Home » Qoraallada Halkudhegga "xulashada"

Xulashada Jimcaha: Xasuuqa ciidamada Kenya ay ku hayaan Muslimiinta Dalkooda

Jan 2, 2015
Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya horraantii 91kii, dowladaha Kenya Ehiopia waxay saameyn taban ku lahaayeen xaaladda iyo isbeddelada siyaasadeed ee waddanka Soomaaliya. Walow ay in muddo ahba socotay faragelinta qaawan ee waddamada deriska la ah Soomaaliya, haddana waxay ciidamada Kenya ka soo tallaabeen xadka NFD ( dhulkii Soomaaliyeed ee ay horay Kenya xoogga ugu haysatay)... 
Halkudheg:

Xulashada Jimcaha : Ka Fikir Soomaaliya oo la hoosgeynayo IGAD 2016

Dec 6, 2014
Xulashada Jimcaha, waxaan aalaaba ku soo qaadannaa qoraallo iyo qodobbo xiiso leh. Toddobaadkan waxaan akhristeyaashayada la wadaageynaa qoraal uu diyaariyay Danjire Maxamed Cumar Cusmaan (AHN) oo ka mid ahaa aqoonyahannada Soomaaliyeed kuwoodii ugu qiimaha, aqoonta iyo waayo-aragnimda badnaa. Danjire Maxamed (AHN), wuxuu muddo dheer u shaqeeyay ummadda Soomaaliyeed oo uu uga tagay dhaxal wax ku ool... 
Halkudheg:

Xulashada Jimcaha: Dhalanteed – maaso dhaxalgal ah

Nov 21, 2014
Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa mid hoodo gaar ah u heshay suugaan hodan ah iyo hal-abuurro ay haybaddooda wax curintu aad u heersarreyso. Hal-abuurradaasi xilli kasta oo ay joogeenba waxay ahaayeen kuwo ummaddooda la garabtaagan; duco,dardaaran iyo digniinba. Hayeeshee, nasaniibdarro, waxaa dhanka kale Soomaalida lagu tilmaamaa dad aysan ku duxin duruusta lagu dul akhrinayo. Dul iyo hoosba... 
Halkudheg:

Xulashada Jimcaha: Xiirane & Xusuustiisii Nabadsugidda

Nov 14, 2014
Waa xusuus la yaab leh iyo gocasho xanuun badan. Waa casharro xiiso gaar ah leh oo noo soo gudbinaya xogo muhiim ah oo wax badan laga baran karo. Somalitalk, waxay toddobadaadkan akhristeyaasheeda u soo xushay, qoraallo taxane ah oo uu noo soo diyaariyay F. Xiirane oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidankii Nabadsugidda Qaranka ( NSS), sanadihii u dhaxeeyay 1976kii ilaa 1991kii. Halkan ka akhri  Read More →
Halkudheg:

Xulashada Jimcaha: Furitaankii Masaajidka Abubakar Al-ssadiq ee Ohio

Nov 1, 2014
Sidaan la wada soconno waxaa maalintii sabtiga oo ay taariikhda miillaaddigu aheyd 25/10/2014 curtay sanadkii cusbaa ee Hijriyada Islaamka 1436. Haddaan nahay bahda Somalitalk-na waxaan guud ahaan umadda muslimiinta ah u rajeynaynaa sanad khayr qaba. Haddaba, waxaa farxad u ah Somalitalk in ay xulashada toddobaadkan ku soo qaadato furitaankii masjidka weyn ee Abubakar Asaddiiq oo magaalada Ohio,... 
Halkudheg:

TAARIIKHDA IYO GABAYADII XAAJI AADAN AF-QALOOC

Oct 24, 2014
Xulashada jimcaha ee toddobaadkan, waxaan ku soo qaadan doonnaa qaybo ka mid ah suugaanta iyo sooyaalka halgamaagii Soomaaliyeed ee Xaaji Aadan ( Afqallooc). Xaaji Aadan Axmed oo lagu naaneysi jiray “Afqallooc” wuu ku dhashay miyiga Ceerigaabo qiyaasihii 1864kii. Waa mid ka mid ah geesiyaasha Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo galay sidii ay Ummadda Soomaaliyeed uga xoroobi lahayd gumesteyaashii... 
Halkudheg:

Xulashada Jimcaha: Xasuuqii Ciidanka Kenya ka geysteen magaalada Wagalla ee NFD

Oct 10, 2014
Xulashada Jimacaha Somalitalk ee toddobaadkan, waxaan ku soo qaadanaynaa xasuuqii ay ciidamada Kenya ka gesyteen magaalada Wagalla ee dhulka Soomaaliyeed ee NFD, muddo hadda laga joogo 30 sanadood. Markey taariikhdu aheyd 8dii Febraayo 1984, goor habeennimo ah, ayuu kulan qarsoodi ahaa oo ay albaabadu u xiranyihiin uu ka dhacay aqalka dowladda ee degmada Wajeer. Kulankaas oo ahaa mid heer sare ah waxaa... 
Halkudheg:

BAAQA 1aad: Soo-rogaal-celinta Soomaliyeed | Dr. Cumar Cusmaan Raabe

Oct 3, 2014
XULASHADA JIMCADA: Qoraalkan waa dardaaran uu ka tegey Dr. Cumar Cusmaan Raabeh Allah ha u naxariistee, waxana SomaliTalk hore u daabacday May 7, 2011. Waa kan qoraalkii… Soomaaliyey!… I.         Haddii Qaranka Soomaliyeed la waayo Qayb haraysaa ma jirto wixii “shanta Soomaliyeed” la oran jiray”. Haddi qaranka Soomaliyeed la waayo qolla haraysa ma jirto. Haddii Qaranka Soomaaliyeed... 
Halkudheg: ,

Xulashada Jimcaha ee SomaliTalk: Qiimaha Qaranimo – C/risaaq Xaaji Xuseen

Sep 19, 2014
Qabyaalada Iyo Qurunkeeda – Videow-ga aan maanta ku soo qaadanayno barnaamijka XULASHADA JIMCAHA waa khudbad aad u qiimo badan oo uu ka tagay Alle ha u naxarasiitee C/Risaaq X. Xuuseen. Qaybaha kale ee Xulashada Jimcaha ka akhri: https://somalitalk.com/tag/xulashada/  Read More →
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...