Home » Qoraallada Halkudhegga "Lacag"

Hay’adda lacagta adduunka IMF oo ishortaagtay in la baxsado lacagtii dawladdii hore Soomaaliya u taalay bangiyada adduunka

Dec 26, 2012
..iyadoo IMF qorsheysanayso inay la wareegto hantidaas Soomaaliyeed. Dowladda KMG ee xilligeedu dhamaaday ee Shariif Sheekh Ahmed oo wakiilatay sanadka 2010 nin lagu magacaabo Cali Cabdi Camalow oo hore u ahaa guddoomiye Bangiga dhexe ee Soomaaliya loona xilsaaray arrinta dabagalka hantida qaran ee akoontisyada dibadaha sida ku cad qoraalka ku lifaaqan e-mailkaan ee ka soo baxay xafiiska Shariif Axmed,... 
Halkudheg: ,

Xukuumadda Waqooyi Suudaan oo Gebi ahaanba oo Joojisay Lacagihii Shilin Soomaaliga ay u Daabacaysey Dawladda Soomaaliya

Sep 5, 2012
Soomaaliya oo uu ku soo Xoogeysanayo in wax lagu kala Iibsado Lacagta Doolarka ah Xukuumadda Suudaanta Waqooyi ayaa si rasmi ah faraha uga qaadday Daabacaad ay ku samayneysey Lacagaha Shilinka Soomaaliga oo ay hore Heshiis ugu kala saxiixdeen labada Dal. Qunsulka Soomaalida ee Dalka Suudaan Ibraahim Guure Maxamed oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay in gebi ahaanba uu Heshiiskaasi Fashilmay isla... 
Halkudheg:

Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo Sheegay in ay la Socdaan Lacagaha la Sheegayo in la Lunsaday

Jun 6, 2012
  Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo ka tisan Mudanayaasha Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay Hadalkii dhawaan ka soo yeeray Banka Caalamka oo sheegayay in ay jiraan Lacago la Musuq Maasuqay. Xildhibaankan oo ka tirsan Xildhibaanada Xilkii Guddoomiyanimo ka qaaday Guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa arrintaa si qoddo dheer uga hadlay. Xildhibaan... 
Halkudheg:

In kabadan $130 Million oo doolar oo DFKMG aysan sheegin meesha ay martay

Jun 2, 2012
Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka (World Bank) ayaa sheegtay in Dawladda FKMG ee Soomaaliya aysan meel ku sheegin dakhligii iyo mucaawnadii soo shalay muddo laba sano ah oo ah 2009 iyo 2010. Warbixinta oo toddobaadkan uu faafiyey Bangiga Adduunka ayaa sheegtay in DFKMG ay soo gashay lacag aad uga farabadan inta ay sheegtay. Warbixinta oo uu qoraa ka yahay Joakim Gundel ayaa sheegtay in kaddib... 
Halkudheg: ,

Sheikh Shariif oo Suudaan u tegey Daabacaadda Lacag Cusub

Aug 17, 2010
Hadda ayaan sii geleynaa wershedda lagu samaynayo lacagta cusub: Safiirka DFKMG u fadhiya Suudaan Mahdi Abuukar Maxamuud Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Axmed ayaa booqasho tegey magaalada Khartuum, Sudaan “booqashadaas ayaa la xiriirtaa sidii loo dhameys tiri lahaa heshiis ay Soomaaliya iyo Sudan wada galeen oo ku saabsan daabacaadda lacag cusub oo ay DFKMG ahi horey u weydiisatay dawladda... 
Halkudheg:

Lacag dhan 17.5 billion Sh.So. oo ah Deyn ay DFKMG ku lahaayeen Laba dumar ah ayaa lagu Dhacay Gaalkacyo…

Jul 7, 2010
Lacagtaas oo sida maamulka Puntland sheegay si sharci darro ah loo geeyey Galkacyo, laakiin markii dambe waxaa dhacay koox aan ilaa hadda gacanta lagu soo dhigin… Wareegto ku qornayd luqadda Ingriiska oo Arbacadii (July 7, 2010) ka soo baxday Dawlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in 23kii June 2010 ay diyaarsadi magaalda Gaalkacyo keentay lacag gaareysa 17.5 billion oo Shillinka... 
Halkudheg:

Soomaaliya waa iib (3) – Somalia for Sale

May 29, 2010
Hordhac: Sidaan ognahay boobka kajira Soomaaliya waxaa kamid ah: xukuumado lagu soo wada dhisay dibaddaha, ahna ku wada meel gaar. Qormadaan waxaan ku xusi doonaa goob jooge ahaan anoo ahaa, 460 maalmood maxaa u qabsoomay xukuumadda? sidee lagu soo doortay ama lagusoo xulay?, qaabkee u shaqeeyaan wasiirradu? Adigu akhristoow ma rabtaa inaad wasiir noqoto? Maxaa shuruud ah? Qoraalka oo dhamaystiran... 
Halkudheg: , ,

Somalia for Sale – Soomaaliya waa iib (2)

May 27, 2010
Qaybta 2aad oo ku saabsan Baarlamaanka DFKMG.. Hordhac: Sidaan ognahay waxaa kamid ah boobka ka jira Soomaaliya; boobka dawladnimada, oo ah xukuumado ku wada meel gaar ah oo isku cudur ah, oo aan daawo loo helin, meesha lagu gaarayo iyo cidda ku gaaraysana inta badan ayan qayaxnayn. Qoraalka oo dhamaystiran ka akhri HALKAN/RIIX Qaybta 2aad ee Somalia for Sale AKHRI HALKAN Qaybta 2aad: https://somalitalk.com/lacag/asadiiq2.html  Read More →
Halkudheg: ,

Ururka Xisbul Islaam oo Shacabka uga digay in ay qaataan lacago DFKMG dhawaan soo sameysatay

May 19, 2010
Xoogaga islaamiyiita Soomaaliya ayaa ka hor yimid in deegaanada ay ka taliyaan laga isticmaalo lacag  cusub oo ay dhawaan soo daabacatay dawlada kmgs islamarkaana  lakeenay gudaha caasimada soomaaliya ee muqdisho. Gudoomiyaha gobolka banaadir ee maamulka islaamiga ah xisbul islaam Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa ganacasatada soomaaliyeed uga digay... 
Halkudheg:

Somalia for Sale: Soomaaliya waa iib (Wasaarada Maaliyadda)

May 12, 2010
Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan... 
Halkudheg: ,

Dowlada Sheikh Shariif oo Lacag Cusub kusoo daabacanaysa $17 million oo dollar…

Apr 29, 2010
iyadoo Malaysia Lagaga Xanibay $14 million oo doolar oo aan la aqoon meesha ay ka timid … iyo Heshiis ay bilkasta ku bexeyso $50,000 doolar oo DFKMG la gashay shirkad si loogu soo daayo lacagahii  Soomaaliya laga xanibay… iyo ayadoo DFKMG ay sheegtay lacag la’aan darteed u xireyso qaar kamid ah safaaradaha Soomaalida Qoraalka oo Dhamaystiran oo ka kooban 21 bog, ka akhri Linkigan... 
Halkudheg:

Daabacaadda lacagaha cusub iyo saamaynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha Soomaaliya – Qaybtii 3aad

Feb 24, 2010
Saciid Cali Shire Qaybahii hore Halkan ka akhri  Labadii qormo ee hore waxaan wax ka iftiiminay xilliyada la daabaco lacag cusub iyo ujeeddooyinka loo daabaco. Waxaan sidoo kale ‘miisaan’ saarnay qaar ka mid ah xujooyinkii ay ku andacoodeen xubnaha ka tirsan xukuumadda dawladda ku meelgaarka ah (TFG) ee ku aaddanaa daabacaadda lacagta cusub. Waxaan iyana wax ka tilmaanay bur-burka dhaqaale, ee... 
Halkudheg: ,

Daabacaadda lacagaha cusub iyo saamaynta ay ku yeelan karaan dhaqaalaha Soomaaliya – Qaybtii 2aad

Feb 17, 2010
Qaybtii 1aad Halkan ka akhri Qore: Saciid Cali Shire Qoraalkii hore, waxaan wax ka tilmaannay xilliyada dawladuhu, sida qaalibka ah, daabacaan lacag cusub. Waxaan sheegnay in saddex xilliba la daabaco lacag cusub: marka waddan ka soo kabanayo bur-bur dhaqaale, sida sicir barar; marka waddan ka guurayo nidaam una guurayo nidaam kale; iyo marka wax laga beddelayo tayada warqadda lacagtu ku daabacan tahay.... 
Halkudheg: ,

Daabacaadda lacagaha cusub iyo saamaynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha Soomaaliya – Qaybta 1aad

Feb 17, 2010
In kastoo hadal haynta daabacaadda lacagta cusubi la soo bilaabmatay dawladda cusub ee ku meelgaarka ah (TFG), haddana ka dhabaynta arrintaasi waxay soo if baxday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay markii xubno ka mid ah xukuumaddu warbaahinta u xaqiijiyeen in hawshaasi meel fiican marayso. Marka laga reebo waraysiyo dhowr ah oo u badan qaylo dhaan, dhaliillo iyo difaac maahee ma jiraan daraasado cilmiyaysan... 
Halkudheg: ,

Wasiirka Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan iyo Danjire Colow Oo Malaysia Kula Kulmay Dr. Mahathir Mohamed.

Jan 29, 2010
Kuala Lumpur : Kulamadii Safiirka Soomaliya ee Jakarta Danjire Colow uu la yeeshay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Malaysia ka dib ayaa waxaa booqasho gaaban ku yimid dalka Malaysia Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyada Md. Shariif Xasan Sheekh Aden, wuxuuna 26-kii bishan kula kulmay Ra’isul Wasarihii 4-aad ee dalka Malaysia, ahna siyaasi iyo hogaamiye islaami loogana yaqaan... 
Halkudheg: , ,

Lacagta cusub ee TFG soo saarayso ma dalkaa loogu danaynayaa mise waa lagu danaysanayaa?

Jan 24, 2010
Aslamu caleykum waraxmatulaah wabarkaatu salaan ka dib waxaa baryahan isa soo tarayay lacag cusub oo dawlada federalka ah ee Soomaaliya ay soo saarayso taasoo ay la kaashatay dawlada sudan, lacagta ayaa lagu qiyaasay in ay u dhiganto lacag gaadhaysa ilaa iyo 5 billion oo dollorka maragenka ah. hadaba maqaalkini waxaa uu egayaa bal lacagtan cusub ee dawlada uu hogaamiyo sh.shariif ay soo saarayso ma... 
Halkudheg:

Qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamanka DFKMG oo ka soo horjeedsaday in Xilligaan lacago laga soo sameeyo dalka dibadiisa

Jan 17, 2010
Maalmihii la soo dhafay ayaa waxaa jirey loolan lacag sameyn ah oo uu ka waday dalka Suudaan wasiirka maaliyada dowlada FDKG Somalia Shariif Xasan Sheekh Adan oo la sheegay inuu heshis lacag sameyn ah la galay dowlada Suudaan . Inta aanan u galin xildhibaanada warkooda oo cad ayaa hadana waxaa jira arin kale oo dhabar jab weyn ku noqoneysa wasiirka doonistiisa in Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya... 
Halkudheg: ,
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...