Home » Qoraallada Halkudhegga "nss"

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991)

May 8, 2016
1 Janawari 1974 tii laba gu’ ka hor intaan la igu biirin Xoogaggii Nabad ilaalinta N,S,S waxaan Xabsiga u taxaabnay 2 Askari oo Ameerikaan ah iyo Qof u dhashay Boqortooyada Ingriiska , waxaan qabanay ayagoo saaran Gaari-Dameer , waxay ku socdeen siday sheegeen Xeebta, labada Askari mid ayaa feera qaawanaa , waxay soo fuudeen kana soo dhargeen khamri, hab dhaqankooda wuxuu ka caraysiiyay shacab... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)

Apr 27, 2016
ilinka 1985-ta ayuu taliskii Nabadda Qaranku ii diray safar shaqo oo aad u qalaf san inaan ku aado Itoobiya, si aan Dad qiime u lahaa taliskii xabashida ciidda ugu daro, ma ahayn markii ugu horaysay ee la ii diro Itoobiya dhawr jeer ayaan magac dul saar ah ku tagay laakiin markan waa ka duwanaa oo saraakiil Soomaaliyeed oo dalka ka baxsaday ayaa Xabashi lasoo saftay dagaalkii ay nagula jirtay ,... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991)

Feb 17, 2016
Markay Ruushka, Kuubaanka, Yement , Liibiyaanka iyo Jarmal jabiyeen Xooggii Dalka Soomaaliyeed ee sida geesinimada ah uga adkaaday Xoogaggii Xabashida , waxaa nagu habsaday ceeryaamo ciil iyo caro , waxaa jiray Cabsi xoog ah oo ay saraakiisha Ammaanku ka qabeen inay Ruushanku Xuduud beenaadka soo dhaafiyaan Xabashida markaasna aan gumoowno , xaalad adag ayay xafiisyada nabad galyadu ku jireen . Waxaa... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991)

Feb 17, 2016
Maarso 1978 Dii ayaa waxaan Taliyahagii isu raacnay Xafiiska Maxadwayne Siyaad , Sheeko iyo shah ka dib waxaa la iisheegay inaan aaadayo Jazaa’ir subaxa , warsan iyo guddoon , markaas oo kale la isma waydiiyo maxaa ka jira iyo maxaan ka doonayaa , hawl dhamaad ah ayaa la doonayaa inaad dhamayso , waxaan habaynkii seexday Aqalkii Hooyaday , Aabahay wuxuu ku maqnaa dhulka Barakaysan Xijaas ( Sucuudi... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)

Jan 28, 2016
Quraacdii ayaan waxaa isku aragnay Ergaygii Liibiya waxaan xoogaa isla xamanay Falastiiniyiinta iyo sida ay dawladaha carbeed uga dahsoon yihiin xubnaha u adeega Moosaad ( Laanta Sirdoonta Yuhuudda ) isla markaana looga shaqaalaysiiyay xafiisyada muhiim ka ah , Liibiyaanku wuxuu iila sheekaysanayaa ma oga inaan Soomaali ahay waxaan wali huwanahay Jinsiyad Dal kale , sheekadu waxay noogu baxday si fiican... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)

Jan 27, 2016
Waxaan ka dhoofay Xamar Diseember horaanteedii 1977 dii waxaan u dhoofay Abidjan, Saaxil Al-Caaj , anigoo sii maraya Nayjeeriya oo ku diga roganayo, ujeedka socodkayga ma ahayn inaan ka qayb galo dabaaldagga maalinta Qaranka ee dalkaas ee wuxuu taliyaha laanta nabad suggidda oo shaki wayn ka qabay hufnaanta qaar danjirayaasha Soomaaliyeed ee dalalka qaar noo fadhiyay ayuu ii xil saaray inaan si hoose... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (NSS 1976 – 1991)

May 28, 2014
Aroortii hore ee waa barigii 17 Juulaay 1985 tii ayaa diyaarad kuwa qumaatiga u haada ah la iiga soo qaaday Tikriit oo Baqdaad u jirta 140 Kiilo Mitir , anigoo dusha ka dheehanaya Beero iyo dhul doog ah , malahayga ahaa dalag ay beerteen beeralayda Ciraaq , waxaan safarkaas oo wax badan ka yaraa kii aan markii hore ku tagay Tikriit ku nimid gagida diyaaradaha ee Al Muthana oo ay layaayeen Ciidanka... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991)

May 22, 2014
Sanaddii 1985, Julay 13 keedii magacayga oo uu ka horeeyo Arday F. Xiirane waxaa la taagnaa ilinka ay dadku kasoo baxaan ee Garoonka Baqdaad, Ciraaq, wiil dhalin yaro ah , waan salaamay kadibna wuxuu markiiba asagoon istaagin gudaha Baqdaad naga saaray magaaladii waxaana cagta saarnay jidka loo maro Tikriit , waa 140 KM safar ah , daal badan ayaan dareemayay waxaase iiga darnaa inaan indhaha is... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii NSS (1976-1991) – Q.7aad

Apr 18, 2014
10 kii sano ee ugu horaysay Waaxdii Nabad Sugiddii NSS waxay qaadday tallaabooyin ay kula baratantay laamaha asaageed ah ee dunida ka jira , adeegsiga magacyada qarsoon , dhex galidda xundumaha Dawladaha aan cadawga nahay , ayadoo la marayo hanaan fahamkiisu ku adag tahay qofka caadiga ah , waxay laantu dhex istaagtay xafiisyada Itoobiya oo Gumaysata dhulka Soomaaliyeed qayb ka mid ah ayadoo adeegsanaysa... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii NSS (1976-1991) – Q.6aad

Apr 15, 2014
27kii Juulaay 1983 dii , galinkii danbe waxaa Jaamacadda Umadda ka socday dood cilmiyeed looga hadlayay Qabyaaladda iyo Qaranka waxaana ka qayb galay Madaxayne Siyaad iyo Wasiirkii Tacliinta Sare Dr C/Qaasim Salaad (2000 – 2004 Madaxwayne KMG ah ) , anigoo akhrisanaya Sheeko (Dhambaalkii naxriista waxaa qoray Yaasiin Jaamac Falax-Falax), waxaa iisoo galay Hooyaday oo daal ka muuqdo qolkii fadhiga... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (NSS 1976- 1991) – Q.5aad

Apr 11, 2014
Biloowga 10 kii sano ee ugu danbeeyay cimrigii Kacaanka waxay Soomaaliya gashay Xaalad dhaqaale oo adag oo kasoo gaartay dagaalkii Gobanimo doonka Soomaali Gableed , dhaqaalaha dalka ayaa ciiray , Boqortooyada Sucuudigu waxay ahayd meelaha ugu badan ee loo dhoofiyo Xoolaha Soomaalida , waxaa suuqaas nagu cariirisay Ustareeliya oo daabax fara badan usoo dirta Khaliijka , Ku tirsanahii Amniga ee... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976- 1991) | Q.4aad

Apr 8, 2014
Dhaq dhaqaaqa Xoraynta Falastiin (PLO) xafiis uu ku lahaa Adis Ababa ayaa dawladda Soomaaliyeed qoonsatay , xafiiskaas ayaa wuxuu noqday xarun ay dawladda itoobiya ka hesho war bixinada xasaasiga ah ee khuseeya Ammaanka dunida Carabta oo ay Soomaaliya xubin ka tahay , madaxda Soomaaliyeed ee safarada ku tagta dunida Carabta markay kala sheekaystaan wax yaabaha ay Soomaaliya ka maagan tahay Soomaali-Galbeed,... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991) – Q.3aad | Qore: F. Xiirane

Apr 3, 2014
… inaan sheedda kala socdo dhaqdhaqaaqa S/Guuto Maxamed Cali Samater… Bilowga bishii Diseenbar 1990 kii, waxaan shaqo la iiga dhigay inaan sheedda kala socdo dhaqdhaqaaqa S/Guuto Maxamed Cali Samater, markaas wax xil ah u haynin dawladda Soomaaliya , gurigiisa sida heerka sare ah loo dhisay waxaa maalin ugu yimid nin kasocday Safaaradda Maraykanka (ma hubo inuu safiirkii xiligaas ahaa... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991) – Q.2aad | Qore: F. Xiirane

Apr 3, 2014
Jaalle Madaxwayne Kacaanku Siday ballantu ahayd Taliyihii Ciiddanka Nabad sugidda (NSS) waxaan aroortii isugu nimid xafiiska , durba wuxuu ii dhiibay fure gaari iyo tilmaan , waxaan u dhaqaaqay dhankii gaariga siduu amarku ahaana waxaan ku rogay furaha , daqiiqado kadib waxaa dhanka bidix kasoo galay Taliyihii oo caro wajigiisu doorisay , wuxuu yiri inoo dhaqaaji xafiiska sare ee Abaanduulaha... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991) – Q.1aad | Qore: F. Xiirane

Apr 3, 2014
Magac iyo Meeqaam Qalaad Anigoo wata magac iyo aqoonsi Dal kale , ayaan markii 3 aad gaaray Itoobiya kadib duullimaad 8 saacadood ahaa sanadihii ugu danbeeyay 1970 ka, waxaa aqalkiisa nagu casuumay wasiirkii garsoorka ee Itoobiya xiligaas , dhawr daqiiqo ka dib waxaa soo galay gabar gu’gii 25 aad aan ku qiyaasay oo qori iyo qalab ciidan ku joogta , Intay na salaantay ayay qorigii aabeheed dhabta... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...