Home » Qoraallada Halkudhegga "Maanso"

Dalanbaabi socod – Maanso Dareen Huwan

Oct 29, 2014
Adeegsiga iyo xiisaynta gabayada, maansooyinka dadku iguma baran, iskaba daa inaan tiriyee, qudhaydu iskuma ogeyn wax habeysan oo aan hore maanso ahaan u idhi. Si kastaba ha ahaatee, wakhtiyada qaarkood waxa ku soo maraya xaalado iyo dhacdooyin, aanad si sahlan u cabbiri karin, hadaad is tidhaahdo qoraal ku muujina laga yaabo inay sharraxaad badan kaaga baahato, qoraalkuna afmeeridba yeelan waayo. Gabeygu... 
Halkudheg:

Maarso Ka Hadleysa Marxaladda Dalka Soomaaliya oo Cinwaankeedu Yahay Ambaqaad

Sep 18, 2011
Ambaqaad Maansadan ambaqaad waxaan curiyay 17.09.2011 waxaana igu dhaliyay dedaalka iyo ifafaalaha ka soo muuqda wadankeena inuu u baahan yahay dhiirigelin dhinac walba leh, dhawaaq dheer oo umada la gaadhsiiyo lana rajo geliyo iyo in laga maarmo waxyaabaha ay dadka qaar aaminsan yihiin in aduunku dhib nagu hayo ama dheef noohayo, waxaa nagu dhacay waa waxaan inagu samaynay, waxaana kaga gudbi karnaa... 
Halkudheg:

Maanso: Ma saasaa nala gudboon?

Jan 28, 2010
Maansada curinteeda waxaa igu dhaliyey kadib markaan arkay xaalada soomaali ku jirto iyo sida foosha xun ee ay u dhaqmayso, kala dambayn la’aanta iyo maamul xumada ka jirta, iyo xurmo darada shacabku ku nool yahay. Masalada aduunyadu waa mareeg Marbay murugtaa maroortaa Misana mudataa midii roon Martida aad maqashee taqaan Af iyo carab baa is xiga Misana muran baa dhexmara Makiinadahay isu listaan Is... 
Halkudheg:

Gabay:Duco Waalid

Aug 9, 2009
Gabaygan oo la yidhaahdo duco waalid wuxuu wax ka tilmaamayaa Dhibaatooyinka ay dhaqamada shisheeyuhu leeyihiin.Dhaqamadaas oo guud ahaan saameeyey dad badan oo soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool oo qaarkood u arkeen ilbaxnimo iwm. Isla markaana dhaqankii iyo hidahoodii u arkaya wax dambeeya oo aan Nolosha cusub meel ku lahayn. Duco Waalid 1. Gabal dumey dariiqoo mugdiya... 
Halkudheg: , , ,
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...