SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TOPCAT

English Version:: READ HERE... CLICK HERE...
_________________________________________

Heshiis-badeedkii DFKMG ee Soomaaliya & Topcat::

Qormadan waxaa kamid ah:

  • Topcat Marine Security: Xafiis dadkii ka batay, mise Khiyaamo indha qabasho ah (scam)...
  • S’aalo ka Taagan Heshiis-badeedkii Soomaaliya.....
  • Dhibka Heysta shirkadda Top Cat oo Rajo-darro ku Reebay Magaalada St. Stephen, South Carolina, USA
  • Mulkiilaha shirkadda Top Cat Security, Casini, ooy uga qorantahay musalaf  New Jersey dhexdeeda.

Topcat Marine Security: Xafiis dadkii ka batay, mise Khiyaamo indha qabasho ah (scam)...

  • "Heshiiska aan maanta saxiixnay waxa uu difacayaa dhul badeedka Soomaaliya, waxa uu ka qaalib noqon doonaa burcadda badda, waxana uu joojin doonaa kalluumaysiga sharci darda ah iyo sharci darro kula bixida khayraadka dabiiciga ah ee badda," sidaas waxaa yiri Cali Maxamed Geedi.. [DHEGEYSO:: | DAAWO]
Abdullahi Yusuf Ali Mohamed Geedi Hassan Abshir Farah
Casini Yusuf Geeddi Abshir

TopCat Webiste: http://www.topcatmarines
ecurity.com


Kulankii C/lahi Yusuf iyo Casini ee NY | Sawirka shabakada Topcat

Shabakada TopCat waxay qortay in "Top Cat Marine Security iyo Madaxweynaha Soomaaliya Abdullahi Yusuf ay isla gaareen heshiis  ku saabsan in la askumo ciidamo cusub oo Soomaaliya u qaabilsan ilaalinta iyo amaanka xeebaha".

Goobaha Qoraalada Loo Yaqaan "Blog" ee Maraykanka oo Waxa ugu Badan ee Lagaga Doodo ay Noqdeen Heshiiskii Topcat iyo Soomaaliya...

Tarjumadii SomaliTalk.com, Yurub | Dec 4, 2005 | Updated::::::

Sheeko xariirtan yaa iska celin kara, waxay ahayd xilli aan sidaas u sii fogeyn markii uu markab kuwa dalxiiska ah oo adeegsanaya codka sawaxanka dheer iska celiyey burcad-badeed Soomaali ah? Haddaba waa in qof uun oo jooga meel uu wax uun ka sameeyo burcadaas lagu qayliyey. Sidaas waxaa qoraalkeeda ku biliwday qoraa deggan magaalada New York oo magaceeda la yiraahdo Kathryn Cramer oo  dabagal dheer iyo baaritaan ku samaysay shirkada lagu magacaabo Topcat Marine Security ee dhowaan magaalada Nairobi heshiis kula gashay dawlada Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.

Aan idiin kala dhex baxno qaybo aan ka soo tarjuney qoraalkii dheeraa ee Kathryn Cramer ay kaga hadashay madaxda Soomaaliyeed, heshiiska ilaalinta badda Soomaaliya iyo shirkada "Top Cat".

Kathryn Cramer waxay tiri:


K. Cramer

Maanta (Jimce 25/11/2005) waxaa lagu dhawaaqay in shirkad Ameerikaan ah, Topcat Marine Security, ee 545 8th Ave. Suite 401, New York, NY 10018, ay heshay shaqada! waxaad is weydiin kartaa cayrsiga burcdad-badeedku in ay tahay arrin cabsi badan, laakiin qolyahan Topcat waxay haystaan arrin weyn oo taas ku xambareysa (ku dhiiri gelineysa): Xafiis dadkii kabatay oo ku yaal Manhattan; miyaadan adiguba go'aansan lahayn in aad burcad-badeed cayrsatid haddii aad xafiis la wadaagi lahayd in badan (waxana ay xustay websiteyo  oo kamid yahay website jinsi ah iyo magacyo dhawr ah oo uu ka mid ahay bangi ay sheegtay in magaciisa layiraahdo "Liechetensteinische-Amerikanische Union Bank Corp." kaas oo sida muuqata gobolka New York ka sameeyey hawlo aan loo fasaxin oo la xiriira dhaqdhaqaad bangi, waa sida ay tiri Kathryn Cramer.)

Waxaan layaabanahay yaa nimankaan siinaya hubka, ayey tiri.

Haddii si aan kaftan kujirin u hadlo, ayey tiri Kathryn Cramer, waxay u muuqataa [haddii aysan ahayn khiyaano indha qabasho ah - scam) in shirkada doonyaha ay heshay shirkad gaar loo leeyahay oo militeri ah oo jaal la noqota, taas oo danayneysa in ay ahaato qarsoodi, waxaana dhici karta in shirkada doonyahu ay hadda siisay nus (bar) kamid ah kontanka million ee doolar. U malayn maayo in Topcat ay weligeed cag dhigtay xafiiska in ka badan tan website xafiiskaas la wadaagaa uu albabka iga furi lahaa haddii aan garaaci lahaa, ayey tiri Kathryn Cramer [Waa website jinsi ah oo qoruhu sheegay in uu xafiiska la wadaago Topcat oo sida uu qoruhu sheegay aan ku haboonayn in link laga dhigo.]. Sidoo kale ayey tiri, Peter Casini oo ah ninka warku sheegay in uu heshiiska saxiixay waxa uu ku lug yeeshay dhawr musalifnimo (shirkado kacay ama suuqa ka baxay) - Waxaad hoos ku arki doontaa waraaqaha maxkamada oo ka kooban 29 bog kuwaas oo qeexaya dhibaatooyinka dhaqaale ee la soo gudboonaadey Topcat iyo Casini.. [Cinwaanka: Mulkiilaha shirkadda Top Cat Security Casini ooy uga qorantahay musalaf  New Jersey dhexdeeda].

Kathryn Cramer oo muujineysa in shirkada Topcat aysan lahayn cinwaan sugan waxay tiri:- waxay is weydiisey su'aalahan: Yaa biyaha Badda Soomaaliya ammaan ka dhigaaya? ma shaqaalaha websiteyada (dotcoms)? kuwa khibrada sare leh ee doonyaha leh? yaa sheegi kara? maxay isugu qarinayaan cinwaan aan jirin (fake address)? Xafiisyada Manhattan (New York) waa qaali laakiin lacagta intaas leeg waa lagu kiraysan karaa xafiis.

Adigu masiin lahayn $50 million oo doolar qof aan  kala jeclayn in uu kiraysto xafiis rasmi ah, kaas oo been ka sheegay dariiqa uu deggan yahay? Haddii aan xafiisba jirin sidee qofna u rumaysan karaa in hawshii ammaanka la qaban doono?.

Bishii April 2004 ayey Topcat u guureen degmada Berekely (magaalada St. Stephen ee gobolka South Carolina) waxana ay ka guureen lix bilood ka dib...

Qisadii dhex martay shirkada Topcat iyo magaalada St. Stephen hoos ayaad kaga dhergi doontaan, [Cinwaanka: Dhibka Heysta shirkadda Top Cat oo Rajo-darro ku Reebay Magaalada St. Stephen...], balse marka hore aan sii wadno qormadii Kathryn Cramer.


Madaxweynaha DFKMG, C/Lahi Yusuf iyo Casini oo ku kulmay magaalada New York

"...Heshiiskii Xasan Abshir iyo Geeddi la galeen shirkad lagu sheegay inay difaaceyso xeebaha Soomaaliyeed ayaa mar kale furay shaki ah in  madaxda dowladda qaarkood sameynayaan waxay rabaan. Shirkaddaas waxaa lagu sheegay “Topcat marine security”. Xasan Abshir wuxuu sheegay in shirkaddaasi ugu timid madaxweyne C/hi New York markuu ka qeybgalayey shirkii hogaamiyayaasha adduunka. Xasan Abshir wuxuu sheegay inuu ogaa shirkaddaas ayna marar badan la soo xiriireen intaan Geeddi iyo isagu saxiixin." C/Waaxid...
 
 Dhegeyso halkan... | VIDEO...



Shax ku saabsan Soomaaliya, badda iyo burcadda
| Isha: http://www.oss.net

Ms. Cramer waxay tiri Jariidada Daily Nation ee Kenya ayaa wax ka qortay dhibaatada dhaqaale ee "Topcat", jariidadaas oo wacday Casini iyo qof u qaabilsan xiriirka dadweynaha. Qoraalkii Daily Nation oo gebi ahaantiisu tarjuman hoos ayaad ku arki doontaa. [Cinwaanka: Su’aalo ka Taagan Heshiis-badeedkii Soomaaliya...]

Waxaa qalaw igu soo yiri layaabka ah: sidee ayey u qorshaynayaan in ay dhinac maraan Maraykanka iyo Cunaqabataynta Qaramada Midoobey, ayey tiri Ms. Cramer. Xitaa waxa keliya oo ay shirka la yimaadeen hadduu yahay doonyaha aadka u dheereeya oo loo naqshadeeyey ammaanka, waxay tasi iila muuqataa in ay ka hor imanayaan qaanuunka USA State Department , maadaama uu jiro qodob la xiriira doonyahay oo ku qoran liiska loo yaqaan United States Munitions List.

Kathryn Cramer waxa ay sheegtay in qoraalo badan oo loo soo diray su'aalo lagu weydiinayo, mid kamid ah su'aalahaasna ay ugu weyneyd: Yaa bixinaya lacagtan $55 million ah? Su'aalaha oo xitaa ay is weydiisey hay'adda wararka ee Reuters (qormadeedii 28/11/2005 ee xusayey in aysan cadayn meesha ay ka imaneyso lacagta lagu bixinayo heshiiskaas, maadaama ay dawladda Soomaaliya ku tiirsan tahay mucaawinada deeq bixiyayaasha). Waxaa jirtey in markii hore la isla dhex maray in la xusay lacagta Midowga Yurub (EU) ee toddobaadka wararka lagu sheegay in ay dhici karto inloo adeegsado in la siiyo "Top Cat", laakiin waxaa la ii sheegay, ayey tiri, arrintu sidaas ma aha. Haddaba haddii aan Midowga Yurub ahayn, markaa waa ayo? ayey is weydiisey. Waxana ay halkaas ku xiriirisay war ku saabsan shirkii  Nairobi ka furmay (23/11/2005) kaas oo socdey muddo afar maalmood ah kaas oo loogu talo galay in wax laga ogaado baahida Soomaaliya si loo horumariyo Soomaaliya - JNA (Joint Needs Assessment).

Waxaa kale oo ay sheegtay in la soo weydiiyey, xaggee ayey "Top Cat" ka dhigan doontaa deked ay adeegsato. Ms. Cramer oo la hadleysa akhristayaasha waxay tiri: xusuusnow in dalkani - Soomaaliya - yahay kii ay dawladiisa Kumeelgaarka ahi ay diidey in ay tagto caasimada Muqdisho arrimo la xiriira ammaanka awgeed. Sidaa dareedeed maxay u adeegsan doonaan marso ama deked ahaan. Yaa ilaalinaya doonyahooda dgeereeya? Waxaan u malaynayaa in doonyaha xawaaraha dheereya ay faa'iido yeelanayaan burcad-badeedada. Ayey tiri.

Ms. Cramer oo qoraalkeedii sii wadata waxa ay xustay qormo ay qortay shabakada Mountain Runner, taas oo ah: in shirkada "Top Cat Marine Security" ay u diiwaan gashan tahay magaca Laura Casini, kuna diiwaan gashan guri la degan yahay (ama goob aan ganacsi ahayn). Waxa loo xusay meesha shirkadaasi ka diiwan gashan tahay sababtoo ah in ay xiiso leedahay taasi waayo, ayaa qoraalku raciyey, waxa hawl-galkooda loo wareejiyey magaalada St Stephen, South Carolina, laakiin xaaladu waxa ay is bedeshey bishii October ee 2004. (Qoraalku waxa uu xusay in gabadha lagu magacaabo Laura Casini ay ilmo adeer yihiin Peter Casini. Waxaana magaalada New York uga diiwaan gashay Baar (meel khamri) oo cinwaankiisa sida laga yaabo ku diiwaan gashan guri la degan yahay oo ku yaal wadada Queens.)

Waxa kale oo la xusay in shabakada "Top Cat - www.topcatmarinesecurity.com" laga bixiyey linkiyadii qoraladu ku qornaayeen, kaddib markii su'aalo ka yimaadeen heshiiskii Soomaaliya ay la saxiixdeen ee ahaa $55 million oo doolar muddo lab asano ah...

Ms. Cramer waxaa indhaheeda soo jiitey qoraal kusoo baxay shabakada Voices Magazine, qoraalkaas oo difaacaya shirkada "Top Cat". Waxana ay calaamad saartay hadal halkaas ku qoran oo ah: Shirkada xarunteedu tahay magaalada New York ee Topcat Marine Security ayaa  heshiis qiimihiisu dhan yahay in ka badan $50 million la saxiixatay dawlada Federaalka Kumeelgaarka ah, taasoo kumeel gaar ahaan u degan Nairobi (waa sida warku u dhigaye) si ay u gelbiyaan maraakiibta maraya biyaha Soomaaliya.

Waxa ay Ms. Cramer tiri: waxaan calaamadiyey qayb kamid ah hadalkii qoraaga taageersan "Topcat", waayo waxaa dhici karta in ay tahay arrintii ku dhalisay Casini ama tagerayaashiisa ee gacan siinaya hadalkii aan qoraalkayga ku bilaabay ee ahaa in burcad-badeed ay weerareen markabka dalxiiska ahaa. Waxaana ay Ms. Cramer sheegtay in jariidadaasi ay bixisay aragti cusub oo ah waxa xaqiiqo ahaan ay qabanayaan 'Top Cat', oo ah waxa ay kontonka million ku qabanayaan, oo ah Gelbin? Hadaba marka waxay qabanayaan gelbin? Laakiin haddii ay wax gelibinayaan waa in ay la dagaalamaan burcad-badedka, sow sidaas ma aha? Sida Hub? sow sidaas ma aha? ayey qoraalkeeda ku xoojisey. Waa meeshaas halka ay akhristayaashu rabaan in ay ogaadaan. Sidaas daraadeed haddaan ku laabano arrintii cunaqabataynta Hubka, ma wexey soo dejisanayaan hub?, ay tiri.

Kathryn Cramer waxa ay xustay qoraal cinwaankiisa laga dhigay:- "Soomaalia: Dawlad Qaran, mise carruur joogta dukaan nac-naca lagu gado?" Waxana qoraalkaasi xusan sida loola yaaban yahay in dawlada xubneheeda ku kooban Jowhar ee aan tegi karin magaalada deriska la ah iyo Balcad sidee ayay u saxiixi karaan heshiis malaayiin doolar ah iyadoo aysan jirin soo bandhigid, tartan loo galo cida heshiiskaas qaadaneysa, maxkad sare oo aan dalku lahayn iyo cid madax bannaan oo kor kala socota aysan jirin. (Baarlamaan ka dooda).

Websiteyada ku xiriirsan qormada Ms. Cramer oo aan qayb ka soo qaadanay ayaa u qornaa sidan:

  • Shabakada Mountainrunner ayaa qortay: Shirkadii HAFZA waxa ay bishii March 2005 joojisey hawsheedii ku aadanayd Puntland arrimo la xiriira ammaanka awgeed. Heshiskaas hore ee HAFZA waxa uu ahaa $50 million oo doolar. Malaha waxaa isku aad lacagta HAFZA iyo tan TOPCAT ayadoo aan loola qasdin, laakiin waxaa dhici karta in ay tahay 'albaab dambe' oo lagu weecinayo mashruucii HAFZA oo loo adeegsanyo qaab kale. (Sida la xusuusto Bishii Febraayo 2005 shabakada "shirkada" Hafza ayaa shaaca ka qaaday waraaqihii lagu saxiixday heshiis la sheegay in la kiraystay magaalada xaafuun muddo 99 sanadood ah. Heshiiskaas oo Xaafuun ka dhigaysa mid si toos ah uga madax bananan sharciyada iyo qawaaniinta Soomaaliya iyo kan Puntland.. [Eeg halkan....])
     
  • Shabakada Gasandoil ayaa qortay: Ethiopia iyo shirkad Duch ah oo magaceedal ayiraahdo Pexco ayaa makey taariikhdu ahayd 19-10-05  waxay kala saxiixdeen  heshiis la xiriira shidaal ka barista dhulka Soomaalida ee loo yaqaan Ogaden ee bariga Itoobiya ka xiga. Heshiikaas waxaa magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Itoobiya oo lagu magacaabo Alemayehu Tegenu iyo qareenka shirkada oo magaciisu yahay Keith S. Jackson. Heshiiskaasi waxa uu dhigayaa in muddo 25 sano ah shidaal qodista laga samayn doono gobolka Feerfeer iyo Abred. Waxaana lagu qiyaasay aaga bedkiisu yahay 29,865 sq km in dakhliga ugu horeeyaa uu noqon doono $5 mm.
Petercasini
Daawo Waraysiga Fox News...

Kathryn Cramer oo qoraalkeedii sii wadata waxa ay xustay waraysigii November 27-keedii ee FOX NEWS la yeeshay Peter Casini ee uu kaga hadlayey qandaraaska Soomaaliya. Waxana ay xustay in uusan waraysigaas ku bixin akhbar badan, uusan u hadlin si cod karnimo ah... [ Daawo halkan...].

Kathryn Cramer waxa ay shabakadeeda ku qortay in loo soo diray email hanjabaad ah, waxana ay qortay IP-Adrresskii looga soo diray, emailkaas oo ay sheegtay in lagu soo qoray erayo ay kamid yihiin:

Haddii la rabo in xaqiiqada la ogaado waa in la baaro Kathryn Cramer xiisaha wareersan ee ay ku burburineyso shirkada doonyaha. Sidaas daraadeed su'aashayda ku saabsan adiga -Kathryn- waxay tahay mid fudud - sawirada qoyskaaga? Yaa adigu tahay xaqiiqadii? ma kuwa xeebaha waardiyeeya? Haddii qof uu gaari-boolis ka iibiyo booliska magaalada qofkii wax iibiyey ma waxa uu noqonayaa boolis?

Ms. Cramer waxa ay ku jawaabtey qormo yar oo ay shabakadeda ku daabacday oo ay tiri:- maadaama sawiradu muujinayaa (waa sawirada websitekeeda'e) qof caato ah oo caddaan ah oo timaheedu casuus yihiin oo carruur haysata, ma ahi midna arrimaha sare.;- waxana ay halkaas ka dhigtay [Linkigan...]. [Waxana ay xustay in qoraaladaas ay qortay ay sababeen in emailkeeda ay kusiyaadiyeen Nigerian Spam].

Waxana ay tiri iyadoo qormadeedii halkii ka sii waday, sidoo kale waa in aan sheego in ay muuqato in dad badani lacag ku leeyihiin Casini iyo hawlgalkiisa, dadkaas oo aad iyo aad u danaynaya in ay ogaadaan cinwaankiisa. Meel uun kamid ah Virginia waa malahayga ugu dhow in uu hadda ku sugan yahay, ayey tiri Kathryn Cramer.

Waxana ay dubadiiba qoraalkeeda ku xejisey warkii Voice of America ee Dec 1, 2005, ee ahaa in khubarada ku xeel dheer tamarta ay sheegeen in sannadka 2020 in afar-meelood-oo-meel Oil-ka ay adeegsan doonaan Maraykanku in ay ka iman doonto qaarada Afrika.

Qoraalada ay dadweynuhu kaga jawaabayeen qoraalkii Ms. Cramer ayaa waxaa kamid ahaa in qoraa uu yiri: Mr. Xasan Abshir oo wax ka saxiixay hesiishka macmalka ah, hadda uguma horeyso heshiis $50 million ah oo uu saxiixo, waa sida uu qoraalku u dhigaye. Waxana la xusay labadan dhacdo ee hore oo la sheegay in uu Xasan Abshir wax ka saxiixay laakiin aan waxba ka hir gelin heshiisyadaas.:

  1. Heshiiskii October 25keedii sannadkii 2000: Wax yar kaddib markii la doortay dawladii kumeel gaarka ahayd ee Carta, in Hassan Abshir Farah, oo ahaa wasiirkii macdanta, Biyaha iyo khayraadka dabiiciga ah, iyo wasiirkii Beeraha, Yusuf Moalim Amin, ay la saxiixdeen heshiis shirkad Maraykan ah oo magaceeda la yiraahdo WORLDWATER CORP.
  2. Total, Fina, ELF oo bishii February 2001 Soomaaliya la galay heshiis baaritaan shidaal.
Heshiisyada kale ee la xusay oo la sheegay in aan waxba ka qabsoomin waxaa kamid ah Heshiiskii ay DFKMG la saxiixatay shirkada reer Hindiya ee magaceeda la yiraahdo Sobha Renaissance Information Technology (SRIT), heshiiskaas oo ka dhacay Hidiya  July 21, 2005, waxaana Soomaaliya u sdaxiixay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Xasan Axmed Jaamac, Lataliyaha gaarka ah ahna Afhayeenka Madaxweynaha, Yuusuf Maxamed Ismaacil  iyo Agaasimaha guud ee xafiiska ra'iisul wasaaraha,  Maxamed Cali Nuur.
[Eeg halkan.. English version]

Linkiyada kale ee qoraalkaas kusii xiriirsan waxaa kamid ah qaybo ka hadlaya heshiiskii Terry iyo DGPL ee ku saabsanaa shiidaalka iyo Khayraadka Puntland, mid kamid ah qorayaasha ayaana heshiiskaas meel kaga xiriiriyey Xasan Abshir Faarax.

Qoraa kale oo muujinaywy qaabka ay tahay dawlada Soomaaliya ayaa yiri: Bal ila eega dawlada laga hadlayaa waatan, waxana uu link u sameeyey Vedio-gii TV-ga ABC Australia ka soo duubay Jowhar Bishii September ee sanadkan 2005.. [ Halkan ka Daawo Video Jowhar.... ].

Qorayaasha arrintaas ka dooday waxay hadalkooda ku xoojiyeen saxiixa wasiirka kalluulaysiga ee heshiiskan (TOPCAT & SOOMAALIYA ee $55 million iyo labada sano) in looga dan lahaa in arrinta dhabta ah ee meesha ka jirta la majara habaabiyo, waxaase meesha ku jiraa waa in loo dig iyo dam leeyahay Batroolka Soomaaliya, gaar ahaan bartroolka ku jira badda. Waxayna xuseen sida "calooshooda u shaqaystayashu" ay guusha uga gareen dalka Angola, labada kooxood ee UNITA iyo MPLA, waa sida qoraalku u dhigaye. Waxana ay xuseen "calooshooda u shaqaystayaasha" ku sugan Koonfur Afrika iyo kuwa ku sugan Jabuuti ee loo yaqaan French Legionaries.

Waxana ay qorayaashu xuseen in shir December 7, 2005 lagu qaban doono Minneapolis looga hadli doono sidii Afrika looga cirib tiri lahaa "Calooshooda u shaqaystayaasha" - (mercenaries). Waxana ay intaas raciyeen in ay muuqato in shirkado calooshood u shaqaystayaal ah ay dalka Soomaliya ka cayrinayaan shirkadihii sharciga ahaa. Qoraalku waxa uu xusay , iyadoo aan lakala saarin, shirkadaha ilaa hadda la sheegay in ay heshiisyo la xiriira shiidaalka la galeen Soomaaliya in ay kamid yihiin: Conoco, Amoco, Phyllips, AGIP, Total, Range Resources (Puntland), Equitable Life Investment Company inc (Somaliland), Petronas iyo kuwo kale.


Heshiiskii Terry iyo Puntland

Kulankii Hargeysa ku dhex maray: Daahir Rayaale Kaahin iyo Mr. Meier (Reer Norway) & mr. Rajan Akhri halkan..

Sidaas daraadeed, ayey yiraahdeen, TOPCAT iyo saaxiibadeeda suurta gal uma noqon doonaan in ay hawgalka heshiiskaas hirgashadaan, waayo dalka Soomaaliya waa dal u kala qoqoban qabqablayaal-dagaal.

Waxaana qoraalku kusoo gabaga gabeeyey: In dadka Soomaaliyeed ay la gudboon tahay in ay si qumman u maamulaan khayraadkooda dabiiciga ah si ay uga gudbaan iska hor imaadka iyo macaluusha. Waxaana halkaas link looga dhigay sawirka aad hoos ku arki doontid oo muujinaya qof dumar ah oo Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalkeeda dhexdiisa aadna u tabaalaysan.. [Eeg sawirada hoose].

Isku soo xoorinta qormadan, waxay isugu buyo shubatay in shirkaas lagu sii xiriiriyey shirkado hore uga qayb qaatay heshiisyo dalal  Afrika ah oo dagaalo ka dhaceen, waxaana tusale loo soo qaatay shirkada Sandline International taas oo heshiis la gashay dalka Papua New Guinea sannadkii 1997 xukunkii Julius Chan, sidoo kale dalka Sierra Leone sannadkii 1998 heshiisna la gashay madaxweyne Kabbah iyo Liberia sannadkii 2003.

Halkaas waxaan uga gudbeynaa qaybo aan kasoo tarjumney qormadii dheerayd ee Kathryn Cramer, waxaadna hoos ka arki doontaa qaybihii kale ee aan kor ku xusnay ee la xiriirey qormadii wargeyska Daily Nation, qisadii TopCat & magaalada St. Stephen iyo Maxkamadihii musalifka ee Casini iyo qoraaladii laga qoray.

Arrin kale oo xusida mudan: 1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss),  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nur Elmy Osman. Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons. [Eeg Qormadii Sunta...]

Dhibaatada ka Muuqata Qaxootiga Soomaaliyeed eeKu Baro kacay Gudaha Dalka...

Qoraalada TopCat inta ka dhiman inta aadan u gubdin eeg sawiradii December 3, 2005 laga soo qaaday Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada qaxootiga ee ku taal meel 2 km galbeed kaxigta magaalada Wajeer halkaas oo ay ku jiraan in ka badan 730 qoys. Waxaa sawirka soo qaaday hay'ada wararka Reuters.


Qod dumar ah oo dhafoorada haysata

Qof dumar ah oo hurineysa dab

Gabar digsi dabka ku shideysa

Hooyo dhabta ku haysa ilmo yar
 
Safarada Madaxda DFKMG ah oo u ekaaday safaradii DKMG ahayd:::

Qoraa Soomaaliyeed oo u dhabo galay safaradii ay had iyo jeer geli jireen madaxdii Dawladii kumeel gaarka ahayd (DKMG) ee Soomaalida loogu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jauuti ayaa yiri dawladan Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) ee Soomaalida loogu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, marka loo fiirsado safaradood waxay u dhigmaan kuwii Carta xagga safarada iyo wax ka qabad la'aanta arrimaha ijtimaaciga.

Dawladii Carta ee uu madaxweynaha ka ahaa C/Qaasim Salaad Xasan waxaa waqtigu kaga lumay safarro dalal wadanka ka baxsan halkii ay isku mashquulin lahaayeen sidii dadka loogu jihayn lahaa qaab nidaamsan oo loo maaraynayo khayraadka wixii dalku haysto, kharashka ku baxaya safaradoodana loo yarayn lahaa. Waxaa haboon in dawladan FKMG ay ku tusaale qaadato dawladaas hore.

Qoraa kale oo Soomaaliyeed ayaa yiri: Waxaad moodaa DFKMG ee uu madaxweynaha ka yahay C/Laahi Yuusuf Axmed, in ay isku qarineyso: waxaan nahay labo garab oo kala jooga Jowhar iyo Muqdisho, waayo haddii ay meel isugu tagaan waxaa soo shaac bixi lahaa wax qabad la'aan tooda, hadase waxaa garab kasta marmarsiinyo u ah garabka kale ayaa hor taagan nabada iyo heshiiska - arrintaas oo u baahan in ay wax ka bedesho dawladani si aysan iyaguna sumcad xumo waqtigu uga dhicin, shacabkuna macaluul, waxbarasho la'aan iyo rafaad ugu dhammaan inta la sugayo heshiiska kuwa safarada hadba dal u gelaya.

VIDEO: TOPCAT OO SAXIIXAYNAYSA $55 MILLION OO AH HESHIIS LABO SANO AH | Ama DAAWO HALKAN::::
VIDEO:::
BOOQASHADII ABC TV AUSTRALIA EE JOWHAR, SOMALIA....
VIDEO:
WARAYSIGII FOX NEWS EE PETER CASINI....
COD/DHEGEYSI::
WARBIXINTII HESHIISKII TOPCAT & SOOMAALIYA:: (Somali)


Su’aalo ka Taagan Heshiis-badeedkii Soomaaliya

Qoraalkii Kevin J. Kelly ee New York iyo Stephen Mburu Nairobi


Xasan Abshir (bidix) oo gacan qaadaya Peter Casini (midig), markii lakala saxiixday heshiiska $55million. Waxaa dhex taagan Cali Maxamed Geedi | Sawirada Reuters viedo...

Bidix: Xasan Abshir, Geedi, iyo Casini

Casini oo Soomaalida ka saxiixanaya $55 million..

Daawo Video-ga Reuters ee saxiixii heshiiska



Qoraalka Daily Nation
 

Taariikkdii daabacaadda: 27/11/2005

Jariidadda “Daily Nation”- Kenya

Akhbaaraha shabakadaha wararka ee Maraykanka ayaa tilmaamay in shirkad ka diiwaangashan Maraykanka ay goosatay iney ka dhammeyneyso khatarta burcad-badeedku ku hayaan xeebaha Soomaaliyeed uu walaac ku jiro shirkadaas hab-dhaqaaleedkeeda .

Shirkadda "Top Cat Marine Security" oo heshiis labo sanadood ah kuna kacaya $ 55 milyan oo Doolar kula gashay dowladda Soomaaliyeed magaaladda Nayroobi Jimcadii (25/11/05) ayaa ku guuldarreysatay inay diyaariso mushaarkii shaqaalaheeda waqti ka mid ah sanidkii la soo dhaafay sida uu daabacay wargeyska la yiraahdo "The Post and Courier" ee ka soo baxa Charleston, South Carolina oo ah halka ay ka howlgasho shirkaddaasi.

Wuxuu kaloo wargeysku sheegay in Peter Casini oo ah madaxa cilmibaarista iyo horumarinta ee shirkaddaas lala xiriiriyey guuldarrooyin ganacsi iyo shirkado kacay (suuqa ka baxay). Casini iyo Geeddi ayaa si wadajir ah uga qeybqaatay xafladdii qalin-ku-duugga heshiiskaas oo ka dhacay Nayroobi.

Mr Casini wuxuu gaashaanka ku dhuftay akhbaartaas wuxuuna ka cagojiidayey inuu ka jawaabo su’aalo, mar telefoon lagula xiriiray.

Mar la weydiiyey in shirkaddoodu diyaarinweyday mushaarkii shaqaalaha iyo in kale ayuu yiri: “Maya. Mindhaa waxaad ka hadleysaan shirkad kale. Shirkaddayadu waa 'Top Cat'”.

Si kastaba ha ahaatee, mar e-mail lagu xiriiray si ay arrinta wax uga dhahaan ayaa  madaxweyne ku-xigeenka shirkadda qeybta xiriirka dadweynaha oo la yiraahdo Maryann Johnson tiri: “sheekada shirkadda laga qoray ayaa ahayd sanado hore waxaana qoray wariye ka soo jeeda magaalo yar oo isha warka uu ka helayba uu ahaa dambiile dambi ku cadddaaday. Shirkaddani weligeed si toos ah ugama warbixin arrintan.

Ms Johnson waxay tiri: “ shirkaddani dhaqaalo ahaan waa sugantahay waana degentahay waxayna kunturaad ka heysataa adduunkoo dhan iyadoo dhinaca ku heysa shirkadaha ugu waaweyn ee “badaha” difaaca.

Waxay kaloo sheegtay in Mr Casini uu ahaa madaxa cilmi-baarista iyo horumarka laguna abaalmariyey bilad-sharaf ah in loo magacaabo mid ka mid ah seddexda shirkadood ee ugu horreeya samaynta doonyaha dunida ka jira.

Waxay ku dartay in Mr Casini uu ahaa shaqaale ee uusan ahayn mulkiilaha shirkadda.

Markii heshiiska qalinka lagula duugayey Soomaaliya ayaa Casini sheegay in shirkaddu diiradda saaridoonto markab weyn oo istaaga meel xeebta ka durugsan kaasoo diraya/adeegsanaya diyaarad yar si ay u weerarto maraakiibta ganacsiga.

"Top Cat" waxay kunturaadyo la gashay hay’adaha dowladda Maraykanka.

Febraayadii dhoweyd, shirkaddu waxay u dirtay doon kuwa wax waardiyeeya ah oo lagu magacaabo “Cobra Predator” kooxda kahortagga argagixisada ee ka howlgasha Gobolka Maryland. Doon baa loo gatay iney gacan ka geysato ilaalinta warshad nukliyeerka dhalisa oo u dhow Washington, DC.

 “Senitor” Maraykan ah ayaa bogaadiyey sida ay wax-ku-oolka u yihiin doomahaasi.  

Sidaas ayey qoryay jariidada Daily Nation ee ka soo baxda magaalada Nairobi ee dalka Kenya. [Eeg halkan - Eglish Version]


Dhibka Heysta shirkadda Top Cat oo Rajo-darro ku Reebay Magaalada St. Stephen (Gobolka South Carolina, USA)

Qore: Nita Birmingham oo ka socda jariidadda Post and Courier. [Daabacaad: Oct 12, 2004]

St. Stephen waxay u muuqatay iney heshay lammaane wax ka qabandoona shaqo la’aantii heysatay kaddib Markii shirkadda samaysa doonyaha aan xabbaddu karin ay sheegtay iney ka howlgaleyso St. Stephen oo shaqo yaraani ka jirtay bishii Abriil ayna howlgelindoonto shaqaale dhan 250 qof.

Laakiin lix bilood kaddib ayaa St. Stephen waxay ku dambeysay maxkamad iyo kala-furasho aan la mahadin.

150 doomood oo la filayey in shirkadda Top Cat soo saarto sanadkeeda ugu horreeya kuna sameyso meel horay warshad koronto u ahayd oo ku taal duleedka S.C. Highway 45 ayaan waxba ka soo naaso caddaan. Shaqo-abuurkiina warkiisaba daa.

Pad Lock RenderTaas cagsigeeda, albaabkii shirkadda waxaa lagu dhuftay quful, shirkaddiina waxaa soo wajahday in laga saaro meeshay degeneyd, mid ka mid ah madaxdeediinna waxaa loo taxaabay xabsiga iyadoo lagu eedeeyey wax isdabomarin sidoo kalana  waxaa lagu xukumay lacag lagu leeyahay Isniinta.  

Madaxa shirkadda Onyx International, Vincent Chappell oo ay bakhaarada  isla isticmaali jireen Top Cat iskuna dayey inuu shirkaddaas ka caawiyo iney meel kale degto ayaa sheegay in yaabiso u timid. Dadkiina neeftii baa ka soo boodday, annaga keliya maaha laakiin dadweynihii xaafadda degennaa oo dhan.


Jim Rozier

Wax soo saarka Top Cat iyo guuritaankeeda ay ka guureyso New Jersey oo u guureyso St. Stephen ayaa u muuqday mid qumman, waxaa sidaas yiri kormeeraha degmada Berkeley, Jim Rozier. Shirkadda waxaa loogu talogalay inay doonyo dheereeya oon xabbaddu karin u sameyso hay’adaha sharci ilaalinta, kuwa shilalka u gurmada iyo kuwa ka hortagga argagixisada. Shirkaddu ma helin wax ku dhiirrigeliya iney meel kale ka howlgasho. 

Madaxa howlgalka Top Cat, Peter Casini ayaa bishii Abriil sheegay in guuridda shirkaddu abuuridoonto ugu yaraan 75 shaqo sanadka soo socda dhexdiisa sidoo kalana la filayo in shaqadu ay seddex-jeer-laab kordhidoonto labo sano gudahood.

Waa war ay ku faraxdo magaalada St. Stephen iyo nawaaxigeedu maxaa yeelay waxa meesha ka baxay 1,000 shaqo tobankii sano ee u dambeeyey, waxaa sidaas yiri duqa magaalada, Robert Hoffman waqtigaas.

Waxaa dhowaan shaqo la’aan soo istaagay 300 qof kaddib markii markii Georgia-Pacific ay xirtay warshaddii Russellville plywood sanadkii 2002. 

Tirokoobkii shaqo la’aanta ee gobolka Berkeley wuxuu ahaa 4.6 boqolkiiba bishii Agoosto.

Madaxweynaha shirkadda Onyx International, Gwendolyn Crosby, ayaa u dhuundaloosha dalabaadka shaqada ee shirkadda. Onyx waa shirkad yar oo ku shaqo leh bakhaaro iyo daabbulaad. Crosby waxay dhowaanahan u baahneyd 50 qof shaqo afar maalmood ah. Waxaa shaqadii soo raadsaday dad ka badan 300 oo qof ayey tiri Crosby, waxayna heleysay telefoonno waqti dheer ka dib markii shaqadii lagu kala baxay.

Waa wax laga xumaado in Top Cat ka soo bixiweyday balanqaadkeedii. “Waxaan joognaa meel dhaqaalaheedu aad hoos ugu dhacay markaad isu fiiriso shaqooyinkii la lumiyey iyo kuwa la abuuray. Waxay la mid tahay adoo ku soo dhacnay meel cidla’ ah,”. Waxaa sidaa yiri duqa Hoffman.

 Rozier iyo Maamulaha dhaqaalaha ee degmada Berkeley, John Scarborough, ayaa sheegay in aad mooddo in dhaqaaluhu u saamixin shirkadda Top Cat. Hoffman wuxuu yiri ma garanayo waxa ku dhacay shirkaddaas kaddib balanqaadkeedii hore. 

”Waxaan aniga lafteydu isku dayey inaan u kuurgalo shirkadda labo jeer anigoo cagaheyga ku socda ayaan booqday si aan u arko waxa meesha ka socda laakiin meeshii cidna kama helin,” waxaa sidaas yiri Hoffman.

Isagu ma ahayn qof keliya ee xiiseynayey shirkadda Top Cat.

"Dad badan oo ka socda hay’adaha sharci ilaalinta ayaa shirkadda u dhabbogalayey mana filayo iney ahaayeen dad u socday iney doomo gataan,” waxaa sidaas yiri Crosby. 


Qoraalkii Maxkamada Musalifnimada.. Guji

Ganacsato iyo dad kale oo arka albaabkii Top Cat oo quful lagu dhuftay ayaa ku hakada xafiiska shirkadda Onyx iyagoo weydiinaya in shirkadda Top Cat ay weli shaqeyso iyo in kale iyo weliba goorta shaqaalaheedu imaandoonaan, Crosby baa sidaas sheegtay. 

Ma jirto cid ka socota Top Cat oo soo xaadirtay maxkamad ku taal Moncks Corner Isniintii dacwo-lacageed yar darteed si ay isaga difaacaan dacwad ay soo oogtay shirkadda Onyx oo ku saabsan in Top Cat ay bixinweyday lacag koronto. Garsoore David ayaa hoosta ka xariiqay lacag dhan $ 5’960.45 oo aysan Top Cat bixin.

Madaxweyne ku-xigeenta shirakadda Top Cat qeybta iibka iyo kunturaadyada, Marianne Cillard oo 36 jir ah ayaa laga rabaa maxkamadda sare ee St. Stephen maanta kaddib markii xabsi la dhigay asbuucii hore - (waa maalintii wargeysku qoraalka qoray oo ahayd Oct 12, 2004). Gillard waxaa lagu eedeeyey iney qortay jeeg dhan $ 650 oo lagala baxay bangi ku yaal New Jersey. Gillard waxay sheegtay ineysan diyaar u ahayn inay ka hadasho arrintaas maalintii la xiray ka dib waxayna su’aalihii u gudbisay qareemada shirkadda iyadoon markaas qareemada lala xiriirikarin si ay arrinta faallo uga baxshaan.

Waxaaa kaloo maxkamadda ku taal Moncks soo oogtay warqad dhul-ka- saarid ah oo ka dhan ah Gillard iyo Casini oo guryo ka kireystay xaafadda Pinopolis. Iskuduwaha maxkamadda ayaa sheegay in warqaddii ka saaritaanka ahayd aan wax laga qaban maxaa yeelay Gillard iyo Casini oon meel loogu hagaago la aqoon.

Teleefoonka Top Cat ee magaalada St. Stephen ayaan shaqeyneyn sidoo kalana ma lahayn teleefoon ku horqornaa magaca Casini.

Sidaas waxaa qortay jariidada Post and Courier. [Eeg halkan.... English version]

  • Xog: Magaalada St. Stephen waxay ka tirsan tahay South Carolina, USA. Magladas tirada dadka ku nool waxaa lagu qiyaasay 1,754 ( tiro koob la sameeyey July 2004)


Mulkiilaha shirkadda Top Cat Security Casini ooy uga qorantahay musalaf  New Jersey dhexdeeda.

Tarjumadii qormadii Aamina Cabdi Maxamuud ee 28 November, 2005

Jimcihii bishu ahayd 24 Nufeembar ayaa dowladda ku-meelgaarkaa ee Soomaaliyeed kunturaad labo sano ah oo ku kacaysa $ 55 milyan la gashay shirkadda Top Cat oo ka diiwaangashan Egg Harbor, New Jersey, USA. Cinwaanka shirkaddaas, waqtigaan xaadirka ah lama oga. Qoraalo-maxkamadeed ayaa caddeynaya in Mr. Casini oo helay go’aano looga xirayo guriguu degenaa iyadoo lagu dabojoogo canshuuro iyo wax la mid ah. Booqo boga labaad ee xogtii maxkamaddaa: [Guji halkan....]

Heshiiska waxaa weeye in shirkaddaasu la siiyo lacagta kor lagu xusay iyadoo bedelkeeda laga rabo iney hesho waddo ay kalluunkii iyo kheyraadkii badda Soomaaliyeed dib loogu soo cesho Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta sheeko khalad ah oo la siiyey warbaahinta caalamka - in shirkaddu ka caawineyso dowladda ku-meelgaarkaa iney dhammeyneyso burcadda badda. Ka hor March 2005 ma jirin burcad-badeed abaabulan. Laakiin waxaa isweydiin mudan maxaa kor u dhigay burcad-badeedka kaddib intii la doortay madaxweyne C/hi? Waxaa jira su’aalo kale oo ku wajahan kor u kaca burcad-badeedka iyo qaabka doomaha cad cad oo dheereeya loogu isticmaalayo burcadnimada oo la helay.

Heshiiskani wuxuu u dhaxeeyaa labo qeybood oo musalifiin ah: Midi waa Mr. Peter J. Casini, maareeyaha shirkadda Top Cat iyo Xasan Abshir oo ay u magacaawday wasiirka kalluumeysiga dowlad aan shaqeyneyn oo ku-meelgaar ah.  

Labada dhinacba waxay qaadanayaan mas’uuliyadda wixii ka yimaadda cidday sida khaladka ah u matelayaan. Shirkadda Casini waxay mas’uul ka tahay waxa uu ka yiri shirkaddiisa isagoon bannaanka soo dhigin iney muddo 4 jeer musalifeen iyadoo arrintaasi ay gashay diiwaannada makxamadaha New Jersey. Xasan Abshirna wuxuu mas’uul ka yahay  metelaadda khaladka ah maaddaama uusan heysan awood u fasaxeysa inuu kunturaad galo iyadoon la heyn sharci fasaxaya iyo dowlad loo dhanyahay midna. Dowladdu waxay u qeybsantahay labo kooxood oo kala jooga Jowhar iyo Muqdisho. Xasan Abshir wuxuu ku qabiilyahay madaxweyne C/hi oo Jowhar deggen. Heshiiskan mugdigu hareeyey ee lagu matalayo dadka Soomaaliyeed ayaa ah eex cad ahna waxa dhidibbada u aasay iska-horimaadka jira.

Taariikhda Peter Casini

Mr. Peter Casini wuxuu u dhashay qoys Maraykan ah oo Talyaaniga ka soo jeeda wuxuuna sanadkii 1991 bilaabay inuu dhiso oo qaabeeyo doomo isagoo isticmaalaya magac-ganacsi ah “Cobra” halka la yiraahdo Grand Egg Harbor River oo ku taal New Jersey.

Mr. Casini waxaa la soo darsay musalafnimo dheer iyo in dhowr jeer shirkaddiisa lala beegsaday sharciga gobollo badan sida Texas, South Carolina iyo New Jersey. 

Sida ay maxkamad caddeysay, Mr. Casini wuxuu soo maray afar jeer oo shirkaddiisa doomuhu kacday ilaa 1992 isagoo mar walba qaadanayey magacyadan: 

  1. Marine Investors Inc., oo laga dhisay/diiwaangashay New jersey (NJ) 1995. Shirkaddu waxay kacday 1999.
  2. Cobra Sport Fishing Boats Inc., laga diiwaangashay Egg Harbor, NJ waxay gashay musalafnimo iyadoo uu qabtay cutubka 7-aad ee musalafnimada ee u yaal Maraykanka NJ dhexdeeda. Keyskani wuxuu wataa summadda ah 01-14277- NJ.
  3. Cobra world Champion Powerboat Corp., laga diiwaangeshay NJ bishii Febraayo 2000 iyadoo magacyadaas horana jiraan. Waxay wadataa summad ah 01-16889-NJ.
  4. Tsunami Marine Manufacturing Corporation oo la sameeyey bishii Febraayo 2000 waxaana lagu daray shirkadaha kacay bishii July 2001. summaddu waa 01-16890-NJ.

Sharciyada lala tiigsaday Mr. Casini

1.  Graustein vs. Casini’s Marine Investors Inc.:

Kiiskan wuxuu ka dhanyahay Casini oo jabiyey qandaraasyo (kuntaraadyo) sidoo kalana  dayacaad sameeyey. Bishii July 2000 maxkamad ku taal Texes ayaa u xukuntay Graustein  inuu la siiyo lacag dhan $ 175,000 iyo khidmadii qareemada oo dhan $ 75,000 marka la isku geeyana gaaraya $ 250,0000. Mr. Grasustein wuxuu kaloo soo oogay dacwad kale oo ka dhan ah shirkadda Mr. Casini laakiin dacwaddii waa la iska tuuray maaddaama ay shirkaddii Casini ay musalaftay. Isha mari shabakada internetka ee cinwaankeedu yahay: Ref. http://www.njb.uscourts.gov/ [Eeg Halkan..]

2- Dacwad yar oo ka dhacday maxkamad ku taal Moncks Corner, South Carolina. Shirkad la yiraahdo Onyx ayaa dacwad ku oogtay Top Cat iyadoo loo heystay ineysan bixin lacagtii khidmooyin loo qabtay ooy ku jirtay lacag koronto. Xaakim David Brown ayaa qalinka ku dhuftay lacag aysan shirkaddaasi bixin oo dhan $ 5,960.45. Sheekadaas ka fiiri cinwaankan: http://charleston.net  [Eeg halkan...]

Akhristayaal waad isweydiin kartaan: 

Maxay C/hi Yuusuf iyo Xasan Abshir iyagoo matalaya ummadda Soomaaliyeed ku keeneen inay la saxiixdaan heshiis khalad ah shirkad kacday oo leh taariikh dheer oo musalafnimo ah, aan heysanna wax hantiya oo weliba lahayn cinwaan sugan oo loogu soo hagaago? Khidmo yar ood bixiso ayaad ku ogaankartaa inaad macluumad ka heshid shirkadaha sharci ahaan sugan ee dunida ka diiwaangashan. Waa nasiib-darro inay Soomaali metelaan dad noocaas oo kale ah oo indho xiran. Ka fiiri halkan maqaalkii shakiga lahaa ee jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda Kenya ka qortay shirkaddaas: [Guji halkan...].

Heshiiska sidaan oo kale qaaliga u ah wuxuu ku habboonyahay in lala galo shirkado caalami ah oo furfuran lehna dhaqaale iyo meel loogu soo hagaago mana ahayn in albaabka gadaale lagoo soo gesho shirkado tuugaa oo la soo xushay.

Qormadii Aamina Cabdi Maxamuud oo Af-Ingriisi ah [ka eeg halkan.. English version]

Halkan ka daawo Waraysi lalayeeshay Peter Casini


Tixraac:


http://www.asx.com.au/asx/research/CompanyInfoSearchResults.jsp
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD