Home » Qoraallada Halkudhegga "ramadaan"

Ramadaan Mubaarak

Feb 13, 2021
Asalaamu Calaykum Waraxmah … Waxaa farxad u ah Bahda SomaliTalk.com inay dhammaan ummada Muslimiinta ah, gaar ahaana ummada Soomaaliyeed, ugu hambalyeyso dhalashada bisha barakaysan Ramadaan ee Sanadkan, Ramadan 01, 1442 oo ku beegan Talaada April 13, 2021. Bahda SomaliTalk Waxay idin leedahay Ramadaan Kariim, Ramadaan Mubaarak, ilaahay annaga iyo idinkaba cibaadada ha ka aqblo, soonkaan soonkiisana... 
Halkudheg: ,

Fariinta Bisha Barakeysan ee Soonka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Sanadka 1432 Hijra.

Jul 31, 2011
  Ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta Caalamka waxaan u dirayaa Hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadanka oo ah bil fadli gaar ah u leh muslimiinta oo ay gudanayaan waajibaadka diiniga ah. Bisha barakeysan ee Ramadan oo caawa dhalatay waxaa waajib nagu wada ah inaan ku faraxno oo aan si kal iyo laab ah u soo dhoweyno.Bishan barakeysan ee Ramadan waa bishii Quraanka Kariimka ah uu soo... 
Halkudheg:

Shacabka muqdisho oo isu diyaarinaya bisha barakaysan ee Ramadaan.

Jul 31, 2011
Waxa la filayaa in maalinta Berri ah haddii Eebbe Idmo ay dhalato Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan oo ah bil ay ka buuxaan Khayr fara badan , waxayna Bishaan ay ku soo beegantey Xilli ay dalka ka jiraan Abaaro saameeysey dad iyo duunyo iyadoo taasi ay jirto ayaa dadka soomaaliyeed waxay Saddexdii maalmood ay ku jireen diyaargarow ku aadan Bisha Barakeysan ee Ramadaan  Waxaa la arkayaa Suuqyada laga... 
Halkudheg:

Talooyin kuu fududeeynaya sidaad bishaan ramadaan ee barakaysan ooga faa ideeysan lahayd . Qore: C/laahi Sh.xasan (Sancaani)

Aug 16, 2010
Ilaah waxaan waydiisanayaa in naftayda iyo qofwalboo aqristaaba qoraalkan ku anfaco ilaahna naga dhigo kuwa bishaan loogu danbi dhaafo kuwo kamid ah,ilaahna marar badan bishaan oo kale kuwii gaara kana faaiideeysta naga dhigo, bilaha kalana kuwii marwalbaa ilaah cabsidiisa joogteeya alaah hanaga dhigo aamiin . Qaybta 1 aad; Waxaan og nahay bishaan in ay tahay bil aad u qiimo badan, tahayna bishii... 
Halkudheg:

Arbacada Waa Ramadaan, waxaa iclaamiyey Golaha Masaajidda W/Ameerika

Aug 10, 2010
Arbacada oo ku beegan August 11, 2010 waa bilowga bisha Raamadaan ( 1-da Ramadaan 1431), sidaas waxaa Woqooyiga Ameerika ka iclaamiyey Golaha Isutagga Masaajidda. “Arbacada waa maalin Ramadaan oo la soomayo, caawana waxaa masaajidda lagu tukanayaa Taraawiixda,” sidaas waxaa yiri Sheekh C/llaahi (Abul-fadli) oo kamid ah madaxda Golaha Isutagga Masaajidda W/Ameerika oo warka u xaqiijiyey... 
Halkudheg:

Jadwalka Salaadaha

Jan 2, 2010
Halkan waxaad si fudud uga heli kartaa waqtiyada la tukado Salaadda. Gaar ahaan magaalooyinka ku yaal daafaha Adduunka, sida Woqooyiga Ameerica (USA iyo Canada) iyo dalalka Yurub iyo bariga fog. Boggan waxaan ku soo koobnay dhawr magaalo oo ku yaal Sweden, Denmark, USA, Canada iyo UK, si fudud ayaadna markasta uga daalacan kartaa waqtiga Salaadda. Marka aad soo gashid bogga SomaliTalk.com eeg dhanka... 
Halkudheg: ,

Dowlada Sucuudiga oo ku dhawaaqday Nov 27, 09 inay ciidtahay

Nov 17, 2009
Dhalashada Bisha Dul-Xija oo laga arkay Sucuudiga Waxaa u cadaatay Maxkammada Sare arigtida bisha Arrafo -Dul-Xija- galabta oo Talaado ah oo taariikhdu tahay 29 bisha Dul-Qacda sanadka 1430H, kadib Arigtada tiro Caadiliin ah kana arkay Gobolo kala duwan. Sidaa daraadeed maalinta barri ah -Arbaco- oo ku beega Nov 18,09 waa maalintii ugu horaysay Bisha Dul-Xija, Istaaga Maalinta Carrafana wuxuu noqonayaa... 
Halkudheg:

Ciidul Fidriga Sanadkan oo looga dhawaaqay Shanta Qaaradood ee Aduunka, SomaliTalk waxay ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyanaysaa munaasabada Ciidul Fidriga, Ciid Wanaagsan

Sep 19, 2009
Ciid wanaagsan – Ciid Mubaarak, Maamulka iyo wariyaasha Somalitalk ayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed meelay joogaanba iyo dhammaan Muslimiinta ugu hambalyeynaya Munaasabada Ciidul Fidriga ee Sanadka 1430H. Bahda Somalitalk waxay u rajaynaysaa dhamaan Muslimiinta iyo Soomaalidaba in ilaahay Ramadaanka kiise kale Cibaado ku gaarsiiyo, Soomaaliyana Mustaqbalkeeda ilaahay hagaajiyo. Bilasha Ciidul... 

Tobanka danbe ee Ramadaan : Fursad aan soo noqon doonin | Siciid

Sep 12, 2009
Tobanka danbe ee Ramadaan : Fursad aan soo noqon doonin Asxaabi la odhan jiray Abu-Hurayra ayaa maaalin isaga oo suuqa jooga waxa uu dadkii uu la kulmay ee aduunka ku mashquulsanaa u sheegay in dhaxalkiii nabiga (CSW) dadka muslimiinta ah loogu qaybinayo Masaajidka Nabiga (CSW). Qaar badan oo ka mida dadkii maqlayay hadalkani waxa ay markiiba u carareen xagii Masaajidka iyaga oo is leh ka gaadha dhaxalkaas... 
Halkudheg:

Ramadaanku waa Fursada Cumriga. Q.5aad | Calinuur

Sep 6, 2009
Ramadaanku waa Fursada Cumriga (Dersiga Shanaad) Ramadaanku waxa uu fursad u yahay Muslim kasta, waxaa uu fursad u siiyaa inuu ka mid noqdo Mutaqiintii illaah jeclaa, oo waxaa u siman Caalimka Iyo Caabidka in ay ka faaiidaan, waxaana uu illaah u yaboohay qofkii Ramdaanka fursadahiisa ka faaiideysta inuu gaaro darajada ah { لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ}. Ramadaanku waa fursad lagu toosiyo... 
Halkudheg: ,

UWS:Waxaan Shacbiga Soomaaliyeed leenahay Ramadan Kariim

Aug 23, 2009
Dhammaan Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxay halkaan Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeynayaan Bisha Barakaysan ee Ramadan. Waxaan Shacbiga Soomaaliyeed oo dhan aan leenahay Ramadan Kariim. Bisha Ramadan sifaha iyo faa’idooyinka ay leedahay waxaa ka mid ah: 1. waa Bisha Naxariista iyo Sadaqada 2. waa Bisha Cibaadada iyo Dambi dhaafka 3. waa Bisha Cadaab ka xoreynta Adoomaha ... 
Halkudheg:

Farxadda iyo soo dhoweynta Bisha Barakaysan ee Ramadaan | Daadurey

Aug 23, 2009
Dunida Muslimka ayaa waxay farxad aad u saraysa ku soo dhoweynayaan  Bishan Barakaysan ee Ramadaan , sida uu alle uu Qu’aanka Kariimka uu ugu bayaaniyay meelo badan Alle wuxuu yidhi” Kuwa Alle iyo Rasuulkiisa rumayayow, waxaan idinku Waajib yeelay Soon ,sida aan ugu Waajibiyay kuwii idinka horeeyey” iyo Suurado badan iyo Axaadiis dhammaantood ka hadlaya fadliga ay leedahay bishaan... 
Halkudheg: ,

Markazka Dar-ul-Hijra oo Xaflad u qabtay Muslimiin iyo Masuuliyiinta Toronto

Aug 22, 2009
Xaflad hilba Solosha ah oo Markazka Dar-ul-Hijra ee Toronto qabtay Ugu Horayntii anagoo fursadaan ka faa’iidaysanayna Ramadaan Kariim, Ramadaan Mubaarah, Markazka Dar-ul-Hijra ee Toronto wuxuu Hambalyada Ramadaanka u dirayaa dhamaan Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida. Waxaana leenahay illaahay hanaga dhigo kuwa ka faa’iidaysta Bishan Barakaysan. Sawiro kaloo dheeraad ah daawo Waxaa maalinkii... 
Halkudheg: , ,

Ramadaanku waa Fursada Cumriga Q3-aad|Calinuur

Aug 22, 2009
(Dersiga Sadaxaad) Waxaan horey usoo sheegnay in ay jiran gafaf ay haboon tahay inuu iska dhowro ruuxa Muslimka ah ee Sooman waayo hadii aan Soonka laga dhowrin qaladaadka waxaa dhici karto in ruuxii Soonaa ee gaajeesnaa ee oomanaa wax ajar ah ka soo gaarin soonkiisa. Hadaba waxaa kaloo jira gafa kale oo loo baahan yahay inaan ka digtoonaano Bishaan Barakeysan ee Ramadaan sida:- 1-In ruuxa sooman... 
Halkudheg: ,

Ramadaanka Arrimahan Ha Moogaan!

Aug 22, 2009
Mahad oo dhan Ilaah baa leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Waxaa foodda inna soo saaray – Ilaahay Fadligi – Bishii Barakaysnayd, ee Soonka. Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu nabad iyo caafimaad nagu gaarsiiyo, noona fududeeyo Soonkeeda iyo Salaadeeda, Naguna Irsaaqo Tawbada iyo Aqbalkeeda, Janada iyo Degaankeeda, Laylatul Qadarka iyo Haleelkeeda. Waxaan dhihi karnaa si... 
Halkudheg:

Ramadaanku waa Fursada Cumriga|Calinuur

Aug 20, 2009
(Dersiga Labaad) Waxaa uu illaah (cw) noo sharciyeeyay inaan Soono Bishaan Barakeysan ee Ramadaan asagoo ula jeedada Soonkana ku sheegay in ay tahay inaan ka kororsano Taqwo(alle ka cabsi) iyo aadaabta oo la toosiyo ee ula jeedada Soonku ma aha inaan gaajoono ama haraadno sida dad badan oo cilmi laheyn u heestaan, taasoo keentay in ay ka dhowri waayaan Soonkooda waxyaabihii wax u dhimayay ulajeedadiisa... 
Halkudheg: ,

Wargalin:Dhamaan Maraakista iyo Masaajida Majliska ee USA

Aug 20, 2009
XAFIISKA GUDOONKA SARE EE GOLAHA ISUTAGA IIMAAMADA IYO MASAAJIDA WAQOYIGA MARAYKANKA: (THE NORTH AMERICA OF COUNCIL SOMALI IMAMS) WARGALIN:-DHAMAAN MARAAKISTA IYO MASAAJIDA MAJLISKA. DHAMAAN JAALIYADA MUSLIMIINTA EE KU DHAQAN WAQOOYIGA MARAYKANKA…   Dhamaan jaaliyada muslimiinta ah,gaar ahaan soomaalida, wuxuu ugu hanbalyaynayaa golaha isutaga masaajida iyo maraakista waqoyiga maraykanka,soo... 
Halkudheg:

Ramadaanku waa Fursada Cumriga|Calinuur

Aug 18, 2009
Ramadaanku waa Fursada Cumriga (Dersiga Koowaad) Ramadaanku waa Bil illaah ka fadilay Bilaha kale, waana Bil mudan in lagu soo dhaweeyo u diyaar garoow wanaagsan, marka ay Bilatana mudan in laga faaiideesto daqiiqad kasta oo kamid; maxaa yelay Ramadaanku illaah (cw) waxaa uu ka yeelay mid ka dheer Bilaha kale afar arimood oo waa weyn oo kala ah: 1-Waxaa uu illaah Ramadaan dhex galiyay hal habeen oo... 
Halkudheg: ,

Fariin: $1100. oo wax tartay labo boqol oo qoys

Aug 18, 2009
Ururka samafalka adamiga oo saldhiguusu yahay dalka U.S.A oo kaalmo Lacageed gaareysa $1100 soo geersiiyey barakacayaasha guryahodii uga cararay dagaalada aan dhamaadka laheyn. Fadlan dhagayso codka baahanayaasha Sawiro kale oo fariimo muhiima xambaarsan daawo Deeqdaan oo ay iska soo uruuriyee Qaar ka mid ah gabdhaha iyo wiilasha jaaliyada mareykanka gaar ahaa magaalada Washington DC iyo hareraheeda... 
Halkudheg:

Ka Qeyb-Qaaado Mashaariicda Afurinta Soomanayaasha.

Aug 18, 2009
Munaasabada Bisha Barakeeysan Ramadaanka waxaan Guud ahaanba Ummaddaha Muslimiinta gaar ahaan Shacabka ama Ummada weynta Somaaliyeed Raxmaanka uga rajeeyeenaayaa:- Kheeyr badan-Raxmadiisa,Barakadiisa,Cafiskiisa iyo guud ahaanba kheeyraadka fara badan ee bisha barakeeysan inagu maneeysto, nabadgelyo buuxda,walaalnimo,is-faham buuxa iyo xal u helida khilaafyada,colaada iyo masiibooyinka taagan oo Dad... 
Halkudheg:

Ramadaan waa Fursad Nafta lagu Badali karo|A.Albanna

Aug 18, 2009
Ilaahay sarreeya waxa uu siiyaa dadka fursad wanaagsan sanad walba waana fursad uu ugu talogalay inay naftooda seeteeyaan oo ay baraan samirka, dulqaadka, iyo cibaadada, waana fursad uu qofku naftiisa ku layliyi karo si uu u sameeyo is badal, qofkuna hadii uu maalintiisa habaysan kari waayo ma habaysan karo bil iyo sanad toona haba sheegsheegto inuu wax habaysan karo, ama ha ku qorto waraaqo waawayn.... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...