SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Urur Cusub oo La Dagaalama Hayb-sooca Oo Lagaga Dhawaaqay Minneapolis, Minnesota USA

  • Golaha Caddaaladda iyo Sinaanta Somaaliyeed [Somali Forum For Equality and Justice]

SomaliTalk.com | June 2007

Kal Fadhiga Asaaska "Golaha Caddaaladda iyo Sinnaanta Soomaaliyeed"

  • Sidii warbixin looga dhegeysan lahaa guddigii hore loogu saaray xeer dejinta...
  • Soo bandhigid iyo guud mar qoraaladii laga soo diyaariyey xeerka loo dejinayo ururka..
  • Falanqayn iyo talo bixin ama wax ka bedelid qoraalada la soo diyaariyey ka hor inta aan la ansixin
  • Doorashada Xubnaha Guddiga Golaha la asaasayo...
  • Ku Dhawaaqa Golaha la Asaasay...

Sabtidii ay taariikhdu ahayd [Juun 23, 2007] waxaa Jaamacadda Minnesota (Schoolka Carlson) ee magaalaada Minneapolis lagu qabtay shir lagu aasaasay urur la yiraahdo "Golaha Caddaaladda iyo Sinnaanta Somaalida" kaas oo loogu talagay in uu la dagaalamo hayb sooca, isla markaana uu ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigo dhibaatada hayb soocu uu u geystay dadka la hayb-sooco iyo sidii dadkaasi xuquudooda u heli lahaayeen bulshada dhexdeeda.

Shirkaas waxaa soo qaban qaabiyey dad mutadawiciin ah oo reer Minnesota ah oo siddeedii sano ee la soo dhaafay ku hawlanaa sidii dhibaatadaas dadka loogu wacyi gelin lahaa, shirkaas waxaa ka soo qayb galay dad gaarayey todobaatan oo bulshada qaybaheeda laga soo kala xulay: Sida culimada, aqoonyahannada, oo u badnaa ardayda Jaamacada iyo macalimiinta, dhalinyarada, haweenka iyo qaar ka mid ah madaxda ururada jaaliyada Somaalida Ee Gobolka Minnesota.

Ugu horay waxa shirka ku furay aayado Qur'aaka Kariimka ah, wacdi iyo waano Sh. Axmed Taajir, ka dibna waxaa erayo soo dhoweyn iyo ujeedada shirka oo faahfaahsan Ka soo jeediyey Cusmaan Daahir iyo Saciid Saalax oo ka mid ahaa dadkii shirka iyo ururka dhismihiisa soo qabanqaabiyey.

Shirkani, wuxuu daba joogay kulamadii sanad-laha ahaa ee Jaamacada Minnesota ka bilawnay sanadkii 1999kii, waxaana lagu soo bandhigay xeerkii [Byelaws] ay ururka u soo sameeyeen guddigii sagaalka qof ka koobnaa ee lagu magacaabay shirkii hore ee 23-24 Dec 2006 ee lagu go'aamiyey in hawshan loo sameeyo urur; sidaa waxaa yiri Cusmaan Daahir oo aad ugu dheeraday marxaladihii iyo heerarkii uu soo maray iyo guulahii laga gaadhey barnaamijyadii xidhiidhka ahaa ee Dadka Soomaalida lagu wacyi gelinayey looguna soo Bandhigayey dhibta hayb soocu uu ku hayo ummadda iyo Sida xaqdarada ee loo duudsiyey xuquuqdii iyo karaamadii Beelo badan oo Soomalida ka mid ah.



Guddiyada oo ka wada hadlaya qodobada xeerka ururka

War bixinnaadaas ka dib waxaa la guda galay in si saraaxad iyo qalbi furnaan ah looga doodo xeerka iyo sharciyada Loo sameeyey ururka, ugu horayn shirku wuxuu khadka telefoonka ku dhegaystay dad kala duwan oo Isugu jiray siyaasiyiin ,aqooyahano, iyo Wax garad ka tirsan beelaha la hayb sooco oo ku kala suganaa soomaaliya, jibuuti, yurub iyo carabaha, oo hore loogu gudbiyey qoraalada iyo xeerka ururka si ay ra'yigooda iyo taladoooda uga bixiyaan.

Dadkaas waxaa ka mid ahaa Maxamed Maxamud xayd, oo Wasiir ka ah dawladda ku meel gaadhka ah Muqdisho, Ing. Cabdilahi Cali Geedi Norwey, Axmed Maxamed Muuse (daakir) Sweden, Maxamed Xasan (Daryeel) Djibuti, Yuusuf Jimcaale Nairobi, Xasan Maxamed Cusmaan Uk , xil Xuseen M Jaamac Muqdisho, Maxamud Xuseen Rayis Muqdisho, Maxamed Keynaan Dubai. Dadkaas iyo qaar kaloo badan oo waxay qoraaladooda iyo hadaladooda ku soo gudbiyeen talooyin aad u muhiim ah iyo taageerada ballaadhan ee ay u hayaan ururkan iyo dadka sameeyey, waxayna si cad hoosta ugu xariiqeen in Dhibaatada hayb sooca iyo sidii lagu tirtiri lahaa ay tahay Arrin aan ku koobnayn beelaha la hayb sooco ee ay tahay Mid waajib muqadas ah ku ah ruux kasta, qoys kasta, beel kasta, Gobol kasta oo Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto in laga wada qayb galo loona midoobo halganka lagu tirtirayo caadadaas foosha xun, iyadoo weliba xil gaar ah isu saaraan lagana doonayo inay halgankaas hormood ka noqdaan, Culimada, aqoonyahanada, iyo Oday dhaqameedyada Soomaalida oo dhan.


Midig: Dr. Cali Nuur, Sahra Cali Samatar, Cusmaan Daahir

Maxamed Maxamuud Xayd oo jooga Muqdisho waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in aan la xaqirin qof bini'aadam ah. Waxana uu xusay in bini'aadamka Allah karaameeyey oo aysan ahayn in karaamadaas laga qaado. Waxa uu wasiirku sheegay in ururku uusan ahayn urur siyaasadeed, balse uu u furan yahay qof kasta oo Soomaali ah oo damiirkiisu xor yahay. Wasiirku waxa uu sheegay in takoorku uu dabar go'i lahaa haddii bulshada laga dhisi lahaa waxbarashada, sidaas daraadeena ay tahay in xoogga la saaro waxbarashada.

Yuusuf Xayle Jimcaale oo jooga Nairobi waxa uu sheegay in si go'aamada shirku u hrgalaan la helo laba shardi oo ah in waqti la siiyo iyo in waxa la hir gelinayo uu noqdo wax la rumaysan yahay, markaasna Allah loo talo saarto.

Axmed Maxamed Daakir oo jooga Sweden, oo ka mid ah dadka sida weyn uga qayb qaatay cirib tirka takoorka, ayaa waxa uu shirka u soo jeediyey: in ay soo dhoweynayaan in la asaaso ururkan, maadaama ururkani ka duwan yahay ururada jira, oo ujeedadiisu tahay sidii loo cirib tiri lahaa "yasidda" iyo hayb-sooca, waxana uu si cad u sheegay in loo baahan yahay in la caddeeyo ujeedooyinka ururuka in uu yahay mid ku salaysan sidii loo baabi'in lahaa hayb-Sooca. Waxana uu ku nuux-nuuxsaday in la qeexo "takoorka" la suulinayo nooca uu yahay, loona xil saaro dad aqoon u leh arrintaas oo waqti u haya sidii wax looga qaban lahaa.

Madasha shirku ka dhacayey waxaa shir guddoomiye u ahaa Dr. Cali Nuur oo deggan dalka Canada.


Dr. Cali Nuur

Ka dib shirku wuxuu isu kala saaray sadex guddi oo Isu soo ururiya talooyinka iyo wax ka bedelka laga soo Jeediyey qooraalada iyo xeerarka ururka, gabagabadii Waxaa la isku raacay lana ansixiyey xeerka iyo wax qabadka ururku ku shaqaynayo, waxaana la doortay guddiga sare [Boardkii] ururka hagi lahaa.

Waxaa loogu baaqay lana ogaysiinayaa in ururkani uu yahay mid u furan ruux kasta oo Somaaliyeed qabiilkuu doono ha ka dhasho, gobolkuu doono Ha ka soo jeedo, meeshuu doono dunida ha ka joogo. Waa cid kasta oo ka damaqnaysa dhibta iyo dhaawaca loo Geystay beelaha la hayb sooco iyo sidi soomaalidu wadajir xuquuqdooda u soo celin lahayd.


Siciid Saalax oo sharxaya qodobo ka mid ah xeerka ururuka

Gabagabadii shirka waxaa lagu dhawaaqay ururuka cusub oo magaciisu yahay: Golaha Caddaaladda iyo Sinnaanta Soomaaliyeed.

Magaca Ururuka iyo meesha uu ka diiwaan gashan yahay:

1. Magaca ururka: Golaha Caddaaladda iyo Sinnaanta Soomaaliyeed [Somali Forum for Equality and Justice]. Waa urur khayri ah [Non-Profit Organization] kana diiwaan gashan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Waa ururu u furan qof kasta oo Soomaaliyeed.

2. Marka ogolansho laga helo guddiga Ururuka iyo mutadawaciintiisa waxaa la abuuri karaa laamo uu ururku ku yeesho dalalka iyo gobollada, gaar ahaan meelaha ay deggan yihiin Soomaalidu.


Yoolka Ururka:

Ururka yoolkiisu waa in bulshada Soomaalida [ee tunka-weyn] lagu baraarujiyo arrimaha ku saabsan xad-gudubyada, kala faquuqa, iyo takoorka loo geysto dadka laga tirada badan yahay [ama la hayb-sooco]. Gaar ahaan in bulsha-weynta Soomaaliyeed lagu baraarujiyo raad xumida ay reebaan arrimahaas hoos imanaya takoorka iyo fogeynta, ha noqoto xagga bulshada, ijtimaaciga, siyaasadda, waxbarashada iwm. Waxa kale oo ujeedooyinka ururka ka mid ah in cilmi baaris lagu sameeyo hayb-sooca ayadoo loo dersayo si cilmi ah. [Xeerka guud ee ururka oo qeexan waxaa lagala xiriiri karaa: Cusmaan Daahir tayasir7198@yahoo.com oo jooga Minneapolis.]

Waxaa shirka mahad aad u balaaran looga soo jeediyey Shirkada Isgaarsiinta ee HORMOOD iyo madaxdeeda Muqdisho, Mudane Cabdirashiid Cali Caynaanshe oo si hagar la'aan ah ugu deeqay isgaarsiinta telefoonada Lagaga qayb galay shirka taas oo ah mid ku dayasho mudan.

Gudiga qabanqaabadu waxay mar kale mahad u soo jeediyeen hay'adaha iyo shakhsiyaadka sida joogtada Ugu hawlan soo bandhiga iyo wax ka qabashad hayb sooca. Waxaana la xusayaa, Mudane Maxamed Cabdilahi, madaxii hore ee laanta afka soomaalida ee British Broadcasting Corporation, Website-yada SomaliTalk.com, Somaliland,org, Idaacada Simba, VOA, iyo Somali TV.

Dadka kale ee loo mahad celiyey waxaa ka mid ahaa:

  1. Saciid Faahiye
  2. Saciid Saalax Axmed
  3. Dr. Cali Nuur
  4. Sahra Cali Samatar
  5. Maryan Maxamed
  6. Cadar Kaahin
  7. Xaawo Aaden
  8. Axmed I. Yuusuf
  9. Maxamed Xaaji Xuseen
  10. Faatuma Elmi
  11. Cabdisalam Aaden
  12. Sharif Maxamed
  13. Karim Samafale
  14. Maxamuud Maxamed Xiirey
  15. iyo dad badan oo aan la soo koobi karin

Cid kasta oo u baahata ama danaynaysa ururka iyo Hawlihiisa una baahan faah faahin dheeri ah, waxay la xiriiri kartaa:

Cusmaan Daahir, Email tayasir7198@yahoo.com


La xiriir: Cusmaan Daahir, Email tayasir7198@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD