Mahadnaqa, waa maalinta la xusuusto lagana farxiyo masaakiinta iyo danyarta, waana maalin loo mahadceliyo Illaahayga ina uumay ee Islaamka inaga dhigay. 

Munaasabadan barakeeysan ee Ciidda Wanaagsan ayaa bahda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxay ku boorinayaan shacbiga Soomaaliyeed inay muujiyaan isu soo dhawaansho iyo is jaceyl.  Waxaan kaloo Ummada Somaaliyeed ug baaqeynaa gaar ahaan Jaaliyadda Qurba jooga ah, Culimaa’udiinka iyo Ganacsatada iyo cidii awoodaba taakuleeynta Agoomaha, Naafada, Bukaanka iyo bulshada Barakacsan.  
 
Sidoo kale Waalidiinta ku nool wadamada Yurub iyo North America waa inay xoogga saaraan sidii ay carruurtooda u dareensiin lahaayeen qiimaha ay leedahay maalinta Ciidda. haddii aadan ilmahaaga dareensiin Ciidda Muslimiinta waxaa maskaxdooda ku beermaya ciidaha iyo maalmaha ay weyneeyaan bulshada aad dhex joogtaan. Haddaba waa in ilmaha looga farxiyo maalintaas si aan marnaba caadi ahayn. Waa in uu ilmuhu dareemo in Ciidana ay tahay toodii ayna ka duwan tahay ciidaha Umadaha kale sameysteen.  
 

Allah (SWT) ayaa mahad weynaatay leh  
Ciid Mubaarak Dhamaantiin  
 
Abdullahi Jama Mohammed

Afhayeenka Ururka Waddaniga Soomaaliyeed  
Toronto, Canada  
info@waddaniga.org ama soomaalibaanahay@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Sidii looga ciidey Minneapolis & UK .. iyo Fariin Sheikh C/raxmaan u jeediyey Soomaalida "

  1. ciid wanaag san dhamaan tiin bahda somalitalk iyo umada soo maaliyeed iyo muslimiinta dhamaantiin
    salaamulaahi calykum

  2. waxaan dhahayaa dhamaan umada muslimka ciid wanaag san sandakan kiise kale ilaah nabad hanagu gaar siiyo

    salaamu laahi calaykum

  3. garyaqaan says:

    anigoo ka faaiidaysanaya maalinta weyn ee ciida waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa umada islaamka ah meel walba oo ay joogaan.KULA CAAM WA ANTUM BIL-KHAYR.
    ilaahay waxaan ka baryayaa inuu naga dhigo kuwwi loo danbi dhaafo.dhulkeenii hooyana waxaan u rajeynayaa naba galyo waarto iyo dawlad caadil ah oo ilaahay xaqa tuso aamiiiiiiiin.
    markale walaalahay muslimka/soomaaliyedow ciid wanaagsan.