Home » Warar »

Jaamacadda Nugaal iyo Doorka Qurba Joogta

NUGAAL UNIVERSITY

LAS’ANOD, SOOL County

Jaamacaddda Nugaal (NU) oo ay soo booqdeen xubno ka kala yimid Europe iyo North America

Iyadoo lagu jiro xiligii xagaaga ee qurbajoogta Somaliyeed ay fasax u iman jireen dalkooda hooyo. Ayaa waxaa si is dabajoog ah u imaanayey Jaamacadda Nugaal ee gobalka Sool, magaalo madaxda Laascaanood, macallimiin iyo aqoonyahannokala duwan oo ka kala yimid qurbaha gaar ahaan yurub iyo W.America.

Qaar ka mid ah aqoon yahanadan ayaa waqtigooda ugu deeqay in ay u faa’iideeyaan macallimiinta iyo ardayda ka hawl gala Jaamacadda Nugaal University.

Qaar ka mid ah ardayda oo ku jira Librariga Jaamacadda Nugaal

Mr. Abdiaziz Ali Mohamed oo shahaadada Master in Arts ka qaatay Jaamacadda London ee cariga Ingiriiska, kuna takhasusay Community Development and Human Rights, ayaa ka mid ahaa aqoonyanadii waqtigooda qaaliga ah u huray jaamacadda. A/siis sidoo kale waa mulkiilaha shirkad ka shaqaysa carriga ingiriiska oo lagu magacaabo human empowerment. A/siis mowduucyada uu ka jeediyey jaamacada Nugaal University, waxaa ka mid ahaa:

Ardayda jaamacadda

· Management in practice
· Introduction to business
· Community development
· Customer Service
Dhamaan ardaydii ka qayb qaadatay casharadii kala duwanaa ee macallinku bixiyay ayaa aad uga faa’iidaystay duruustii uu soo gudbiyey Mr. A/ziz, isla markaana waxay ardaydu iyo macalimiintuba aad ugu riyaaqeen habkii uu duruusta u soo bandhigay A/siis Mohamed Ali.

Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal Abdirizak Lafoole oo taagan( bidix) soona dhawaynaya Jama Hirsi (midig) oo cashar ka bixinaya NU.

Aqoonyahanka 2aad ee jaamacadda ka bixiyey casharro bishan July 2009 ayaa wuxuu ahaa Jama hirsi. Mr. Hirsi, wuxuu shahaadada Master in Natural Science and Anthropology ka qaatay University of London. Casharradii uu ka jeediyey Jaamacadda Nugaal waxay ku saabsanaayeen habka loo diyaariyo qoraalada dhanka waxbarshada iyo cilmiga bulshada, gaar ahaan buugta la qoro marka ardaydu qalin jebinayso, wuxuu dhiiri geliyey in la qabatimo hab dhaqanka wax qorista waxaana ka mid ahaa ciwaanada casharadiisa:

Jama Hirsi oo jeedinaya lecture

· How to write social writing article
· How to write an academic paper
· How to take notes
· Record keeping
· Techniques of being a good writer

Mr. Hirsi, wuxuu aad uga hadlay mawduuca kowaad oo ahaa writing social work, wuxuuuna ku nuuxnuuxsaday baahida ay bulshadu u qabto mawduucaas oo uu sheegay in aad loogu baahanyahay. Hadaladii Mr. Hirsi, waxaa ka mid ahaa: “Haddaan nahay Somali waxaan aad ugu tiirsanahay habka inaan wax isugu gudbino wax isu sheegidda ama sheekada” Mr. Hirsi, wuxuu caddeeyey inay ka fiicantahay inaan qabatino habka qoraal wax isugu gudbinta, isla markaana aan da’yarta soo koraysa barno inay wax qoraan oo ay qabatimaan dhaqanka wax qorista.
Ardayda Jaamacadda oo dhegaysanaya lecture

Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal Abdirizak Mohamed Aden (Lafoole) bidix, ku xigeenkiisa Abdinaasir Mohamed Barre, Hussein Osman (Dacar) from England iyo Faysal Dirie from N/America.

Sidoo kale muwaadiniinta marti sharafta u ahaa Jaamacadda Nugaal kana socday jaaliyadda dibada waxaa ka mid ahaa Hussein Osman From (UK) iyo Faysal Dirie from Minnesota.

Hussein iyo Faysal waxaa safarkoodu si gaar ah ugu wajahnaa waxbarashada dugsiyada hoose dhexe, sare ee degmada Boocame oo ay ka wadeen hawl gallo horumarineed, gaar ahaan waxbarashada da’yarta soo koraysa. Marti sharaftani waxay la kulmeen ardaydayda, macalimiinta iyo maamulka jaamacadda Nugaal. Waxay mahadnaq iyo dhiiri gelin u soo jeediyeen ardayda wax ka barata Jaamacadda, maamulka iyo macalimiinta ku hawlan waxqabadka bulshadooda xilligan adag ee lagu jiro. Sidoo kale waxay ballan qaadeen inay ka qayb qaadanayaan hawlaha jaamacadda nugaal haday tahay dhanka agabyada jaamacaddu u baahantahay iyo horumarinteedaba.

Jaamacada Nugaal oo 5 sano jirsatay, waxaa bisha September/2009 ka qalin jebinaya dufcaddii ugu horaysay oo gaadhaysa 20 arday. Ardaydan oo ka qalin jebinaysa kuliyadda Business Administeration ayaa taariikhda ka galay inay noqdaan dufcaddii ugu horreysay oo shahaado jaamacadeed ka qaadata Jaamacaddii ugu horraysay ee laga furey magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.

Kuliyadaha hadda shaqeeya ee Jaamacadda Nugaal ayaa waxay kala yihiin:
1) Faculty of Social Science
2) Faculty of Humanity
3) Faculty of Natural Science
4) Pre-University Courses
Kuliyadaha jaamacadda qorshaha ugu jira in la furo intaan sanadku dhammaan ayaa waxaa ka mid ah:
1) Kulliyadda shareecada
2) Kulliyada macalimiinta oo ay qarashkeeda bixinayaan Europian Union (Stregthening capacity of teacher training in primary and secodray schools)

Waxay jaamacaddu bixisaa short courses ay ka mid yihiin:
1) Basic computer training
2) Foundation courses (Math, English and Science)
3) Customer service trainings
4) Basic account
5) Book keeping and etc.

Jaamacaddu waxay bishii July/2009 heshiis la gashay hay’ad saldhigeedu Maraykan yahay, magaceedana la yidhaahdo Educational Development Center (EDC). Hay’adani waxay jaamacadda heshiish kula gashay in tababar la siiyo arday gaadhaysa 70 arday. Ardaydaas 35 ka mid ah waxaa la bari doonaa qaabka ay ugu diyaar garoobi lahaayeen in ay shaqo abuurtaan (Self employment) ama inaad shaqo raadsato (Work readiness). Sidoo kale 35 ka mid ah waxaa la bari doonaa sida wax loo qoro loona akhriyo iyo xisaabta (Literacy and numeracy). Program kan oo lagu magacaabo Youth Livelyhood Program, wuxuu socon doonaa mudo 7ba bilood ah oo ka bilaabmay bisha July/2009.

Jaamacaddu waxay u mahad celinaysaa dhammaan inta danaysa waxbarashada iyo horumarinta arimaha bulshada meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba. Waxay u mahadnaqaysaa shakhsi kasta oo taageero ka gaysta arrimaha waxbarashada iyo horumarka bulshada. Waxay u mahadnaqaysaa xubnaha jaaliyadda dibadda ee ku kula nool N/A, Uerope iyo Arabaha ee jaamacadda la garab taagan taageero maadi ah, talo iyo tusaale. Waxay si gaar ah ugu mahadnaqaysaa aqoonyahanada booqashada ku yimid dalkooda hooyo isla markaana aqoontooda uga faa’iideeyey ardayda, macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Nugaal.

Waxaa qoraalkan diyaariyey:

Cawil Abdirahman Yusuf
Public relation Officer
Nugaal University

La xiriir: Cabdirisaaq Lafoole
lafoole100@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Jaamacadda Nugaal iyo Doorka Qurba Joogta "

  1. prof: mohamud salah ismail says:

    aad iyo aad ayaan ugu mahad celinyaa aqoon yahan soomaliyeed ee dalkoo dii soo booqday si ay dhalinta soomaliyeed ugu dhhiri galiyaan (Encouregment) uguna booriyaan inay dalkooda joogaan ay wax bartaan iyo Lectures kii efectiga lhaa ay halkaa kasoo jeediyeen
    waxaana leeyahay aad ayaad u mahad santihiin

  2. asalamu calaykum

    aad ayaan ugu mahadnaqaya bahda warbaahinnta somalitalk sida wacan ee ay usoo bandhigeen waxqabadka jaamacada nugaal university oo dhab ahaantii ah jamaacd dhab ah kulana talinayo dhalinta reer sool inay jamacadooda aaminaan
    hana ogaadeen jamadaha dalku in ay kuwa dibadaha ee aad usoo cararaysan ay isku manaahiij yihiin adoo aqalkaagka jooga jamacad kuudhow oo hooygaaga agtiisa ah wax kabaro waad mahadsan tihiin

  3. asalamu calaykum

    aad ayaan ugu mahadnaqaya bahda warbaahinnta somalitalk sida wacan ee ay usoo bandhigeen waxqabadka jaamacada nugaal university oo dhab ahaantii ah jamaacd dhab ah kulana talinayo dhalinta reer sool inay jamacadooda aaminaan

  4. Abu Axmed says:

    asw
    aad baad ugu mahad santihiin warbixinta fiican ee aad noogasoo gudbiseen Jaamacada Nugaal waxase aanu idinka sugaynaa sawiradii oo ka maqan sida qoraalkiina ka muuqata waad mahad santihiin