SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


Garowe: Murankii miisaaniyadda oo Go'aan uu ka Qaatay Cadde Muuse....

(Garoowe July 16, 2006): Madaxwaynaha DGPL Cadde Muuse ayaa hortagay golaha wakiilada  DGPL wuxuuna u sheegay in miisaniyadda sideeda loo daayo marka laga reebo xaaladaha deg dega ah  oo la xiriira ammaanka, waxana uu sheegay in miisaniyadda sidii loo go'aamiyay loo meel mariyo islamarkaana sideeda dadka wax loogu qabto. Go’aanka M/waynaha ayaa la xiriira kaddib marki Guddiga dhaqaalaha Puntland ay M/waynaha, kuxigeenkiisa iyo Wasiirka Maaliyadda u yeereen kadibna ay u soo jeediyeen in Miisaaniyada dawlada aysan u bixin sidii loogu talagay oo la bixiyo kharashaad ka baxsan Miisaaniyadda islamarkaasna aan wax mushahar ah la siin shaqaalihii dawladda iyo ciidanka. 

Axmed-barre oo ka mid ah Xildhibaanada Guddiga Dhaqaalaha , ayaa M/waynaha u soo jeediyay in loo baahan yahay in shaqaalaha Mushaarkooda la siiyo si joogta ah gaar ahaan Ciidanka , wuxuuna sheegay in Ciidanka oo aan mushahar la siin , aan lagu amri Karin in ay ka shaqeeyaan arrimaha ammaanka iyo xuduudaha islamarkaana aysan ka hawlgali karin hawlgalkasta oo loo diro isaga oo sabab uga dhigay in niyadda ciidanku ay tahay mid diciifa taageerada ay dawlada u hayaana ay tahay mid liidada waayo ma helaan mushahaar joogto ah halka wasiirada, agaasimayaasha, iyo inta ku cunta kugu dulnoolaaday ay bil walba helaan mushahaar aad xad dhaaf u ah, taasina waxay cadaynaysaa musuqmaasuqa baahsan ee ku jira DGPL oo aan cidina si waadixa shaaca uga qaadin.

Wuxuuna codsaday , hadii dhaqaale lagu bixinayo wax uu ugu yeeray xaalad abuur iyo caafimaad in loo qoondeeyo oo loo siyaadiyo dhaqaalaha loogu talagalay balse loo baahan yahay in markasta la helo mushaarka gaar ahaana ciidamada ammaanka iyo kuwa daraawiishta.

Axmed barre waxa uu yiri ma seexanayno guri mana joogi karno amaanka oo xun, waxaana amaanka gacanta ku haya waa ciidanka amaanka hadaysan helin mushahaar wasiir gaari cad kuma soconayo waxaana loo baahan yahay in ay dawladu alle ka yaabto oo ay siiso ciidanka mushahaarka halka wasiir laga maslaxayo oo la siinayo kharash aad u badan oo uusan xaq ulahayn.

Cadde Muuse , ayaa garawsiiyo ka bixiyay hadalka Axmed-barre wuxuuna sheegay dhibaatada ugu badan oo haysata in ay tahay wax uu ugu yeeray xaalad abuur iyo warqado caafimaad , taa soo inta badan ka timaada 2-da Gole ee dawlada waxana uu sheegay Cade Muuse in uu sida ugu dhakhsaha badan loo bixinayo bil walba mushahaarka ciidamada iyo kuwa shaqaalaha dawlada, hadalkan Cadde Muuse hada ka soo yeeray ma'ahan mid dhagaha shacabka puntland ku cusub balse waa hadalkii uu markii uu ahaa musharax madaxtino ka jeedin jiray fagaarayaasha walina hadaladii uu ku galay iyo balan qaadyadii uu shacabka ka qaaday xiligii uu ahaa musharaxa lagama hayo Cade Muuse. 

Mar haday sidaa tahay Cade Muuse maxaa la gudboon, marar badan ayaa shacabka , xisbiga mucaaradka ah ee ramaas political party ay cade muuse u jeediyeen in uu iscasilo maadaama uu fulin waayay balanqaadyadii shacabka, islamarkaaana uu ka adkaan waayay musuqmaasuq baahsan ee ku jira DGPL.

Wasiirka maaliyada ayaa isna sheegay  in ay u badan tahay warqadaha Caafimaadka oo inta badan 2-da Gole , ay soo qortaan , Arday Jaamacado loo diro , Dhaqaale deg-deg ah oo la siiyo saraakiisha ammaanka marka ay yiraahdaan xaalad deg-deg ah baajirta , baabuur tira-badan oo loo gaday dawlada iyo masuuliyiinta dawlada , kharashaad badan oo ku baxa safarada iyo booqashada ay Masuuliyiitna DFKS ay ku yimaadaan gobolka. 

 Hadalkii wasiirka maaliyadda oo ay ardaydu ka hadleen.....

Hadalkii wasiirka maaliyadda DGPL ayaa ka xanaajisay arday badan  oo reer Puntland ah waxayna shegeen in uu hadalkaasi la mid yahay hadal ka soo yeeray nin aan mas'uul ahayn oo iska hadlay.

Arday badan oo kulamo kala duduwan ku kala qabtay xarumaha ardayda magaalada Garowe ayaa canbaarayn dusha uga tuuray wasiirka maaliyada DGPl waxayna sheegeen in aysan jirin hal arday oo dawlada puntland ay u dirtay jaamacad mana jiraan arday ay xitaa transportiga ka bixiyaan, wuuxuna ku quruxsanayaa hadalkiisa, beenta uu ardayda ka galayna nooguma ahaanayo wasiir ayay dheheen arday badani.

Ardaydaan ayaa sheegay in ay mudaharaad ka muujinayaan arinta uu wasiirka maaliyada kulakacay waxayna tusayaan shacabka reer puntland xaqdarada ay ku socoto DGPL lagana galayo arimaha bulshada. 

Ardaydani waxay sheegeen in wasiirka maaliyadu uu iska hadlay loona baahan yahay in ay dawladu is xisaabiso inta aan shacabku la xisaabtamin, taariikhda kuma hayno dawlada Puntland oo dhistay school ama jaamacad iyo mid ay maalgalisay toona sidoo kalena ma jirto arday jaamacado loo diray ama halaga bixiyo ama transportiga halaga baxshee waana hadalka soo yeeray hadalkii wasiirka  aan mas'uul ahayn waxayna ardaydaasi shegeen in ay ka doonayaan jawaab dawlada been abuurka ay dawladu kula kacday ardayda reer puntland. 

Madaxwaynaha DFKGS ayaa saaka laga filayaa in uu soo gaaro deegaanada puntland. 

Madaxwayanah DFKGS c/laahi yuusuf axmed iyo wafdi uu hogaamianayo ayaa la filayaa in ay saacadaha soosocda booqasho gaaban ku yimaadaan puntland iyaga oo ka soo dagi doona garoonka conoco ee magaalada caasimada u ah puntland ee Garowe.

Lama garanayo inta waftiga madaxwaynuhu ay ku sugnaan doonaan puntland.  DGPL ayaa magacowday gudi qaabilsan  qaban qaabada iyo soo dhawaynta waftiga madaxwaynaha somalia c/laahi yuusuf axmed.

Cade muuse ayaa shaaca ka qaaday in c/laahi yuusuf uu martiqaaday mana uusan shaacin sababaha uu xiligan u martiqaaday waxaase la ogsoonayahay in cade muuse uu golaha wakiilada DGPL soo hordhigay sharciga macdanta puntland kana codsaday in ay ansixiyaan kahore imaanshaha c/laahi yuusuf puntland taasi oo ay golaha wakiiladuna ay meel mariyeen sharcigaas oo ka koobnaa 9 qodob.

Waftigaas oo hadda soo gaarey Garoowe ka akhri warbixinta HALKAN.... 


c/risak koronto | Garoowe

Email: koronto@somalitalk.com
July 16, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD