SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


  • Golaha Baarlamaanka Puntland Ayaa Xisaabtan Maaliyadeed Ugu Yeeray Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Puntland.

  • Xubno ka socda shirkadda macdan iyo shidaal Baarista ee Consert ayaa manta booqasho ku tegey ceelka shidaalka ee ay horay u lahaan jirtay shirkada shidaalka ka qodi jirta ee Conoco.


Golaha Baarlamaanka Puntland Ayaa Xisaabtan Maaliyadeed Ugu Yeeray Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Puntland.

Iyadoo uu weli si rasmi uga socdo magaalada Garoowe Kalfadhiga Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Goluhu maalinimada Sabtida ah waxay u yeereen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada ee Puntland. 

Xildhibaan ka tirsan Golaha ayaa Radio Midnimo u sheegay sababta ay ugu yeereen masuuliyiintan in ay salka ku hayso xisaabtan maaliyadeed oo ay su’aalo ka weydiinayaan sida loo maamulay hantidii dadweynaha 6dii bilood ee ugu danbeysay. 

Xildhibaankan ayaa sheegay in aysan wax dhibaato ahi aysan ka taagneyn dakhliga u soo xerooday Puntland, wax is dhin miisaaniyadeed ahna aysan ku iman ilaa bishii Jun 2006da, haseyeeshee, uu mugdi weyni ku jiro sidii loo maamulay kharashyada baxay. 

Xildhibaanku wuxuu kaloo intaas ku daray in bil walba ay Puntland soo gasho hanti dhan 24 Bilyan iyo 500 oo Milyan, taasoo ku jaango’an miisaaniyada Maamul goboleedka Puntland oo ay ku jiraan Madaxyada deynbixinta, Gurmadka Degdega ah iyo Horumarinta, madaxyadan oo inta badan ah kuwa ay dhibaatadu ka taagan tahay sida loo maamulay lacagahooda. 

Warshada lacagta lagu daabaco ee Puntland ayaa iyadu daabacday in ku dhow 70 Bilyan oo Shilinka Soomaaliga ah, taasoo aan ku jirin miisaaniyada, dheerina ka ah, lacagtaasoo qudheedu shaki weyn laga muujinayo sida loo maamulay iyo cidda qaadatay. 

Weli waxaa taagan deymihii lagu lahaa dowladda, mushaharkii shaqaalaha iyo adeegyadii hay’adaha dowladda ee bishii Juun, taasoo dhan in ka badan 24 Bilyan. 

Waxaa sidoo kale dadka dhaqaalaha ku xeel dheeri welwel ka muujinayaan halka ay ku baxday lacagihii laga jaray mushaharooyinka shaqaalaha iyo adeegyada dowladda oo dhamaan 15% iyo 30%. 

Xisaabtanka iminka loogu yeeray masuuliyiinta ugu sareysa Puntland ayaa ah mid ay dadweynuhu si fiican dhegaha ugu taagayaan, waxaa jiray ballan qaad uu Madaxweynuhu uu shacabka reer Puntland ugu ballan qaaday xiligii uu doorashada ku jiray in uu dadweynaha u soo bandhigi doono wax walba oo jira, wuxuu kaloo ballan ku qaaday in uu la dagaalami doono musuqmaasuqa, iyadoo uu xiligan jiro guux dadweynuhu ay ka qabaan Wasaaradda Maaliyada Puntland oo iyadu siday doonto u maamusha dhaqaalaha Puntland. 

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Masuuliyinta sarsare ee Wasaarada iyo Bangigu ay ku halan yihiin siday u majara habaabin lahaayeen xisaabtanka dhabta ah ee laga doonayo in ay caddeeyaan. 

Aqoonyahano badan ayaa ku doodaya in la kala qaado Wasaaradda Maaliyada iyo xisaabiyaha Guud ee dowladda, isla markaasna xisaabiyaha guud ee dowladdana la hoos geeyo Madaxtooyada DGPL. 

Dad badan ayaa iyaguna waxay farta ku fiiqayaan xiriirka dhow ee u dhexeeya Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyada iyo Bangiga Puntland, waxaana la sheegaa in meesha laga saaray Maamulihii hore Bangiga Boosaaso Yuusuf Xuseen Aw Nuur (Dhacle), Xisaabiyihii Guud ee Hore ee Dowladda Axmed Daad, isbedeladaasoo u muuqday kuwo lagu doonayo in meesha looga saaro cid walba oo baahin karta khaladaadka ka jira Wasaaradda Maaliyada iyo Bangiga Magaalada Boosaaso. 

Bangiga Magaalada Boosaaso Ayaa Suuqyada Sarifka Lacagaha Ku Harqiyey Lacag Ay Leedahay Dowladda Federaalka 

Qiimaha sarifka Doolarka Mareykanka ee suuqyada lacagaha lagu sarifo ee Puntland ayaa dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey waxaa ku yimid sare u kac, iyadoo 100 Doolar uu isku shareeray 1.600.000 Sh.So. 

Sare u kaca sarifka Doolarka ayaa sariflayaashu ku eedeynayaan in uu sababay kadib markii uu Bangiga magaalada Boosaaso uu suuqyada soo dhigay lacag dhan 20 Bilyan Sh.So, taasoo loo sarifayo dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo. 

Qiimaha sarifka 100 Doolar ee Mareykanka ayaa in mudo ah fadhiyey 1.400.000 Sh.So, waxaana sare u kaca sarifka Lacagaha qalaad ay durba sababeen in qiimo barar uu ku yimaado badeecooyinka guud ee suuqyada lagu kala iibsado iyo shidaalkaba.

 Isha Warka: RadioMidnimo
Email:
radiomidnimo@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2006

Qoraaladdii Warbaahinta Hoos tagta DGPL Qoraaladii Warbaahinta ka madax bannaan DGPL
Warbaahinta Puntland ee sida toos ah u hoos taga wasiirada iyo madaxda sare ee DGPL, Weli  (July 13, 2006) wax kama qorin in baarlamaanka looga yeeray Madaxweynaha , Madaxweyneku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland u digniin u jeediyey Radio Garowe

TopStoryGaroowe - 12.July.2006 Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac ayaa digniin kulul u jeediyey Idaacadda Garoowe ee ka hawl gasha caasimadda
dawlad goboleedka Puntland ee Garoowe.

Xasan Daahir Afqurac, ayaa sheegay in Idaacaddaasi la albaabada la isugu dhufan doono haddii aanay ka waantoobin wax uu madaxweyne kuxigeenku ku tilmaamay ‘aflagaaddo iyo warar been abuur ah oo ay u geysteen mas’uuliyiinta sarsare ee dawlad goboleedka Puntland’.

Waxaa uu sheegay in Idaacadda Garoowe ay sheegtay in intii uu madaxweynaha Puntland uu dalka dibadda uga maqnaa uu lunsaday hanti qaran oo aad u fara badan isla markaasna uu wasiirka maaliyaddu uu ka shaqayn kari waayey madaxweyne kuxigeenka.

Arrintan ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Puntland maalintii shalay oo hadal u jeedinayey golaha wakiillada waxana uu sheegay in aanu ka war hayn hanti la lunsaday haddii ay jirtona la soo baaro, waxana uu cambaareeyey wararka Idaacadda Garoowe.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xasan Daahir ayaa sheegay in wararkaas oo dhan ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toonna lahayn, oo ay dhoodhoobeen dhallinyaro ka hawl gasha idaacaddaas.

“inamo yaryar oo qayrul mas’uuliyiin ah ayaa warar been abuur ah ka faafiya Idaacadda Garoowe” ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka Puntland oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe.

Idaacadda Garoowe ayaa la sheegay in ay faafisay warar is daba joog ah oo ka dhan ah xeerarka saxaafadda isla markaasna ka dhan ah mas’uuliyiinta sarsare iyo guud ahaan dawlad goboleedka Puntland, waxana ay arrintaasi ka dambeysey kadib markii uu Idaacaddaasi isaga tegey agaasimihii wadi jirey shaqada ee Nuur Muuse Birjeeb isla markaasna ay la wareegeen inamo yaryar.

SBC oo isku dayday in ay xiriir la samayso mas'uuliyiinta Idaacadda Garoowe si ay uga jawaabaan amaba wax looga weydiiyo eedaymaha loo soo jeediyey ayaanay taasi suura gelin.

Waxaa qoray Radiyo SBC

Baarlamanka Puntland oo ansixiyey heshiisyada macaadinta

Garoowe - 12.July.2006 Golaha baarlamanka dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey heshiisyada dawladdu ay la gashay shirkado
shisheeye iyo kuwa ay la geli doonto mustaqbalka, heshiisyadaas oo ku aaddan baaritaanka iyo soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, kadib dood dheer oo socotey muddo laba maalmood ah.

Kahor ansixinta baarlamanka ee baarista iyo soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, ayaa waxaa halkaasi lagu soo badhigay heshiiskii uu madaxweynuhu saxiixay ee ay xukuumaddu la gashay shirkadda Range Resource.

Xubnaha golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah oo ku ansixiyey heshiisyadaas, oo oggolaanaya in dalka Puntland si waaxyo ah looga baari karo macaadinta loogana soo saari karo.

55 xubnood oo ka tirsan golaha wakiillada Puntand oo dhan 65 ayaa oggolaaday sharciga soo baarista iyo soo saarista macaadinta ku jirta dhulka Puntland, iyaga oo tix raacaya dastuurka dawlad goboleedka puntland gaar ahaan qodobbadiisa 54.4 iyo 92.1.

ansixinta sharcigan ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo in Puntland uu dhowaan soo gaaro madaxweynaha federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, inkasta oo ay dawladda dhexe iyo dawlad goboleedku ay arrintan horay heshiis uga gaareen.

Waxaa weriyey Radiye SBC


Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey Heshiiskii Baarista iyo Soo saarka Khayraadka Puntland
2006-07-12

Garowe:- Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa maanta si aqlabiyad ah u ansixiyey qorshaha dowlada Puntland iyo
heshiiskii shirkada kula gashay Baaritaanka iyo Soo saarista Macdanta iyo Khayraadka dhulka Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka doodayey qorshaha khayraadka iyo macdanta oo Golaha Lasoo hordhigay oo ay horey usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada ee Puntland.

Qorshaha Baarista Macdanta iyo soo saarista Khayraadka ayaa waxaa si qoto dheer uga dooday xildhibaanada, ayadoo sidoo kale Golaha la horkeenay qoraalkii ay dowlada Puntland heshiiska kula gashay shirkada Range Resource.

Waxaa sidoo kale golaha la horkeenay heshiisyadii dhexmaray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ee la xariiray arrimaha Khayraadka.

Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Muse Xirsi (Cadde Musse) ayaa shalay mar uu Golaha Wakiilada warbixin usoo gudbinayey u sheegay in khayraadka Puntland uu laf dhabar u noqonayo nooleynta iyo xoojinta awooda dhaqaale ee Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland oo maanta cod u qaaday ansixinta heshiisyadan ayey 55 kamid ah 66ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland u codeeyeen in la ansixiyo heshiiskii horey ay dowlada ulla gashay shirkadaha.

Waxaa sidoo kale qodobakan la ansixiyey oo uu Baarlamaanka u cuskaday qodobada Dastuurka ee 54.4 iyo 92.1, lagu sheegay in sidoo kale dowlad loo ansixiyey heshiisyada kale ee mustaqbalka ayadoo golaha lasoo marinayo.

Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey qorshaha cusub ee dowlada ee ah in Shirkadaha baaraya Macdanta ama soo saaraya Khayraadka ay si waax waax ama (BLOCKS) ah uga hawlgalaan gobalada Puntland.

Qodobkan ayaa ah mid cusub oo ay Xukuumada wax uga bedashay heshiiskii hore ee ahaa in Puntland oo dhan ay baari karto hal shirkad oo kaliya.

Xukuumada ayaa hada sheegtay in Puntland shirkadaha wax ka baaraya loogu qeybin doono waax waax, isla markaana shirkado dheeraad ah ay imaan karaan gobalada.

Waxaa weriyey Horseed
 

Warkaas ku saabsan in baarlamaanka looga yeeray Madaxweyneku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Puntland waxaa daabacay warbaahinta aan hoos iman madaxda sare ee DGPL.


Xasan Dahir "Afqurac" oo handadey Radio Garowe

Posted: 2006 Jul 13: Madaxwayne ku-xigeenka DGPL Xasan Daahir oo ku hanjabey in Maamulkiisu xirayo Idaacada Radio Garowe.

Hanjabaada Afqurac ayaa ka dambeysay markii qaar ka mid ah saxaafada madaxbanaan ay faafiyeen hadalkii ka soo yeeray Madaxwaynaha DGPL Maxamud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) in hanti la lunsadey inta uu dalka ka maqanaa.

Warkaas oo, sida la sheegay, Madaxwaynuhu Baarlamaanka hortiisa iyo si gaar ahba "Private" looga xigtey ayna tebiyeen Website-yada ay ka mid yihiin
Somalitalk, Puntlandpost  iyo Garowe Online.

Madaxweyne ku-xigeenka DGPL Afqurac ayaa sheegay in warkaas uusan lahayn sal iyo raad toona wuxuuna ku daray in bahda Radio Garowe ay buunbuuniyeen wararkaas asagoo magacaabin hay'adaha kale ee warbaahineed oo isla warkaas faafiyay.

Waxaa daabacay Garowe Online


Garoowe:-Xubno ka socda shirkadda macdan iyo shidaal Baarista ee Consert ayaa manta booqasho ku tegey ceelka shidaalka ee ay horay u lahaan jirtay shirkada shidaalka ka qodi jirta ee Conoco.

July 13, 2006: Shirkadan ayaa waxaa safarkeeda ay halkaas ku tagtay waxaa ku weheliyey madaxweyna ku xigeenka iyo gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

Shalay ayey ahayd markii Golaha Wakiiladda Puntlan ansixiyeen Xeerka macdan iyo shidaal Baarista ,  Waxaana waqtiyadan dambe Muuqanaya inuu sii yaraanayo xurguftii ka jirtay soo saarida macadanta iyo shidaalka Puntland .

Waxaase shaki abuuraya Shirkadda Consert oo la sheego inay  hantilayaasheeda ka mid yihiin Wasiiro ka tirsan DGPL , Waxaana inta badan farta lagu fiiqaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Maxamed Cali Yusuf oo loo Yaqaan Gaagaab.

Sida muuqatana Wasiir Gaagaab ayaa isagu inta badan ku dhexmilan hawlaha macdan iyo shidaal Baarista Puntland  halkii uu shaqo fiican ka qaban lahaa Wasaaradda Maaliyadda ee isaga loo igmaday.

Qoraal warbaahinta lagu daabacay ayey Shirkadani ku sheegtay inay xubnaheeda sarsare ka mid yihiin Wasiiro ku jira Golaha Xukuumadda Puntland iyo weliba inay bil walba siiso Puntland lacag dhan $200, 000 laba boqol oo kun oo dollar .

Hase ahaate Wasiirka Maaliyadd,  ayaa isagu beeniyey inay wax lacag ah ka qaataan shirkadaas, wallow Madaxweynaha Puntland uu sheegay maruu warbaahinta la hadlayey inay lacag qaateen.

Si kastaba ha ahate waxaa Muuqata in hawlaha shaqo ee hayadda macada-barista Puntland  farqaha lagu haysto hawsheeda Wasiirka Maaliyaduna ku fekerayo in hayadda Macdan-barista Puntland  ay noqoto  waax hoostimaada Wasaaradda Maaliyaada.

PuntlandPost oo ka soo xigatey Radio midnimo


GAROOWE : Wakiilada DG Puntland oo Ansixiyay dood-dheer Xeerka macdan-baarista iyo soo saarista Shidaalka oo uusan ku lifaaqnayn heshiiska lala galay shirkada Range resource

Garoowe:-Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa maanta ansixiyay xeerka Macdan-baarista iyo shidaal soo saarista Puntland ee shirkada Range resource ka soo uusan ku lifaaqnayn heshiiska lala galay , kadib markii M/wayne Cadde Muuse iyo kuxigeenkiisa Xassan Daahir Af-qurac ay si aad u xoogan ay Golaha uga codsadeen in la baasgareeyo oo la ansixiyo xeerkan , iyakoo sheegay in ay kaga hortagayaan boob ay wadaan dad ka mid ah DFKS.

Golaha Wakiilada , ayaa si wayn uga biya-diiday Xeerkan oo qaar ka mid ah qodobadiisa ay ku sheegeen kuwo aan munaasib ku ahay Dastuurka dalka iyo waliba Golaha , inkastoo M/waynaha iyo kuxigeenkiisa ay qireen in qodobadaasi ay yihiin kuwo aan munaasib ahayn oo si deg-deg ah loo qoray , hadana mana noqon mid ay Xubnaha Golahu ay ku qancaan , waxayna codsadeen in meesha laga saaro qodobaasi , islamarkaasna wax ka badanl lagu sameeyo Xeerka.

Dooda ugu badnayd ee Xildhibaanadu soo jeediyeen ayaa ahayd in badankoodu ay aad ugu adkaysanayeen in xeerka lagu soo lifaaqo heshiisha lala galay shirkada ka hor intuuna Goluhu ansixin , hawshaasna ay tahay waajibaadkooda markaasna ay diidi karaan ama ay ogalaan karaan.

Laakiin , soo bandhigida heshiiska shirkada ma noqon mid ay ku qancaan Cadde Muuse iyo Xassan Daahir , waxayna xeerkan ku tilmaameen wa ay ugu yeereen  mid lagu difaacayo khayaraadka Puntland , oo ah in shirkadu Range resource in Golaha Wakiiladu ay u ansixiyaan in muddo sano ah  Puntland ay ka baarto Macdanta , soona saarto shidaalka sidaas awgeedna ay codsanayaan in la meelmariyo oo aan loo kala dareerin.

Dood dheer kadib , ayaa Goluhu go'aamiyay in Xukuumadu ay dib ula laabato Xeerkan islamarkaasna ay wax ka badasho , waxaana marlabaad Golaha lagu sooo celiyay xeerkan isla maraanta  isagoo  wax laga badalay waxaana l agu  meel mariyay cod aqlabiyad ah oo dhamaan waa ay ogalaadeen.

Sikastaba , Cadde Muuse iyo kuxigeenkiisa Xassan Daahir ayaa u muuqday kuwo  aad ugu oomanaa ansixinta xeerkan , waxayna ku celcelinayeen in ay ku daafacayaan wax ay ugu yeereen boob ay wadaan qaar ka mid ah DFKS.

Waxaa xusid mudan , in inta badan Xubnaha Golaha ay ku doodeen in aysan iyaku aqoon-siyaado ah u lahayn DFKS , balse maamulka Puntland uu teegeero dhaqaale iyo mid kalaba siiyo ,  islamarkaasna ay iyaku dhiseen , taa soo ay ku macneeyeen in aysan iyaku garowsan-karin waxa ay dhibaato ah oo ay Puntland u gaysan karaan xubnaha DFKS.

Waxaa weriyey Puntlandpost


Barlamanka Puntland oo ansaxiyay heshiiska Macdanta

Posted: 2006 Jul 12 :  Golaha Barlamanka dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta si Rasmi ah u ansixiyey heshiis Madaxwaynaha DGPL la galey shirkado baarya Macdanta.

Qoraal ka kooban sagaal qodob aya la soo hordhigey xildhibanada Barlamanka Puntland kaas oo doodiisu bilaabatey saaka sideedii subaxnimo.

Madaxwayne Cade ayaa cadaadis ku saarey Xidhibanada in ay ansixinta qodobadaan aysan qaadan mudo badan isla markaana loo baahanyahay in Goluhu maanta ansixiyo.

Ansaxinta heshiiskan ayaa waxa u codeeyay si gacan taag ah 55 xubnood oo ka tirsanaa 65 Xildhibaan oo ku sugneyd goobta codbixinta.

Madaxweynaha aya sheegay in barnamijkan uu soo jiitamayey muddo badan isla markana loo bahanyahay in la soo afjaro laakiin waxaa la rumaysanyahay in muddo muran ka taagna arrimaha kheyraadka dabiiciga ah ee puntland waxaana la xasuusta arrintii Majiyahan iyo dhibatoyinka ay abuurtey waxaana su'asha ay maanta dadbadan isweydiinayan ay tahay sida uu ku dhaqan gali karo ama lagu melmarin karo heshiiskan

Ansaxinta heshiikan ayaa dhacdey xili Madaxwayne Cade sheegey in Puntland ay booqasho ku imaan doonaan Madaxwaynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf.

Waxaa daabacay Garowe Online

Halkan ka dhegeyso Sidii ay u dhacday doodii iyo ansixintii Heshiiska DGPL...
 


 

 

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo u Hanjabey Idaacadda Garoowe
Sid ay faafiyeen idaacadaha hoos yimaada....
AKHRI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD